Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo ku aaddaan dhalasha Nebiga SCW u diray Ummadda Soomaaliyeed

-Farriinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH).

“Bismillaah.

Waxaan hambalyo iyo salaan diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta adduunka, maalinta sharafta leh ee dhalashada Nabigeena Muxamed (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).

Maalintaan barakeysan waa fursad aan ku xasuusanno naxariista, jacaylka iyo caddaalada uu Nabigu u muujiyay Aadanaha. Waa in aan ku dayano wanaagga iyo dhaqanka suuban ee Nabiga, kuna dayano tilmaamihiisa qiimaha badan.

Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu nagu karaameeyo Xuska Nabi Muxamed (NNKH) oo naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa. Waxaan Ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa  in ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo walaalnimada dhexdooda ah.”

Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya

Nairobi- Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Iskuulada Tacliinta Sare ee Kenya.

Ardayda ayaa waxa ay Safiirka uga warbixiyeen xaaladooda waxbarasho ee dhanka Tacliinta Sare, iyagoo warbixin ka siiyay caqabadaha mararka qaar soo wajahda ardayda oo ay codsadeen in Safaaraddu ay wax ka qabato.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ardayda u sheegay in Safaaraddu ay markasta u furantahay oo ay wax kala qabaneyso wixii caqabad ah ee la soo gudboonaada.

“Farxad ayay ii tahay inaan martigeliyo arday Soomaaliyeed oo ka kala socday machadyada tacliinta sare ee Kenya. Ardaydu waxay nala wadaageen caqabadaha soo wajaha & hannaanka ay Safaaraddu ugala shaqayn karto wax ka qabashada arrimahan. Sidoo kale waxaan diiradda ku saarnay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya, waxa ay u abuuri doonaan fursado cusub ardaydeena, korna u qaadi doonaan iskaashiga aqooneed ee labada dal. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadalka iyo iskaashiga aan la leenahay Ardayda si loo xaqiijiyo guusha ardaydeena ku sugan gudaha #Kenya”. Ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim

Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday jaangoynta misaaniyadda Dowladda ee 2025-ka

Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u biloowday jaangooynta Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka, iyada oo maanta lagu bilaabay ka wadahadalka qoondada ay yeelan doonaan labada Wasaaradood ee kala ah Gaashaandhigga iyo Amniga oo ay wehlinayaan Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa shir gudoomiyay kulanka diyaarinta qoondada Miisaaniyadda ee labada Wasaaradood ay ku soo bandhigayeen qoondadooda sanad laha ah ee 2025-ka, iyada oo hey’adaha Dowladda mid mid loola fariisan doono inta uu socdo kulankan oo ah hal toddobaad.

Miisaaniyadda cusub ee dowladda ee 2025-ka waxa ay noqon doontaa mid lagu dhisayo talada dadwaynaha iyo hey’adaha dowladda, taas oo ah tilaabo markii ugu horreysay la qaaday ka hor diyaarinta Miisaaniyadda oo la hordhigay Bulshada Soomaaliyeed ee canshuur bixiyeyaasha ah habka ay doonayaan in dowladdu u diyaariso.

   

Wasiir Daa’uud Aweys” Waxaa naga go’an in aan horumarino adeegga dalxiiska dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Da’uud Aweys Jaamac oo ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay qorshaha Dowladda ee horumarinta Dalxiiska Dalka.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay Soomaaliya leedahay saameyn iyo kobac dalxiis, taas oo sabab u ah awoodda quruxda dabiiciga ah ee uu dalkeennu leeyahay.

