Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda oo la kulmay maamulayaasha Isbitaalada qaarkood

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda dowladda FS ahna ku simaha wasiirka mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo agaasimaha guud ee waaxda dakhliga mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta shir muhiim ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen Maamulayaasha iyo Agaasimeyaasha Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Barig Afrika.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balan qaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

     

Soomaaliya oo rajeynaysa in shidaal qodosta la bilaabo horraanta 2025

Dowladda FS ayaa tallaabooyin is xigxiga u qaatay in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxaana ay heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

Dr Cabdirsaaq Cumar Maxamed wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta dowladda FS ayaa sheegay in bisha September uu dalka imaan doono Markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo samaynaya sahankii u dambeeyey meelaha ku haboon in laga qodo ceelasha shidaalka.

Wasiirka ayaa xusay in horraanta sanadka 2025-ta la filayo in la bilaabo qodista rasmiha ah ee shidaalka, taas oo noqonaysa tallaabo wax ku ool ah oo looga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale Dr Cabdirisaaq ayaa xusay in Soomaaliya ay xubin ka noqonayso hay’adda caalamiha ah ee tamarta laga dhaliyo Nukliyeerka, (IAEA) taas oo faa’iido weyn u soo kordhinaysa Soomaaliya.

 

Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada Hiddiha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad Dugsiga Sare ee Dalka.

Wasaaradda waxbarashadda ayaa sheegtay in tirada Imtixaanka u fariisatay ahayd 36,034Arday halka tirada Gudubtay tahay Arday 33,666.

Waxa sidoo kale natiijada Imtixaanka ku dhacay 2,366 Arday

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada ayaa ku dhawaaqay in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday gabdho ah tan oo ah deeq taas oo lagu baranayo tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka kuwaas oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.

UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Ciidamo ku hubeysan taangiyada Israel ayaa qaramada midoobay ku qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee ay ka wadeen Deir el-Balah oo ku taal bartamaha Gaza, ka dib markii Israa’iil ay amartay in dad badan laga raro deegaankaasi oo ahaa xarunta howlgallada UN-ka.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in lagu qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee Gaza,ka dib markii ay ka soo guureen Rafah oo ciidamada Israa’iil ay duullaan dhulka ah ku qaadeen horaantii sanadkan.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada Israa’iil oo weeraray Dier el-Balah iyo Khan Younis ay dileen ugu yaraan 14 qof, sida ay ku warameen wariyaasha ku sugan Marinka Qaza.

Agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia ayaa sheegay in Isreal ay diidday shidaalka qaybta caafimaadka, ayna doorbideyso in gabi ahaanba la burburiyo.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa mareysa ugu yaraan 40,476 qof,halka dhaawacana lagu sheegay 93,647 tan iyo dagaalkii bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo maanta furay Mashruuca Dowlad-kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Cali Yusuf Cali – Xoosh ayaa maanta ku daahfuray caasimadda Muqdisho mashruuca Dowlad-Kaab.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka tirsan Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo saxiibada caalamka.

Khudbaddiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday guulihii mashruucii dhammaaday ee JPLG isaga oo sheegay in muddada uu socday 15 sano ah laga hirgeliyey dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamullada dalka sida; Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland halka gobolka Banaadirna uu wax badan ka helay ayna ka faa’ideysteen 46 degmo oo dalka ah, waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa qorshayaasha Magaalooyinka iyo kobcinta dakhliga degmooyinka, dhismaha goobaha lagu qabto adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo faya dhawrka., kaabayaasha degmooyinka sida; Wadooyinka, Cisbitaallada, Iskuullada, ceelasha iwm.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay faa’idooyinka mashruucan cusub ee Dowlad-kaab sida;

(1). In saldhig looga dhigo, oo lagu dul shaqeeyo Mashruucii JPLG sida dhameystirka mashaariicdii socotay ee dowladaha hoose.
(2). Dowlad-Kaab waxaa la socda mashaariic cusub oo la fulin doono 5-ta sano ee soo socota.
(3), Dowlad-Kaab inta uu socdo waxaa la ballaarin doonaa degmooyinka iyada oo la tayeyn doona howlaha.
(4). Dowlad Federaalka ah, waxaa ka go’an in Mashruucan Muhiimka ah loo qareemmo, oo dhaqaale loo raadiyo.
(5). Mashruucan Dowlad-Kaab waxaa uu kabi doobaa dhismaha Mashaariic dhismo ee Dowlada Hoose ee soo socda.

Ugu dambeyntii, waxaa uu khudbaddiisa kusoo gabogabeeyey “Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada & Maamulka Gobolka Banaadirna waa ku bogaadinayaa hawlaha ay wadaan waxaana kula dar-daarmayaa inay labo-jibaaraan dadaalkiis si adeegga iyo dowladnimadaba loogu dhoweeyo muwaadiniinta. Aad iyo aad baad u Mahadsan tihiin kulankuna waa inoo furan yahay”.

Dowladda oo kaalmo lacageed siisay dhibanayaasha Qaraxii Liido

Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka Degdegga ah ee hay’adda maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay Xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha arrimaha ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday Taliyaha hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidoo kale waxa uu soo noqday taliyaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafow ayaa sidoo kale soo qabtay xilal kale oo uu Qaranka ugu soo adeegay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isagoo u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo xukun dil toogasha ah ku riday Askari horay dil u geystay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xuku dil toogasho ah ku riday Mahad Cali Maxamuud oo katirsan ciidanka deegaanka ee degmada Deyniile,kadib dil uu horay ugu geystay marxuum Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Labaatankii bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo heystay Bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu Bastoolada soo wareejiyo, balse Marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso Wasaaradda Amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay, halkaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuum Tooxoow

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow,Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay dhimista lacagta iskaanka hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta oo isniin ah dhaqangelisay Hannaanka Khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay Qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta looga qaado Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda :Deegaanadii laga saaray Khawaarijta waxaan ka hirgalinay adeegga garsoorka”

Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiiru Dowlada Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Muumino Sheekh Cumar,oo ka qeyb galeysay Bandhigga waxaqabadka xukuumadda Dan-qaran ayaa sheegtay in degaannada laga xoreeyay khawaarijta la gaarsiiya hay’adahii garsoorka dalka.

“Deegaanadii laga saaray Khawaarijta waxaan ka hirgalinay adeegga garsoorka” Avv Muumino Sheikh Wasiir dowlada Caddaaladda iyo Dastuurka XFS.

Muumino Sheikh wasiiru dowlaha Caddaaladda iyo Dastuurka ayaa hadalkeeda ku dartay in wasaaradu ay ku guuleysatay hagaajinta laamaha caddaaladda dalka,sidoo kale ay dib u heshiisiin ay ka sameyeen degaan dhowr oo laga saaray khawaarijta.

Waxaa kaloo sheegtay in ay guul ka gaareen afar qodob oo kala ah hannaanka wada xaajoodka,garsoorka hannaanka qaab dhismeedka amniga Qaranka iyo nidaamka doorashooyinka xisbiyada iyo kuwa kale.