Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga oo gaaray Sh/Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin, oo uu wehliyoย  Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa gaaray gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sarakiisha la socday ayaa kulama la qaatay Saraakiil ka tirsan xoogga Dalka ee ku sugan Sh/dhexe,waxana Kulanka looga hadlay sidii Khawaarijta looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin dalka, waxaana Taliyaha Ciidanka XDS uu amray saraakiishaan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha naf la caariga ah ee khawaarijta

 

ย ย 

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Bariga Afrika

Lusaka – G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Military-ga Afrika ee u qaabbilsan gobolka Bariga Afrika.

Korneyl Axmed ayaa ku guuleystay codeynta doorasho oo ka dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

G/Sare Axmed Jiinow ayaa sharciga Ciidamada ku dhex jira in ka badan 15 sano, wuxuu ka mid yahay ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sidoo kale waa la-taliyaha dhanka sharciga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐›๐ซ๐š๐š๐œ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‹๐š๐ฒ๐ฅ๐ข ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐( ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ).

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya HE Dr. Ali Haji Adam ayaa shir guddoomiyey Kulan muhiim ah oo dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuumta Caafimaadka iyo Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka oo ahaa mid muhim ah ayaa diiradda lagu saaray soo dhaweynta iyo horumarinta Barnaamijka Layliga Caafimaadka ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka, si loo hubiyo tayada iyo waxtarka barnaamijkan.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa Layliga Caafimaadka ee Ardayda dhameysatay waxbarashada Caafimaadka, iyada oo la xaqiijinayo in tayada barnaamijkan la waafajiyo heerarka caalamiga ah, waxaana lagu heshiiyay in la taageero oo la horumariyo barnaamijka Layliga, si Ardaydu u helaan tababar tayo leh oo dhammaystiran, sidoo kalena waxaa lagu balamay in wada tashiyada la joogteeyo si loo hubiyo in barnaamijku ku socdo sidii loogu talagalay, isla markaana la xalliyo caqabadaha jira.

Gabagabadii, kulankan ayaa kusoo idlaaday guul, iyada oo la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Jaamacadaha iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana la isla qaatay in shirarka noocan oo kale ah la badiyo si loo sii wado horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaaย  maanta si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi oo ku saabsan kaalinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta, iyo isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda hayโ€™adaha NIRA iyo HIQ iyo masโ€™uuliyiin ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta dalka. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, iyo Mustafa Yasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyagoo ka hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: โ€œIskaashiga ka dhexeeya NIRA iyo shirkadaha isgaarsiinta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu noqdo mid la isku halleyn karo oo wax ka taraya adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

<Wada shaqeyntani waxay siinaysaa ummadda Soomaaliyeed fursad ay ku heli karaan aqoonsi rasmi ah, waxayna fududaynaysaa aqoonsiga macaamiisha ee shirkadaha isgaarsiinta.โ€

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay: โ€œDhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno shirkadaha isgaarsiinta si aan u hubinno in nidaamkani uu noqdo mid wax ku ool ah oo si buuxda ugu shaqeeya macaamiisha Soomaaliyeed.โ€

Warbixinno kala duwan ayaa lagu soo bandhigay kulanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin shuruucda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, iyo sida loo fulin doono diiwaangelinta SIM-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istiraatiijiyadda hawlgelinta, fursadaha iskaashi, iyo meelaha ay iska kaashan karaan NIRA, HIQ, iyo shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la xoojinayo ujeexdada guud ee ah in la horumariyo adeegyada isgaarsiinta ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dhaweeyay iskaashiga iyo wada shaqaynta la xiriirta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan NIRA iyo HIQ si ay uga qayb qaataan isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta. Sidoo kale, shirkaduhu waxay ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan diiwaangelinta macaamiisha.

ย ย ย ย ย 

Shir looga hadlayo horumarinta Miisaaniyada dalka oo Mogadishu ka furmay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maaalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta miisaaniyadda iyo Illaha dhaqaalaha iyo waxsoosaarka dalka.

shirkan ayaa waxa ka qayb galaya xubno ka socda dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

SHAQSIGII LAGU SHARFAY NOBEL PEACE PRIZE-KA ADDUUNKA OO ISKU BEDDELAY DAGAAL OOGE LA KARI LAโ€™YAHAY

Raโ€™iisal wasaare ku sheegga Itoobiya sheydaanka madoow ee muuqda ee maanta ka arrimiya dalkii loo yaqiinay abasiiniya ayaa taariikh nololeedkiisu iyo soo jireenkiisuba ahaa markii dib loo raacay mid madoow oo aan istaahilin in uu ka taliyo addis ababa ee itoobiya, kaasoo aan marnaba istaahilin in uu ku sii fadhiyo ama ku sii nagaado kursiga dalka looga taliyo, waayo wuxuu u horseeday dagaallo sokeeye, burbur, baabโ€™a, barakac iyo dagaallo daba dheeraaday

Waxaan si cad maanta u iftiimineynaa taariikh nololeedkiisa iyo sida uu adduunka u dhagray isuguna muujiyay in uu yahay kii dalka itoobiya hoggaamin lahaa.

