Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)

Sannadkii 2020-kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya uu ku jiro keyd Saliid oo ku dhow 30 Bilyan oo Barmiil (Fuusto), oo leh keyd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin. Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido keyd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo, taas oo sida oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024-ka billowdo qodista Ceelkii shidaalkii ee ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo Ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaasi oo ku yaal Aagga ku aadan xeebta Mareeg ee Degmada Ceeldheer, Degmada Xarardheere iyo Degmada Hobyo, kuwaasi oo ka kala  tirsan Gobolada gobolka Galguduud iyo Mudug.

Soomaaliya hadda waxay mareysaa meeshii ugu fiicneyd, taasi oo aan tusaale u soo qaadeynaa nabadda iyo xasilooni siyaasadeed ee ka jirta dalka, dowlad hadaad maqasho waa shacab iyo dowlad iskaashaday, iyo dhanka kale waxaa dalka loo sameynayaa shuruuc kala duwan, marka intaasi laga gudbi ayaa waxaa loo tilaabsanayaa in laga faaideyso kheyraadka dalka ku jira.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah. “ Deegaanno ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku jira ama dhex ceegaaga Gaas iyo Batrool is dul saran, lagamana helo caalamka shidaal noocaas oo kale ah”.

“Maanta oo aan helnay shidaal waxaa loo bahan yahay in laga faa’ideysto soo saarista kheyraadka ku jira badda iyo berrigga si aan u gaarno horumar boqolka sano ee soo socda”, ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu ka dalbaday shirkadaha caalamiga ah in ay ku soo dhiiradaan dalka, islamarkaana ay la yimaadaan kalsooni dhab ah oo lagu qabi karo shaqadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Cumar Maxamed.

“Soomaaliya sanadkii 2014-kii ayaa laga sameeyay sahan shidaal oo qiimeyn ah, taasi oo laga bilaabay degmadooyinka Hobyo ilaa iyo Kismaayo, waxaana la ogaaday in dalkeenna uu ku jiro 30 Bilyan oo shidaal ah, ilaa muddadaasi waxaa laga shaqenayay sidii loo soo saari lahaa yo shuruucdii lagu soo saari lahaa, iyadoo sharciga shidaalka la ansixiyay sanadkii 2020-kii”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batrool iyo  Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

Sahanadaasi ayaa waxaa lagu ogaaday ama la diyaariyay 16 Block ama Xirmo oo Seddex iyo Toban ka mid ah ay tahay gudaha Badda, halka Seddex Xirmo oo ka mid ah ay tahay dhulka, waxaana lagu wadaa in Bish Oktoobar bilowgdeeda in uu dalka iman doona Markab ay dowladda Turkiye leedahay, iyadoo 3 block ama Xirmo oo ka mid ah qaatay, sidii loo sameyn lahaa sahankii qiimeyntii ugu dambeysay, kuwaasi ama Xirmooyinkaasi oo ku yaalla xeebta Mareeg iyo Xarardheere ilaa iyo Hobyo, sahankaasi waxaa lagu sameynayaa ilaa iyo hal bil, kadib waxaa la filaa in Markabkii shidaalka soo saari lahaa oo isna la filaayo inuu yimaado goobahaasi inta u dhaxeya bilaha Janaayo iyo Febraayo, wuxuuna heli doonaa barta Ceelka laga qodayo, si uu u bilaabo qodista iyo soo saarista shidaalka, sida uu sheegay  Agaasime Maxamed Xaashi Carabey.

“Bisha Febraayo 2025-ka waxaa shidaalkii ugu horreeyay laga qodi doonaa deegaanka Cigo ee Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudug”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamed Xaashi Carbeey.

By. C/llahi Ruush

Shirka Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Waxaa goordhawed Muqdisho ka furmaya shirweynaha Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, shirkadaha dalxiiska iyo marti sharaf kale.

Shirkaan oo ah mid Sannadle ah ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya,Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa sheegay inay waqti badan galiyeen soo noolaynta dalxiiska Dalka.

