Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

 

  

Howlgal lagu dilay Horjooge iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgal lagu baacsanayo khawaarijta waxa ay ka sameeyeen galbeed Gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaa oo ay ku dileen horjoogyaal iyo maleeshiyaad katirsan khawaarijta.

Taliyaha ciidanka degaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen seddax kamid ah khawaarijta oo uu ku jiray horjoogihii hoggaaminaya,waxana uu intaa ku daray in howlgallada ay sii socon doonaa intaa khawaarijta laga sifeeynayo degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan ee dhaca galbeedka shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowalda kuwa degaan ayaa maal mahaan howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka waday qeyba badan oo kamid ah gobolada dalka.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub. Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay horumarada shaqo ee xafiiska, muhiimadda taageerada la-taliyayaasha farsamo, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha hantidhowr ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub u fidiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyo sidii loo horumarin lahaa habraaca baarista lacagaha taageerada ee la marsiiyo Nidaamka Maareynta Maaliyadda Dalka (SFIMS), laguna maamulo khasnadda dhexe ee dowladda. Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta joogtada ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud la leyahay Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarlamaanka, si loo xaqiijiyo dabagalka iyo fulinta talooyinka baarista hantidhowr ee Xafiisku horay u bixiyay.

Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu adkeynayaa xiriirka wada shaqeyn ee uu la leeyahay Dowlad Goboleedyada, si loo gaaro guulo wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta adeegyada dadweynaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale kulanka waxa looga hadlay horumarinta iyo taageerada Xafiisyada hantidhowr ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Kulanku waxa uu ku dhamaaday guul iyo isafgarad horseedaya wadashaqeyn joogta ah.

   

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane Cumar Cali Cabdi, goobjoogna uu kaahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Madey Nuureey Sheekh Ufurow ayaa maanta guddoomiyey shirka billaha ah ee  Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaas oo ay martigelisay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Kulamada guddiga ee joogtada ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah uga shaqeeya arrimaha Xasillinta, iyada oo lagu jiheeyo farriimaha Xasillinta isla markaana lagu baahiyo isbadallada iyo sharciyadda dowladda ee goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye ayaa ka warbixiyey ujeedada loo aasaasay iyo waxqabadka 7-bil ee lasoo dhaafay, iyada lasoo bandhigay warbixinno, waxaa kale oo goobta ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada oo ka warbixiyey howlaha kala duwan ee socda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cumar Cali ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyey baahida loo qabo in lalabo-jibaarro isla markaana si weyn loo dhiirigeliyo ciidanka iyo dhabar-adeeggooda, lana muujiyo waxa ka maqnaa oo ay heleen dadka deggan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Ugu Dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ayaa isna si weyn u  bogaadiyay isla shaqeynta iyo guud ahaan howlaha Guddiga, isaga oo sheegay in hadafka Xasillintu yahay horseedid meel ka fiican meeshii hore taasi oo waaxyaha laga rabo in ay si fiican u baahiyaan isla markaana shacabka la tuso in dowladdooda ay meesha ka saartay baaddii, kufsigii iyo dhibaatooyinkii Khawaarijta Shabaab, heleenna xoriyad.

          

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan yeeshay sii hayaha ergayga gaarka ah QM u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

    

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo Madaxweynaha warbixin ka siiyay waxqabadka wasaaradda

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud warbixin ka siiyey waxqabadkii Wasaaradda labadii sano ee lasoo dhaafay.

 

  

Ra”iisul Wasaare Ku-Xigeenk oo furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska iskaashi ee Hay’adda NIRA Bangiyada Dalka

Ra”iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda Diiyaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Iskaashigan ayaa door lixaad leh ka qaadan doona dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka si dadweynaha ay ugu fududaato helitaanka adeegyada asaasiga ah ee nidaamka maaliyadda iyo adeegyada bangiyadu koow ka yihiin.

Waxaa munaasabadda daahfurka sida oo kale ka soo qayb galay, wasiirro ka tirsan xukuumadda, Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe, wakiillo ka socda ganacsatada, bangiyada, ururrada bulshada rayidka iyo martisahaf kale.

 

 

    

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirk Cusub ee dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda.

Ugu horeyn Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay salaan uu kaga waday dhigiisa Dalka Shiinaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa ,isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Soomaaliya safiir ka noqdo sidoo kalena ay tahay markii ugu horeysay oo dal Afrika ku yaala uu safiir ka noqdo.

Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan diyaarna ay u yihiin taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha uga mahadceliyay taageeradda dhincyada kala duwan leh ay mar walba siiyaan Soomaaliya,ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qotodheer oo dhinacyo badan ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka gaar ahaan labada Baarlamaan isaga oo tilmaamay in ay dhinacyo badan ka wada shaqeyn doonaan,sidoo kalena ay labada wadan wadaagi doonaan aqoonta iyo khibradda Xildhibaanadda labada Baarlamaan.

    

Wasiirka Waxbarashada oo daah-furay Imtixaanka macalimiinta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka laga qaadayo 13,252 qof Macallin oo u tartamayo jagooyin ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo ka dhacaya gobolka Banaadir iyo dowlad gobolleedyada dalka.

Wasiir faarax ayaa sheegay in tirada maclimiinta ay soo codsaday ay ahayd 26,540 markii dib loo eegay ay soo hareen 13,252, kuwaas oo maanta u fadhiistay imtixaanka, kaas oo lagu ggalaya 45-gobood oo kamid ah dalka 19-dagmo oo dowlada goboleedyada dalka iyo 14-gobood oo gobolka Banaadir ah.

Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in da’daal dheer ayaa wasaaradu u soo gashay hufnaata iyo si ay caddaalad u ku jirto kusoo dalbadaan shaqada macalinimo,.dadkii ku haray kala reebista ayuu sheegay in loo furay fursad cabasho dib u eegis kadibna dakii ay sax noqotay loo ogolaaday in imtixaanka ay galaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale sheegay Macallimiinta ku soo baxa imtixaanka qoraalka ah mari doonaan midka afka ah si tirada loo qorsheeyey loogu koobo Macallimiinta, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah la siin doona gabbadha.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Hasan Macallin Maxamuud ayaa qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota la yeeshay kulan diiradda lagu saarayay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha cadaaladda iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Culimada ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dadaallada socda ee horumarinta cadaaladda iyo qabyo tirka Dastuurka, waxayna la wadaageen talooyin iyo soo jeedino dhaxalgal u ah horumarinta dowladnimada.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa culimada uu kulanka la qaatay ku booriyay in ay habka online-ka ah uga qeyb qaataan wadatashiyada ka furan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dib u eegistu ku socoto