‘Dhallinyarada ha lagu abaalmariyo waxqabadkooda’ (WARBIXIN)

wax walba waa maalinteeda Taariikhda Soomaaliya waa tii uu ku dhaco isbedalka la yaabka leh ee Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ka sameynayo gayiga Soomaaliya, waxaana ka mid ah Dalka oo la xoreeyo, Ciidanka oo goob walba ku dila kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaabka Arxanka daran, guulaha isdaba joogga ah ee dalku gaarayo iyo dhiirigalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, taasoo sabab u ah hoggaamintiisa wanaagsan ee Xukuumadda Dan Qaran ee uu gar wadeenka ka yahay, waxa uuna dhawaan tegay magaalada Kismaayo, iyadoo magaaladdaas oo go’doon aheyd ayuu jidka doorashadda saaray, waxaana shacabku ku rajo weyn yihiin in dalka uu gaarsiin doono xasilooni amni iyo mid doorasho dadweynuhu oo ay gacantooda kaga ciil baxaan. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Ra’iisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee masuul ku magacaabo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan xafiiskiisa ku qaabilay seddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.Dhallinyaradani ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda. “Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin, isagoo intaasi ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed. Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale dhallinyaro ka mid ah Macaawisleeyda Deegaanka Masagawaa ee Degmada Ceeldheer ee gobolka |Galguduud dhinaceeda Bari ayaa ku dhiiraday inay labadooda oo kaliya ah inay ka baxaan Fariisinkoodii, islamarkaana weerar gaadmo ah ku qaadaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyagoo ka gubay Booyad Biyood, kuna khaarijiyay Laba ka mid ah Maleeshiyaadka Khwaarijta ah, kana soo furtay laba Qori iyo Rasaastooda, waxayna si nabad ah ugu oo laabteen iyagoo bed qaba fariisinkii ay markii horeba ka baxeen.

Wiilashaasi waxaa magacyadooda la kala yiraa Ilyaas Abuukar Xiiseey iyo Saciid Maxamed Afeey, waana geesiyaal mudan in howshaasi lagu abaalmariyo, islamarkaana lagu dhiirigaliyo wax ay ku dhiiradeen, islamarkaana ay ku deydaan dhallinyarada kale ee ka tirsan Ciidamada Deegaanka ama Macaawisleeyda, waxaya howlgalka u gaarka ahaa ka sameeyeen inta u dhaxeysa Deegaannada Cali Heele iyo Baraag Shiikh Caamir.

”Marka adiga iyo saaxibkaa isku dhaarsatiin inaad qoryihiina garabka saarataan kadibna dhul ay shabaabku joogaan ka soo dhex qadeysaan, qoryo ka soo furataan, Saad iyo Booyadna ka soo gubtaan wax sahlan maaha ee waa geesinimo iyo go’aan adag iyo baraarug ay sameynayaan dhallinyaradeenii, waana u jab iyo halaag iyo cabsi ku soo siyaadday Argagixisadii, mar laga baqi jirey, maantase loo qaraab doonto, guul & gobanimo wiilasheena”, sidaasina waxaa yiri Cabbaas Nuur Shiikh oo ka mid ah Muwaadiniinta ka soo jeeday Deegaannadaasi.

“Waxaan booqasho ku gaaray. Degmada Qadiimiga ah ee  Ceeldheer, deegaanada ku hareereysan iyo Tuulooyinka ay gaartay neecowda dowladnimada. Waxaan booqday. anagoo Wafdi  ah dhammaan Fadhiisimada, Xerooyinka, Dhufeysyada hore, saangoobka macawisleyda iyo goobihii ugu dambeeyey ee ay ka dhaceen dagaaladii lagu wiiqay khawaarijta laguna halaagay ee Duleedka Waniinle, Haanta Cagadheere, Geerile Mesegowaa Cali yabaal, waarikoow iyo goobo kale”, sidaasi waxaa yiri:- Xil. Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey oo markaasi ku sugnaa Degmada Ceeldheer.

Xildhibaank u waxa uu intaasi sii raaciyay in Degmooyinkaasi iyo Deegaanadaasi oo xor ah muddo dheer aysan weli helin adeegyada Xasilinta, Gargaarka bini’aadanimo, adeegyadii bulshada, balse ay gacan ka helaan dadka maalqabeenka ah ee ka soo jeeda deegaanadaasi, “waxaase ammaan mudan Qurbojoogta ka soo jeedda Degaanadaasi”. Waxaan soo arkay geesiyaasha CXDS, Saraakiisha xaq u dirirka iyo Macawisleyda oo si dhab ah ugu diyaarsan baacsiga haraadiga Argagixisada, qaba kalsooni buuxda, u baahan garabka Allaah SW,  taageerada madaxda, shacabka Soomaaliyeed, iyo dadka deegaanada la xureynayo kasoo jeeda. Waxa ay ku wajahan yihiin bartilmaameedyo muhiim ah, waxa ay leeyihiin hadaf cad iyo waajibaad qaran, waxaa u muuqata guusha, waxa kaliya oo ay dalbanayaan waa duco, iyo in ay arkaan dadkooda oo aan cidina gumeysi, qarax, qax, xuriyad ka qaadid iyo cabsi gelin ku heynin, hantidooda aan la baneysaneynin, sharafkooda, cirdigooda iyo cibaadadoodana ay dhowrsoon tahay.

Ugu dambeyn; “Waxaan si gaar ah baaq ugu dirayaa bulshooyinka kasoo jeeda deegaanada la xureeyey iyo kuwa lagu wajahan yahay in ay muujiyaan taageero hiil iyo hooba leh, si gaar bulshada Galcad, Budbud, Gallibaax, Maxaad Xaaji, Ceelhareeri, Cowsweyne, Bido Ciise, Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo, deri, Jacar, Bargaan, Garablo, Xiindheere, Jowle, Dhalwo, Ceelgaras, Ceel Cali,  Xaaji iimaan, Cagocade, Baraag Shadoor, iyo deegaanada Galgaduud iyo mudug in ay si gaar ah isku xilqaamaan oo dhiig iyo dheefba huraan. Khawaarij la dagaalankeeda laguma raali gelinayo Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Dowladda iyo cid gaar ah waxaa lagu raali gelinayaa badbaadinta biri’mageydada ay khawaarijtu baneysteen dhiigooda” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa.

By. C/lahi Ruush

Maamulka Puntland oo xukun dil ah ku fuliyey 10 Khawaarij ah

Gaalkacayo:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacayo aroornimadii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay 10 dhagar qabe oo ka tirsan khawarijta kuwaas oo horey dilal uga geystay gudaha Magaalada Gaalkacayo.

Xubnahan Khawaarijta ah ee maanta Dilka lagu fuliyey ayey hore Ciidanka Amniga uga soo qab qabteen magaalada Gaalkacayo,kooxdan ayaa ahayd Shabakad isku xiran oo fulin jirtay dilalka Qarsoodiga ah.

Madaxweyanaha Galmudug oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Degmada Ballanballe

Ballanballe: Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowso Maxamed Cigaal ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Degmada Ballanballe.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Galmudug isku tashiga ay ku dhisteen Airport-kan, isagoo ballan qaaday in la dhameystiri doono waxyaabaha ka dhimman.

  

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Bakool

Xuddur: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Waqooyiga Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa u jeedkiisu ahaa baacsiga maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo jid gooyo ka sameystay wadada Xariirisa Qurac-joome iyo magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq iyo Taliyaha sahanka guutada dhamme Aadan Gaabow isaaq.

Muhiimad intee la’eg ayuu leeyahay iskaashiga amniga ee dowladaha Soomaaliya iyo Masar?

Admiral Faarax Qare oo wareysi siiyay Warbaainta Qaranka ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar isaga oo ku tilmaamay mid daliil u ah dadaalka joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku xoojinayo xiriirka labada dal.

Admiral Faarax ayaa ka dhawaajiyay in heshiiskan loo arko guul taariikhi ah, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu ahaa mid soo jireen ah, mar walbana uu ahaa mid ka dhow kan isku xira Soomaaliya iyo inta kale ee dalalka Carabta.

Wuxuu intaas ku daray in Masar ay kaalin muuqata ka qaadatay taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in ay Soomaaliya ka caawisay dhanka hubka dagaalkii 1977kii.

“Difaaca Masar ee Soomaaliya waa mid muhiim u ah danaha Qaranka Masar, sababtoo ah Bab al-Mandab waa marin laga galo kanaalka Suweys oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Masar”.

Admiral Faarax Qare ayaa carabka ku adkeeyay in heshiiskan uu door ka qaadanayo sidii loo gaari lahaa danaha guud ee labada dal, isla markaana loo arko in uu gundhig u yahay kor u qaadista xasiloonida joogtada ah ee gobolka.

Wasiirada Tamarta Dalalka Geeska Afrika oo uganda uga qeybgalay shirkii 19 aad

Wasiirada Wasaaradaha Tamarta ee dalalka geeska Afrika ayaa shirkoodii 19-aad waxaa uu uga furmay Magaalada Kambaala ee dalka Yuganda.

Wasiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Maxamed C/Laahi Faarax ayaa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirkaasi oo ahmiyad gaar ah u leh dalka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in mudada uu socdo shirkaasi looga hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa horumarka tamarta iyo sameynta hey’ad maamusha suuqa korntada ee wadamada Geeska Afrika.

Shirkaasi waxaa goobjoog ka ahaa sii hayaha Safaaradda  Soomaaliya ee Dalka Yugaandha C/Ladiif Maxamuud Cali .