Abiy Axmed ayaa ku dhashay gobolka Jimma ee degaanka Oromiya, waxaana la doortay isagoo ah guddoomiyaha xisbiga OPDO ee Degaanka Oromada, wuxuu shahaadadiisa kowaad uu ku qaatay Cilmiga Computer Injinering, shahaadadiisii labaadna ee mastarka waxay ahayd transformation and leader ship and change, sidoo kalenaย  wuxuu shahaaddada digriiga labaad ee Mastarka ku qaatay Culuumta Maamulka iyo Maareynta, halka shahaaddada BHD-gana uu ku qaatay Culuunta Nabadda iyo Xasilinta.

Ninkani wuxuu Wasiir ka noqday Wasaaradda Sayniska iyo Tiknoolojiyada ee dalka, sidoo kalen wuxuu ka soo shaqeeyay xarunta sayniska iyo tiknoolojiyada isagoo ka noqday Maareeye Guud, wuxuu sidoo kale maareeye ku-xigeen ka noqday Laanta Sirdoonka ee INSA ee dalka itoobiya.

Waxaa kale uu noqday madaxa xafiiska horumarinta iyo guriyeynta ee deegaanka Oromiya, sidoo kalena ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Oromiya, waxaa kale uu ka soo shaqeeyay Ciidanka Difaaca Qaranka isagoo ka gaaray Lieutenant Colonel

waxaana la filayay ninkaan isu beddelay haatan dagaal oogaha noqday inuu sii xoojin doono arrimaha dimuqoraaddiyadda iyo nabadda kuwada noolaanshaha qowmiyadaha iyo shucuubaha dalkiisa, laakiin taasi ma dhicin, mid uu abaalgudkeeda u celiyo bulshada iyo shacuubta uu maanta u taliyo ninkani wuxuu qaatay nobel peace prize sannadka iyo taariikhdu markay ahayd 10 December 2019 at the Oslo City Hall, Norway.

Balse, maxaa laga dhaxlay lagana dheefay aqoontii iyo juhdigi uu dalkiisu ku tabcay abaalgudkeedana ka dhigay in uu kala diro qowmiyadihii itoobiya ee la doonayay inuu isku hayo isagoo u adeegsanaya qeybi oo xukun, boqolkii 99% maanta waxaa loo arkaa inuu yahay dagaal ooge la kari laโ€™yahay oo burcad ah waayo wuxuu si bareer ah u sheegay dunidana maqashiiyay inuu doonayo bad uu xoog ku qabsado waxaana haatan ka amaan heli laโ€™ dhammaan dowladaha jaarka laโ€™ah ka dib markii uu siyaasadda gudahiisa fashilmay, baabiโ€™yay, dadkiisuna waxay maanta ula dirirayaan siday uga hoos bixi lahaayeen taliska uu madaxda ka yahay dagaal oogahaan caddeystay boobka iyo damaca waalida ah qaba, wuxuu Ilaah u qorin goobaya una ooyaya.

Kani waxaan oran karnaa kama faaโ€™iideysanin aqoontii la soo baray sida muuqataa wuxuu ku dambeeyay mooriyaannimo iyo argagixin qowmiyadaha kala duwan ee dalka itoobiya iyo dowladaha la deriska ah, wuxuuna qoomiyadda uu ka soo jeedo u fasaxay in riixdaan dhulal aysan lahayn ee qowmiyadaha kale sida soomaalida oo ay ka qabsadeen dhulal badan haatanna ay weli heystaan, wuxuuna si ย mission ah ku dilaa wixii ka hor yimaada xukunkiisa isagoo laabta gashaday in uu dalka xoog ku xukumo,ka dib markii uu arkay inaysan dadku rabin, kani waa mid khiyaanay dadkiisa iyo dalkiisa waxayna maanta ka taagan yihiin allow yaa hal mar idinka dul qaada oo na dhaafiya, waxaa ku kacay dhammaan wixii qowmiyado ahaa iyagoo sameystay jabhado iyo ururro xoog badan wuxuuna la galay dagaal oo la ogaa tii ka dhacday dalka itoobiya ilaa iyo manta, dadkiina ay gaajo iyo barkac ku jiraan

Dunida wuu qiyaanay wayna ku qaldantay markay siineysay nobel peace prize-ka ka dib markii uu jilay inuu yahay R/wasaare nabad doon ah.

Waxaana laga yaabaa ninkaan isu beddelay dagaal oogaha ee qaatiga laga taagan yahay in uu ugu dambeynta ku guul-dareysan doono xukunka uuna weyn doono quuluubta shucuubta itoobiya iyo caalamka taasi oo sababi doontaa in lagala noqdo abaalmarintii lagula qaldamay ee lagu sharfay Nobel Peace Prize

WQ: Osman Dhiblaawe

ย 

WAXBA WAX BAA KA DARAN

In kastoo maalinba maalinta ka dambeysa ay dhacayaan arrimo hor leh, haddana waxaa wax lala yaaba ah arday u gacan qaaday macallinkiisa oo ah aabbihiisa labaad ilaa heer dhimasho.

Haddaba, maxay tahay muhiimadda macallinka u joogo dugsiyada?

Macallin waa abaabiyaha barbaariyaha kugu haga sida aad u noolaan lahayd ugana ceeshi lahayd dunida oo noloshaada oo dhan abaal kugu leh, qeyb weyn ka ah barbaarintaada isla markaana aayahaada nolosha saaameyn weyn ku leh waana waalid labaad.

โ€œNolol macallin laโ€™aan ah lama garan karo si ay noqon laheyd, macallinkuna waa kan indhaha noo kala furaโ€ ayuu yiri macallin Axmed Maxamed oo ku nool Muqdisho oo ka dayriyey dhaqamada xun ee ka soo ifbaxaya bulshada qaarkeed ee aan u tureyn macallinkii abaalka weyn kugu lahaa.

Sida aan wada ognahay โ€œmacallin waa kii fadhiga looga kici jiray xushmeyn awgeed ee la qadarin jiray halka uu joogana wanaagga loogu hadli jiray looguna imaan jiray waana wax lala fajaco in qof macallin ah lala murmo ama lala ekeystoโ€ ayuu sii raaciyey.

โ€œXilliyadii hore ardaygu wuxuu iska qarin jiray macallinka si aanu u arkin marka uu ku sugan yahay ama uu joogo meelaha qaar sida shaneemooyinka โ€œ ayuu yiri C/llaahi Maxamed Xuseen oo sheegay in maalin uu xasuusto loo garaacay markii uu habeen ka hor macallinka uu ku soo arkay shineemo isagoo hor taagan.

Ardaydii hore waxay lahaayeen dhaqanka xushmeynta macallinka waxayna istaagi jireen mar kasta oo uu macalinku fasalka soo galoย  ardayguna wuxuu isu arkayey in uusan weli garaarin darajada uu gaaray macalinka hadalkana kuma xajin jirin oo hoos buu madaxa u foorarin jiray.

Waalidka laf ahaantooda qadarinta macallinka wey ka muuqatay oo hadalka macallinka hadal ma kor saari jirin, mana simi jirin ardayga iyo macallinka , marka uu la hadlana hadalkiisa ayey raaci jireem.

โ€œmuddooyinkan dambe waxaad arkaysaa waalid macallinka u soo qaadaya hadal uu ardayga u sheegay isla markaana beeninaya kii uu sheegay macalinka kuna duullaan ah macalinka taas oo meesha ka saartay xushmeyntii macalinku lahaaโ€ ayuu yiri Macalin Axmed Xasan oo wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho oo soo qaatay dhacdo dhowaan ka dhacday magalada Muqdisho oo lagu dilay mid ka mud ah macallimiinta dugsiyada kaasoo uu dilay mid ka mid ardaydii uu wax soo baray.

Dhacdad ayaa aheyd mid aad u naxdin badan oo noqotay hadal heynta ugu badan baraha bulshada kana dhalatay macallinka oo canaantay gabar uu wax barayey oo soo kaxeysatay wiilka oo ahaa walaalkeed.

Arrimaha waxay muujinayaan isbeddelka dhinaca qiyamka ah oo ka jira goobaha waxbarashada iyo dhaqan doorsoonka laga yaabo in uu ku yimaado goobaheenna waxbarasho haddii aan wax laga qaban dhaqankaa aan fiicneyn ee laga yaabo in uu sii fido.

Ma yereyn arrimaha dhaqan dooriska ee soo wajahayey goobaha waxbarasho oo ay ku jiraan in ardaygu yaso macalinka oo uu yiraahdo โ€œaniga dugsiga lacagteydaan ku dhigtaa ima ceyrin kartid , ilama hadli kartid, wax ima weydiin kartid, sida aan doono ayaan u dhaqmayaaโ€.

Tan waxay keentay in ardaygu noqdo mid madaxbannaan(free) awood badan leh oo isagii xukuma macalinka haddii uu imtixaanka dhacana wuxuu u hanjabayaa macalinka .

Waxaa loo baahan yahay in goobaha waxbarashadu ay noqdaan kuwo lagu badbaado u leh macallinkana uu noqdo awoodda ugu sarreysa goobaha waxbarashada laakiin hadda siday wax u socdaan maahan tii lagu soo caano maalay.

Dowladda iyo ciidammada iyo madaxda waxbarashada waa in ay qaadaan tallaabo lagu soo celinayo kala sarreynta iyo sharciga gaar ahaan dhanka waxbarashada.

WQ: Maxamed Shiil Xasan

 

BIDAARTII LA QARIN JIRAY MA LA SOO QARXIYEY?

Waxaa ka dhacy kala orod ka dib markii amar ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir lagu sheegay in koofiyadaha marka laga reebo kuwa sunnada aan la xiran Karin taasna loo yeelay sababo ammaanka la xiriira .

Durba waxay qac ka yeertay dad u badan dhallinyaro iyo xitaa kuwo daโ€™ dhexaad ah oo koofiyadaha nooca bareetooyinka loo yaqaano ee xarragada ku qarin jiray bidaarta ay leeyihiin oo iska dhigi jiray kuwo ku xarragoonaya.

โ€œwallee Xamar wuxuu noqday bidaar wada dhalaalaysa .. wax la qariyaba waa la iskaga daba yimid oo la soo qarxiyey raggii bidaarta lahaaโ€ ayey tiri Xaawo Cabdi Ismaaciil oo ku nool Muqdisho oo hadalkeedu u muuqday ku digasho.

Waxay sii raacisay โ€œ qaarkood koofiyadaha maba dhigi jirin oo xitaa haddii ay seexanayaan wey ku seexan jireen laakiin haatan bidaartii waa waykac oo sida muraayadda ayey u bidhaameysaa โ€œ.

Raggan ka tisan bulshada madaxa bannaan haatan waxay qasab ugu soo biireen bulshadoodii bidaarta laheyd ee ay iska qarin jireen danta ayaana u run sheegtay oo ma jirto geed ay hoosta ka galaan oo bidaarta ku qarin karaan sida ay qabaan dad badan oo xifaaleeya raga madax bannaanka ah .

Maxamed Cali Xasan oo Doolli loo yaqaano waxaa uu ka tirsan yahay ragga madaxa bannaan laakiin muddo dheer ayuu koofiyadle ahaa taas oo uu ku qaatay naaneysta KOOFI, laakiin hadda amarkan wuxuu ku noqday mid kashifaad ku ah oo baray bulsho aan hore ugu tuhunsaneyn bidaar oo hadda leh โ€œkoofiyow , illeen madaxbannaanka ayaad xubin ka aheydโ€ taas oo isaga dhib ku noqotay kana soo gaabisay firfircoonidii uu ku lahaa dhinaca haasaawaha dumarka.

Amarkan dhibka ku ah madaxbannaaneyaasha ayaa sidoo kale dhiaato ku noqday dukaamadii lagu iibin jiray koofiyadaha xarragada oo haatan aan xabbad koofiyad ah laga iibsaneyn .

Waaa sidoo kale arrintan aad u dareemay urbajoogta ku sugan Muqdisho oo intooda badan qaawanaanta madaxa isaga qarin jiray koofiyadahaas xarrgada haatana u muuqda kuwo ka hanjabay baararkii ay ku xarragoon jireen .

Muqdisho waxaad is leedahay show bidaartaba wey ku badneyd marka aad eegto tan iyo markii la soo saaray amarkan waxaadna arkeysaa madaxbannaanyo is daba socda oo qaarkood xoog looga saarayo koofida.

Dhanka kale marka la eego arrintan waxay fursad u noqotay isbitaalada beerista timaha ee Muqdishu oo saf loo galay kuwaas oo haatan u muuqda in aanay dabooli Karin baahida timaha ee ragga madaxa bannaan.

Waxaa jiray ragga qaar ee madaxabannaan ama bidaarta leh oo aad moodo qaarkood in ay sii ogaayeen arrintan oosii tagay isbitaalada timo beerista intii lagu ,ashquulsanaa ciyaarihii maamul goboleedyada kana faaโ€™ideysta inta aanu kor u kicinta qiimaha dhaqaatiirta timo beerista oo haatan cirka isku shareeray.

