Ku dhawaad 30 ka mid ah dukaamada suuqa weyn ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa xalay gubtay kadib markii Kooxda Khawaarijta qaraxyo ku xireen.
Qeybta Elektarooniga iyo maacuunta ee suuqa Marwo Two ayaa ka mid ah meelaha sida ba’aan dabka u gubay.

Ku dhawaad 30 ka mid ah dukaamada suuqa weyn ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa xalay gubtay kadib markii Kooxda Khawaarijta qaraxyo ku xireen.
Qeybta Elektarooniga iyo maacuunta ee suuqa Marwo Two ayaa ka mid ah meelaha sida ba’aan dabka u gubay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa soo bandhigtey waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey.
Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran qeyteeda Caafimaadka xubnaha ka qeyb galaya waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam waxaana qeyb ka ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Agaasime waaxeedyo iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudadii labada sano aheyd ee lasoo dhaafey waxaa u hirgaley tallaabooyin waa wayn taasoo qeyb ka ah bandhigga carwada waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran oo ilaa hadda ka socota Muqdisho.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhawaan idinla wadaageysaa qodobada wax ku oolka ah ee u hirgaley iyo heerka uu marayo nidaamka Caafimaadka Soomaaliya oo ku jira geediga Caafimaadka loo dhanyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ku amaanay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo golihiisa wasiiradda wax qabadka muuqda ee ay la yimaadeen mudadii labada sano aheyd oo ay jireen.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in guulaha waxtarka leh ee la gaaray mudadii labada sano aheyd ay horseed u ahaayeen shuruucdii muhiimka aheyd ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay hogaamintiisa wanaaagsan ee laanta fulinta.
Ugu dambey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in horumarkan la gaaray mudada kooban ee labada sano ah lagu gaaray wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, mudada harsanna la gaari karo horumar midka hada la gaaray kasii balaaran ,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladooda taageeraan oo ay ku garab istaagaan horumarka dowladnimo ee Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay Munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha waxa uu bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay xaqiijiso himmilooyinka dadka Soomaaliyeed ee xoreynta deegaannada ku jiray gacanta argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta maalgashiga iyo dib u habaynta dowladnimada.
”Xukuumadda DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhaheenna ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnimaa ayaa lagu gaaray”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dalka uu ku tallaabsanayo isbeddello horumarineed oo muddo dhow la dareemayo, kuwaas oo ay saldhig u tahay dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda iyo wadashaqaynta Hay’adaha dowladda.
“Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan labadii la soo dhaafay, Mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana ballan qaadeynaa taas”.
Inta ay socotay Munaasabaddu, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhagaystay Wasiirrada Golaha Xukuumadda, kuwaas oo soo bandhigay horumarrada la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen muddadii ay xilka hayeen. Wasiirradu waxay si faahfaahsan uga hadleen guulaha la gaaray iyo qorsheyaasha hortabinta leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay, kaas oo caawa lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho.
Dhamaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay muddada labada sano waxii u qabsoomay, kuwaas oo bulshada kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed faah-faahin dheer ka siiyay waxqabadkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kormeerka ku weheliyay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Ra’iisul Wasaaraha kuxigeenka Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida dooda ku saabsan arrimaha Canshuuraha Iibka, cabashada ganacsatada Soomaaliyeed iyo sida lagu xalin karo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka Canshuurta Iibka loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sida lagu xalin karo, ayaa waxa ay Xildhibaanadda intooda badan ka sinnaayeen muhiimadu ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta waajibka ku ah si dowladnimadeena usii horumarto.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana lasii amba qadi doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran taas Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir.
Tiirarka xukuumadda Dan-qaran
1. Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga
2. Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka
3. Tiirka Soomaali Heshiis ah
4. Tiirka isku filnaasho dhaqaale
5. Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda
6. Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah kalsooni buuxda u siiyay xukuumadda Dan-qaran ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xamse, waana kalsoonidii ugu badneed abid ee taariikhda gashay ee Baarlamaan uu siiyo xukuumad, 220 mudane ayaana ansixiyay.