Bandhiggan ayaa sidoo kale waxa ka qayb gelaya shirkadaha ka shaqeeya dalxiiska iyo shirkadaha diyaaradaha iyagoo halkaa ku soo bandhigaya Adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan dalxiiseyaasha.

MINDI AAN AFLAHEY WAXBA MA GOOYSE EE AMNIGA ADKEEYA

Maqaalkaan oo ah mid ku saabsan wacyigelin amni toosin iyo bararujin

Amniga gobolka banaadir waxaa maalmahaan dambe ka muuqda mad madoow iyo jilicsanaan iyo isku xirnaan la’aan ka dib markii ay soo ifbaxeen dhaqamo aan hore, haba ugu daraatee dilalka foosha xun, ka dib markii la xakameyn waayay sida ay tahayna loo dabaqi waayay caddaaladda, fulinta waajibaadka iyo xeerarka u degsan amniga dalka u yaalla gaar ahaan sinnaanta iyo caddaaladda shacabka.

Isbuucyadii ugu dambeeyay waxaa soo kordhay dilal kuwii ugu foosha xumaa kaasoo ka dhex dhacay dad wada ehel ah, gaar ahaan kuwa lamaaneyaasha ah, kuwa wada dhashay iyo kuwo isdhalayba ah, waana wixii ugu xumaa ee soo mara dalka, sida badanna waxaa keena isticmaalka muqaddaraadka oo si fudud loo heli karo.

Sidoo kale, argagixisada aan naxariista lahayn ee ku dhuumaaleysaneysa gobolka banaadir ee goor walba u taagaan inay dhibaateeyaan bulshada rayidka ah iy ciidammada, waxaa loo baahan yahay  in xuuraan ahaan lagu soo qab qabto, laguna dabaqo xukunka sharciga ah ee la ansixiyay ee  la dagaallanka argagixisada.

Amnigu waa xubinta ugu muhimsan dalka gaar ahaan caasimadda waa in loo helaa ciidammo isku dhaf ah ee heegan ku jira habeen iyo maalin gaafwareegaya, kuwasoo si raxan raxan ah u maryaa degmooyinka iyo xaafadaha gudahooda.

Waxaan si weyn ugu ammaanayaa amniga siday u ciribtireen burcaddii iyo ciyaal weeradii dadka fiiqan jirtay, waxay ahaayeen howlgallo isdaba joog ah dadkuna mahdiyeen, balse qorshahaan cusub ee sida dardarta ah ku socda waxaan rabnaa in sidii iyo si ka adag loola dagaalo kuwa dadka dilaya ama qafaalanaya

Waxaan xasuustaa beri samaadkii in haddii laba qof is qabsato la dhihi jiray askari noogu yeera ee isla markiiba la heli jiray askar roondeynaya laamiyada dalka waa xaqiiq isla markaana u kaxeyn jiray saldhigyada boliiska si ay u helaan caddaalad dulmanaha iyo kan wax dulmiyayba.

Sidoo kale burcadda iyo tuugada boliisku si dhib yar ayay ku soo heli jireen looguna soo xiri jiray saldhigyada, waxaana la marsiin jiray ciqaabaha ugu daran, nin wax dilayna iskaa warkiisa meeshuu galaa looga daba tegi jiray caddaaladdana laga waraabin jiray

Dhanka kale, waxaa xargaha goostay dilalka sida tooska ah loogu beegsado bulshada haddii bannaanka laga waayo guryaha loogu tegayo iyadoon cidna laga cabsaneynin, muqaddaraadkii oo faraha ka baxay, anshax xumadii oo gaartay heer aan waxba laga qaban Karin oo si toos ahna looga daawado shaashadaha youtubka iyo kuwa la midka ah anshax xumo ay sameeynayaan dad wax magarato ah.