โ€œMaalin walba rag aad u fara badan oo bidaar leh oo raba in timo loo beero ayaa noo yimaada laakiin liisaska aan heyno ayaa aad u fara badan waqtiguna wuu nagu yar yahay โ€œ ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha isbitaalada timo beerista oo diiday in uu sheego sababta ay haatan kor ugu qaadeen qiimaha timo beerista marka loo eego bilk a hor sida uu ahaa.

Amarkan koofiyadaha oo keliya kuma koobna ee waxaa soo raaca af-xirka oo dadka qaar sababo aan la garaneyn weli u wataan iyadoo la soo dhaafay xilligii Covid-19 taas oo shaki badan dhalisay .

WQ:Maxamed Shiil Xasan

 

10 TALAABO OO SARE U QAADAYSA KALSOONIDA QOFKA

Marka ugu horreysaa waa maxay kalsooni

Kalsoonida waxaa ugu muhimsan kalsoonida aad ku qabto dadnimada naftaad, kalsoonida aad ku qabto diintaada iyo kalsoonida aad ku qabto dalkaada intaasna waxaa lagu heli karaa 10-kan tallaabo oo kaabaya inaad kaarto himilladaada iyo kalsoonidaada.

  1. Tuko Salaada Subax. Marki ugu horeysa aad hurdada ka toosto Ku Shugri Allihi ku siiyay fursada labaad ee Nolosha, ka dib Tuko Salaada Subax waqtigeeda, tani waxay ku siinaysaa Kalsoonida ugu sareysa & in aan maalintaa si fiican kuugu bilaabato
  2. Jimicso. Jimicsiga wuxuu sare u qaadaa qaab-dhismeedka jirka, wuxuu qofka siiyaa firfircooni. Waa hab fudud waxtarna u leh inuu sare u qaado kalsoonida qofka
  3. U labiso si hagaagsan. Hadii aad si fiican u labisato waxaad dareemaysaa fiicnaan naftaada ah & istareex. Ma aha dhar qaali ah, laakiin waa in qofku xirtaa dhar laโ€™eg, aan ku dheganayn oo jirkiisa muujinayn, aadna uga weynayn. Sidoo kale waa in qofku kala gartaa xilliyada dharka, tusaale iyadoo xagaa kulul ah in uusan qaadan dhar qaboobaha loogu talagalay ama midab madow ah si uusan cadceeda u soo jiidan
  4. U fakir si wanaagsan. Hadii qofka ay ku bataan sheekooyin negative ah, wuxuu bilaabayaa in uu si xun u fakiro, maskaxdiisana daaliyo. U fakir si postive ah, dhanka wanaagsana ka eeg wax kasta
  5. Noqo mid naxariis badan oo deeqsi ah. Dadka oo aad u naxariisato, deeqsi aad noqoto waa waxa ugu sareeya ee qofka siiya farxad taasoo sare u qaada kalsoonidiisa
  6. Hel hurdo kugu filan. Jirkaagu wuxuu u baahan yahay 6 -8 saacadood oo hurdo ah habeen kasta. Naf habeenki dhan soo jeeday waxaa ka muuqanaya daal & dhafar, mana heli karto iyo in ay yoolkeeda gaarto
  7. Ku dedaal nadaafada jirkaaga oo dhan. Hagaaji wixi cillad jira. Hubi in cidayaha, timaha, ilkaha iyo dhamaan jirkaaga ay nadiif yihiin mar kasta. Nadaafadu waa nolol
  8. Ha sameyn is tus-tus & ha lagaa sheego inaad u noolaato taasoo muujinaysa inaadan naftaada ku kalsooneyn, dadka kalena aad ka sugeysid ansixin & sharciyeyn
  9. Dhoolacadee mar kasta. Si aad u dhameystirto muuqaalkaaga, dhoola cadeentu waa hab raqiis ah, dadkana lagu kasbado
  10. Markaad dadka la hadleyso indhaha ka eeg. (Ha ku gubin, waa eegmo caadi ah!) Madaxa ha foorarin si daciifnimo ah. Mar kasta ugu yeer magacooda. Si fiican u salaan. Hadalkana ha boobsiin

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Shirkadda Huawei

Beijing: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee dalka Shiinaha ayaa ku dhiirigaliyay masโ€™uuliyinta shirkadda sidii ay qayb uga noqon Maalgashiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda XFS mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa madaxda Shirkadda la wadaagay fursadaha Maalgashi ee waqtigan ka jira dalkeenna, gaar ahaan horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinaca Tignoolajiyadda.

Booqashadan waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masโ€™uuliyiin kale oo qayb ka ah safarka Madaxweynaha ee dalka Shiinaha.

ย ย ย ย