Si loo gaaro himilooyinka Qaranka Soomaaliyeed mudaddii ay jirtay Xukuumadda Dan-qaran waxay xaqiijisay guulo waa weyn oo udub dhexaad u ah horumarka iyo nabadeynta dalka. Xukuumaddu waxaa ay la timid hannaan siyaasadeed iyo horumarineed oo si hufan ugu jawaabaya baahida iyo yoolka dowlad dhiska Soomaaliya.
Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:
1. Dagaalka khawaarijta oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen.
2. Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.
3. Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika
4. Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.
5. Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.
Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka.
Hadda caawa, hey’adda kala duwan ee xukuumadda Danqaran ayaa soo bandhigaya wax qabadkooda ee labadii sano ee na weydaartay. Waxaana socda munaasabadda oo ay ka qeybgalayaan madaxda wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

kalfadhiga shanaad kulankiisa 12-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta qabsoomay, iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya iyo Soo jeedinta la xiriirta arrimaha Shaqada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Aqalka Sare.
Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya, sababta keentay in dib u eegis lagu sameeyo iyo baahida loo qabo waqtigaan.
Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dood waqti dheer qaadatay oo ku saabsanayd doorkooda matalaad ee arrimaha shaqada, dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen talooyin, dhaliilo iyo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah, iyagoo tilmaamay in la raaco qodobada ay xeeriyen xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Nairobi:-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Nairobi Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyay ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo dalka Japan u fidiyay dalka Soomaaliya.
Ardaydaan oo baran doonto Kuliyaddaha kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan ayaa la filayaa marka ay ku soo laabtan dalka Soomaaliya in kaalin mug leh ka geysataan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Danjire Jabril ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed. Isaga oo ka hadalaya xaflada Waxa uu danjiruhu yiri “Deeqdaan waxbarasho waxa ay ka tarjumaysa sida hagar la’aanta ah ee dalka Japan ay uga go’an tahay taageedira mashaariicda lagu hormarinayo dalka Soomaaliya, waxaanan si kal iyo laab ah uga mahadcelinaynaa taageeradan qiimaha badan”
Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA),
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Mevlüt oo la dardaarmayay Soomaalida,,kana hadlayey aqoontiisa Dibomaasiyada, waxa uu qoray sidan:- “Haddii Qof kugu qabsado Gurigaaga,adigoo Xaqdaradaasi la yaaban,ka waran hadday dadka kugu dhahaan Xaaladda dejiya oo arinta wada-hadal ku dhameeya,Damaacinta Itoobiya ee badda Soomaaliya sidaas ayay la mid tahay . Soomaalidu waa in aanay maanta isku furin daaqad shar ah oo aan hada kadib weligeed xirmi doonin, Dawladda Soomaaliyana waxaan kula talinayaa in aanay Gorgortan Jilicsan Dhulkeeda Itoobiya kala gelin .
Mevlut waa uu si waday hadalkiisa “in badan ayaan diblumaasiyada ka soo shaqeynayay,waan aqaanaa arimahan iyo ifafaalaheeda,maalintaad ogolaataid arimahan oo kale inaad wada hadal ka gashid adiga ayaa lumiyay qiimihii uu ku lahaa dhulkaagu,iyo sharafkaagii oo ah xuduudkaaga .Dadka iyo dawladaha kartida leh waxaa lagu gartaa astaamo gaar ah, dadkaasi wakhtigooda kuma lumiyaan calaacal iyo cabasho. Sababtuna waa inay og yihiin arrimaha dhacaya inay yihiin kuwo lagaga bixi karo adeegsiga caqliga, awood iyo karti iyo in aanay noloshu aheyn 100% mid mar kasta dhinaceeda saxda ah ku siinaysa, laakiinse loo baahan yahay halgan iyo inaad taqaanid wadada saxda ah ee aad xaqaaga ku soo dhacsan laheyd adigoon ka daaheyn.”
