Wasaaradda Deegaanka XFS oo digniin ka soo saartay Jarista geedaha

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa maanta soo saartay warmurtiyeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniin culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku bogaadisay Booliska soo qabashada eedeysane ku eedeysan ku xadgudubka deegaanka iyo nabad guurka, kuna kacay fal jaris geed.

Halkan ka daalaco Warbixinta Wasaaradda:

 

Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedaysane si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waa weyn oo ku yaalo degmada Deyniile

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdiqani Daahir Shire oo si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaala xaafada Gubta ee degmada Deyniile.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeydoono Maxkamadda Awooda uleh.

“Waxaa looga digayaa mudaadiniinta Soonaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga uleh deegaanka iyo adamaha.” ayaa la raaciyay qoraalka Booliska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehliyo Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa galabta ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu xusaayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad.

Guddoomiyaha golaha Shacabka iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo khudbado ka jeediyay munaasabaddaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, iyagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxana ay xuseen in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo taageero is-dhaafsi.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Dan Qaran oo labo sanno jirsatay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka hadley xalka cabashada shacabka ee arrimaha canshuuraha, difaaca madax-bannaanida dalka iyo doorashooyinka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo La-Taliyaha Madaxweyne u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.

6- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay munaasabad lagu saxiixayay heshiiska iskaashi ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

8- Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee bixinta canshuurta, shacabka qaar ka mid ah oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay muhiim u tahay si isku filnaasho maaliyeed uu gaaro dalka.
9- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu.

10- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa furay Maktabadda Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya.

11- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 6aad ee Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee dhanka warbaahinta iyo cilmi baarista oo ka dhacay magaalada Beijing.
12- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa guddoomiyey shirka billaha ah ee Guddi Hawleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta Qaranka.

13- Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa dhaqangelisay hannaanka khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta laga qaado hubinta badeecadaha ee ka soo dega Dekadda Muqdisho.

14- Xildhibaanadda Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay xal ka gaarista cabashooyinka ganacsatada ,sido kale waxay ganacsatada fareen in ay baxiyaan canshuurta si uu dalka u gaaro isku filnaasho.

15- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in si rasmi ah uu u hawlgaley Bankiga Dhiigga Qaranka .

16- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kula yeeshay kulan diiradda lagu saarayay arrimaha cadaaladda iyo geedi socodka dib u eegista dastuurka.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fedaraalka iyo Dib u-Heshiisiinta Mudane Cali Yusuuf Cali ayaa daah-furay Mashruucaa Dowlad-Kaab oo ay ka qeybgaleen Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo saaxibadda caalamka.

18- Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijadda imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyad sare ee dalka. Tirada imtixaanka u fariisatey ayaa sannadkan gaareysa 36,0034 oo arday, iyadoo ay gudbeen 33,666 oo arday.

19- Dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaacisay natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792.
20- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa furay shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga digitalka ah ee dalka.

21- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

22- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka laga qaadayay in ka badan 13 kun qof oo u tartamaya fursado macallinimo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada.

23- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliua Wang Yu.

24- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta Jaamacadda iyo kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee dalka.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale,ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee qeybta ka ah hawlgalka amni xaqiijinta ee duleedka Degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

26- Guddiga Gurmadka Qaran ee qaraxi argagixiso ee xeebta Liido ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ehelladii dadkii ku naf-waayay weerarkaasi.

27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta waxa ay ka sameeyeen galbeedka Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaa oo ay ku dileen horjooge iyo dhowr maleeshiyaad oo ka tirsanaa Khawaarijta.

28- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland, ayaa Magaalada Gaalkacyo dil toogasho ah ugu fulisay 10 dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta ,kuwaas oo horey dilal uga geystay gudaha magaalada Gaalkacyo.
29- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Mahad Cali Maxamuud oo horay u dilay Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay ahayd 29 bishii April 2024.

 

==============DHAMMAAD==============

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo aqoon is-weydaarsi ku soo gabagabeeysay magaalada Kigali

Kigali, (SONNA): Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxa ay ku soo gabagabeeysay aqoon is-weydaarsi socday muddo afar maalmood ah.

