Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare oo shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Arrimaha Gudaha

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa xubnaha guddigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeesheen kulankii 12-aad ee kalfadhiga shanaad oo ku saabsanayd arrimaha matalaadda Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Timacadde oo tilmamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadgiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka oo ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacsbka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay Ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka  soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan maanta lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada leh si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha xildhibaanadda islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

Shirka Amniga iyo Saameynta Isbadelka Cimilada oo Muqdisho ka furmay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Shirka Amniga iyo Saameynta Isbeddelka Cimilada.

Shirkan oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa looga dooday saameynta isbeddelka cimiladu ku leedahay labajibbaaridda khataraha amniga qaranka, sida colaadaha ka dhasha isku qabsiga dhul-daaqsineedka iyo baraha waraabka xilli abaareedka.

Isbeddelka cimilada ayaa sidoo kale ka qayb qaata barakaca iyo sugnaan la’aanta cuntada oo labaduba saameyn ku leh xasiloonida bulshada.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya xubno ka tirsan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobolleedyada, qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo qeybaha kala ee bulshada Soomaaliyeed.

Guddiga Awqaafta Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Diinta XFS

Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo waydiin iyo la xisaabtan ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo sidoo kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diiinta ayaa marka hore xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha ay Wasaaradda dadka iyo dalka u heyso iyo sidoo kale qorshayaasha Wasaaradda u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay howlaha ay Wasaaradda heyso gaar ahaan arrimaha xajka iyo guud ahaan shaqooyinka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, waxaana Wasiirka iyo xubnihii la socday ay ka jawaabeen dhamaan su’aalihii xubnaha guddiga ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Wasaaradda oo uu Wasiirka ugu horeeyo uga mahadceliyay ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga, waxaana labada dhinac ay isku raaceen dhamaystirka sharciga xajka.

 

Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib u heshiisinta BFS oo la kulmay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib U Heshiisinta Iyo Hanti Isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa Barnaamijka dhab U heshiisiinta iyo Istaraatijiyadiisa ayaa waxa ay xubnahan ka socday wasaaradda warbixin kooban ka siisay Guddiga Nidaamka  Istaraatijiyadda iyo dhab u U heshiinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisinta ayaa Guddiga usoo jeedisay Qorshaha Istaraatijiyadda Qaran ee Hirgelinta Hanaanka Dhab-U-Heshiisinta Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta, Dib U heshiisiinta iyo Hanti isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Axmed Aadan Axmed oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib U Heshiisiinta iyo Guddiguba ay sii wadi doonaan kulamada u dhaxeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka G. Banaadir oo ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka daah-furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Cayaaraha ay muhiim u yihiin is dhexgalka bulshada, isla markaana loo baahan yahay in la dhiira-geliyo dhalinyarada, waxa uuna guul u rajeeyay dhammaan degmooyinka ka qeyb-galaya Tartanka gaar ahaan Degmooyinka Degmooyinka Heliwaa iyo Gubadleey oo galabta lagu furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Furitaanka Tartanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Xildhibaano, Guddoomiye Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taageerayaal kala gedisan.

<Kulanka furitaanka tartanka Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Degmadda Balcad ayaa waxaa galabta wada ciyaaray degmooyinka Heliwaa iyo Gubadleey, ciyaartuna waxaa ay ku soo dhammaatay barbaro goolal la’aan ah.

             

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo xiray tababar loo qabtay shaqaalaha Hey’adda SoDMA

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA, kuwaas oo muddo ku dhaw bil baranayay koorsooyin la xariira xirfadaha kala duwan ee gurmadka deg-deg ah.

Xiritaanka tababarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, madax ka tirsan hay’adda bisha cas Turkiga, waxaana u jeedka tababarkaan uu ahaa in dhammaan howl-wadeennada hay’addu awood u yeeshaan ka shaqeynta howlaha gargaarka deg dega ah xilliyada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan daniiciga ahaynba dhacaan, isla-markaana ay waqti kasta aqoon ahaan diyaar u ahaadaan Jawaabaha caafimaad ee lama huraanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa kaalintooda tababarkaan uga mahad-celiyay Dowladda Turkiga, Safaaradda, Hay’adda KIZILAY, jaamacadda Cilmiga Caafimaadka ee Isbitaalka Erdogan, iyaga oo kula dardaarmay shaqaalahan inay aqoontaan si hufan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan.

        

Maxkamadda sare Ciidamada QS oo go’aan ka soo saartay labo eedeysane oo loo heysto dil

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday Labada Eedeysane, Sideed iyo Labaatankii August, waxaana baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida uu mar kale  codsaday qaadista kiisaskaan.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay Lix sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga Itoobiya

Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga  Itoobiya.

Shir maal mahaan u socday culimada  ayay ka soo saareen warmurtiyeed la xariira damac gurracan ee itoobiya,iyagoo shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka,waxana qodobada ay soo saareen kamid ah.

1)-Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeeynyaan midnimada ummadda soomaaliyeed.

2)-Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baqeen in ay u midoobaan difaaca dalka kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed.

3)-waxa ay culimada ka digeen sidoo kale dadka ku hoowlan Kicnta iyo
iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii culimada soomaaliyeed ayaa  dhammaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay uga difaaci lahayeen cadawga itoobiya iyo cidkasta oo soo damaacisa.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa is-xogwaraysi guud ayaa guddoomiyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga joogtada ah isku xirka wada shaqaynta dhexdooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda ayna dardar geliyaan waajibaadka loo xilsaaray.