Ma jiro fasahaad ka weyn haddeey intaas israacaan waxna laga qaban waayo, sidoo kale, boobka ayaa wuxuu iska noqday wax iska furan iyadoo halheys laga dhigtay ku qabso ku qadimeyside, habeenkii meelaha qaar ee mugdiga ah lama mari karo dan kasta haddeey ku qabsato cabsi awgeed waayo waxaa meelaha qaar ku gabanaya burcadda cusub ee mindiyaha ku adeegta ah intaas oo isbiirsaday ayaa keentay in aan dhaliilo sida ay u shaqeeyaan ha’yadaha amniga gobolka qaar.

Maxaa talo ah haddaba, sideese loo sugaa amniga sidiisaba waa wada shaqeyn iskaashi bulshada deegaanka iyo hay’adaha amniga oo si wada jir ah wax u wada qabta, waayo ninka ciidanka ah meel walba ma joogo taasi ayaa waxay sababi kartaa in shacabka iyo burcadda iska horyimaadaan ama fasuuqu bato waxaana rajeynayaa in aan dhaliisheydu loo arag wax khaldan ee loo arko  toosin iyo inay hay’adaheennu muujiyaan feejignaan iyo laba kacleyn hor leh.

Dhanka caddaaladda bulshada waxaa deeqda caddaalad, hadeey Meesha ka baxdo waxay dhali kartaa in qof waliba uu sharciga gacantiisa ku qaato si haddaba taasi looga hortago waa in la dabaqaa fulinta sharciga iyadoo loo marayo dariiqa saxda ah ee dalka lagu hago, qof sharciga diidan waa qof aan oggoleyn in la xukumo laguna noolaado kala dambeynta sharciga sinnaanta iyo caddaaladda.

Waa hubaal haddii amniga kor loo qaado isku xirka hay’adaha amnigana sida ay tahay uwada shaqeeyaan in laga wada adkaan karo mushkiladaha soo ifbaxay ee haatan bulshada ka qeylineyso qof waliba wuxuu codsanayaa caddaalad baan rabnaa, halkey ku maqan tahay caddaaladda waa su’aal Meesha ku jirta maadaama la wada weydiinayo?

Waan rajeynayaa cabashada badan ee shacabka in wax laga qaban doono lagana baahi tiri doono waxa ay tabanayaan, midbaa ka qeylinaya dhanka dilalka, ku kalaa sheeganaya in la dhacay, habar baa ooyeysa sida bandanna waxaase waxay ka imaanayaan dhanka dilalka xaqdarrada ah, boobka dhulka, burcadda iyo tuugada, kufsiga oo haatan u gudbay dhinaca qowmaluudka, waxaas oo dhan waan dhaliilayaa waxaan jecelnahay in wax laga wada qabto sida ay tahayna loo mariyo sharciga kaas ayaa dadka deeqa iyadoo la raacayo baaritaanka ugu fiican ee qof la baaro qof dulmi sameeyay haatan mararka qaar waxaa dhacda in la wada xiro kii dambiilaha ahaa kii la dulmiyayba.

Ugu dmbeyn hay’adaha aan ku gama’no waxaa leeyahay feejignaada oo muujiya laba kacleyn iyo waxqabad dheeri ah, dardargelin amni iyo howlgallo joogto ah, si loo helo kalsooni shacab.

Shacabkana waxaan leeyahay la shaqeeya hay’adaha amniga haddii aad aragtaan wax khaldan oo u baahan wax ka qabasho iyo gurmad deg deg ahba, wada shaqeynta waxaa ka dhasha wanaag, jeceyl iyo kalsooni amni

Ilaahoow dalkeenna nooga dhig mid ku naalooda amni iyo amaan waara, annagaan kuwii qaata wacyigelinta naga yeel aamiin.

