Wasiir Fiqi oo daah-furay Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda, xilli uu sidan oo kale dabayaaqadii toddobaadkii hore u daahfuray koorsooyin lagu baranayo afafka khalaad.

Wasiir Fiqi, ayaa caddeeyay daahfurka Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda in lagu gaarayo kaydinta iyo akhriska qoraallada, buugaagta iyo cilmi-baarista la xiriirta diblomaasiyadda iyo kuwa waxtarka leh.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa daahfurka Maktabadda ka shaaciyay inay u furantahay aqoonyahanka, qoraayaasha iyo cid walba oo buugaagta iyo qoraallada dhaxal-reeb aqooneed leh inay soo gaarsiin karaan Maktabadda, oo ku dhex taalla xarunta Wasaaradda.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta iyo kobcinta aqoonta diblomaasiyiinta.

 

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga isku soo sharaxay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Xubnaha guddiga ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyaan.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

Horin ka tirsan Banda Musikada Booliska oo tababar loogu soo xiray Akadeemiyada Gen. Kaahiye

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa tababar usoo xirey horin ka tirsan Banda Musikada Booliska kuwaas oo muddo tababar ugu xareysnaa Akadeemiyada Gen. Kaahiye.

Taliyaha Akadeemiyada Booliska Gen. Kaahiye S/Guuto Cabdikariin Macalin Xuseen oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in horintani ay qaadatay tababar isugu jiray xirfado gaar ah iyo Sharciga Booliska Soomaaliyeed.

ICPAC: Oktoobar ilaa Disembar 2024, Saadaal Xilliyeedka ee dalalka bariga Geeska Afrika

Xarunta Saadaasha iyo Codsiyada Cimilada eeIGAD (ICPAC) ayaa soo saartay saadaal xilliyeedka bilaha Oktoobar ilaa Disembar (OND) ee 2024, waxayna hoosta ka xariiqday inta badan dalalka geeska Afrika ku yaalo ay wajahi doonaan xaalad roobab ka hooseeya celceliska sida caadiga ah, taasoo keeni karta xaalado abaareed.

Saadaasha ayaa tilmaamaysa in ay sii kordheyso suurtagalnimada xaaladaha ka hooseeya celceliska roobabku ay horseedi doonaan “dalag-la’aan, xaaladda xoolo-dhaqato ah oo sii xumaanaysa, biyo-la’aan, dhaq-dhaqaaqa xoolaha oo oo yaraada, cudurrada faafa oo kordha iyo cunto-yarida iyo nafaqo-xumada oo kororta  dalalka bariga Geeska Afrika, sida qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, koonfurta Itoobiya, Kenya iyo qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Sidoo kale, Xarunta Saadaasha iyo Codsiyada Cimilada IGAD (ICPAC), ayaa suurtagalnimada ugu badan ee xaaladaha ka hooseeyaan celceliska roobabku ku sheegtay in ay saameyn doonaan bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Itoobiya.

Geeska Afrika waxa hore u soo maray xaalado abaareed oo ba’an, oo ay ku jiraan, kuwaas oo sababay daaq iyo biyo la’aan ba’an, xilliyadii beeraha oo gabaabsi ah, barakaca dadka, qiimaha cuntada oo sare u kacay caafimaadka dadka oo sii xumaaday cunto yari iyo nafaqo darro baahsan oo soo wajahday xoolo-dhaqatada iyo beeralayda. Sida lagu yiri warbixina (ICPAC).

Taas bedelkeeda, qaybaha galbeedka gobolka, oo ay ku jiraan koonfurta-bari ee Koonfurta Suudaan, waqooyiga Uganda, galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee Kenya, waqooyiga Tansaaniya, koonfurta Burundi, iyo qaybo ka mid ah galbeedka Rwanda waxay u badan tahay inay helaan roobab ka sarreeya kuwa caadiga ah, kuwaas oo suurtagal ah in ay fududeeyaan wax soo saarka beeraha. , abuurista daaqa, iyo helitaanka kheyraadka biyaha.

Wasiir Fiqi oo ka warbixiyay wadahadaladii ka dhacay dalka Turkiga ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay “si qasab ah” ku joogaan Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in hadaladaasi ay sii adkeynayaan Xaaladda jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo New Delhi uga qaybgalaya shirweynaha Hindiya iyo Afrika

New Delhi: Shirweynaha sannadlaha ee ganacsiga Hindiya iyo Afrika ee (Indian African conclave 19th CII) oo ka Sacdo magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, islamarkaana ay martigaliso dowladda Hindiya oo ay sannadkan ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowladaha Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galay wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha mudane Cabdisalaam shariif Xuseen oo uu wehlinayo siihayaha Safaaradda ahna safiir ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya mudane Cabdifatax CaAdullahi Nuur.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa laga jeediyay qudbado kala duwan dhammaan Madaxweyne ku xigeenada qaar ka mida dalalka Afrika ayaa si isku mid ah uga hadlay kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha Qaarada Afrika.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya Mudane Jagdeep Dhankar oo Shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Afrika maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay wali diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Afrika wax soo saarkooda kor looqaado.

Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

 

Ciidanka NISA oo fashiliyey 2-gaari oo qaraxyo waday

Ciidamada Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Nisa ayaa fashiyay labo gaari oo ay khawaarijta al shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa ka hortagay gaari ay walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen waxaana lagu fashiliyay koorntalka degmada Garasbaaleey oo ka mid ah wadooyinka laga soo galo caasimada.

Sidoo kale ciidamada ayaa fashiyay gaari kale oo ah nuuca leylo calaawi oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa kadib ay markii ay xogta ka haleen shacabka deegaanka sidaas aya ugu suuragashay ciidamada inay fashiliyaan dhagar kale oo khawaarijta la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed

Waa haraadiga qeyb ka mid ah gaari saakay ay ciidamada amaanka ku fashiyeen halkaan oo ah xaafamada arbacoow ee duleedka deegaanka ceelasha biyaha

Inkastoo aysan jirin dad ku dhintay hadane waxa uu bur buriyay guryo kooban oo ay dadka shacab ah degenaayeen waxaana mid ka mid dhagaraha khawaariju ku beegsato shacab an waxba galas an.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha waxaana uu dhiirigeliyay saraakiisha ciidamada hay’adda nabad sugida ee halkaasi ku sugan

Sidoo kale Taliyaha Hay’adda nabad sugida C/llaahi Maxamed Cali Sabaloolshe waxa uu tagay koorntaroolka kale ee lagu fashiliyay gaariga kale oo la doonayayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Taliyaha Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa kulan la qaatay saraahsiika waxaana sidoo kale uu ka dhageystay warbixino saraakiisha nabad sugida ee utaagan ka hortaga cadawga

Golaha shacabka oo mar kale ka dooday hirgelinta canshuurta iibka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida dooda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ka sinnaayeen muhiimadu ay qarankeena u leedahay bixinta canshuurta.

Guddoomiyaha golaha shcabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana la dhameystiri doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Sabtiga ah.

      

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay Laanta bixinta Baasaboorada ee degmada Boondheere

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay Laanta bixinta adeegga Baasaboorada oo laga hirgeliyey degmada Boondheere, taas oo wax weyn ka tari doonta bixinta adeegga ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya siiso dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay howlwadeennada hey’adda in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada, isaga oo intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa waxa uu xusay in hirgelinta xaruntani ay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumaddu DanQaran ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin dowladooda.

 

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee ay dowladda Shiinaha usoo magacowday dalkeenna Mudane, Wang Yu.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.