Warbixinta Toddobaadka ee waxqabadka Dowladda F.Sooomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Beijing, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Mudane Xi Jingping.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir madaxeedkka Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay magaalada Beijing, isagoo sharaxay muhiimadda iskaashiga labada dal iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shir arrimaha iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha ah oo ka dhacaya magaalada Beijing.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Beijing kulamo kula yeeshay Madaxweyneyaasha Libya, Eritrea iyo Kenya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell oo ay ka wadahadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo kulankaasi looga wadahadley dardar gelinta hawlgalada dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka qaadey Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly, waxaana kulankan looga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaahiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyink Xalka Waara ee Barakaceyaasha.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

12- Shirka Golaha Wasiirrada oo laga soo saarey baaq ku aaddan in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana lagu caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

16- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay heshiis is-afgarad ee dhinaca dalxiiska oo ay gelayaan Soomaaliya iyo Kenya.

17- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

18- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniino culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys, ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada iyo Barnaamijyada Documentariga u soo xiray ilaa 30 xubnood oo ka kala socday warbaahinta qaranka, shirkadaha filimada sameeya iyo warbaahinta kale ee dalka ka jirta.

20- Wasiirka Qoyska iyo Horumatinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM, waxaana kulankaasi looga hadley xoojinta sharciyada difaaca xuquuqda carruurta.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Ganacsiga iyo Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka.

22- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Moalim Fiqi, ayaa si wadajir ah uga qeybgalay shirkii 9-aad heerka Wasiir ee madasha Iskaashiga China iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Beijing.

23- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ku burburiyeen fariisimo ay cadowga ku lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing.

Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Qaramada Midoobay “Gaza waxaa ka taagan xaalad bini’aadanimo oo daran”

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto .

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xidhiidhka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka.

Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar.

40878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza,halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7 dii Oktobar sanadkii tagay.

laamaha amniga Mudug oo gacanta ku dhigay gaari siday sahay ku socotay khawaarijta

Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha  waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah oo ku socday khawaarijta,kaas oo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.

Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay inay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf,iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.

taliska Ciida ka Booliska gobolka Mudug ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay,iyagoo intaa raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir doceed ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha bulluugga ee soomaaliya iyo shiinaha

Beijing: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga.

Shir doceedkan waxaa ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale.

Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka.

Shir doceedkaan wuxuu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Doha: Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallah Bin Saalim Alnuceymi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha bani’aadannimada, iyo dardargalinta taageerada dhinacyada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale safiirku waxaa uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shuurada Dowladda Qadar, si ay isu waydaarsadaan khibrada shaqo, sharci dajin iyo kor-joogtayn.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ku dhawaaqday in canshuurta gadista laga joojiyay isbitaalada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo khudbad ka jeediyay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino, ayaa sheegay in canshuurta gadista laga joojiyay isbitaalada.

Wasiir Xaange waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay tixgaliyeen talooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay meesha ka saareen cashuurtii gedista, iyagoo u damqanaya xaaladda dadka iyo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada ay yihiin dhinacyada ay dowladu mudnaanta siineyso, isagoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha isbitaalada dalka.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan, ayaa ka qeyb galay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano iyo Daahfurka Hanaanka Casriga ah ee Xogta iyo Ololaha Kobcinta Daryeelka Caafimaad ee Isbitaalka Demartino.

Munaasabadda oo ahayd mid heerkeedu sarreeyey waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Bullaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, siyaasiin, dhaqaatiir, aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay howlaha muhiimka ah ee uu u qabtay bulsho waynta Soomaaliyeed Isbitaalka Demartino iyo kaalinka lama ilaawaanka ah ee uu kaga jiro adeegga danta guud iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha oo lacag dhan 360 bilyan oo Yuan u qorsheysay maalgelinta Afrika

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu wanaagsan taariikhda.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado caddaaladda, sinnaanta, iyo iskaashiga dhinacyada warshadaha, beeraha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo xoogga la saarayo samaha bulshada iyo horumarinta deegaanka.

Wuxuu ku dhawaaqay toban hindise oo iskaashi, kuwaas oo ay ka mid yihiin kor u qaadista waxbarashada iyo tignoolajiyada, taageeridda haqab-beelka cuntada, iyo horumarinta tamarta cagaaran, waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa ugu dambeyn ballan qaaday in Shiinuhu uu bixin doono taageero maaliyadeed oo dhan 360 bilyan yuan si loogu fuliyo qorshayaashan saddexda sano ee soo socota.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ku dhawaaqday in canshuurta gedista laga joojiyay isbitaalada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo khudbad ka jeediyay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino, ayaa sheegay in canshuurta gedista laga joojiyay isbitaalada.

Wasiir Xaange waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay tixgaliyeen talooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay meesha ka saareen cashuurtii gedista, iyagoo u damqanaya xaaladda dadka iyo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada ay yihiin dhinacyada ay dowladu mudnaanta siineyso, isagoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha isbitaalada dalka.