Duqa Muqdisho oo furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Muqdisho iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Hormuudka Ururada Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo furitaanka Madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in uu dhageysto qeybaha kala gedisan ee Bulshada, isla markaana uu La-tashi kala sameeyo hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho.

Qeybaha kala gedisan ee bulshada oo madasha ka hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qabto madal nuucaan ah oo lagu dhageysanaayo taladooda si loogu qeyb geliyo xulashada loo maraayo nuuca ugu haboon ee loo xulaayo hanaanka Maqaamka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in madashaan ay bilaw u tahay sidii bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen xuquuqdooda matalaad, isla markaana ay iyagu go’aan ugu gaari lahaayeen nuuca uu noqonaayo Maqaamka Muqdisho.

Madashaan ayaa ah mid qeybaha kala gedisan ee bulshada Gobolka Banaadir ay doodo ka yeelan doonaan hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho iyo xuquuqda bulshada Gobolka Banaadir, si talooyinka kasoo baxa madashaan loogu gudbiyo guddiyada kala gedisan ee Dastuurka maadaama Baarlaamka uu dhawaan guda geli doonno doodaha ku aada wax ka badalka cutubka 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka.

Mudane, Xamsa oo ka hadlayay munaasabad Dhagax dhig ah oo ka dhacday Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay difaaca Qaranimada iyo midnimada bulshada aan gorgortan laga geli Karin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si gaar ah ula hadlayay farriimha qaldan ee ka imanaya qaar ka mid ah hoggaamiye goboleedyada dalka ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in aysan Itoobiya ku garab istaagin damaca gurracan ee ay ka leedahay geyigeenna.

Wuxuuna hoggaamiyeyaasha kala duwan , siyaasiyiinta iyo Odayaashuba ugu baaqan in aysan si qaldan wax ugu sheegin bulshada oo aysan ummada ku beerin qabyaalad, iyagoo dana gaar ah eeganaya, taas oo keeni karta fashil, wuxuuna xusay in ay ku cibra qaataan waxyaabihii lasoo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay soo celinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay in  Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay cilaaqaad la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka maaddaama aynu nahay dowlad madax bannaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dedaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka.

Wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada Qaran.

“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahan dowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”.

Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.

Wasaaradaha Awqaafta XFS iyo Hirshabeelle oo wacyi gelin ka wada Shabeellada dhexe

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka Xagjirka ka billowday degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellada dhexe.

Muxaadarooyinkan wacyigelinta ayaa waxaa qabanaya qaar kamid ah culimada, iyagoo bulshada ku nool deegaanada laga saaray Khawaarijta ka wacyigelinaya khataraha ay leeyihiin afkaarta Xagjirnimada.

Waxaana sidoo kale culimada ay kulamo dhiiragelin iyo wacyigelin ah u sameysay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo gaaray Qaahira

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta gaaray Magaaalada Qaahira ee Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar.

Wasiir Fiqi ayaa halkaasi kaga qayb gelaya kulanka 162aad ee Shirka Wasiirrada arriamaha dibedda Waddamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa inta uu joogo magaalada Qaahiro wuxuu kulamo doceed la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah ee Jaamacadda Carabta iyo madax kale.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo kulan la qaadatay xubno ka socda WHO

Wasiiur Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS Drs. Maryama Maxamed Xuseen ayaa xafiiskeeda ku qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

Wafdiga oo ka koobnaa Dr. Marina La-taliyaha Siyaasaddaha ee Caymiska Caafimaadka Dhammaystiran, Dr. Supriya La-taliyaha gobolka ee NTD-EMRO iyo Dr. Jamal Amaran ayaa kulankan diiradda lagu saaray horumarka caafimaadka Soomaaliya iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xiriira cudurada aan la daryeelin (NTD).

Kulankan ayay ujeedadisu ahayd mid diirada lagu saarayay xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada aan la daryeelin. Intii lagu guda jiray kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda caafimaadka ee gobolka iyagoo tusaale u soo qaatay guulaha la gaadhay iyo caqabadaha horyaalla, sidoo kale muhiimada ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka caafimaad ee dalka.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku amaantay Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO dadaalada ay la garab taagan yihiin xilli kasta bulshada soomaaliyeed oo kujirta xaalad soo kabasho ee dhinaca horumarka caafimaadka.

