Wasiiru dowlaha Ganacsiga XFS oo ka qeyb-galaya shirweynaha Ganacsiga Afrika

Wasiiru dowlahaWasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Sharif Hussein,ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada New Delhi,halkaa uu kaga qeyb gali doono shirweynaha Ganacsiga Afrika iyo Hindiya oo maalinta barri ah ka furmaya dalkaas

Siihayaha Safaaradda ahna Safiir Kuxigeenka Safaaradda Hindiya Abdifatah Abdullahi Nuur iyo xubnaha Safaaradda ayaa wasiirka iyo wafduga la socdo soo dhaweeyay.

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Ismaaciil Jimcaale Fiidow oo katirsan khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Ismaaciil oo Khawaarijta ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu u adkeysan waayay ku jirka hoodka keymaha ah, halkaas oo uu sheegay inay ku yihiin  go’doon.

“Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeen karo ma ahan, rafaad, oon iyo cabsida Xoggan Ciidanka Xogga ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa wali aanan quusan inay meesha ka soo baxaan” ayuu yiri Horjooge Ismaaciil.

Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid ayaa isna isku soo dhiibay ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 86-aad Guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa Kadib xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo uga  hortagay deegaanka Xuseen Cagey,waxa uuna khawaarijta kaga biiray Degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

.Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada ay ku qaadayaan keymaha Khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso, taasoo keentay inay isa-soodhiibaan xubna badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katitsanaa khawaarijta.

Ciidanka xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay degaanno hoostaga degmada Luuq ee Gobolka Gado

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,  iyo kuwa  Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay waddada xiriirisa degmooyinka Luuq iyo Doloow ee Gobolka Gedo,halkaa oo khawaarijtu mudooyinkii dambe ay ku dhibateynayeen dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa la wareegey fariisimo ay khawaarijtu ku lahayeen degaanada Shataaloow,  Aboow iyo laaqeey, iyadoo halkaasi khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan Cabdi oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay degaano badan kala wareegeen Khawaarijta,hadana ay gacanta ciidanka dowladda ay ku jiraan.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haaya Ciidamada xoogag dalka Soomaaliyeed,waxana qorshuhu yahay in goobaha kale ee khwaarijtu ku sugantahy laga xoreeyo,si bulshada u helaan nabad iyo xasilooni.

Taliska Ciidanka Xoogga ay qaadanayo Layli Sarakiil Cusub oo dalka dibadiisan wax lagu soo bari doono

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu qaadanayaa Layli-sargaal cusub oo dalka dibadiisa wax lagu soo baridoono hadaba dhalinyaradda jecel inay kamid noqdaan waxaa laga doonayaa shuruudaha soo socdo.

1-inuu yahay Soomaali
2-inuu maskax ahaan iyo jir ahaan caafimaad qabo
3-waa inuu haystaa Shahaadada dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
4-shahaadadiisu waa inay ahaataa sanad dugsiyeedka 2022 -2023
5-waa in aysan ka hooseynin celceliska natiijada imtixaanka shahaada B iyo Wixii ka sareeya
6-soo codsadaha da,diisu waa inay u dhexeeysaa 18-sano jir ilaa 22 sano jir

Hadaba cidii daneeyneeyso inay ka faaiideysato fursadaan uu soo bandhigay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in Email-kan [email protected] ku soo dirsado warqad codsi ah shahadada dugsiga sare iyo Telefoonka lagala xiriiri karo wixii faah faahin dheerad kala xiriir Tilifoonkan +252615572850

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shaaciyay in la xaliyay caqabadihii ay soo jeediyeen ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudan Biixi Imaan Cigge ayaa shaaciyay in la xiliyay dhammaan caqabadihiii ay soo jeediyeen Ganacsatada Soomaaliyeed, kadib shir muhiim ah oo saacado qaatay oo ay Dekadda Muqdisho ku yeesheen maanta Taliska Booliska Soomaaliyeed, kan Nabadsugidda Qaranka, maamulka Dekadda iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka maaliyaadda Biixi Imaan ayaa sheegay in iyada oo la fulinaayo ballaantii ahayd in la xaliyo tabashooyinka ay qabaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho in mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliyaha NISSA iyo mas’uuliyiin kale inay kormeer ku tageen Dekadda Muqdisho si ay ugu kuur galaan habsami u socodka  shaqada xoogga ee ka socota Dekada Muqdisho.

“Culeysyaddii ay ka cawdeen ee ay soo gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed sidii loo furdaamin lahaa ayaa qeybtii koowaad maanta tahay in la dhaqangaliyo oo la suuliyo oo aan halkaan (Dekadda) u nimid”

Mudane Biixi Imaan ayaa sidoo kale sheegay in gambi ahaanba la joojiyay lacagihii laga qaadi jiray ganacsatada Soomaaliyeed ee isticmaala Gaadiiidka ay rabaan inay magaalada kala baxaan Muqdisho ganacsigooda sida lacagihii looga qaadi jiray Ex-kontoraal Afgooye iyo tan Ex-kontarool Balcad oo iyaga lacago looga qaadi jiray.

