Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo lamkulmay safiirada Turkiga iyo Sucuudiga u fadhiya dalkaas

Qaahira: Safiirka Jamhuuriyadda FS ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta booqasho ugu tagay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar Danjire Salih Mutllu SEN.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal,sidoo kale Danjire Salih Mutlu ayaa hambalyeeyey Danjire Awaare.

Dhinaca kale danjire Awaare ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta Danjire Cabdulcasiis Almadar oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal ee soojireenka ah .Sidoo kale labada Danjire waxay isla soo qaadeen arrimaha kor u qaadista wada shaqaynta Carbeed .

 

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan daah-furan la qaatay shaqaalaha wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah kulan furan la qaatay dhammaan Shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda,kaasoo ujeeddadiisu ahayd soo bandhigista hiigsiga iyo qorshayaasha hortabinta u leh Shaqada oo ay ku jiraan dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha,iyadoo shaqaalaha wasaaradda ay soo bandhigeen aragtiyadooda iyo fikradaha ka qeybqaadanaya dardargelinta howlaha Shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la guda-galay diyaarinta hannaan dib u habeyn ku sameynaya Wasaaradda oo ay ka shaqeynayaan labo guddi oo horey loo magacaabay, si loo gaaro dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha oo ka qeybqaadanaya hiigsiga waxtarka u leh qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed, hannaankaa oo sidoo kale mudnaan siinaya Shaqaalaha Wasaaradda ee khibrada,waayo-aragnimada iyo wadaniyada u leh howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka jawaabay celiyay tallooyinka iyo waydiimaha ka yimid shaqaalaha ,isagoo markaa sharraxaad ka bixiyay halka la hiigsanayo inay tahay waqtigan muhiimka u ah dalka in hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda ay soo bandhigaan howlqabadka isbeddelka la hiigsanayo lagu gaaro, wuxuuna markaa hoosta ka xariiqay in wixii hadda ka dambeeya darajooyinka iyo dalacsiinta shaqada oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta dibadda ka howlgalaya inay ku imaanayaan si daahfuran oo ku salaysan dadaalka wadajirka ah iyo midka shaqsiyadeed ee lagu soo bandhigo shaqada.

         

Wasiir dowlaha caafimaadka oo qaabishay madaxa hay’adda ACF

Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr. Maryam Maxamed Xuseen ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa hay’adda ACF (Action Against Hunger-USA), Mr. Charles Owubah oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya markii ugu horreysay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta wasaaradda iyo Hay’adda ACF.

Intii uu socday kulanku ayaa wasiir dowlaha wasaaradda caafimaadka Dr. Maryama iyo Mr. Charles Owubah waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha muhiimka ah ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan kor u qaadista adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru dowllaha ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la kordhiyo iskaashiga farsamo ee ACF iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyntii, wasiiru dowlaha Dr. Maryam Maxamed ayaa uga mahadcelisay Mr. Charles Owubah iyo wakiilka Hay’adda ACF ee Soomaaliya, dadaalka weyn ee ay ugu jiraan sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu gaarsiin lahaayeen adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka. Wasiiru Dowllaha ayaa sidoo kale muujiyey in Wasaaradda Caafimaadka ay si weyn ugu qanacsan tahay wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac, ayna rajeynayso in xiriirkaasi uu sii xoogeysto mustaqbalka.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo u dirtay deegaannada Lambar 50

Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta shixnad gargaar ah u dirtay deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada hoose.

Gaadiidkaan ayaa gaaraya 8-aad Gaari waxaa saaran shixnado Gargaar ah oo ka kooban qeybaha raashinka, waxaana looguna talagalay bulshada ku dhaqan degaankaas oo iskugu darsoomeen abaaro daba-dheeraaday, colaado iyo fatahaado siyaabo kala duwan u saameeyeen.

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay bar hubin ah.

Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, kuwaasi oo ku eedeysan dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan, ayaa markii dambe isku beddeshay in hub la isku adeegsado, Waxaana Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex martay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” Dil Toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo furay Shirka Madasha Garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka, Mudane Bashe Yusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u furay Shirka madasha garsoorayaasha.

Madashan ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dooddo xiiso leh iyo aragtiyo qiimo leh oo kor u qaadi doona hannaanka garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay madashan ayaa yiri” Dambiyada ka dhaca dunida waa kuwa sii hormaraya marka waa in Garsoorkeena uu bartaa sidii uu ula Jaanqaadi lahaa fahamka Xeerarkeena iyo dambiyada nagu cusub”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo xariga ka jaray Kawaanka Hilibka dharkeenley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Kawaanka Hilibka Suuqa Dhamme Yaasiin Cartan ee Degmada Dharkeenley.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinaayo suuq-yada iyo Ganacsiga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Yuusuf Maxamuud Cali, masuuliyiin ka socday hay’adda FAO oo ka qeyb qaatay dhismaha kawaanka, Agaasimaha waaxda Suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaha kala gedisan bulshada Degmada Dharkeenley.

Wasaaradda Beeraha oo daahfurtay xarunta la socodka saadaasha Hawada

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Wasiir dowlaha Wasaaradda,Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Waraabka iyo Hor-udiga ayaa ka daah furay Xarun Cusub Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Xaruntaan oo loogu tala galay la socodka saadaasha hawada taas oo burburkii kadib ay dalka caawin jireen hay’ado kale, xaruntaan ayaa soo saari doontaa xogo dhamestiran oo ku saabsan Heer-kulka, roobka, xaaladaha dabeelaha taas oo beeraleyda ka caawinkarta in ay qaataan go’aano wax ku ool ah marka ay beeraha abuurayaan Iyo waliba waraabka.

Mileteriga Israa’iil oo Daanta Galbeed ku dilay 11 ruux

Ugu yaraan 11 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo militariga Israa’iil ay sii wadaan duullaankii ugu weynaa ee ku dhawaad ​​labaatan sano, kaas oo ay ku lug leeyihiin boqollaal ciidan.

Shan ka mid ah 11 kan ruux ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay xerada qaxootiga ee Al-Fara, halka lix kalana lagu dilay duqeyn diyaaradeed iyo iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Jenin.

Dhimashada dadkan Falastiiniyiinta ah ayaa yimid xilli ciidamada Israel ay howlgallo la beegsadeen afar magaallo oo kala ah Jenin, Tulkam, Nablus iyo Tubas,iyagoo adeegsanaaya boqollaal ciidan oo ka dagaalama  dhulka iyo cirka.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada Israel ay mar qura qaadaan weerar lagu beegsanaayo dhowr magaalo marka laga yimaado kacdoonadii weynaa ee dhacay  2000 ilaa 2005.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay xalay si buuxda uga hawlgalayeen xerooyinka qaxootiga ee Jenin iyo Tulkarm si ay u burburiyaan waxa ay ku sheegeen xarumaha ay maalgaliyaan Iran ee halkaas laga hirgeliyey.

Wasiirka ayaa ku baaqay in Falastiiniyiinta laga barakiciyo deegaannada waqooyiga la haysto ee Daanta Galbeed, isaga oo is barbar dhigay xaaladda dagaalka iyo muhiimadda marinka Qaza.

40,476 qof ayaa la dilay, 93,647 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kadib dagaalka Israa’iil ee Gaza,kaas oo bilowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore.