Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada dhexe iyo Galgaduud

Ciidanka XDS ayaa howlgal guuleystay la beegsaday saakay fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayd deegaanno hoostaga degmooyinka Ruun-nirgood iyo Ceeldheer ee Gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka oo dhowr jeer lagu garaacay fadhiyadii Khawaarijta ayaa lagu dilay dhagarqabayaal badan, gaadiid iyo goobo ay ku dhuumanayeenna waa la burburiyay.

Shir looga hadlayay dhaqaalaha Baluugga ah oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho

Waxaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan talo wadaag ah oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay kaga doodayeen dhinacayada ku howlan dhaqaalaha bulluugga ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha Bulluugga ee dalka iyo diyaarinta istiraatiijiyad horumarsan oo qeyb ka noqon karta kuwa wadamada ku bahooday Bulshada Bariga Afrika.

Shirka oo ay qaban qaabadiisu iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS iyo Guddiga Dhaqaalala Africa (UNECA SROEA) ayaa waxaa ka qayb galay dhinacyada ku fooggan Dhaqaalaha Buluugga oo ay kamid yihiin wasaaradaha heer federaal, xarumaha waxbarashada iyo khuburo dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ah.

Kulanka ayaa laysku dhaafsaday aragtiyo, doodo iyo farsamooyin ku saabsan diyaarinta Istiraatiijiyad lagu maamulo laguna horumarin karo dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka taas oo la jaan-qaadeysa kuwa wadamada Bulshada Bariga Afrika oo uu dhawaan dalkeennu xubin buuxda ka noqday.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo kaashaneysa dhinacyada kala shaqeeya Dhaqaalaha Bulluugga iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleysatay in ay hirgeliso siyaasadda Qaran ee dhaqaalaha Buluugga iyo hannaanka isla maareynta dhaqaalaha Bulluugga ee guud ahaan dalka.

Hantidhowraha Qaranka oo Norway kula kulmay Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka (INTOSAI) iyo Hindisaha Caalamiga ah ee Horumarinta Hay’addaha Hantidhowrka Adduunka (IDI).

Sidoo kale, Hantidhowraha Guud ee JFS oo booqday Baarlamaanka Norway ayaa kulan ku saabsan wadaagga xirfadaha iyo waayo-aragnimada la yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Korjoogteynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Norway.

Hantidhowre Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya hay’adaha kale ee ka shaqeeya hufnaanta iyo horumarinta dalka Norway.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Eretrea oo kulan ku yeeshay Beijing

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.

Kulanka ayay si gaar ah diiradda ugu saareen xoojinta ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadidda danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Botswana uga qayb galay shirka 15-aad ee golaha warbaahinta Afrika

Gaborone:  Shirka 15-aad ee golaha guud ee Warbaahinta Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Gaborone ee caaasimadda dalka Botswana. Shirka ayaa ajandahiisa yahay (Rajada Warbaahinta Afrika) iyo caqabadaha dhinacyada saamaynta tiknoolajiyada cusub iyo isbedelka cimilada.

Shirka waxaa furay Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Botswana Mr. Slumber Tsogwane, waxaana uu khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay muhimadda ay leedahay iskaashiga iyo tayeynta warbaahinta Afrika.

Soomaaliya waxaa shirkan uga qeybgaley Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale. Khudbad uu shirka ka jeediyay Agaasimaha ayaa ka waramay horumarka ay ku talaabsatay warbaahinta qaranka ee Soomaaliya ee dhinacayada Telefishanka,Raadiya, Wargeyska Qaranka, Baraha Bulshada iyo weliba Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Xayri ayaa xusay Telefishanka Qaranka ee SNTV laga daawado, lagana dhegaysto shanta qaaradood ee adduunk, halka Wakaaladda Wararka ee SONNA ay noqotey isha muhiimka ee caalamka uu ka soo xigto wararka Soomaaliya. Waxaa uu ugu dambeyn Agaasimaha uu ka qeybgalayaasha shirka la wadaagey in warbaahinta qaranka ay ku xiran yihiin malaayiin qof oo ku kala nool gudaha iyo dalka dibeddiisa.

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray wado laamiga ah oo laga hirgaliyey Gaalkacyo

Gaalkacyo: Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka xariga ka jaray wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo oo la dhameeyay wejiga 1-aad oo ah 1.15KM.

Jidkan oo muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada ayaa lagu dhisay si iskutashi bulsho ah oo ay maamulkeeda ka hawlgaleen guddiga horumarinta degmada Gaalkacayo, waxaana dhisay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco.

Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyey bulshada Gaalkacyo, guddiga horumarinta magaalada iyo shirkadda wadaniga ah ee Kebarco dedaalka dhaxalgal ka ah ee ay ku hirgeliyeen dhismaha wadadaasi, taasi oo muhiim u ah horumarinta magaalada dhankasta, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in bulshadu laf-dhabar u tahay dowladnimada horumarkeeda iyo jiritaankeedaba.

     

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Izmir: Wasiirka wasaaradda gaashandhigga dowladda  FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta wasaaradda difaaca Qaranka Turkiga ee magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan wax ku ool ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga mudane Yaşar Güler oo uu wehliyo wasiirka tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee Turkiga mudane Alparslan Bayraktar.

Kulamada wasiirrada ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo tamarta.

   

Serbia oo Soomaaliya ka caawinaysa cilmiga duulista hawada

Belgrade: Danjiraha dowladda FS u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadista gaadiidka hawadda ee (Linx Aviation Pilot ) ee ku taal magaada Belgrade.

Danjiraha ayaa  la kulan la qaatay mulkiilaha Linx ATO, ahna madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković, waxaana danjiraha iyo madaxa Linx ay ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga tababaridda duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa’iodeystaan waxbarashada duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda.

      

Wasaaradda amniga oo hirgalisay adeeg loogu talagalay ka hortagga maalgelinta argagixisada

Wasiirka amniga gudaha ee jamuuriyada fadaraalka Soomaaliya S/Guuto C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) ayaa daah furay adeegga Labarka gaaban “888” ee ka hortagga maalgalinta Argagixisada.

Munaasabadaasi daah furka waxaa goob joog ahaa wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin iyo marti Sharaf kale.

Adeegan waxaa loogu talagalay inay si sahlan ku soo wacaan shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijtu baad weydiistaan ama hela xog la xiriirta qof ay dhibaato dhaqaale qaadasho ah ku hayaan, waxaana uu kaalin weyn ka qaadanayaa joojinta baadda ay Khawaarijtu Sakada oo ah rulni diini ah ugu soo gambanayaan.

Wasiir Fartaag ayaa soo jeediyey in si buuxda looga faa’iideysto adeegan oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo dhiggiisa dalka Shiinaha iyo madax kale oo ka socota Qaaradda Afrika.