WQ: Osman Dhiblaawe

GUUL IYO GUULDARRO WAA LABO IS GARABYAAL

Wey sahlan tahay sida guul lagu helo, laakiin waxaa adag sida lagu haysto qofku markii uu guuleysto ee uu farxad iyo marqaan uu is garan waayo, meesha uu joogoona garan waayo wuxuu ku tuntaa ummadda kale ee uu xukumo ama mas,uulka ka yahay, hadeey taasi dhacdana sida caadada ah waxaa meesha ka baxaya hammigii loo hayey iyo wanaaggii laga sugayey oo dhan maadaama ay jireen qododbbo lagu soo doortay uuna ballan qaaday, markii uu xilka doonayey.

Midka noocaan ah wuxuu iloobaa saxiibadii shalay wuxuuna ka leexdaa dhammaan wixii ay isku ogaayeen wuxuuna dariiqa uga taga dhammaan kuwii wax laweday oo dhan iyo dadka wanaagga la jecelaa oo talooyin usoo jeedin jiray wuxuuna ka baxaa wixii ballamo lala galay iyo wixii lagala heshiiyey.

Haddaba, guuleystaha wanaagsani maahan sidaas ee wuu ka duwan yahay waxaana lagu arkaa weji furan, caddaalad iyo danta gud oo dhan oo uu hagaajiyo waxuuna tageera dadka si garbo siman ah wuxuuna fuliyaa wax alla wixii lagula ballamay wuxuuna u hiiliyaa dadyoowga dulman iyo kuwa taagta yar wuxuuna helaa sharaf iyo magac uusan horay u laheyn.

Haddaba, mudane guusha iyo guuldarrada labaduba deris ayey kula yihiin waxaase aad iyo aad u wanaagsan inaad iska ilaaliso wax kuu keeni kara guuldarro usameey shacabka una horsed waddo caafimaad qabta oo aan dhib iyo hagardaamo laheyn, geeddi kasta oo aad meel u guura ama gaadiidka u rarto jid ayaa kaa horeeya wuxuuna u baahan yahay sahan run sheeg ah qaabkii

aad waddadaa u mari laheyd siyasaddu waa mid cadow badan leh waxayna u bahan tahay fiiro aqoon iyo dulqaad aad u badan, waxaa dhici karta adigoo shalay lagugu doortay cod aad u badan oo  buuxa in marka dambe ay kula soo deristo taageera la,aan siyasadeed oo aad adigu sabab u noqotay waana guuldarrada aad gacantaada ku sameysato

haddaba ogaada qof walboo doonayo in u uku biro siyaasadda ama wax kaleba sida ganacsiga tartamada kala duwan ee aad dooneyso in aad ku soo baxdo waa inaad marka hore ogaataa in guusha iyo guuldarradu ay ku horyallaan waxaana lagaga digayaa inaadan qaadan guuldarrada oo aad kasbataa taageero kugu garab siisa guushaada, mar walbana dadka aad wax ka dooneyso waa in ay kuu arkaan inaad tahay qof muqlis ah oo u qalma doonistiisa

Haddaba, Saaxibbayaal waxay soomaaliydu ku maahmaahdaa beentaada hore runtaada dambe ayey u baasbaxdaa, mar walba ogaada taariikhdu waa keyd.

Mar walba isku day inaad yeelato  taariikh fiican oo qaali ah haddii aad noqoto qof dhaqan wanaagsan cid waliba wey ku taageereysaa guuldarro ha isku tacbanina iyo taariikh xumo ee noqda kuwo bulshada oo dhan ay jeceshahay waxayna ku xiran tahay sida aad ula dhaqanto bulshada aad ka soo jeddo iyo kawa kaleba

haddii aad wanaag fasho oo aadan wax dhibaato ah ummadda aadan u geysan oo noqoto mid ammaanada gudan kara oo ka soo baxay wixii loo idmaday guushu  gacantaada ayey  soo gashaa guuladarrana is arkimeysaan, laakiin haddii aad ahayd qof laab laab badan haysku ceybeynina in aad guul ka heshaan bulshda soomaaliyeed mar walbana ogaada guushu iskama timaado ee waa la kasbadaa

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Taliyha Ciidamada Mareykanka ee Saldhigga AFRICOM General Michale E. Langley, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhexeeya labada dal.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay difaaca qaranimada iyo midnimada bulshada ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Baydhabo kula kulmey hoggaanka Koonfuur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

8-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo uu wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

10-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir gudoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaagga maaliyadda kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh dowladda.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa magaaalada Qaahira kaga qayb galey kulanka 162-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Waddamada Jaamacadda Carabta.

