Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

Shirkaan oo sanadkiiba afar mar la qabto ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda La-nina, ka hortagga leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha ka jira arrimaha gargaarka.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya maanta

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Muqdisho.

Shirkaan oo afar mar la qabto sanadkii ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda, Lagagana hortago leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha gargaar ee jira.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya wakiillo ka socda dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee dowlad goboleedyada, Maamulka Khaatumo,  Gobalka Banaadir, madax ka socota.

Danjire Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Mudane, Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

-Ciidanka Booliska saldhigga degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa soo xiray saddex nin oo hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen xilli dhac u geysanayeen dadka shacabka ah.

Raggan ayaa ku eedeysan in ay dhac u geysteen muwaaddin ku nool degamda Dharkenley ayaa waxaa falka ay geysanayeen Booliska la wadaagay shacabka halkaasi ku dhaqan, taas oo fududeysay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.

Waxaa maalmahan soo badanaya howlgallada guuleysta ee lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda kadib markii ay shacabka kordhiyeen wada shaqaynta kala dhaxaysa laamaha ammaanka gobolka Banaadir.

Wasiirka Qoyska iyo xuquuqul insaanka oo qaabilay wakiilo ka socda UNICEF iyo UNSOM

Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul Insaanka dowladda FS sareeye guud Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM.

Wasiir Bashiir iyo Wakiilada ka kala socday Hay’addaha UNICEF Marwo Wafaa Sead iyo Marwo Kristin Young oo Horumarinta Xaquuqda Aadamaha u qaabilsan Xafiiska QM Soomaalia UNSOM ayaa kulankooda uga hadlay qodobo ay ka mid yahiin xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo labada hey’addood, Istaraajiyadda horumarinta wasaaradda, dardar-gelinta howlaha xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo in la adkeeyo xeerarka iyo sharciyada difaaca u ah caruurta (Children Protection Laws & Policy).

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha kala duwan ee Wasaaradda iyada oo la kaashanaya hay’adda UNICEF iyo xafiiska hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaana kulanka qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Mahamed Bashiir Cumar, La-taliyaasha Wasaaradda iyo madaxa kale.

Kulankaan ayaa ahaa mid muhiim ah isla markaana xoojinaya wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hey’addaha Unicef iyo UNSOM, waxayna mas’uuliyiintu ku ballameen kulamo kale iyo waxqabad ballaaran oo bulshada loo qabato.

      

Wasiirka maaliyadda oo khudbad ka jeediyey madasha xirfadlayaasha Soonaaliyeed ee Maraykanka

Bloomington: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 g𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚-𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 ee Waqooyiga Ameerika oo loo soo gaabiyo (SNABPI) madashaas oo ka qabsoontay magaalada Bloomington Gobolka Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Hadaljeedinta Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu diiradda ku saaray xaaladda dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda. Mudane Wasiir Biixi ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay Qurba joogta Soomaaliyeed ku leeyiin horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka, waxa uuna ku booriyay in ay kaalintooda muhiim ka ee ay uga jiraan dib-u-dhiska Dowladnimada ay sii xoojiyaan.

“In aan la kulmo maskax maalka iyo dhallinyarada Waqooyiga Ameerika ee 𝗦𝗡𝗔𝗕𝗣𝗜 waxa ay ahayd Madal xiisa iyo Xogo muhiim ah oo dalka iyo xaaladiisa dhaqaale taabanaysa aan isku dhaafsanay, jawi degana ku soo idlaatay. Waxa aan uga mahadcelinaynayaa in ay soo qabanqaabiyeen munaasabaddaan xiisaha leh, ayna abuureen Madal isku keenta ama kulansiisa Xirfadlayaasha iyo kuwa hal-abuurka leh si ay isagu xirmaan oo u falanqeeyaan arrimaha muhiimka ah bulshada” ayuu ku soo koobay hadaljeedintiisii Wasiir Biixi Imaan Gige.

  

Taliye Mustafe: Cadowga Soomaaliyeed innaga ayaa ku filan

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee kumaandoska Gor-Gor,Dhemme Mustaf Mohamed Husseen oo la hadlayay boqolaal kamid ah ciidanka kumaandooska Gor-Gor ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay mar walba u taaganyihiin difaaca dalka,ayna u dhaarteen cid walba oo soo damaacisa qaranimada & midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Cadawga Soomaaliyeed innagaa Ku Filan,kamana yeleeyno cid walba oo soo damaacisa madax bannaanida jamhuuridda Soomaaliya “ayu yiri Taliye
Dhemme Mustaf Mohamed Husseen

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee Gor-Gor ayaa ciidanka u sheegay in  ay u diyaar garoobaan difaaca dalka,cid laga yeelayana aysan jiri xadgudbka ay waddo itoobiya oo si cad u dafirtay Madaxbannaanida ummadda soomaaliyeed.

shaqaalaha Israel oo daneynaya xabbad-joojin iyo duqeymo weli ku socda Falastiin

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Marinka Gaza iyo deegaanada kale, iyagoo dilay tiro Falastiiniyiin ah oo rayid ahaa .

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira 11 qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza iyo afar kale oo la socday gaari oo masraayey meel u dhow bartamaha Deir el-Balah.

Dhinaca kale,Gudaha Israel ayaa la filayaa in ay  ka dhacaan shaqo joojin guud,kadib markii boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah oo ka xun dilka loo geystay lix ruux oo la heystayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka Tel Aviv iyo magaalooyinka kale, iyagoo dalbanaaya heshiis xabbad-joojin ah.

Daanta Galbeed ee la haysto, tirada dhimashada ee weerarrada Israa’iil ayaa kor uga kacday 29 ruux, iyadoo go’doominta Israa’iil ee xerada qaxootiga Jenin ay gashay maalintii lixaad, isla markaana ay adkaatay helaan cunto, biyo, koronto iyo internet.

Ugu yaraan 40,738 qof ayaa lagu dilay Gaza ,halka dhaawaca uu gaarayo 94,154,kadib weeraradii Israel ee bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Wasiir Biixi: Soomaaliya Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo safar shaqo ku tagay dalka Maraykanka ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay safarkiisa & guulaha dalkeenu ka gaaray dhanka Dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda  ayaa sheegay in Dayn Cafintii kaddib in uu Dalka sameeyay horumar dhanka Dhaqaalaha ah taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

Waxa inta wasiirku ku daray hadalkiisa in Madaxda Hay’adda Lacagta Adduunka & Bangiga Adduunka uu kala hadlay halka uu Dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, wana arrin lagu farxo, ” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan ayaa intaas ku daray in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah kuna nool Dalka Maraykanka oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga,isago bogaadiyay dedaalkaas xooggan ay sameeyeen.

Wasiirka ayaa dhawaan ka qeyb galay shir ka dhacay Dalka Marakanka,waxa una kulama gaar gaar ah la qaatay madaxda kala duwan ee shirkaas ka qayb gashay isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Ergeynimo ka qaaday Cabdirashiid Jilley

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka inay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.