Ugu Dambayn Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa adkeysay in ay muhiim tahay in la helo qorsheyaal waxtar leh oo lagu xakameynayo cudurrada aan la daryeelin si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh Waxay kaloo xustay in wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta caafimaadka dalka.

ISLAAMKA IYO QIIMAHA UU SIIYEY CADAALADDA

Islaamkeenu waxa uu qiimo weyn siiyey caddaaladda iyo ku dhaqankeeda, mudnaan gaara, ayeyna islaamka dhexdiisa ku leedahay cadaaladda, asigoona   kaga hadlay aragti saraysa iyo tix-gelin dheeri ah.

Caddaaladu meel sare ayey ka joogtaa Islaamka iyo ku dhaqankiisa, waxaana tusaale u ah heerka sare ee uu gaarsiiyay, ka hadalka iyo muhiimadda ay leedahay ka shaqeynta cadaaladda siiba marka ay joogto u kala gar-qaaddidda aadanaha marka ay timaado wax yaabo ay isku heystaan, waxaasi ha ahaadaan hanti ama afkaar kale oo keeni kara ismaan-dhaaf.  Saraynta iyo Qiimaha ay cadaaladdu gaarsiiyay islaamku waxa tilmaamaya in laga dhigay magac ka mida magacyadda Alle Illaahayna waa caadil, waxana uu jecelyahay caddaalada, magacyadiisana waxa ka mida Caadil.

Ugu horayn waxa uu ku qeexay islaamku macnaha Caddaalada erayo kooban oo si qoto dheer u tilmaamaya Caddaaladu waxay tahay:

Caddaaladu waa kasoo hor jeedka Dulmiga , waxa looga jeedaa wax kasta oo aan dulmi ahayni waa cadaalad. Hadii dulmi meesha soo galana cadaalada ayaa ka baxda.

Dulmigu waa wax kasta oo si aan ku haboonayn loo sameeyey ama loola dhaqmay, cadaaladuna waa wax kasta oo sidii ku haboonayd loo la dhaqmay, mar walbana waa ay iska soo horjeedaan Cadaaladda iyo Dulmiga, waxa kale oo cadaalada muuqaaladeeda ka mida Sinnaanta, toosnaanta, miisaanaanta, hadii meesha sinaantu ka baxdo cadaaladi ma taalo, hadii toosnaani ka baxdana qalooc ayaa soo gelaya oo cadaaladi jirimayso, hadii miisaanka saxda ahi meesha ka baxana dheeli ayaa soo  baxaya oo cadaaladi ma jirayso.

Caddaaladu inay ka mid noqoto magacyada alle waxay ku tusaysaa qaalinimadeeda iyo muhimada ay u leedahay dadka iyo dawladnimadaba , waxay ku tusaysaa caddaalad la,aan inaan la noolaan karin, sidaa darteed islaamku waxa uu diiday qofku xitaa naftiisa inuu dulmi ku sameeyo.

Qur’aanku wuxuu ka hadlay, kuwo dulmi iyo dhib u gaystay dad kale balse waa dad naftooda keliya dulmiyay oo dhib u gaystay,waxana Qur’aanku tilmaamayaa naftu caddaalad inay u baahantahay,haddii caddaalad nafta lagu hagi waayana dulmi iyo dhib inay imanayso, xisaabta qiyaamahana qofka la waydiin doono naftiisa muxuu ugu caddaalad samayn waayay.

Aayadaa tilmaamtay dadka naftooda ku sameeyay dulmiga waxay sheegtay muuqaalo ka mida dadka naftooda dulmiyay iyo waxay sameeyeen, waxana aayadu tiri iyadoo ka waramaysa su’aalaha la waydiiyay dadkaa.

