Guddiga gurmadka Qaran ee qaraxii Liido oo ka hadlay howlaha hortebinta u leh

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka Qaran ee qaraxi Liido, Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku shir guddoomiyay kulanka guddiga gurmad Qaran.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda dhaawacyada weli Isbitaalada ku jira.

Guddiga ayaa isku raacay in min 2,000 oo dollar la siiyo qoysaska ehelladooda ku waayay weerarkii Xeebta Liida, kuwaas oo haatan inta la xaqiijiyay gaaraysa dhimashadooda 41 ruux balse inta la hubiyay ee lacagta la siinayo ayaa ah 31 qof ehelladooda kuwaas oo maray habraacyada hay’adda.

Wasiirka amniga oo la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka amniga gudaha dowladda FS mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. Kulankan ayaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Caddeynta digniinaha iyo wargelinta Qaramada Midoobay la sheego in ay ka soo saarto amniga dalka, isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo halista xeebaha, Ammaanka Muqdisho kaddib marxaladda kala guurka ee ATMIS, kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga dalka, kuwaas oo muwaadiniinta looga digayo khataro amni in ay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed farriimaha noocaan ah ee lagu marin habaabinayo bulshada, laguna khal khal gelinayo amniga. Waxa uu carabka ku adkeeyay in amniga dalka uu yahay mid xasaasi ah loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay si taxaddar leh uga shaqeeyaan.

    

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo guddoomiyay shir ku saabsan xasillinta deegaannada Hirshabelle

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shir ku saabsan xasillinta deegaannada Hirshabelle oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkan oo ku saabsanaa sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaannada Hirshabelle, ayaa lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee iska dulqaaday culeyska cadowga Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa dhankiisa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

Wasiirka Maaliyadda XFS “Canshuur bixintu waxay kaalin ka qaadataa iskaashiga ganacsatada iyo dowladda”

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iiman Cige ayaa sheegay in canshuur bixintu ay kaalin ka qaadato iskaashiga ganacsatada iyo dowladda si loo gaaro horumar guud.”

Wasiirka Maaliyadda XFS “Canshuur bixintu waxay kaalin ka qaadataa iskaashiga ganacsatada iyo dowladda si loo gaaro horumar guud.”.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka hadlayay Madasha Magan Forum, taas oo lagu sahminayo iskaashi maalgashi dhexmara hay’daha dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa intaa ku daray in lasoo dhameystiray, isla markaana ay golaha Xukumaddu meel-mariyeen sharciga Iskaashiga dhaqaalaha hay’adaha dowaldda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (PPP).

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladdu qorsheeyneyso horumarinta adeegga Dadweynaha, isagoo si gaar ah u tilmaamay in ay Dowladdu dhawaan maalgalin doonto Adeegga Korontada Maagaalada Muqdisho oo uu sheegay in loo qorsheeyay in ka badan Boqol Milyan oo Dollar, si hoos loogu dhimo qiimaha Shacabku ku bixiyaan Korontada sidoo kale Maalgalinta adeegga Isgaarsiinta oo uu sheegay in loo qorsheynayo ku dhawaad Konton Milyan oo Dollar.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxa Midowga Yurub u qaabbilsan arrimaha Bani’aadannimada

-Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda kula kulmay Madaxa Midowga Yurub u qaabbilsan arrimaha Bani’aadannimada ee Xafiiska Soomaaliya EU ECHO Md. Javier Rio Navarro.

Kkulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Bani’aadannimo ee dalka, howlaha hortabinta leh ee ku aaddan ka hortagga xaaladaha ka dhalan kara is-beddellada cimillada iyo sare u qaadista kartida hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ee heer maamul gobaleed iyo heer Federaal.

Shirweyne lagu dersayo maalgashi dhex mara dowladda iyo ganacsatada oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madal lagu magacaabo Magan Forum, taas oo lagu sahminayo iskaashi maalgashi dhexmara dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxaa martigelinaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsatada iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha iskaashiga iyo maalgashiga.

Kulanka ayaa lagu lafaguri doonaa fursadaha iyo caqabadaha ku gedaaman iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, iyadoo lagu gorfeynayo istiraatiijiyadaha lagu gaari karo horumar waara oo ka hana qaada Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo xarigga ka jaray xarumo cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) oo uu wehliyay Wasiirka Dekadaha XFS mudane, C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa maanta xarigga ka jaray xarumo cusub oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ka hirgelisay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Xarumahan oo kala ah Sheybaarka dhexe ee Xoolaha, qeybta shahaado bixinta, xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo inta aan laga dhoofin Dekadda ayaa waxaa maalgeliyay Bangiga horumarinta Afrika, waxana fulisay hey’adda Save the Children.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku bogaadiyay hirgelinta xarumahan muhiimka ah, wuxuuna rajo ka muujiyay in goor dhow Dekadda Muqdisho laga billaabo dhoofinta xoolaha nool ee Dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa  sheegay in xarumaha la dhisay ay wax badan ka tari doonaan horumarinta dhoofka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Wasiirka Difaaca XFS ”Dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay kuwa kalena la abaal marin doono dhowaan.

Wasiirka Difaaca XFS ”Dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa”

Wasiir Jaamac oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirri gelinayo Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho, kuwaas oo qaarkood lagu dallacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka lagula jiro khawaarijta, iyagoo kuwa harayna lagu wado in la dallacsiiyo sida uu Wasiirku xusay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaadhay dhammaan Saraakiisha kale ee howlgallada ka wado  geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan khawaarijta curyaamisay horumarka dalka iyo dadka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ay sii wadi doonaan abaalmarinta Saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Taliyihii hore ee Ciidanka XDS S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka Qaranka ee saaran,  wuxuuna tilmaamay in Qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Bani’aadannimada Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Hay’adda maareeynta masiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qayb-galay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Bani’aadannimada Adduunka oo la xuso sanad walba 19-ka Agoosto maanta oo kale, munaasabada ayaa lagu muujiyaa laguna sharfaa dadaalka iyo naf-hurnimada samafalayaasha.

Guddoomiya hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa xusay muhiimadda ay maalintaan u leedahay adduunka, dalka iyo Hay’adda SoDMA, isagoo tilmaamay sida ay muhiim u tahay xusuusta shaqaalaha samafalka ee ku waxyeelloobay caawinta dadka kale.

Xuskan ayaa waxaa ka soo qayb-galay hay’addaha kala duwan ee ka shaqeeya Arrimaha Bini’aadantinimada dalka, daladda NGO-da Soomaaliyeed (Somali NGO Consortium) ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya.

   

Wasiir Biixi “Ganacsatadu canshuur ma diidana weyna bixiyaan”

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo maanta ka hor hadlay golaha shacabka Jamhuuriyadda FS ayaa sheegay in cabashada ganacsatada Muqdisho aysan ahayn canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, balse ay culeysyo ka muujiyeen lacago kale oo laga qaado.

Wasiirka ayaa xusay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, taasna aanu ka jirin wax caqabad ah, balse dowladdu ay hadda ku hawlantahay in ganacsatada laga dul qaado culaysyada kale ee aan qaban.

Biixi ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah caqabadaha ay ka cawdeen ganacsatada la xaliyey, uuna la fariistay guddi ka socda, haatana la doonayo ilaa heer xukuumadeed in cabashadooda la gaarsiiyo, si go’aan mug iyo miisaan leh oo xal rasmi ah keeni kara looga soo saaro