Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay kulan casho sharaf ah

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan safaro shaqo ku joogay magaalada Baydhabo.

Dowladda oo digniin u dirtay macalimiin xogtooda la helay

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dowladdu digniin ugu dirtay macalimiin xogtooda la hayo oo qorsheynaya inay u hoggaansamaan fikirka guracan ee Khawaarijta.

Guddoomiye Yabooh oo xarigga ka jaray waddo interlock la saaray

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta Xarig-jaray waddo Interlock oo laga hirgeliyay inta u dhaxeysa Waddada 30-ka illaa Waddada Wadnaha (Suuqa Xararyaale) ee degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey ayaa sheegtay in Maamulka degmada oo kaashanaya bulshadiisa ay u suura-gashay in ay hirgeliyaan waddadaan, iyadoona xustay in ay sii wadi doonaan isku tashiga bulsho ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka degmada Warta Nabadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku ammaanay Maamulka iyo Shacabka degmada Warta Nabadda sida ay ugu qeyb qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska magaalada, taasi oo qeyb ka ah buu yiri Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Maxay ka wada hadleen Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Safiirka Norway?

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka dowlada Norway u fadhiya Soomaaliya Danjire Carsten Carlsen iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda Norway Marwo Catherine Fari.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn waxa uu uga maadceliyay Safiirka taageerada dowladda Norway ay ka geeysato horumarinta kaabayaasha HSJ. Waxa uu sidoo kale uga warbixiyay isbedalada dhanka horumarka la sameeyay iyo Qorshayaasha horutebinta u leh Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Safiirka dowlada Norway mudane Carsten Carlsen ayaa uga mahadceliyay dhankiisa soodhawaynta loo sameeyay waxa uuna balan qaaday in ay sii labo jibbaarayaan taageerada dowlada Norway ku bixiso HSJ, isla markaana ay sii xoojinayaan wadashaqaynta togan ee kala dhaxaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay doorka ay dhaqanku ka qaateen dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo bulshada.

Kulanka oo uu ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray sidii ay odayaasha dhaqanka gacan uga geysan lahaayeen nabaddeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo xallinta khilaafaadka bulshada, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka looga fadhiyo kaalintooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo gobanimda ummadda Soomaaliyeed, meelna looga soo wadajeesto wax walba oo dhaawacaya wadajirka bulshada.

Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen taageeridda dowlad-dhisidda iyo taabbagelinta hannaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo xusay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Mudane Ali Dahir Eid, oo dhawaan u joogay Muqdisho howlo shaqo, ayaa la kulmay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha waxbarashada, dhoofka xoolaha nool, iyo horumarinta biyaha.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Safiirka shaqada qiimaha badan ee uu hayay iyo mashaariicda ay Hay’adda King Salman ka waddo guud ahaan dalka, gaar ahaan Galmudug.

Mashaariicdaasi waxaa ka mid ah taageerada biyaha, gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyo dhismaha iyo dayactirka goobaha cibaadada.

Xildhibaano ka tirsan BJFS oo ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka

Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Meertada 10aad ee shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka, kaas oo ka socda magaalada Yerevan ee dalka Armenia.

Mawduucyada sanadkan shirka looga doodayo waxaa kamid ah:

1- Waxbarashada iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.
2- Ka hortagga marin-habaabinta dhalinyarada.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku metelaya Xildhibaan Abdirizak Adam Warsame (Xusul), Senator Ayan Adan Abdullahi, iyo Senator Saed Abdi Hussein.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa dhalinyarada ka tirsan baarlamaanada adduunka isku soo ururiya si ay u falanqeeyaan mowduucyo muhiim ah oo saameyn ku leh dhalinyarada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Baydhabo ku guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada  Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta, isaga oo soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la dhammaystiro howlgallada dalka lagaga xoreynayo khawaarijta, gaar ahaan deegaannadan oo ay argagixisadu caqabad ku yihiin nabadda, horumarka iyo xasilloonidooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la xoojiyo arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, iyada oo muhiimad gaar ah la siinayo difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Koonfur-galbeed doorka ay kuu leeyihiin dowladnimada.

Siihayaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Suuriya oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Siihayihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Suuriya, Mudane Farhan Abdi Gurhan, ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyay siihayaha cusub ee Safaaradda, Mudane Daahir Mohamoud Muse.

Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta safaaradda ee caasimadda Dimishiq, ayaa waxaa ka soo qeyb galay diblomaasiyiin iyo shaqaalaha safaaradda.

Mudane Farhan ayaa khudbad uu ka jeediyay goobta ku sheegay inuu ku faraxsan yahay howlihii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii wado horumarinta adeegyada safaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Booqasho kormeer ah ku tagay Safaaradda J.F.S ee Qaahira, Wasiirka ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee baaxadda leh ee Safaaraddu u hayso Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirku waxaa uu kulan wadareed la qaatay Diblomaasiyiinta iyo howl wadeennada kale ee Safaaradda, isagoo warbixin dhinacya badan taabanaysay ka dhegeystay Safiirka iyo Howlwadeennada.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada ay Safaaraddu u hayso Qaranka, waxa uuna Mas’uuliyiinta Safaaradda kula dardaarmay in ay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.