Madaxda wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeysay geerida Siteey Manoogto

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Siteey Maxamed Nuur (MA NOOGTO)oo ka mid aheyd Fanaaniinta Qaranka ee Hoballada Waaberi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Siteey Maxamed Nuur (Ma Noogto)waxa ay muddo dheer ka tirsaneyd Hobollada Qaranka Waaberi ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo kaalin muuqata ka soo qaadatey wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya.

Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Qatar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u dadhiya Soomaaliya, Dr Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi. Iyada oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe: “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta waxbarashada dalka”

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlayay ayaa ka qeyb galay xaflad ay ku qalin beddelanayeen dufcaddii 18-aad ee Jaamacadda Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa intaa ku daray in ay tacliintu lahayn dhammaad, isagoo Ardayda ku boorriyay in ay sii kordhiyaan aqoontooda.

“Waxbarashada ma dhamaato waxaan idiinku baraarujinayaa in aad sii laba jibbaartaan dedaalkiinna oo aad sii waddaan waxbarashada, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta waxbarashada dalka“, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale, waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay waxbarashada leedahay, kaalinta bahda waxbarashada gaarka ah ay kasoo qaateen horumarinta waxbarashada dalka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay ku qalin beddelanayeen arday gaareysa 1721 oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Xildhibaano, waalidiinta ardayda iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed.

Wasiir Daa’uud Aweys: “Waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Wasiir Daa’uud oo soo xirayay tababar lagu baranayay habka sameynta iyo soo saarista Filimada ayaa intaa ku daray in ay ahmiyad ballaaran u leeyihiin dalka  Filimada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo marka la eego marxaladda soo kabashada ah ee haatan lagu jiro.

Wasiir Daa’uud Aweys “Waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.”

Munaasabadda xiritaanka Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana soconayay muddo 5 cisho ah ayaa loo qabtay 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaha Filimada iyo  Warbaahinta, waxaana inta uu socday lagu bartay casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinayo.

Kusimaha Agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, si bulshada ay ula wadaagaan farriimo wacyigelineed.

Ugu dambeyntii wasiirka Warfaafinta XFS ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarkaan iyo macallinkii duruusta bixinayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay hadii Hal milyan oo Soomaali ah ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca ay tahay tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha,

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara ayaa intaasi ku daray si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan dadka barakacayasha ah, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka loo baahan yahay in xal waara loo helo.

“Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha, si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barakaca daba dheeraaday uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dalka soo wajahaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay sababaan arrimo dabiici ah iyo kuwo bini’aadan.

Isaga oo tixraacaya saameynta isdaba jooga ah ee abaaraha, fatahaadaha, xagjirnimada rabshadaha wata iyo colaadaha, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xusay in arrimahan ay sabab u yihiin barakaca dadka, taas oo keentay in dowladda ay mudnaanta siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada uu khuseeyo lagala soo tashaday, waxa uuna uga mahadceliyey hey’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee taageerada joogtada ah ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Qorshaha Qaran ee xalka waara ee dhibaatooyinka barakacayaasha Soomaaliya, oo loogu magac daray “National Durable Solutions Pathways Action Plan.”, ayaa xoojinaya dadaalka ay dowladdu ku doonayso in ay wax kaga qabato dhibaatada sii kordheysa ee barakaca gudaha Soomaaliya, iyada oo barnaamijka xalka waara uu dib-u-dejin dhammeystiran u sameynayo hal milyan oo barakacayaal ah.

Wasiiru dowlaha Is-gaarsiinta XFS oo Paris kaga qeybgalay shir looga hadlaya Dhijitaalka

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magaalada Paris ee Caasimada Waddanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlayo Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hey’adda UNESCO.

Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Axmed Cismaan Diiriye ,Wasiiru-dowlaha isgaarsiinta ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faa’iidaysan lahaa.

Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shuruucdii lagu hagi lahaa maadaama Teknolojiyada qaar ay dunida ku cusubyihiin.

Dowladda FS oo war-Saxaafadeed kasoo saartay howlgallo lagu laayay Malleeshiyaad Khawaarij ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta War-Saxaafadeed ka soo saartay howlgallo lagu laayay Malleeshiyaad Khawaarij ah oo ka dhacay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu yiri In ka badan 19 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.

Howlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Khawaarijta,  goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Khawaarij ah.

Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell ayaa adkeeyay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dedaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada ,waxayna hoosta ka xarriiqeen adkeynta ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo maanta daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara.

Qorshahan ayaa la doonayaa in Hal Milyan oo Barakacayaal loogu sameeyo dib u deegaameyn, taas oo ka saaraysa ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye ee ay ka helanaan hay’adaha samafalka.

Dagaal beeleedyo ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose oo xal laga gaaray

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Maxamad Ibraahim Barre ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaannada Numbar 50 iyo Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in deminta colaad beeleedyadaasi uu gacan ka geystay in la wada hadlo, iyagoo dhamaystirka wixii dhimanna ay kala xaajoodeen Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna sheegay in wax garadku ay la qaateen tallaabooyinka uu maamulka qaaday.

Guddoomiye Maxamad Ibraahim ayaa tilmaamay in dagaal beeleedyadu ay abuuraan argagixisada si ay cimri dherersi ugu noqoto, balse ay dhagartooda ka feejigan yihiin haatanna ay wadaan sidii loo heshiisiin lahaa beelaha ay xurguftu ka dhaxayso ee ku dhaqan gobolka Shabeellada hoose.