” Soomaaliya waxay leedahay saameyn iyo kobaca dhanka dalxiiska ah, anagoo ka faa’ideysaneyna awoodda quruxda dabiiciga ah, dhaqanka qaniga ah iyo adkeysiga dadkeenna u leeyihiin dhanka maareynta nolosha dib u soo kabashada, waxayna taas keeneysa inuu wax badan ka beddelo muuqaalkii Soomaaliya lagu yaqaanay mid ka mid ah oo sax ah inuu soo baxo, mid ka mid ah tiirarka xukuumadda DanQaran waa kobaca dhaqaalaha, arrimaha ugu muhiimsan oo horumarkaas ku gaari karnana waxaa ka mid ah inaan xoogga saarno horumarinta iyo balaarinta arrimaha dalxiiska,”.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’aan tahay kan Dowlad ahaan in ay horumariyaan adeegga dalxiiska dalka, iyadoo loo marayo habab dhammeystiran oo qeyb ka yihiin diyaarinta xeerarka iyo shuruucda loo baahan yahay.

” Maanta waxaa naga go’aan inaan kor u qaadno adeeggan ama sectorkan, annagoo u mareyno habab dhammeystiran oo ay ku jiraan diyaarinta xeerarka iyo shuruucda loo baahan yahay, sameynta machadyo gaar ah iyo siyaasado saameyn leh, ujeeddadeenu kaliya ma ahan in aan soo jiidano dalxiisayaasha caalamiga ah , balse dhanka kale, waxaan xoogga saareynaa horumarinta dalxiiska maxaliga ah,”. ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Bandhiggaan oo sanadka kasta maanta oo kale loo asteeyay ayaa waxaa ka qeyb galay  wasiirro ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda Midowga Afrika, turkiga iyo martisharaf kale, waxaanna inta uu socdo shirka lagu soo bandhigayaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi si loo hormariyo dalxiiska.

SALBUKADA CAGAARAN IYO FAA’IIDOOYINKA LAGA HELO

Salbukada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu magacaabo cunno maalmeedka (quutal daruuriga) ah waana dalag ka mid ah dalagyada inoo baxa oo uu Illaahay ku manaystay dalkeenna.

Dadka ka ganacsadana waxay ka helaan faa’iidooyin badan haddey noqon lahay cunto iyo lacagba.

Salbukada siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaala, ku darsashada bariiska, kadhigista bajiyo iyo in goosaar ahaan loo isticmaalo.

Salbukada waxay leedahay “protein” iyo “carbohydrate” waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay leedahay macaadin sida “calcium, copper, magnesium, phosphor, potassium, silver, sulfur, folic acid, Vitamin B1, Vit C, Vit E”.

Sido kale waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay Xoojiso xubnaha jirka, baabi’isana jajabka wajiga, caloosha way jilcisaa, xabad xanuunka, waana qandha jabiye.

sido kale waxa ay dumar u qaadan karaan nafaaska (caadada) oo aan hagaagsaneen, waxay u roontahay lafa xanuunka, dhabar xanuunka, daal bi’iye , dheefshiid xumida wax wayn bay qabataa, sokorta hoos ayay u dhigtaa, waxay xoojisaa difaaca jirka .

Darul Dawa Herbal Hospital oo ku yaala magaalada Muqdisho, oo ah macad lagu barto dawo dhireedka ayaa daraasaad uu sameeyey waxaa lagu sheegay in ay dawo u tahay cudurro badan oo ku dhaca bini'aadamka

salbukada waxay ka hortagtaa kansarka dhiiga ku dhaca iyo baabasiirka, wando xanuunka, dhiig-karka, nabraha wajiga ka soo baxa, sunta jirka way ka saartaa, dhiigga way nadiifisaa, maqaarkana way dhalaalisaa, culayska way siyaadisaa, sido kale waxay wax wayn ka qabataa qunfaca,  cunaha, romatisimada iyo kalastaroolka.

Hadaba intaas iyo inkabadan ayay leedahay oo faa’ido ah digirta salbukada.

Waa cunto aad u fiican waxay leedahay “vitamin C iyo bir iyo vitamin D iyo vitamin B6 iyo Calcium iyo Magnesium” iyo waxyaabo kale waxaa ka mid ah faa’idooyinka ay caafimaadka u keento waxay yareysaa caabuqa jirka sidoo kale cudurka sokorta ayay u fiican tahay, sidoo kale waxay dhistaa murqaha jirka, lafahana way u roon tahay.