12-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee gurmadka degdegga ah ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA.

13-Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeybgaley shirka heer dowlad gobaleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran, kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed.

14-Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aden, ayaa shir guddoomiyey kulan dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuunta Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

15-Wasiirka Hawlaha Guud ayaa soo xiray shirka u dhexeeya Wasaraddaha Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

16-Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

17-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga miisaaniyadda dowladda ee 2025 oo ka qeyb galeen ganacsatada iyo qeybaha bulshada.

18-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryam Maxamed Xuseen ayaa qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO), kulankan ayaa looga wadahadley. xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada dadka nugul.

19-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay madaxa xafiiska Afrika ee Hay’adda Boqor Salmaan Relief Center Mudane Yaziid Xamuud.

20-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kaashanaysa Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ka bilowday Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

21-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Muqdisho ka furay Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

22-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeer nidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

23-Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’iid ku qabtay magaaladda Muqdishu ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga dowladda Itoobiya.

24-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa kormeer ku saabsan dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab ku tegay gobolka Shabeellada Dhexe.

25-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanaal gaaraya 7 kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

26-G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Garsoorka Militariga Afrika ee u qaabilsan gobolka Bariga Afrika, kadiba doorasho ka dhacdey dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar shaqo oo miro-dhal ah uu ku joogay magaalada Baydhabo.

Safarkan oo socday maalmo ayaa lagu soo gabagabeeyay howlo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre intii uu ku sugnaa Baydhabo waxa uu kulan la yeeshay madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarinta amniga, dhaqaalaha, iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray mashaariic horumarineed oo la fulinayo, isagoo booqday terminalka garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaas oo la keenay qalab casri ah oo gacan ka geysan doona horumarinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo guud ahaan gobolka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha dadaalka uu ku bixinayo taageerada maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray terminalka garoonka Baydhabo oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah

Baydhabo: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray Terminalka Garoonka magaalada Baydhabo oo la keenay qalab casri ah, kaas oo la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta garoonka, kuwaas oo uga warbixiyay horumarada laga sameeyay qeybta duulimaadyada iyo adeegyada casriga ah.
Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha.

   

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo

Wafdiga Madaxweynaha oo manta gaaray magaalada Gaalkacyo waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay wasiirro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,maamuka degmada iyo dadweyne aad u fara badan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in safarkooda uu la xiriiro sidii xal loogu heli lahaa shaqaaqooyin dhowaan dhexmaray dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo .

Wafdigaan oo maalmahaan waday dadaal nabadeed,waxaana la filayaa in heshiis ay dhexdhigaan beelaha wada dega  bariga iyo galbedka Gaalkacyo oo dhowaan ay dhexmareen falal dil ah oo salka ku haya aano qabiil.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida ugaas cabdullaahi ugaas xaashi ugaas faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS “waxaan soo dhoweyneynaa cid kasta oo buuuxisa sharciga shidaal qodista

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegayin aysan jirin shirkad si gaar ah heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena,balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah.

“Maanta oo aan helnay shidaal waxaa loo bahan yahay in laga faa’ideysto soo saarista kheyraadka ku jira badda iyo berrigga si aan u gaarno horumar boqolka sano ee soo socda”ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu ka dalbaday shirkadaha caalamiga ah in ay ku soo dhiiradaan dalka,isla markaana ay la yimaadaan kalsooni dhab ah oo lagu qabi karo shaqadooda.