Masar oo safaaradeeda Muqdisho dib u hawlgalisay

Dowladda Masar ayaa maanta oo talaaddo ah magaaladda Muqdisho ka furtey xarunta cusub ee safaaradeeda.

Furitaanka xarunta cusub ee safaaradda masar ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan ay diyaaradda EgyAir duulimaad toos ah ka bilowdey magaalooyinka Qaahira iyo Muqdisho.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo ah mid muddo dheer soo jiray ayaa xilliyadii dambe samaynayey horumar faa’iido u ah labada dalba.

Soomaaliya oo Hay’adda UNESCO u gudbisay meelo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee dalkeenna

Madxafka Qaranka waa goob ilaalisa taariikhda iyo sooyaalka ummadi ay leedahay. Madxafka Qaranka oo la aas-aasay 1987-dii ayaa ka mid ahaa hay’adihii uu saameeyay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay.

2020-kii, ayaa dib loo soo nooleeyay, waxaanna shaqadii ugu horeysay ee maamulka Madxafka qabteen ay ahayd in ay hay’adda cilmiga iyo dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO gudbiyaan goobo muhiim u ah taariikhda iyo dhaqanka.

Agaasimaha Madxafka Qaranka Aweys Geeddow Caamir ayaa sharxaya goobaha caanka ay ee dhawaan u gudbiyeen hay’adda UNESCO.

” Madxafka wuxuu isku dayay maaddaama isaga uu mas’uul ka yahay kala geddisnaanta xoolaha inuu diiwaangeliyo, waxaan sheegnay in labo meel oo ka mid ah Soomaaliya maanta ay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto,kan koowaad waxaa ka mid ah dhulka la yiraahdo Hobyo grass-land, ama dhulka cowska badan ama geedo gaabka ah ee ee Hobyo ku yaalo. sababta waxaa waaye qatar badan ayaa ku soo socoto, kuwana waxaa waaye xaalufinaa ku socoto, labo waxaa waaye bacaadkii Badda ayaa ku soo sikanaay, saddex waxaa ku soo sikanaayo geedka la yiraahdo Cali Garoobka isagana dhulkii geedaha beddelayo, sababta loo leeyahay Hobyana waxay tahay dhulkaas waxaa ku jira geedo Soomaaliya kaliya laga helo oo meelo kale laga helin, waxaa la qiyaasayaa kun geed in ay meesha ku jirto,laakiin labo boqol oo ka mid ah in ay u tahay gooni gobolka gobolkaas,”.

Soomaaliya waxay saxiixday heshiiska la yiraahdo CBD, ( Conservation for Bio-diversity), heshiiskan ayaa ku qotoma in ay Soomaaliya ilaashato wixii kheyraad ah ee ay kaga duwan tahay dalalka kale ama gaar u tahay iyo meelaha dadka ay jecel yihiin in ay u dalxiis tagaan.

Agaasime Aweys Geeddow Caamir, ayaa ku sheegay sababta ay goobahan gaarka ah ee taariikhda u leh Soomaaliya ugu gudbiyeen hay’adda UNESCO in ay tahay goobo ay ku jiraan geedo kala duwan, cayayaano fara badan iyo nooleyaal kale oo ka mid ah  xambaaratada, sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in ay jiraan deegaanno kale oo sidan oo kale, muhiim ugu ah taariikhda iyo dhaqanka dalka loona dalxiisi jiray, waxaana ka mid ah aaggaga Badhaadhe iyo Kulbiyow, halkaas oo ay caan ku ahayd Maroodiga iyo Geri iyo meesha kaliya ee noocyada kala duwan ee xayawaanada laga heli jiray, waxaanna la aas-aasay 1952.

Hay’adda Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO), ayaa ogolaatay goobahaas taariikhiga ee Madxafka Qaranka uu u gudbiyay, waxayna noqdeen meelaha adduunyada ugu wanaagsan ee la rabo in la badbaadiyo.

