Soomaaliya Cadowgeeda koowaad waa Xabashida (WARBIXIN)

Cadowtinimada Soomaalida iyo xabashida waa mid soo soo jireen ah, waxa uuna ka soo bilowday Qarniga 15-aad, waxaana halganka Shumaca shiday Al- imam Axmed Gureey, waxaa kaloo Labada dal ay horey u dagaalameen labo jeer, kuwaasi oo kala ahaa sanadadii 1964-kii iyo 1977-kii. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka oo Dowladihii jiray u sahlay inay shacabku bixiyan xoog, Xoolo iyo Naf, Madaxdooda adeeca, oo hadalkoodana loo hoggaansamo.

Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964-kii, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cabdulle Cusmaan ‘Aaden Cade’, Cabdirashiid Cali Sharma’ake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud dhammaantood allaha u naxariistee, halka Dagaalkii 1977-kiina, ruuxda dagaalku waxay aheyd inay Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan ku soo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Gen.Maxamed Siyaad Bare, Gen.Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Gen. Neero, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

Hadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waana ku kalsoonahay inuu ka soo bixi karo inuu mar kale difaaco Qaranimada, Madaxbanaanida, shatafta iyo karaamada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida uu u difaacay damacii guracnaa ay dowladda Kenya u damacday Baddeena oo aan heer Maxkamdeed isla gaarnay, haddana waxa uu heli karaa cid uu la kaashado, maadaama uu dalkeennu ku jro dib u soo kabasho, burburkii dalka kadib, waxaana si xoowli ah u socda dib u dhiska ciidanka Qalabka Sida iyo qalabeyntoodaba.

Wasiir ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan Soomaalida u maana sheegtay, isagoo leh Soomaaliya waxa aan ku bixinay Naf iyo Maal fara badan, balse waxaa la garamay masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya,“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, balse taasi micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaasi waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFs Mudane Axmed Macallim Fiqi, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, haddii ay tahay maal ama dhiigba.

Hadalka Wasiirka ayaa daba jooga hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya mar uu  shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayuu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in hadalada xanafta ah ay sii adkeynayaan Xaaladda haatan jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa ‘in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya’ ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2008-kii, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca Dad gaaraya 800 kun oo qof.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo aan aqoon qaabka ama fahansaneyn Mucaaradnimada ayaa Warbaahinta la soo taagan Erayo munaasab ku aheyn xilliga la joogo, loona akhri karo ‘Qaai’inu Wadan’, marka Xildhibaan Zama Zam Muxumad Cumar ‘Gobsan’ oo Qolooyinkaasi ka hadleysay ayaa tiri:- “ War waxaasi Mucaaridnimo ma ahane, Mucaaradnimo anagaa ku soo Caana maalnaye, adinku wixiina mucaaradnimo ma ahane, waa ku macno beeleysiin”, taasi oo loo fasiri karo ‘Mucaaradnimadiina mid maca leh ma ahan, marka loo eego waaqiga jira iyo xaaladda markaasi taagan.

Marka laga hadlaayo heshiis yaa gali kara? “Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyada” sidaasi waxaa yiri:- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiisyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka.

“Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.” Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaalinta qaranimada midnimada ummadda, si cadowga Soomaaliyeed loogu midoobo, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in Soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada Masar, islamarkaan wax badan ay ku soo kordhineyso dalka.

Xil. Ifraah Noolooye ayaa iyadana ku hadal darsatay, waxayna tiri:- “Qofna kuma raali gelinayo in dhulkeyga ama baddeyda lagu soo xad gudbo, dowladana innaga ayaa u idmanay in ay heshiisyada waxtarka leh gasho”, waxayna dhammaan Xildhibaanadaasi daba joogaan hadlkii muritda badnaa ee uu kal hore ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna yiri:- “Soomaaliya waa xor, cidda ay doonto ayay la heshiinee” , xilli dowladda Soomaaliya ay iskaashi militery wada saxiixdeen dowladda Masar oo ay cadow u aragto Itoobiya.

Marka laga hadlaayo colaadda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Xabashida waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid soo jireen waxaad taasi ka dheehan karta sida uu yiri:- Xildh. Cabbdinuur “Markaan Ciyaalka aheyn qofka noogu dhibka badan ama noogu xaasidsan, waxaan dhihi jirnay ‘Xaasidsanidaa ma Xabashi baa tahay’ yacni Cadaawadda Ethiopian-ka aan u qabno awgeed”.