“kuwa naftooda dulmiyay ee malaa’igtu nafta ka qaaday waxay su’aalaysaa,maxaad qabanayseen, waxay ku jawaabayaan waxaanu ahayn kuwo  dhulka lagu dulaysto, malaa’igtu waxay ugu jawaab celinayaan, miyaanu dhulka Alle waynayn si aad meel kale ugu hijirootaan”

Hijrada aayadu ka waramaysaa waxay tahay aragtida dulmiga maxaad uga tegi waydeen oo u qaadan waydeen aragtida ku dhisan cadaalada, qofka ka tagi waaya meesha dulmiga lagu samaynayo,ama la mawqif iyo aragti noqda dadka dulmiga samaynaya xitaa hadaanu ka qayb qaadan dulmiga waxa uu noqonayaa qof dulmiyay naftiisii, waxana uu la denbi noqonayaa dadkaa aayadu ka warantay, halkaana waxa ka cad mawqifka iyo halka islaamku iska taagay caddaalad-darada iyo sida uu u dhiiri geliyay caddaalada.

Waa iska cadahay haddii  qofka aan loo ogolayn in naftiisa dulmi iyo dhib u gaysto inaan cid kale inuu u gaystaana kasii daran tahay xagga danbiga iyo diidmada, taasoo ka dhigan in aan marnaba laga yeeleyn ku xad gudubka cid kale.

Caddaaladu dadka oo dhan ayay ka dhaxaysaa ,qofna looma baahna dulmi iyo dhib in loo gaysto, gaal iyo muslimna cadaalada way u siman tahay,I slaamkuna waa ixtiraamay dadka diimaha kale haysta,waxana uu faray tacaamul fiican iyo qadarin in loo muujiyo.

Islaamku waxa uu amray cadaalad in lagu wada dhaqmo iyadoo xitaa lakala muuqaal duwan yahay midab ahaan, ama la kala duwan yahay luuqad, ama la kala duwan yahay qoomiyad iyo qabiil, waxana uu tilmaamay sinaanta iyo caddaaladu daruuri iyo waajib inay yihiin.

“Waxa quraanku ictiraafay qofka kale ee haysta diin kale, waxa uu tilmaamay Tawraadi inay tahay nuur iyo hanuun, in-jiilina hanuun iyo nuur, waxa uu ku baaqay nabiyada iyo rususha in la wada rumeeyo , la ixtiraamo  dhamaan muqadasaadka iyo diimaha’

Quraanku marka uu ka hadlayo caddaalada ma tilmaamo islaamka oo keliya balse waxa uu tixgelin siiyaa dadka kale iyo diimaha kale waxa uu ku dadaalaa sinaanta iyo cid waliba inay hesho amaan iyo nabad ay ku qabsato hawlaheeda iyo waxay rabto, waxana arintaa cadaynaya oo tilmaamaya aayada ku jirta suurada al-xaj ee ilaahay kaga waramayo bulshada in laga difaaco dulmiga .

“ Hadii Alle dadka bar ku difaacayn barka kale, waxa la dumin lahaa goobaha Majuustu ku cibaadaysato,Kaniisadaha Yuhuuda iyo Nasaarada, Masaajida Muslimiintu ku xusaan magaca Alle in badan diinta islaamka sidaas iyo in kabadan ayay uga hadashay cadaaladda loo baahanyahay in dadka dunida joga amaba islaamka ahi ay ku dhaqmaan.

WD: Ibraahim Warsame

 

 

XEERKA 30-KA DAQIIQO EE MAAMULIDDA WAQTIGA

Mid ka mid ah qaabab ugu fiican ee aad waqtigaaga kaaga faa’idaysan karayso ayaan halkaan kugula wadaagayaa Idan Alle.

Ugu horayn waqtigu waa shayn ahmiyad weyn inoo leh,waxaana cadayn kuugu filan in waydiimaha maalinta qiyaame la is warsan doomo uu ka mid yahay.

Innaga oo og daraja uu waqtigu joogo ayaynu haddane ka faa’idaysanayn waqtigeena,waqtiga aynu hawlaha inna anfacaya qabsano waxaa ka badan waqtiga aynu micna darada ku lumino.

k‌u‌ b‌a‌r‌a‌a‌r‌u‌g‌ a‌r‌i‌n‌t‌a‌a‌s‌.

