Maamulka degmada Matabaan oo dhagax dhigay qaybta qaliimada ee Isbitaalka degmada

Matabaan: Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa dhagax dhigay qeybta qaliimada ee isbitaalka degmada, waxaana munaasabadda ka qeyb galay guddoomiyaha degmada Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa caafimaadka degmada Matabaan Aamina Daahir Cashuur
oo warbaahinta Qaranka la hadashay ayaa ka warbixisay muhiimadda ay leedahay dhismaha qeybtan, waxayna shacabka gobolka ugu baaqday inay ka qayb qaataan balaadhinta isbitaalka.

Dhismaha qeybta qaliimada ee lagu kordhin doono isbitaalka ayaa yimid ka dib codsi ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan gobolka oo baahi weyn u qabay adeegan, waxaana ay ka codsadeen xildhibaanada iyo siyaasiyiinta matala gobolka in ay gacan ka geystaan dhameystirka dhismaha.

Wasiir Maareeye oo kulan la qaatay Wasiirada Beeraha ee Dowlad Goboleedyada

Jowhar: Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) oo ay wehliyaan Wasiirrada dowlad gobaleedyada Wasaaradaha Beeraha oo safar shaqo u joogo Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Wasaradda Beeraha & Waraabka Hirshabeele.

Inta uu kulanka socday, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa soo bandhigtay howlaha la xariiro beeraha ay ka wadaan Hirshabelle sida Mashaariicda Horumarineed ee Beeraha.

Madaxdu waxey sidop kale la kulmeen Iskaashatoyinka Beeraha iyaga oo la wadaagay siyaasadda qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, siyaasadda qaran ee fidinta beeraha, howlaha horutabinta u leh Dowladda ee dhanka Beerha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaaga beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye oo Jowhar ka furay shir ku saabsan horumarinta beeraha

Jowhar: Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa guddoomiyey shir magaalada Jowhar uga furmay wasiirada Beeraha dowlad gobaleedyada dalka, kaas oo qayb ka ah socdaalka xoojinta tacbashada Beeraha iyo la qabsiga isbedelka cimilada 2024.

Sidoo kale wasiir Maareeye iyo wasiirada kale ee dowlad goboleedyada ayaa la kulmay iskaashatoyinka Beeralayda, iyagoo la wadaagay Siyaasadda Qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, Siyaasadda qaran ee Fidinta Beeraha, Howlaha Hortabinta u leh dowladda ee dhanka Beeraha iyo sida ay wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaagga beeraleyda Soomaaliyeed.

Dhinaca masuuliyiintaan ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim u ah Wax-soo saarka dalka iyo Beero ku yaal banaanka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

   

Guddiyada Dastuurka oo kulan la yeeshay lataliyaha amniga Qaranka

Guddiga madaxabannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka FS ayaa kulan la yeeshay  Lataliyaha Madaxweynaha ee aminga Qaranka mudane Xuseen Macalin,wuxuuna ka dhageystay aragtiyo ku saabsan Axkaamta la xiriirta amniga ee dib u eegista Dastuurka oo ka mid ah cutubyada ay ka shaqeynayaan guddiga madaxabannaan ee Dastuurka.

Guddoonka labada guddi waxay u mahadceliyeen lataliyaha iyo xafiiskiisa diyaarinta talooyinkan ku fadhiya cilmibaarisyo iyo heshiisyada siyaadeed ee la xiriirta dib-u-eegista Dastuurka.

    

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Maraykanka

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daua’uud Aweys ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dhinaca, gaar ahaan horumarinta xoriyadda saxaafadda.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa wqcyigelinta bulshada, ka hirtagga fikradaha xagjirka ah, iyadoo loo marayo awoodsiinta warbaahinta.

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga difaaca iyo Amniga

Qaahira, Ogoosto 14, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

     

Guddoomiyaha SoDMA oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku hanti beelay suuqa Jowhar

Jowhar- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo hay’adda OCHA ayaa kormeeray suuqa hantiwadaag ee magaalada Jowhar, halkaas oo uu dhowaan ka kacay deb baaxad leh.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa suuqa kula kulmay qaar kamid ah dadkii ku hanti beelay, isagoo booqday 500 oo goobo ganacsi ah.

Guddoomiyaha ayaa dowladda Federaalka, dadka Soomaaliyeed ee uu Alle hantida siiyay iyo hay’adaha gargaarka ugu baaqay in loo soo gurmado shacabkii ku xoolo beelay suuqa hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo qaabbilay Safiirka Soomaaliya u joogo dowladda Britain

Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ayaa si qota dheer uga wada hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda Britain ee dhanka Ciidanka Millateriga.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad-celiyay qorshaheeda dhanka horumarinta Ciidanka iyo garab istaagga dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna taliyuhu Safiirka ku amaanay sida ay uga go’an tahay in uu ka dhabeeyo howlaha shaqo ee uu Soomaaliya u joogo.

20 ruux oo saaka u dhintay duqeymo ay fuliyeen Israel

Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa saaka lagu dilay guud ahaan bartamaha iyo koonfurta Marinka Qaza,kadib markii ay duqeeyeen Nuseirat, Maghazi, Khan Younis iyo Rafah.

Weeraradaan ayaa yimid xilli Ergayga Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansuur uu u sheegay shirka degdega ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) in Israel aysan dan ka lahayn cambaareynta ku aaddan dilka ballaaran ee loo geystay dadka rayidka ah ee wajahaya masiibooyinka bini’aadanimo ee ka jira Gaza.

Ergayga ayaa xusay in weerarkii dhawaan lagu qaaday dugsiga magaalada Gaza uu ahaa mid xasuuq ah oo aan ku ekeyn go’doomin oo keliya marka loo eego soo noqnoqashada sii kordheysa ee duqeymaha lagu hayo dugsiyada Gaza.

Milatariga Israa’iil ayaa sii xoojiyay weerarada lagu qaadayo dugsiyada iyo goobaha kale ee gabbaadka ah,iyagoo qaadaya weeraro xooggan lagu beegsanayo dhismayaasha iyo xasuuq loo geysanayo dadka rayidka ah.

Dhanka kale,Maraykanku waxa uu ogolaaday in ka badan $20-bn oo ah hubka cusub ee laga iibinayo Israa’iil, inkasta oo lagu baaqay in la joojiyo gudbinta hubkaasi ,maadaama ay jirto dhimasho badan oo gaartay rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza.

Ugu yaraan 39929 qof ayaa la dilay, 92240 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo qaadanayso 3,000 oo macallin

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay in ay qaadaneyso 3,000 oo Macallimiin cusub ah, shaqadaas waxaa soo codsaday 26,570, oo kala ahaa (Rag 21,083, halka Gabdhuhu ay ahaayeen 5,487).

Waxaa imtixaanka qoraalka ah usoo gudbay  12,670 (Lab = 9546, dheddig = 3124).

Halkan ayaad ka hubin kartaa in aad soo gudubtay.

https://codsigamacallinimada.emis.gov.so/ugudbay…

Dhammaad.

Waxii Faahfaahin intaa dheer fadlan ka xiriir

Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

Email: [email protected]

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

Twitter.com/@moecheSomalia