Maxkamada Sare Ciidamada oo xukun ku riday Eedaysanayaal loo haystay dilka Guddoomiyihii Mareereey

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd 30-kii Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 30-kii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay,Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Dowladda Soomaaliya waxay ilaalinaysa Madaxabanaanida Dalkeeda (WARBIXIN)

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Mevlüt oo la dardaarmayay Soomaalida,,kana hadlayey aqoontiisa Dibomaasiyada, waxa uu qoray sidan:- “Haddii Qof kugu qabsado Gurigaaga,adigoo Xaqdaradaasi la yaaban,ka waran hadday dadka kugu dhahaan Xaaladda dejiya oo arinta wada-hadal ku dhameeya,Damaacinta Itoobiya ee badda Soomaaliya sidaas ayay la mid tahay . Soomaalidu waa in aanay maanta isku furin daaqad shar ah oo aan hada kadib weligeed xirmi doonin, Dawladda Soomaaliyana waxaan kula talinayaa in aanay Gorgortan Jilicsan Dhulkeeda Itoobiya kala gelin .

Mevlut waa uu si waday hadalkiisa “in badan ayaan diblumaasiyada ka soo shaqeynayay,waan aqaanaa arimahan iyo ifafaalaheeda,maalintaad ogolaataid arimahan oo kale inaad wada hadal ka gashid adiga ayaa lumiyay qiimihii uu ku lahaa dhulkaagu,iyo sharafkaagii oo ah xuduudkaaga .Dadka iyo dawladaha kartida leh waxaa lagu gartaa astaamo gaar ah, dadkaasi wakhtigooda kuma lumiyaan calaacal iyo cabasho. Sababtuna waa inay og yihiin arrimaha dhacaya inay yihiin kuwo lagaga  bixi karo adeegsiga caqliga, awood iyo karti iyo in aanay noloshu aheyn 100%  mid mar kasta dhinaceeda saxda ah ku siinaysa, laakiinse loo baahan yahay halgan iyo inaad taqaanid wadada saxda ah ee aad xaqaaga ku soo dhacsan laheyd adigoon ka daaheyn.”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey xadgudubka Ethiopia ee madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa yiri “Itoobiya waxaan soo istaajinay meel cidlo ah, Badeenna in xoog lagula wareegana ma ogolin, mana aqbalayno.” Mar uu weydiiyay Raiisul-wasaaraha Wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Hargeysa, haddi uu hirgalo Is-afgaradkii Itoobiya iyo Maamulka Soomaliland ayna gudaha Soomaaliya soo gasho sidee ka yeeleysiin, dagaal ma qaadin doontaa?, waxa uu ku jawaabay Ra’iisul-wasaare Xamsa, “ marka ay timaado dhul Soomaaliyeed, dowladaan iyo Dadka Soomaaliyeed gorgortan kama galayaan dhulka iyo Badda, wax kasta waa noo furan yihiin oo lagu difaaci karo”.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan fartay shirikadda diyaaradaha ee Itoobiya Airline iyo Fly Dubai inay magaca SOOMAALIYA raaciso dhammaan macluumaadka la xirira duulimaadyada ay magaalooyinka Soomaaliya ku tageyso Seddax maalmood ayaana loo qabtay inay arrinkaani ku saxdo. Haddii khaladkaasi ay sixi weydo waxaa shirikadda loo sheegay in duulimaadyada Soomaaliya laga hakin doono, dhammaan duulimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika ayaa la raaciyaa magaca dalka ay tageyso. Balse Soomaaliya,  kaliya ayay shirikadu qortaa magaca magaalada ay diyaaradu tageyso.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ku saabsan in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay duulimaadyadooda Hargeysa ka dhigaan “Hargeysa, Soomaaliya” halkii ay horay uga dhigi jireen “Hargeysa, Somaliland.” Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jiraan inay xaqiijiyaan in hawada dalka oo dhan ay hoos timaado maamulkeeda, iyadoo aan wax aqoonsi ah loo siineynin maamulka Somaliland ee ku andacoonaya inuu yahay dal madax-bannaan.

War shalay ay soo saartay Waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay si deg deg ah u dhaqan-galay amar kasoo baxay Arbacadii Hey’adda Duullimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo la duldhigay Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo sameeyay fal xad-gudub ku ah madax-bannaainda iyo midnimada dalka, iyadoo Shirkadahaan lagu wargeliyay in laga mamnuuci doono hawada Soomaaliya iyo duullimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka dalka haddii aysan 23-ka August 2024, boggagooda si rasmiga ah uga saarin magaca Somaliland, marka ay duulimaadkooda Hargeysa iyo Muqdisho ka hadlayaan, maadaama labada magaalo ay Soomaaliya kawada tirsan yihiin.