Mas’uuliyiinta ka qayb gashay Aqoon is-waydaarsigaan ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhiggooda oo ay isku dhaafsadeen Khibradda shaqo, waxa ayna sidoo kale booqdeen xarumaha Hay’adda Socdaalka Rwanda, Hay’adda howlaha Maraakiibta Rwanda, Hay’adda Dakhliga Rwanda, Bar-xaduudeedka Cornishe oo u dhaxeeya Congo iyo Rwanda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Kigali.

Aqoon is-weydarsigan ayaa waxa qayb ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamulka Garoonka Aaden Abdulle, Booliiska Garoonka AAIA, Custamka Airport, Xafiiska Caafimaadka ee Garoonka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Afhayeenka Gaashaandhigga “Marna ma istaagin dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Abuukar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dadaalada ciidamada ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada iyo diyaargarowga loogu jiro dhameystirka howlgalada lagu ciribtiraayo khawaarijta.

Afhayeenka ayaa qiray in ay socdaan dagaallo qorsheysan ee deeganada looga saarayo khawaarijta iyo sidoo kale,howlgallada loogu talagalay in lagu ugaarsado kooxaha nabad-diidka ee sida dhuumaaleysiga ah ku soo gala deegaanada.

Afhayeenka ciidamada ayaa xusay in uu meel wanaagsan marayo wadashaqeynta qeybaha ciidamada ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada,kuwaas oo iska kaashanaaya sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan deegaanno farakutiris ah oo kamid ah dalka.

Ugu dambeyntii waxa uu afhayeenku soo jeediyay in ciidamada garab lagu siiyo howlgallada wadajirka ah ee ay ka wadaan gudaha dalka si ayuu yiri dadka Soomaaliyeed ay u helaan xorriyad iyo kala dambeyn taam ah .

Tallaalka cudurka dabeysha oo Gaza ka bilaabanaya Axadda soo socota

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in 1-da Sebtembar uu Gaza ka bilaaban doono tallaalka cudurka Dabeysha, iyadoo kooxaha caafimaadka ay u baahan yihiin 48 saacadood si loogu diyaargaroobo ololaha tallaalka iyo xaadirinta carruura la tallaalayo.

Ururka Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay ogolaatay gurmadka tallaalka ee la siinayo caruurta Gaza,inkastoo la tilmaamay in howsha tallaalka ay ka dhici doonaan oo keliya meelo gaar ah iyo waqtiyo gaar ah.

Ogolaanshaha tallalka cudurka Dabeysha ayaa imaanaya xilli Israa’iil ay weeraradii u dambeeyay ku  dishay ugu yaraan 79 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.iyadoo dhaawacday 77 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Dhinaca kale,Shiinaha ayaa Israa’iil ku cambaareeyay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo yiri”waa in aan marnaba la oggolaan in masiibo bini’aadanimo oo la mid ah Gaza ay ka dhacdo Daanta Galbeed, taasoo u rogi doonta Daanta Galbeed cadaab kale oo dhulka ah.

Ugu yaraan 40,602 qof ayaa lagu dilay dagaalka Gaza,halka 93,855 oo kalana la dhaawacay,kadib colaaddii Israel ee bilowda sanadkii hore.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray ciidamo boolis ah

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmad Firin iyo Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xirey qeyb Ka mid ah Ciidanka Bar hubinta Guur guura ama (Checkpiont-yada Guur Guura ) ee Booliiska Soomaaliyeed.

Xafladda tababarka loogu soo xiraayay askartaan waxaa ka qeybgalay Taliyaha Hoggaanka howlaha Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Garaar, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Saraakiil Kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gddoomiyaha oo safar caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabduullaahi Cumar Abshirow, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

   

Wafdi ka socda Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kulamo wadatashi ah ka daahfuray magaalada Laascaanood

Laascaanood: Guddoomiye ku xigeenka labbaad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Mohamed Abdullahi Salad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka daahfuray magaalada Laascaanood kulamo wadatashi ah oo lala yeelanayo Bulshada iyo Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda Qaran ee ilaalinta, Taakuleynta iyo Xalka-waara ee Barakacaaysha, Qaxootiga, maggangalyo-doonka iyo dadka soo guryo noqdey.

Guddoomiye Mohamed ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda gaarka ah oo ay Istaraatiijiyadan u leedahay Bulshada gargaar sugayaasha ah iyo sida qeyb uga qaadan karto in la helo hanaan wadajir ah oo taageero loodhanyahay loogu sameyn karo.