Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta Degmada Buur-Hakaba ayaa howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay Deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km ujira Degmada Buur-Hakaba Ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminaya howlgalkaasi ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Howgalka ayaa wali socdo, si khawaarijta looga ciribtiro deegaankaas oo ah wado muhiim u ah isticmaalka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolada Koonfurta

Natiijada Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay

Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta shaaciyay Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.

Waxaa gudbay oo natiijo wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyay kulan xalay Ra”iisul Wasaaraha uu la qaatay ganacsatada

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Iimaan Biixi Cige oo ka warbixiyey kulankii uu caawa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre la yeeshay ganacsatada, ayaa sheegay in lagu heshiiyay tabashooyinkii ay soo jeediyeen ganacsatadu in dowladdu ay si deg deg ah u xaliso, iyaguna ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta iibka ee saaran.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in la isku afgartay in cabashadii ay ganacsatadu qabtay ay dowladdu xaliso,ayna kasoo saari doonto go’aanno arintaa lagu xalinayo ganacsatadana looga qaaday culeysyada ay ka cawdeen.

Sidoo kale wasiirka waxa uu tilmaamay in dhammaan waxyaabaha la xariira Maaliyadda la marin doonno hannaanka maaliyadda ee dowladda,canshuurta gadista ayuu wasiirku sheegay in la isku afgartay in dowladda sidii ay u mudeeyasay loo qaado oo aysan waxba iska badalin.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ugu dambeyn ganacsatada ugu baaqay in la shaqeyaan dowladda,bixiyaana canshuurta wixii culeys ahna dowladada ay diyaar u tahay in la xaliyo.

Xukuumadda iyo Ganacsatada oo isla qaatay bixinta canshuurta Iibka

Ra’iisul Wasaaraha Xukyumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.

Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay cabashada Bajaajlayaasha

Madaxweynaha dowladda FS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay arrimaha dalka ka taagan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Khawaarijta, hirgelinta nidaamka canshuuraha iyo cabashada ay qabaan qaar ka mid ah dhallinyarada Bajaajlayaashu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay dhagaysatay cabashada ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka cabanaya canshuuraha iyo lacago ay sheegeen in lagu siyaadiyey.

“Cabashada bajaajlayaasha wax badan oo ka mid ah waa la xaliyey, raali kama nihin wax iyaga dhibaya, dowladda FS iyo anoo madaxwynaha ahba ogolaan mayno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay xaq u leeyihiin cabasho muujinta, balse loo baahanyahay inay maraan hanaan nabdoon, si aan loogu soo dhex dhuuman.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaloya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay cabashada shacabka ee arrimaha Canshuuraha, difaaca madax-bannaanida dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hadal jeedintiisa diiradda ku saaray xaaladda dalka, duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna ayaa ku dheeraaday arrimaha canshuuraha oo cabasho laga qabay, asaga oo yiri “Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo”.

Mudane Xasan Sheekh oo sidoo kale ka hadlay cabashadda dhallinyaradda wadayaasha ka ah gaadiidka bajaajta oo maalmahaan ka cabanayey lacago lagu kordhiyay ayaa sheegay in warbixinaddaas hey’addii ay quseysay oo dhan ay ka howlgaleen oo haatan la hagaajiyay, waxii dhimmana la dhameystirayo “Raali kama ahan Dowladda Federalka Soomaaliya wax dhib galinaya dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka ayaa sheegay arrinta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo  Itoobiya ee maanta taagan inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday. “Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka dhanka ah kooxda cadowga ah ee khawaarijta ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan haddii la sheegay in dagaalkii istaagay.

“Dagaalku maanta ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecadihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbedalay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socdaa, intii horenna waa ka sii xoog badan yahay taasna waxaa cadeyn u ah horray dagaal kagama socon Koonfur Galbeed iyo Jubbaland laakiin hadda wuu ka socdaa” ayuu yiri mudane Xasan Sheekh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo daah furay koorsooyin luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda, ayna ka faaidaysan doonaan 70 shaqaale oo ka kala tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la soo saaro jiil diblomaasiyiin ah oo aqoon leh, kuna hadli karaan afaf kala duwan, kuwaasi oo xoojin doona matalaadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka si looga guul keeno danaha sare ee qaranka. Wasiirka waxa uu caddeeyay kaalinta Machadka ee soo saaridda daraasado, cilmi-baarisyo iyo marti-gelinta dooddo siyaasadeed iyo amni.

Wasiirku waxa uu soo bandhigay qorshayaal lagu ballaarinayo barnaamijyada tababbarada diblomaasiyadeed ee gudaha dalka lagu qabanayo, iyadoo sidoo kale uu jiri doono qorshe tababbaro diblomaasiyadeed loogu diri doono dalalka aan walaalaha, saaxiibada iyo isbahaysiga aan nahay, ujeedkeeduna uu yahay kor u qaadidda xirfadda iyo khibradda bahda diblomaasiyadda Soomaaliyeed.

Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, ayaa shaaca ka qaaday in Machadku dib u bilaabi doono koorsooyinkii diblomaasiyadeed si gaar ah koorsada lagu qaadanayo shahaadada diblooma sare oo muddo sanad ah, lana filayo in si rasmi ah loo furo bisha September.

                   

kulanka golaha shacabka oo looga dooday Hindise sharciyeedka badbaadada dhir beereedka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow

Guntanka ama kooramka kulanka xildhibaanadda oo ku furmay 143-xildhibaan ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka, iyo akhrinta labaad e Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir beereedka, waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Golaha u akhriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyadan.

intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo ka dooday qodobada hindise sharciyeedyadan ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay, waxaana ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka joogay kana jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanadda weydiinayeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda hindise sharciyeedyadan dib loogu celiyay guddiga ay khuseyso, iyaga oo kusoo daraya aragtiyada iyo doodaha xildhibaanadda dibna Golaha ugu soo celin doona si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

                                          

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

-Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaal, Agaasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Cabdiweli Timacadde oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in muhiimadda shirkaan uu yahay horumarinta nidaamka Aqoonsiga qaranka, isaga oo bogaadiyay dadaalada hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya nidaamka aqoonsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

Wasiirka Caddaallada iyo Dastuurka XFS oo Shir uga qayb gelaya Maraykanka

Ohio:-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuummada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeyb galaya shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo dhameystirka Dastuurka, ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Ohio ee dalka Mareykanka.

Kulanka oo laba maalin soconaya, ayna soo agaasintay hey’adda cilmi baarista siyaasadeed ee Bulsho Trust ayaa looga hadlayaa arrimaha ku xeyn-daaban Dastuurka dalka, dowlad wanaagga, xasiloonida iyo horumarka guud.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeyb galayaasha la wadaagaya xaaladda uu marayo geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka oo si wanaagan loo dardargeliyay intii ay jirtay xukuumadda Dan-qaran.