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1.– Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kaga qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortey.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar oo heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha kaga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga saarayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay saddex dhalinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika.

-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah oo hoostagta Hay’adda SODMA.

-Wadahadaladii Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka socday magaalada Ankara ee garwadeenka ay ka tahay Dowladda Turkiga ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana lagu balamey wareeg 3aad oo dhici doona bishii September.

-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho oo dhawaan la baneeyay.

-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wadahadley taageerada horumarka dhinaca warbaahinta ee Soomaaliya.

-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa kulliyadda Turksom tababar ugu soo xiray saraakiil xigeeno ka mid noqonayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo tababar takhasus u aadaya dalka Turkiga.

-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa  kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee Xeebta Liido.

-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa deeq lacageed ku wareejiyay Guddiga Gurmadka  Qaranka  ee shacabkii  ku dhaawacmay qaraxii Liido ee magaalada Muqdisho .

-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa   soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah, kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh, ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, iyagoo ka wadahadley arrimah amniga iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay natiijada tartanka 3,000 oo macallimiin cusub ah oo ka hawalgeli doona dugsiyada dalka.

-Dowladda Masar ayaa magaaladda Muqdisho si rasmi ah dib uga furtey xarunta cusub ee safaaraddeed.

-Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa in ka badan 30 Khawaarij ah ku dilay hawlgalo ka dhacay degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada Hoose.

-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray  taliska cusub ee loo diyaarinayo Ciidanka Dhulka oo laga hirgelinayo Degmada Hodan.

-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ku dilay ku dhowaad 10 Khawaarij ah, isla markaana cadowga ka furtay hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.

-Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taalla magaalada Lyon ee Dalka France.

-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaaddo oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay madaxa UNDP ee Somaaliya Mr. Lionel Laurens.

-Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ee degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Beled Weyne.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta oo kor u dhaaftay 40,000

Dilalka Israel ay ka waddo Gaza ayaa weli sii socda,iyadoo  weerar lagu qaaday guri ku yaal xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza lagu dilay dhowr qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaa kaloo jira dhaawacyo badan oo ay geysteen ciidanka Israel,sida ay sheegtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Gaza.

Nin falastiiniyiin ah ayaa la dilay ilaa tobaneeyana waxaa lagu dhaawacay weerar ay fuliyeen dad hubaysan oo Israa’iiliyiin ah oo weerar ku qaaday bulshooyinka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo sidoo kale gubay baabuur iyo hanti kale.

Dhinaca kale,Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majed al-Ansari ayaa sheegay in Jimcaha dib loo bilaabi doono wada-hadallada Israel iyo Xamaas si loo joojiyo dagaalka Gaza .

Dhexdhexaadiyayaasha xabad joojinta Gaza ee Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay shalay si loo sii ambaqaado xalka dhinacyadaasi iyo in la helo nabad waarta.

Tirada dhimashada Falastiin ayasas gaartay 40,005 qof iyo dhaawaca 92,401,kadib dagaalkii bilowday 7 dii Oktoobar.

Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa codsaday in Wasaaradda caafimaadka DFS,dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaalida ee ku dhaqan dibadda ay ka qeybqaataan dhismaha cisbitaal weyn oo loo qorsheeyay in laga dhiso gobolka Gedo.

Masuuliyiintaan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Duniyo Sheekh Axmed,Anfac Xashi Goodir oo kamid ah golaha deegaamka Magaalada Oslo ee Norway iyo maamulka Degmada Dooloow ayaa booqday goobta loo qorsheeyay in laga hirgaliyo cisbitaalkaasi .

Booqashada goobta cisbitaalka oo ay sidoo kale xaadireen oday dhaqameedyo iyo waxgaead kale waxa ay si gaar ah uga dalbadeen Dowladda FS iyo Jubballand inay qeyb libaax ku yeeshaan  dhismaha cisbitaal oo wax badan u qaban doona dadka deegaanka Gedo.

Dhaqaatiirta waaweyn ee magaca ku leh bulshada dhexdeeda ayaa sidoo kale laga codsaday in ay gacan ku yeeshaan taabagalinta cisbitaalkaasi oo ku fadhiya dhul gaaraya 1050 mitir.

Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle oo maanta laga furmay magaalada Jowhar

Jowhar: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta furay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle oo ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaarradaha.

Inta lagu guda jiray shirka ayaa waxaa xilka loo dhaariyay Wasiirrada kala ah Gaadiidka iyo Ganacsiga oo uu horay u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Sidoo kale safarka Madaxweynaha waxa ka qabsoomay iyo mashaariicda dhammeystirka u baahan ayaa looga hadlay shirka.

“Yoolkeenna waa in laga miro-dhaliyo wax walba oo horumar ah waa sababta maanta aan isugu imaanay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle.”

Shirka Hagista Xukuumadda ee Dowladda Hirshabeelle ayaa socon doonno muddo 3-Maalin ah.