By. C/lahi Ruush

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray Waddo laami ah oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Maagaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Waddo cusub oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid, iskuna xirta Waddada Jeneral Daa’uud ilaa Dahabshiil – Suuq Bacaad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha Kaabayaasha waddooyinka uu qeyb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, asigoona ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo Caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Fargax, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato, Odayaasha Degmada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

 

Ciidanka deegaanka oo howlgal kula wareegay fariisimo ay Khawaarijtu ku laheyd deegaanno hoostaga degmada Halgan

Ciidamada xoogga iyo kuwa dib u xorreynta ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ciidanku ku burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhibaateen jirtay shacabka.

Sarakiisha ciidanka degaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen xubna ka tirsan khawaarijta oo si dhuumaaleeysi ah kuyimid degaano hoostaga degmada Halgan, ka dibna ay isaga carareen markii ay maqleen in ku soo wajahanyihiin ciidanka degaanka,haddana ay  gacanta ku hayaan ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Waxa ay intaa hadalkooda ku dareen saraakiishan in ay sii wadi doonaan howlagallada lagu ciribtirayo argagixisada tan iyo inta laga sifeeynayo degaanada dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa dhawaanahaan howlgallo sifeeyn ah oo ka dhan ah khawaarijta ka waday degaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Senator sheegay in heshiisyada caalamiga aysan wax door ah kuyeelan karin dowlad goboleedyadu

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo katirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiisyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
“Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.”

Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaa linta qaranimada midnimada ummadda si cadawga soomaaliyeed loogu midoobo.

Sanetarka ayaa waxaa kaloo intaa ku daray in soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada masar islamarkaan wax badan ay kusoo kordhineyso dalka.

Madaxweynaha JF oo wasaaradda gaashaandhigga kulamo kula yeeshay saraakiisha ciidanka xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada.

        

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qaahira Kula Kulmay Dhiggiisa Masar

Qaahira- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida khawaarijta.

Mudane Xamsa ayaa Masar uga mahadceliyey taageerada ay siiso, gaar ahaan deeqaha waxbarashada oo ay ka faa’iideystaan ardeyda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

   

Wasiirka Amniga Guddaha oo tababbar u soo xiray qaar ka mid ah ciidanka Booliiska

Wasiirka wasaaradda Amniga guddaha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdillaahi sheekh Ismaaciil( Fartaag )ayaa maanta tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye (School Polizio).

Wasiirka Amniga ayaa boogaadiyay tababarka ku aadan is dhexgalka Bulshada iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo xusay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo laamaha Amniga.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuummada Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Taliyaha Booliiska gobolka Benaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyin Gobolka Benaadir, Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa tababbar u furay 30 xubnood oo la barayo Filim soo saarida

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada u furay ilaa 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaaha Filimada iyo Warbaahinta kale.

Tababbarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filimada ee wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa furitaankiisa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Naasir Xasan Xuseen, prof Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow wasiir kuxigeenkii hore ee Maaliyadda iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda.

Inta uu socdo waxaa lagu barandoonaa casharo la xiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinayo, waxaana bixinayaa qabiir sare Cabdulqaadir Axmed Buufalo oo hore uga tirsanaan jiray maamulkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Kusimaha agaasimaha guud mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay ka qeybgaliyaasha tababarka in ay ka faaideystaan, isagoo xusey tababar nuucaan ah ay dunida qiimo weyn ah ku fadhiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkan wuxuu si weyn uga hadlay muhiimada ay leeyihiin Filmada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo, kuwaasi oo xambaarsan fariimo wacyigelineed oo nuuc kasta leh, wuxuuna bogaadiyay dadaalka uu bixinayo Qabiir Cabdulqaadir Buufalo oo ah qabiir Soomaaliyeed in muddo ah kunoolaa dalka Koonfur Afrika.

Madaxda wasaaradda Warfaafinta ayaa dadaal ugu jira sidii Wakaaladda Filmada oo kamid ah qeybaha warbaahinta ee wasaaradda maqaabkeedi dib loogu soo celin lahaa.

         

Golaha Shacabka oo soo buuxiyey xubin ka banaanatay guddiga dib u eegista Dastururka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay Xildhibaan Qaasim Cabdikariin inuu buuxiyo xubintii ka banaaneyd guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka,

kulanka oo ay soo xaadireen fadhiga 150 xildhibaan ayaa waxaa ogolaatay 148-xildhibaan laba xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan cusub, waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dowladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

Dhinaca kalen Dowlada Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay muddo laba sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM, loona guurayo UNCT, iyadoo muddaadaasi sidoo kale ay dowladdu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay oo loogu magac daray UNATMIS, waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arrimaha taageerada dib u dhiska Hey’adaha Dowladda, gargaarka bini’aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga, waxayna Dowladda Soomaaliya caddeysay in arrimaha Siyaasadda ay yihiin howlo ay Soomaalidu leedahay.