Waxaa kaloo la sheegay inay u roon tahay salbukada dumarka uurka leh.
waxay ka baxdaa dalal badan Soomaaliya way ka baxdaa waxaa loo yaqaanaa salbuko, waxayna qoys yihiin Digirta oo ay isu si u wada baxaan, beerashadda miraha Salbukada waa nooc fudud oo Digirta kama beddelno, oo waxay u wada baxaan isku si.

WQ: Cabdiweli Daljir.

KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE SOOMAALIYA

Soomaaliya wax-soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda , waxayna soo saari jirtay waxyaabo badan oo kala duwan, sida sonkorta, hilibka, caanaha, qudaarta, miraha iyo waxyaabo badan oo la tiri karin. Soomaaliya waqtigaas waxay ahayd  waddan aad loogu soo dalxiisi jiray, oo dhaqaalihiisa kor u socday.

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xooggan bariga afrika. Wadamada ee Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ee dariska yihiin iyo kuwa yurub iyo aasiya.

Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaalada aan dhammaadka lahyn iyo qalqal siyaasadeed.

Run ahaantii waddan aan dowlad laheen, dhaqaalihiisa iyo ganacsiga ma socon karaan, laakiin somalia ilaaheey amarkiis ganacsiga wuu sii socday, sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, ganacsatada oo  ku dadaaleen in uusan wadanka joogsan dhinaca dhaqaalaha.

Maanta Sirdoonka Mareykanka waxay soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya oo kor u socdo, waxaa wadamada kale loo diraa, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somalia laga dhoofiyaa ariga, laxda geela iyo Lo’da.

Sida ee sirdoonyaasha mareykanka ee sheegayaan, Soomaaliya ayaa bariga afrika ugu dhoofis badan dhinaca ariga , geela ama lo’da.

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga .

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryar yihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado iyo Miraha inta ay qaadaneeso:

Galayda 70 beri, Masagada 99 beri, Sisinta 90 beri, Mooska 199 beri, Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri, Babayga 99 beri, bataatiga 199 beri, Lowska 150 beri, Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha ka baxa dalkeenna:

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Baddaheenna:

Wax-soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo bilaabo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

 WQ: Axmed Muuse

 

GANACSIGA SOOMAALIYA OO DHOWR TILLAABO HORAY U QAADAY

Soomaaliya waxaa Ka jiro hormarro ganacsi oo ay sameenayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku kula sugan dalka iyo dibadaba waxaana laga dareemayaa horumarrada ganacsi suuqayada waa weyn ee dalka gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo ah isha isku xirta Ganacsiyada gobollada dalka qaar.

Bulshada Soomaaliyeed waa dad aad ugu fir fircoon dhanka ganacsiga waxaana ay kaga dheereeyaan ganacsiga wadamada dariska ah taasina waxaa kuu cadeeneyso in ganacsatada Soomaaliyeed ay hormaro ganacsi ay kasameenayaan wadamada Kenya , Ethiopia Uganda iyo wadamo kale.

Marka aynu imaano magaalada muqisho waxa aad arkeysaa hormarada  ganacsi ee baaxada leh ee Ka jira gudaha caasimada oo ay sameenayaan bulshada ku nool caasimada dalka.

Hormarka ganacsiga ee soomaaliya marka aad eegto waxaad arkeysaa isbadal xoogg leh ee Ka muuqdo dalka oo dhankasta ah sida bilicda dalka isbadal xoogg leh ku yimid dhaqaalihii dalka oo kordhay, ganacsiyadii oo hormaro sameeyey iyo dowladdii dhaaqaalo xoogg leh Ka hesho ganacsiga.

