Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha’  Mudane Cabdisalaam Shariif Xusseen, ayaa ka qayb galay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya (Indian African conclave 19th CII)  oo ka socdo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya.

Shirka oo sanadle ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda inta badan dalalka Qaaradda Africa,  waxanay madaxda halkaasi ka hadashay sheegeen in kobaca ganacsi iyo dhaqaalaha Qaarada Africa uu dardar xooggan ku socdo.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya, Jagdeep Dhankar ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Africa maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay weli diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Africa wax soo saarkooda kor loo qaado.

Africa iyo Hindiya ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada dhaqaalaha,  ganacsiga  iyo maalgashiga ah.

Taliyaha NISA oo gaaray goobtii lagu fashiliyay qaraxyadii khawaarijta

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan qaraxyadaas.

Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aaggaas.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daahfuray Mashruuca iskaashiga Caalamka ee waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Mashruuca iskaashiga Caalamka ee waxbarashada dalka.

Mashuurcan oo ay dowladda Soomaaliye ka taageerayaan saaxiibbada Caalamka ayaa ah mid kor loogu qaadayo hannaanka waxbarashada dalka, iyadoo is beddal lagu sameynayo waxbarashada dalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka waxbarashada, Wasiirka Maaliyadda, wakiillo ka socda beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barnaamijka GPE oo ah Barnaamij lagu taageero waxbarashada dalalka soo koraya oo dowladda Soomaaliya ay codsatay.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay Shirka lixaad ee iskaashiga China iyo Afrika ee dhinaca warbaahinta oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka China ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ahmiyadda iskaashiga Soomaaliya iyo China iyo Afrika iyo China.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahad celiyay dowladda China casuumaadda iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka ee shalay soo gaaray dalka China.

Wasiirka ayaa yiri “Warbaahinta waxa ay lagama maarmaan u tahay dhismaha nabadda, horumarinta dowlad wanaagga, la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo horumarka bulshada, casriyaynta iyo horumarka xowliga ah ee warbaahinta dunida waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan dowladaha, qabashada shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojiynta wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladaha Afrika iyo China, waana tusaale muujinaya ka go’naanta dowladda China ee hagaagjinta xiriirka Qaaradda Afrika”

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa dowladda China ku amaanay sida ay u taageereen madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya markii ay ku soo xad gudubtay  dowladda Itoobiya oo la saxiixatay heshiis sharci darra ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo China ee dhinaca warbaahinta iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

” Si gaar ah maadaama Soomaaliya oo soo koraysa, kuna jirto marxalad dib u xasilin dalkeeda iyo la dagaallanka argagaxisadda, ahmiyad gaar ah ayay innoo leedahay iskaashigan horumarinta warbaahinta”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys ayaa sidookale kulan doceedyo la qaatay madaxda heerka sare ee ka qeyb galay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China oo ay ka  mid tahay Wasiirka Warfaafinta China oo xubin sare ka ah Golaha Dhexe ee  Xisbiga Hantiwadaagga ee dalka ka arrimiya Ms CAO Shumin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorrada oo laga hirgelinayo Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhagaxdhigga.

Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa

Ciidamada amniga ayaa duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo gaari oo ay Khawaarijta arxanka daran ku dooneysay in ay ku waxyeelleyso Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ciidanka Amniga Qaranka ay saakay xilli hore duleedka Muqdisho ku qarxiyeen labo Gaari oo  Khawaarijtu doonaysay in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Al-Cadaala ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen geesiyaasha Qaranka iyo sida ay uga hor tageen dhagarta cadowga.

“Ciidamada geesiyaasha ee Qaranka ayaa saaka duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo Gaari oo Khawaarijtu ay doonaysay in ay Shacabka ku layso, duco iyo bogaadin ayay mudan yihiin halyeeyada fashiliyay cadawgaas, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya HCT

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan wax-ku-ool ah oo la xariira xaaladda dalka la qaatay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan dalka, Md. George Conway.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee waddanka ka taagan, iyadoo in ka badan 6.9 milyan oo qof ay xilligaan u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana kulanka layskula soo qaaday dhibaatada ay kheyraadka dalka ku hayaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee ay colaaduhu ugu horreeyaan.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa tilmaamay shaqada adag ee SoDMA ka qabatay howlaha la xariira ka hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka tan iyo dib u howlgalintii SoDMA, isagoo xusay in mar kasta Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qaadashada doorkeeda.

Guddoomiye Maxamuud Macallin, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay ku fadhiso madasha Bani’aadannimo ee soo socota, dedaallada hay’adda ee ka hortagga leexsashada gargaarka, ilaha dhaqaale oo xaddidan iyo in loo baahan yahay xoojinta u diyaargarowga, dhisidda awoodda, kor u qaadista iyo isku-duwidda ka hor musiibooyinka.

Israel oo saacado kahor Gaza ka geysatay weerar ay ku dhinteen 52 ruux

Ugu yaraan 52 ruux oo falastiiniyiin rayid ah ayaa lagu dilay weerarada ay qaadeen ciidamada Israel ee guud ahaan ka dhacay Gaza saacadihii la soo dhaafay.

Weeraradaan xasuuqa ah ayaa lala beegsaday 12 dugsi oo ku yaalla magaalada Gaza iyo sagaal goobood oo  suuq ah oo ku yaalla Deir el-Balah.

Duqeymaha cusub ee ay fulisay Israel ayaa imaanaya, kadib markii R/wasaaraha Holland uu ku booriyay dhigiisa Israel inuu ogolaado ‘gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo Gaza.

Dick Schoof ayaa sidoo kale ku booriyay dhiggiisa Israel Benjamin Netanyahu in xabad joojin laga gaaro Qaza si looga fogaado xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Dhinaca kale,dibolomaasiga ugu sareeya ee Maraykanka Antony Blinken ayaa soo afjaray socdaalkiisii ​​Bariga Dhexe, iyada oo aan wax heshiis ah dhex marin Israel iyo Hamas.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabbilay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka USAID

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo USAID si loo kordhiyo dadaallada horumarineed.

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday ajendaha kulanka soo socda ee wax-ka beddalka Hiigsiga Horumarinta Tobnaad, kaas oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna xoojinayo dedaallada dimuqraadiyadda, maamulka, iyo xasilinta dalka.

Dhinacyada ayaa isla gartay siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi dhex mara Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo USAID, iyadoo si gaar ah loo eegay kor u qaadista wada-shaqaynta dhinacyada qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta si loo gaaro natiijooyin horumarineed ee muuqda.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga furay kulliyadda duulista rayidka

Jaamacadda Mogadisho ayaa daah furtay kulliyaddii ugu horreysay ee lagu baranayo cilmiga duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya, taas oo noqonaysa tallaabo horumarineed oo muhiim ah.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka , Axmed Jamac Cumar, maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, Axmed Macallim, guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee duulista iyo howlaha guud, Cabdullaahi Geel-qaad, iyo mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka, Axmed Macallim, ayaa sheegay in hay’addu ay si buuxda u taageeri doonto Jaamacadda, iyadoo iskaashi dhinaca tababarrada ah la sameyn doono, wuxuuna tilmaamay in muhiimadda barnaamijkan ay tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan aqoonta duulimaadka, si loo yareeyo baahida loo qabo dadka ajanebiga ah.

Guddoomiyaha midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday, ayaa isna bogaadiyay dedaalka Jaamacadda Mogadishu University ee ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.