FlyDubai oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa bishii June ee sanadkan joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho, hase ahaatee waxay duulimaad ku tagtaa todobaad kasta magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale 1991.

Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda. Soomaaliya ayaa tillaabooyinka ay qaadeen shiirkadahan u aragta kuwa shaki gelinaya madaxbannaanideeda iyo in aan la tixgelineynin habmaamuuska rasmiga ah ee caalamiga ah ee duulista.

Go’aankan ayaa si weyn uga careysiiyey dadka reer Somaliland, oo u arkay arrintaan mid khatar ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida ay ku doodaan. Dadweynaha qaar ayaa si cad uga hadlay dareenkooda, iyagoo sheegay in shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay ku xadgudbeen qaranimada Somaliland oo ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka ee Muqdisho.

“Waxaan aad uga xunahay in shirkadaha diyaaradaha ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, markii ay u hogaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa.

Dhanka kale, maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana la sugayaa tallaabada ay ka qaadan doonaan shirkadahaas diyaaradaha ee u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Amarkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa magaca Somaliland ee loogu isticmaalayey duulimaadyada Hargeysa, taasoo muujineysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u dadaaleyso in Somaliland loogu arko qeyb ka mid ah Soomaaliya. Tani waxay ku noqotay dhabaha riyada gooni u goosadka ee maamulka Somaliland, taasoo ay ku riyoonayeen inay mar uun noqdaan dal madax-bannaan.

Tan iyo markii uu billaawday khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa soo kordhayay xiisadda dhanka maamulka hawada ee u dhexeysa Muqdisho iyo Hargeysa, taasi oo mar jahwareer ku riday diyaaradaha ku yimaada duulimaadyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: in ka badan 215 goobood oo kala duwan ayaa lagu xoreeyey khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo 22 Agoosto ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo jirsatay ka hadlay dagaalka ka dhanka khawaarijta guulaha laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guulaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si guul leh uga hortagtay kooxda Khawaarijta, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in si weyn hoos loo dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Maxkamada Sare Ciidamada oo xukun ku riday Eedaysanayaal loo haystay dilka Guddoomiyihii Mareereey

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd 30-kii Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 30-kii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay,Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo boogaadiyay tallaabo la isugu soo dhaweynayo bulshada iyo mudanayaasha Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa booqday Xafiiska Dadweynaha ee Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ay ku xiran yihiin dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan dadka uu deegaan ahaan matalo xildhibaanka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyay xildhibaanka xafiiskaan, isagoo ku boorriyay xildhibaanada kale inay ku daydaan.

Guddoomiye Madaale oo kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee howlgalka Amni xaqiijinta ka wada duleedka Degmada Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed, waxaa uuna si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoyskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neefaf oo Ari ah iyo Agab kale oo ay istecmaalaan Ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdifataax Shaaweeye, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga.

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda Dan Qaran oo Jirsatay Labo Sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo jirsatay labo sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guulaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si guul leh uga hortagtay kooxda Khawaarijta, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Hawlgalladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday guusha weyn ee ay xukuumaddu ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay meelmarisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista. Tallaabooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo ka qeyb-galkooda kulanka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay

Kampala– Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Gen. Jeje Odongo Abubakar

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Barriga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah kuwa ardayda wadamada xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika marka ay timaado kharashka waxbarasho ee ay bixiyaan ardayda ajaanibtu, isagoo siihayuhu ka codsaday Wasiirka in hirgelinta arrinkaas uu gacan ka geysto.

Sidoo kale Siihayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isusocodka dadka labada dal, iminka waxa Visa-ha habkaas ku qaata dadka wata Baasaboorada Diblomaasiga iyo kuwa shaqada.

Ugu dambeyntii Siihaye Cabdilatiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taasoo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal, isagoo siihayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ay qabanqaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada “East Africa Community” ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay dalalka Ururka EAC oo dadkoodu Uganda visa la’aan soo gala.

Arrinka qaxootiga ayuu sheegay in uu dabagal ku sameynayo kalana hadlayo hay’adaha ay khusayso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hay’adda Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Qaxootiga iyo Xafiisk Raysul-Wasaaraha Uganda, si dhaqso ahna ula xariirayo hay’adahaas waxii jawaab ahna dhawaan safaaradda lasoo gaarsiin doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhowaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan iyadoo lagu balamay in waxii laga wada hadlay oo dhan si deg deg ah wax looga qaban doono.

Talisyada Ciidanka Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada hadlay xoojinta la dagaallanka khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dalka Uganda Sareeye Guud Kayanja Muhanga oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta, dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda ayaa sheegay in diyaar u yihiin garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.