“Dowladdu wax lacag ah oo ay ka qaadi doonto ma jirto kontarooladaas oo ganacsatada doonaya inay ganacsigooda kala baxaan Muqdisho waa laga joojiyay lacagihii laga qaadi jiray” ayuu yiri Mudane Biixi Iimaan wasiirka maaliyadda ee XFS.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa maanta guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay xaruunta Jaamacadda ee Km4 ee magaalada Muqdisho. Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta Jaamacadda iyo kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in shirarkan uu daaran yahay dardar gelinta qorshayaasha horumarineed ee Jaamacadda iyo casriyaynta adeegyada waxbarasho.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkii Jaamacadda tan iyo dib u howlgelinteedii 2014. Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cismaan Gacal ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay heerarka kala duwan ee ay soo martay Jaamacadda, waxyaabaha ay qabatay, iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota, waxaana goobta lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaya heerarka kala duwan ay soomartay Jaamacadda.

Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda, Mudane Faarah Shiikh Cabdulqadir, ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga ee ka soo qayb galay kulanka, isaga oo tilmaamay inay muhiim tahay inay wada shaqeeyaan hay`adaha dowladda iyo Jaamacadda Ummadda, sidoo kale la joogtayn doono kulamadda gudiga sare ee Jaamacadda.

        

Go’aanno culus oo laga soo saaray lacagaha laga qaado Bajaajleyda Muqdisho

Iyada oo laga jawaabyo cabasho ka timid wadayaasha mootada bajaajta ayaa waxaa kulan deg deg ah oo ay yeesheen madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda, Maamulka gobolka Banaadir, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Amniga iyo Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray go’aanno ku saabsan wax ka qabashadda cabashadda ay muujiyeen bajaajleyda Gobolka Banaadir,

Afhyeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta ayaa warbaahinta la wadaagay go’aannada ka soo baxay kulankaan deg deg ah ay isugu yimaadeen madaxda hey’addaha ay quseyso cabashadda ay muujiyeen wadayaashada gaadiidta Bajaajta. Waxaana kamid ah go’aannadaas:

  1. Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5, halka markii hore cel celis uu ahaa $200.
  2. Haddii uu leysinka kaa dhaco waxaa laga dhigay 32 doolar oo kaliya, haddii uu kaa lumana 20 dollar.
  3. Mudada dhicista Leysinka oo markii hore aheyd saddex sano, hadda waxaa laga dhigay 5 Sano.
  4. Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd 50$, hadda waa 5$.
  5. Warqadda Caafimaadka oo markii hore aheyd 25 ilaa 30$, hadda waa 15$.
  6. Warqadda dhalashada iyo Sugnaanta waa 10$.
  7. Halka waraaqada dambi la’aantana alaga dhigay 10$.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dareewalada Mooto Bajaaj-ka ayaa ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo nidaamka iyo Habraacyada cusub.

“Waxaan dib u eegis ku sameynay leysinka Bajaajta wax badan ayaa fududeynay.” Ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa sheegtay in lacagihii ay cabashadda ka keeneen Bajaajleyda in la koobay, “Waxaan gabi ahaan soo koobnay qarashka uu leysinka ku qaadan karo darawalka mooto Bajaajta.”

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la dardaarmay 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi , ayaa maanta oo Axad ah kula dardaarmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud kadib markii Golaha Wasiirradu isku raaceen magacaabiddooda 6 bishan August.

Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi waxa uu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay howlaha ay u xilsaaranyihiin, isaga oo sheegay in ay u howlgalaan sare yeelidda danaha qaran ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga, iyadoo laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka.

Wasiirku waxa uu u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirrigeliyay in howlaha ay u qabtaan si wadannimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo awooddooda in ay ku matalaan Soomaaliya si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qaadidda sumcadda dalka  

Maanta waxaa dalka ka hirgalay qaadista Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT)

Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ah u turis ay Dawladdu u turayso Shacabka Soomaaliyeed oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo xalay is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaas oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso.

Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxeyna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadwaynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka.

Waa talaabo kale oo Dawladdu u qaadday xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dawladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan: Dowladdan ajandaheeda koowaad waa in dalka laga xoreeyo khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan haddii la sheegay in dagaalkii istaagay.

“Dagaalku maanta ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecadihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbedalay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socdaa, intii horenna waa ka sii xoog badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in hadda xoogga dalka ay wadaan dagaallo ka dhan ah Khawaarijta, meelaha ay dagaalada ka socdaan waxaa kamid ah dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan dagaalka wajiga koowaad qeyb ka aheyn.

“Labo sano Jubbaland dagaal kama dhaceyn wuu ka socdaa, Koonfur-Galbeed kama dhaceyn waad ogtihiin wuu ka socdaa, dowladdan ajandaha koowaad ay leedahay waa dalka in laga xoreeyo khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadlay duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.