Guddiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta oo taageeray Qarannimada Soomaaliya

Qaahira: Wasiirka arrimaha dibedda iyo ikaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira guddiga taageerada Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada arrimaha dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah u xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida dalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso, ayagoo dhanka kalena mawqifkooda ku caddeeyey in Gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah Dalweynaha Soomaaliya.

Bayaankan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed.

   

Wasiirka hawlaha guud oo qaabilay safiirka Talyaaniga

Wasiirka wsaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi iyo Giovanni Grandi oo ah Madaxa Geeska Africa ee hay’ada horumarinta Talyaaniga oo ay ka wada hadleen Mashaariicda horumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, gaar ahaan dardargelin habsami u socodka dib u dhiska qeybo kamid ah Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan barnaamijka horumarinta ee ay dalkeena ka fuliso Italian Agency for Development Cooperation.

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabbilay madax ka socota WFP Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay  madaxda iyo kuxigeenka xafiiska hey’adda WFP ee Soomaaliya.

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa Inta uu socday waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin howlaha Bani’aadnimada iyo sida gargaar loo gaarsiinayo deegaannada dhowaan la xoreeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudana Cali Xoosh ayaa bogaadiyey howlaha WFP ay ka waddo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in la hubiyo sidii gargaarka u heli lahaayeen bulshada kuwooda ugu mudan.

Bandhigga hal-abuurka fursadaha haweenka Soomaaliyeed ee kalluumeysiga oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in ay dowladdu hiigsanayso horumar ballaaran haddii ay haweenku la qaataan siyaasadda kalluumeysiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda bandhigga hal-abuurka fursadaha haweenka Soomaaliyeed ee kalluumeysiga ayaa intaa raaciyay in haweenku ay kaalin muhiim ah oo muuqata ku leeyihiin dhammaan dib u soo kabashada dalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay haweenka Soomaaliyeed ee Kalluumeysatada ah, wuxuuna sheegay xiriirka ay la sameynayaan Iskaashatooyinka iyo Warshadaha in ay yihiin furitaanka fursadaha cusub ee suuqa iyo horumarinta doorka haweenka ee qaybta kalluumaysiga.

“Munaasabada maanta waxa ay awood siinaysaa haweenka Soomaaliyeed ee ku jira kalluumaysiga si ay ula xiriiraan khubarada Wershadaha kalluumeysiga iyo iskaashatooyinka”.

Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray u dabaaldegga kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee Kalluumeysiga, Taageer Haweenka Kalluumeysatada, la dagaallanka Caqabadaha iyo abuuridda fursado wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan haweenka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo  ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul wasaare Xamza iyo Madaxda Koofur galbeed ayaa waxay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka qaybgalay Shirka Jaamacadda Carabta

Shir ku saabsan dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gabangabeeyey shir u dhaxeeyey wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dowladda FS iyo wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dalka, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyey.

Shirkan oo labadii maalmood ee la soo dhaafey ka socdey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa looga arrinsanayey habsami usocodka howlaha shaqo ee horyaala Wasaaradahan, iyagoo ka doodey sidii loo sii amba qaadi laha mashariicda dib udhiska Wadooyinka dalka oo ka soconayo inta badan gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo shirka soo xirey ayaa xusay in ay Wasaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka go,aantahay dalka yeesho wadooyin la isku helayn karo, fududeynayana isu-socodka ganacsiga gobolada dalka iyo amnigooda.

Ugu dambeyntii shirka waxa laga soo saaray warmurtiyeed lagu soo aruuriyey nuxurka doodihii la’is dhaafsaday inta uu shirku soconayay waxana warbaahinta uu akhriyay wasiirka wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyeynta ee dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Dhiblaawe Casir .

 

       

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir ku saabsan xeer-nidaamiyayaal muhiimka ah.

Nairobi:  Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ), iyadoo kaashaneysa hay’adda maaliyadda caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ka socon doona labo maalmood magaalada Nairobi, ayaa isugu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta isgaarsiinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta, khubarro, iyo madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda, si ay uga wada hadlaan qaab-dhismeedka xeer-nidaamiyayaal qaabeyn doona mustaqbalka kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigu, oo qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee HIQ ee kor u qaadida isku-xirnaanta qaranka, ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida shatiyeynta soo degista xargaha badda hoosteeda, tixgelinta saamaynta deegaanka, wadaagga kaabayaasha, iyo dhiirrigelinta tartanka qaybta isgaarsiinta. Xeer-nidaamiyayaashan ayaa ujeedkoodu yahay in la waafajiyo qaab-dhismeedka isgaarsiinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah, taasoo taageeraysa yoolalka horumarinta dhaqaalaha Qaranka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon-isweydaarsiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay aqoon-isweydaarsiga, isagoo xusay sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay uga qayb qaateen soo kabashada iyo koritaanka dhaqaale ee dalka.

Mudane Mustafa Yaasiin maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adda iyo daneeyayaasha isgaarsiinta intii uu socday hadalladiisa la xiriira aqoonsi-waydaarsiga.    

Wasiirka Qorsheynta XFS oo furay shirka Wada tashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran 2025-2029

Dhuusamareeb- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah furay shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirka, oo socon doona afar maalmood, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Agaasimayaal Guud oo ka tirsan Galmudug iyo maamulada magaalooyinka waaweyn ee kala ah: Dhuusamareeb, Cadaado, Caabud-Waaq iyoGaalkacyo ee Dowladda Galmudug.

Wadatashiga waxaa diiradda lagu saarayaa afar tiir oo muhiim ah oo kala ah: Maamul-wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha, Bulshada iyo Karaanka Aadanaha, iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Ujeeddadu waxay tahay in la falanqeeyo fursadaha iyo caqabadaha ka jira Galmudug, lagana doodo xalalka iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Maxamed Cali Cantoobo, oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay baahida loo qabo qorshe cad iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah, si loo gaaro horumar waara. Natiijooyinka shirka ayaa gacan ka geysan doona diyaarinta khariidad cad oo Galmudug ku horumarinaysa shanta sano ee soo socota.

Shirkan wuxuu bilow u yahay wadatashiyo kale oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada kale, iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.