Wareegga 2-aad ee wadada hadalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo soo gabangaboobay

Ankara: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareegii 2-aad ee wadahalkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia oo gareadeen ay ka tahay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wareeggii 2-aad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan, Soomaaliyana ay caddeysey mowqifkeeda ku aadan dhowrista Qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamey lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Fiqi ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga sida mas’uuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helista xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Madasha todobaadka Soomaalida oo Qaahira lagu soo gabangabeeyey

Qaahira: Waxaa magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar lagu soo afmeeray kulanka toddobaadka Soomaaliya oo sannad kasta la qabto. Barnaamijka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo, aqoon-iswaydaarsi iyo hadal-jeedinno ku qotoma dhaqanka iyo hiddaheenna, ahmiyadda waxbarashada, habaynta, ababinta toosan ee ubudka qurbaha iyo qodobbo kale oo muhiim u ah xoojinta midnimada, isku-xirnaanta iyo horumarka qaybaha jaaliyadda.

     

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Ku simaha wasiirka gaashaandhigga ahna Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi oo uu wehliyay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kulliyadda Turksom tababar ugu soo xiray saraakiil xigeeno ka mid noqonayo Ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo tababar takhasus u aadaya dalka Turkiga, si ay u kordhiyaan aqoontooda ciidannimo.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay Saraakiisha dhameystayay wajiga koowaad tababarka Sarkaalnimo inay muujiyaan karti iyo adkeysi, si ay dalkooda iyo dadkooda u difaacaan.   

Toban khawaarij ah oo lagu dilay Galcad

Galcad- Howlgal jid-gal ah oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 Khawaarij ah, waxaana laga furtay hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale khawaarijta ka furtay Booyad ay biyaha ku dhaansan jireen, gaari Landcruiser dul bannaan ah iyo hubkii ay wateen khawaarijta, sida warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee degmada Galcad.

Horjooge ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Baladweyne- Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka xoogga dalka ee uu fadhigoodu yahay degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Baladweyne.

Aaden Raabbi ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay tacaddiyada iyo dhibaatooyinka gurracan ee ay shacabka ku hayaan khawaarijta, wuxuna xusay in ay ballamo hore ugu baxeen taasi beddelkeedana ay kula kaceen dayac iyo handedaad ka fog Iinsaannimada.

Guddoomiyaha degaanka Farlibaax Axmed Aaden Xasan ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku hayaan laba xubnood oo ajaaniib ah kana tirsanaa khawaarijta kadib howlgallo ay ka fuliyeen Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka nawaaxiga Farlibaax, wuxuuna xusay in ay u gudbin doonaan maamulka Hirshabeelle.

32 ka tirsanaa khawaarijta oo lagu laayay howlgal ka dhacay Jubbaland

Kismaayo- Ugu yaraan 32 ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay 3 kalena nolosha ayaa lagu qabtay kadib howlgallo ay ciidanka Danab ee xoogga dalka iyo Daraawiishta maamulka Jubbaland ay ka fuliyeen degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada hoose.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayay sidoo kale Ciidamada wada jira kaga furteen khawaarijta saanad ciidan, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, waxayna intaa ku dareen in ay ku raad joogaan firxadka khawaarijta.

Shiinaha oo cambaareeyay weerarada Israel ay ku heyso barakacayaasha Falastiin

Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa’iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian  ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareynayso fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah, isla markaana ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada.

Afhayeenku waxa uu ku baaqay in  Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza, ayna samayso wax kasta oo suurtagal ah si loo badbaadiyo dadka rayidka.

10-kii Agoosto  ayey aheyd markii  militariga Israa’iil ay weerareen dugsiga Al-Taba’een ee xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 ruux.

Cambaareynta Shiinaha ayaa imaaneysa xilli Israel ay dishay ugu yaraan 10 qof ,kadib kolkii ay weerareen guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Dhanka kale,Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshaha lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegayaa in ay ku dhowdahay 40.000,kadib dagaalkii soo biowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay.

Maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka oo ka wada tashanaya maqaamka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa loogu hadlay sidii Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen Horumarka Caasimadda iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka wada tashtay habka loo wajahayo Maqaamka Caasimadda.