Intaas ka dib,qormadaan waxaan ku falan qayn doonaa waxtarka 30 daqiiqo (Soddon daqiiqo) ay leedahay haddii hawl aan si maalinle ah ugu qabano.

Haddii aad meelayso 30 saqiiqo oo maalintaada ka mid ah waxaad qaban karaysaa hawlahaan iyo kuwa kale oo badan:

1: 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗝𝘂𝘀 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵: haddii aad carrab fududahay waxaa laga yaabaa intas ka yar inaad ku akhrido balse 30 daqiiqo waad ku akhrin kartaa adiga oo aan Qur’aan jajabin.

2: 30 𝗱𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗼 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: maado aad 30 daqiiqo ku akhrisay u malayn maayo in aad fahmi mayso,layli cashar qoris iwm waad ku dhamayn kartaa mudadaas kooban.

3: 𝘄𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗲𝗲𝘅𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: 10 saac haddii aad hurudo iyo haddii aad 30 daqiiqo hududo waa isku mid oo mar uun waad seexatay,muhiim maahan hurdada inaad ka dharagto balse waa inaad maskaxdaada nasido.

4: 𝗪𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗺𝗶𝗰𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮.

5: 𝗛𝗮𝘄𝗹 𝗴𝘂𝗿𝗶 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮.

6: 𝗚𝗮𝗯𝗮𝘆,𝗾𝗼𝗿𝗺𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗯𝗮 𝗶𝘄𝗺 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: anigu qormadaan 30 daqiiqo ayaan ku sameeyay,aadna wixii hibadaada ah waad ku samayn kartaa.

7: 𝗽𝗼𝗱𝗰𝗮𝘀𝘁,𝗠𝘂𝘂𝗾𝗮𝗮𝗹 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗼 𝗹𝗲𝗵,𝗰𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗼𝗴𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮.

8:𝗕𝘂𝘂𝗴 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮: maalin kasta haddii aad 30 daqiiqo buug ka akhriso qof banaanka ku dhacay ayaad noqonaysaa.

9: 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝗼 𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺,𝗯𝗼𝗼𝗾𝗮𝘀𝗵𝗼 IYO 𝘀𝗮𝗮𝘅𝗶𝗶𝗯𝗼 𝗮𝗮𝗱 𝗹𝗮 𝗰𝗮𝘄𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗱𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: intaas oo idil hal mar 30 daqiiqo kuma wada mari kartid balse mid kasta 30 daqiiqo ayaad kaga faa’idaysan kartaa.

10: 𝗦𝗵𝘂𝗸𝗮𝗮𝗻𝘀𝗶 𝘄𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗶 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: Shukaansi 30 daqiiqo ka badan kaaga baxay wuxuu yahay kolley anigu ma fahmi karo laakiin haddii aad waqtigaa tashiilayso intaasi way ku kaafinaysaa.hawlo kale oo badan ayaad ku qaban kartaa 30 daqiiqo waa haddii aad si joogto ah u qabato hawshaas oo wax kale aanad soo dhex gelin. Si aad 30-kaaga daqiiqo oga biro dhaliso wax qabadkeeda keliya hal hawl oo keliya diirada saar.

Waqtiga ha dayacin Ilaaheey kuma dayacinee.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

XAD-GUDUBKA ITOOBIYA WAA MID SOO SOCDAY MUDDO AAD U DHEER

Weerarrada qaawan ee gardarrada ah ee itoobiya ma ahan mid soo bilowday  shalay iyo maanta ee waxay ahayd mi ay caado u leedahay.

Qolada la yiraahdo abasiiniya war magalo mana laha  maskax fiican oo wax lagu xeeriyo, mana yaqaannaan derisnimada iyo walaalnimada, qoladani waxay leedahay maskax fahmi karta xabadda oo keliya sidaas awaded waxay ku fiican tahay in layska celiyo ee halla ogaado waddanka difaaciisa.

Itoobiya dhowr jeer ayay isku dayday in ay soomaaliya qabsato, iyadoo horay u heysatay dhul soomaaliyeed oo ay ku nool yihiin dad aad ubadan oo soomaaliyeed, laakiin waxay soomaalidu ku mahmaahdaa xaaraan raagtay xalaalbaa la modaa.