Qorshahaan waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee sanadkan, islamarkaana uu soo gaba gaboobo sanadka 2026-ka waxaana xiligaasi kadib Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee hadda jira uu noqonayaa mid xirma, howlaha hareyna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT, waxaana muddada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba, iyadoo shaqooyinka ay qabtaanna ay ku wareejin doonaan Soomaalida.

Haddaba xiisad ayay ka dhex abuurtay Itoobiya Imanshaha Soomaaliya ee Dowladda Masar, iyadoo Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba “Itoobiyaanku Adduunyadaan la joogo labo ayay ka cabsataa, waa Soomaali xoogeysatay oo leh ma qaadan kartaan Waddankeenna taako ka mid ah iyo Masaarida Ciidankooda xooggan ee baabi’in kara Itoobiyanka damacu waalay”.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ka tirsan Xabashida ayaa laga dareemayaa inuu ahaa mid aad u karkarayay, taasi oo muujineysa inuu xaalkooduna meel xun marayo , waxaase hubaal ah in maalmo kale oo adag ay Ethiopia wajihi doonto. ‘Soomaaliya maahan Soomaaliyadii shalay’.

Dadka Taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Masar iyo xasaasiyadda ay ka qaaday Itoobiya ku caddeeyay qodobadaan:-

1-Soomaaliya iyo Masar Heshiiska Difaac/Amni ay galeen waa mid dhaqan gal ah, Cid wax ka baddeli karta ma jirto.

2- Itoobiya waxay Buuqaan oo dhan u kicinee inay ka mid Noqoto AUSSOM, taasina ma dhici karto oo Go’aanka Cidda Xubin ka noqoneysa Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh mana ogola.

3- Dowladda Maraykanka waxay u aragtaa Tillaabadii Abiye iyo Muuse mid toos u dhaawaceysa Amniga Qaranka sida uu sheegay January 2024-kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareynka ee Aqalka Cad John Kirby.

4-Itoobiya waxay ku soo fashilantay inay siyaasaddeeda arrimaha dibadda inay ku meel mariso Is-Af-garadkii MOU, waxaana lama filaan ku noqday bandhigyada horumarsan {Performance) siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya siday ugu guuleysatay inay go’doomiso maamulka Addis.

5- Maamulka Addis oo ku fashilantay inay diblumaasiyad ku wajahdo Muqdisho waxay isku dayeysaa inay Soomaaliya u meeriso Cidda ay la saaxiibeyso ama la kaashaneyso Sugidda Amnigeeda, suurtagalna maahan taasi.

6- Sheekada (Narrative-ka) Soomaaliya ayaa aad ugu xooggan Warbaahinta & Fikirka Guud ee Caalamiga ah Xaaladda hadda taagan, sidaas darteed waxay diiradda saartay Itoobiya inay kiiska u sawirto Masar vs Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Bartiisa Bulshada qormo uu qoray cinwaan uga dhigay ‘Caga la’aanta ayay ciiddu igu aragtay’, wuxuuna qormadiisa ku bilaabay:-

“Diyaarad ay Masar leedahay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho ka soo dagtay ayay Itoobiyaanku yiraahdaan uma dulqaadan karno ( We can’t tolerate it). Maamulka Soomaaliland wuxuu yiri waxaan si adag u diidannahay )Strongly object) imaatinka Masaarida ee Soomaaliya oo qalalaase ka abuuri doono degmada Geeska Afrika”.

Xildhibaanka waxa uu is weydiiyay “Itoobiya ujeedkeedu muxuu yahay? Waa in ay xalaaleysato sidii ay qeyb uga heli laheyd baddeenna iyo dhulkeenna waana mid ay ku taameysay muddo aad u dheer. Annaga hadaan Soomaali nahay dhexdeenna siyaasad waa isku diidi karnaa, laakiin waa nasiib darro weyn in ruux Soomaali sheeganayo uu cadow raba inuu dhulkiisa qaata garab uu u noqdo. Qeybi oo xukun wey na soo martay yaan naloo celin. Taariikh ayaa qormeysa ee Soomaalaay dib isugu laabo”.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhawaan garay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”. Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka iyo Dadka.

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna Murti ku yiri:- “XABASH HADDUU KU FAANAY XOOG, XASSANNA XEELAD WAA YAQAAN”.

By. C/lahi Ruush