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey xadgudubka Ethiopia ee madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa yiri “Itoobiya waxaan soo istaajinay meel cidlo ah, Badeenna in xoog lagula wareegana ma ogolin, mana aqbalayno.” Mar uu weydiiyay Raiisul-wasaaraha Wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Hargeysa, haddi uu hirgalo Is-afgaradkii Itoobiya iyo Maamulka Soomaliland ayna gudaha Soomaaliya soo gasho sidee ka yeeleysiin, dagaal ma qaadin doontaa?, waxa uu ku jawaabay Ra’iisul-wasaare Xamsa, “ marka ay timaado dhul Soomaaliyeed, dowladaan iyo Dadka Soomaaliyeed gorgortan kama galayaan dhulka iyo Badda, wax kasta waa noo furan yihiin oo lagu difaaci karo”.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan fartay shirikadda diyaaradaha ee Itoobiya Airline iyo Fly Dubai inay magaca SOOMAALIYA raaciso dhammaan macluumaadka la xirira duulimaadyada ay magaalooyinka Soomaaliya ku tageyso Seddax maalmood ayaana loo qabtay inay arrinkaani ku saxdo. Haddii khaladkaasi ay sixi weydo waxaa shirikadda loo sheegay in duulimaadyada Soomaaliya laga hakin doono, dhammaan duulimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika ayaa la raaciyaa magaca dalka ay tageyso. Balse Soomaaliya, kaliya ayay shirikadu qortaa magaca magaalada ay diyaaradu tageyso.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ku saabsan in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay duulimaadyadooda Hargeysa ka dhigaan “Hargeysa, Soomaaliya” halkii ay horay uga dhigi jireen “Hargeysa, Somaliland.” Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jiraan inay xaqiijiyaan in hawada dalka oo dhan ay hoos timaado maamulkeeda, iyadoo aan wax aqoonsi ah loo siineynin maamulka Somaliland ee ku andacoonaya inuu yahay dal madax-bannaan.
War shalay ay soo saartay Waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay si deg deg ah u dhaqan-galay amar kasoo baxay Arbacadii Hey’adda Duullimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo la duldhigay Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo sameeyay fal xad-gudub ku ah madax-bannaainda iyo midnimada dalka, iyadoo Shirkadahaan lagu wargeliyay in laga mamnuuci doono hawada Soomaaliya iyo duullimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka dalka haddii aysan 23-ka August 2024, boggagooda si rasmiga ah uga saarin magaca Somaliland, marka ay duulimaadkooda Hargeysa iyo Muqdisho ka hadlayaan, maadaama labada magaalo ay Soomaaliya kawada tirsan yihiin.
FlyDubai oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa bishii June ee sanadkan joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho, hase ahaatee waxay duulimaad ku tagtaa todobaad kasta magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale 1991.
Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda. Soomaaliya ayaa tillaabooyinka ay qaadeen shiirkadahan u aragta kuwa shaki gelinaya madaxbannaanideeda iyo in aan la tixgelineynin habmaamuuska rasmiga ah ee caalamiga ah ee duulista.
Go’aankan ayaa si weyn uga careysiiyey dadka reer Somaliland, oo u arkay arrintaan mid khatar ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida ay ku doodaan. Dadweynaha qaar ayaa si cad uga hadlay dareenkooda, iyagoo sheegay in shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay ku xadgudbeen qaranimada Somaliland oo ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka ee Muqdisho.
“Waxaan aad uga xunahay in shirkadaha diyaaradaha ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, markii ay u hogaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa.
Dhanka kale, maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana la sugayaa tallaabada ay ka qaadan doonaan shirkadahaas diyaaradaha ee u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Amarkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa magaca Somaliland ee loogu isticmaalayey duulimaadyada Hargeysa, taasoo muujineysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u dadaaleyso in Somaliland loogu arko qeyb ka mid ah Soomaaliya. Tani waxay ku noqotay dhabaha riyada gooni u goosadka ee maamulka Somaliland, taasoo ay ku riyoonayeen inay mar uun noqdaan dal madax-bannaan.
Tan iyo markii uu billaawday khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa soo kordhayay xiisadda dhanka maamulka hawada ee u dhexeysa Muqdisho iyo Hargeysa, taasi oo mar jahwareer ku riday diyaaradaha ku yimaada duulimaadyada.
By. C/lahi Ruush