Waxuushtan mudda dheer ayey gumeysanaayeen dad soomaaliyeed oo muslin ah iyo dhulkooda taasina adduunka ayaa marqaati ah waxayna ku qasbayaan in ay noqdaan dad itoobiyaan ah laakiin taasi way ka biyo diideen geesiyaasha soomaali galbeed, waxayna si cad ugu sheegeen inay yihiin soomaali ahaanna doonaan.

haddaba maanta dadku soomaalidu waa ay soo jeedaan wayna difaacayaan dalkooda iyo dadkooda.

Waa arrin aan marna la qaadan Karin loona dulqaadan Karin weerarkan qaawan oo ay ku soo qaaday xuduudda dhulka biyaha iyo hawada soomaaliya mana ahan mid mana ahan mid loo dulqaadanayo ummadda soomaaliyeed way israacsan yihiin wayna ku midoobeen dulmigan.

Waxaa loo diyaariyay ciidammada difaaca qaranka iyo dowladaha walaalaha ah ee soomaaliya iyo adduunka oo dhan ka wada arka dulmiga gurracan

Soomaaliya wuu ka dhammaaday dulqaadka waxayna diyaar u tahay in dagaal la gasho oromada dhulballaarsiga wado

Soomaalidu waxay wadaagaan isirka, diinta iyo dalka mana jiro maamul  gobolleed heshiis kala geli kara dowlado sida itoobiya oo kale ah.

Itoobiya waxaan u tirineynaa wax yaallo hore oo ay ugeysteen soomaalida gaar ahaan deegaannada dhulka ay xukumaan iyo dadka deggan, waxaana jira boogo hore aan weli reysan oo dhex tiil, dowladahaas waxaa ka mid ah dowladda keynya iyo midda itoobiya.

Waxaa kaloo jiray xudduudo la aqoonsan yahay – 1864kii waqtigii la qaybiyey afrika oo ay aqoonsan yihiin adduunka oo dhan sidaas awadeed waa xad-gudub iyo qalad cad ah soo gelista itoobiya xudduudaha soomaliya leedahay mana jirto cid u oggolaan karta qayb ka mid ah badda iyo dhulka soomaaliya, waxaana arrinkan si mug leh uga soo hor jeeda dhamaan shanta soomaaliyeed iyo dowladahooda iyo dhammaan dunida muslimka ah gaar ahaan dowladaha carabta iyo qarammada midoobay iyo inta xaqa aaminsan ee caalamka nool ee damiirka leh

Haddaba, waxaad ogaataan soomaliyeey tani in ay itoobiya ka tahay ku day haddeey mareyso haddey oggolaadaana ku soco oo qabso.

Itoobiya waa yahuudda madow ee qaaradda afrika waxaana bannaan inaan jihaad kala hortagnaa, waxaana la yiri baroortu orgiga ka weyn ee sidaas ula socda soomaalyeey fadhigana ka kaca intuusan waagu nagu baryin.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

 

 

 

 

Shir looga hadlayo horumarinta dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud eeedalka mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) oo uu wehlinayey wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa Muqdisho ka furey shirka wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda FS.

Shirka oo ujeedkiisu yahay horumarinta mashaariicda dhismaha wadooyinka dalka oo ay isugu yimaadeen wasiirada wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dlka iyo kan Federaalka ayaa la doonayaa in si dhow looga wada shaqeeyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Shirkan oo socon doona labada maalin ee soo socota ayaa looga arrinsan doonaa hanaanka hormarinta kaabayasha dhaqaalaha dalka oo ay waddooyinku ugu horreeyaan iyo in aragti wadaag ah laga qaato mashaariicda Dalka ka socota.

Wasiirka wasaradda hawlaha guud ,dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Cali Dhaay oo furey shirka ayaa xusay in shirkan yahay mid lagu gorfeyn doono waxyaabihii soo qabsoomey iyo dardargelinta hawlaha horyaala Wasaaradaha hawlaha guud ee dalka.