Dowladda waxa ay ku tirsanahay cashuuraha laga soo ururiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka sababtoo ah dowladdu waxa ay dowladd ku tahay waa shacabkeeda , shacabkeedana haddii ay hormar dhaqaale oo dhankasta ah sameeyaan waxa ay Ka dhigantahay in dowladdaas ay hormar baaxad leh ay sameen karto sida in dowladdu ay sameeso kaabayaal dhaqaale, hormarinta awoodda dowladd nimo , kobcinta dhaqaalaha , bixinta waxbarasho free ah, bixinta daawo bilaash ah iyo mushaar bixinta shaqaalaha u shaqeeya dowlada dhamaan qodobada kor aan ku soo xusay waxa ay imaanayaan oo kaliya hormar dhaqaale oo taabagal ah marka uu leeyahay dalka.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay sii laba jibaaraan hormarkooda ganacsi sidoo kalena waxaa looga baahan yahay in ay layimaadaan ganacsiyo qaas ah (unique) oo lagu garto oo galiya mijtamaca Soomaaliyeed in ay iyaga sameeyaan ganacsiga qaaska taasina waxa ay sharaf u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho iyaga oo soo arkay dhibaatooyin badan sida dowladdii oo Ka burburtay , colaado daba dheeraaday iyo dhibaatooyin badan dalka iyo dibadaba Ka qabsaday balse shaqadooda ganacsi bulshada Soomaaliyeed marnaba ma joojin

taasi waxa ay kuu muujineysaa dhabar adeegooda iyo kartidooda iyo hormarada ay gaareen, dowladdu waxaa looga baahan yahay in ay garab istaag xooggan ay u sameeso ganacsatadeeda hormarrada dhaqaale sameeyey taasina waxa ay keeneysaa ganacsatada Soomaaliyeed dareemaan in ay heestaan dowladd adag oo garab taagan ilaalineysana hantidooda iyo badqabka noloshoodaba.

Ganacsiga oo marba marka kasii danbeysa guuleysta waxa ay Ka dhigantahay dalka iyo dadkaba in ay guuleysteen oo ay najaxeen.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

QIIMA BEELKA QOYSKA MAXAA U SABAB AH?

Qoysku waa isha Bulshadu ay ka soo farcanto waana waajib in lagu dhiso sida saxda ah ee ay Diinteena Suubban qabto si loo helo Bulsho San oo ka Hufan xumaan taas oo dhabbada u xaaraysa in la helo Ubad kheyr qaba oo lagu barbaariyay Diinta Islaamka, Dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Dal jaceel.

Baryahan Danbe waxaa soo badanayay inay Lammaaneyaashii isqabay ee la rabay inay Naxariis iyo Kalgaceyl ku wada noolaadaan oo ay ubad ku dhalaan ay iskula kacaan falal Lid ku ah Diinta, Dhaqanka, Cunfiga Aadanaha iyo tan Amniga Qaran taas oo keeni karta Amni darro iyo cadho Rabbi oo degdeg ah haddii aan la is daba qaban oo aan Alle loo laaban, lana marsiin Sharciga dadka ku kacaya falalkan foosha xun leh oo aan tallaabo adag la qaadin wuxuu horseedi karaa inay Fawdo ka dhalato iyo aarsi Qabiileed oo gacan ka hadal leh taas oo Khalkhal galin karta degganaanshaha iyo kala danbeynta aan hadda haysanno.

Waxaa hubaal ah inay Dowladdu waddo dadaal xoog leh oo lagu xakameynayo arrimahan ugubka ku ah Bulshadeena Soomaaliyeed una baahan in laga hortago laguna qabto gacan Bir ah si loo suuliyo dhaqankan xun iyadoo tusaale cad looga dhigayo dadka hadda ku eedeysan oo ay ka qaadi doonto tallaabo sharci ah marka ay ku caddaato Danbiga lagu soo eedeyay.

Maxaa u Sabab ah Falalkan Argagaxa leh ee ay iskula kacayaan Qoysaska Soomaliyeed ee Ugubka ah?

Arrimahan dhacaya waxaa sabab u ah Diin darro iyo iyadoo laga fogaaday Cibaadadii saxda ahayd ee Alle iyo Addoonkiisa isku xiraysay waayo Alle wuxuu inoo sheegay “Qofkii ka leexda Xuskeyga ama cibaadada saxda ah (Dikriga Alle) waxaan galin doonaa Nolal cidhiidhi ah.

Hanti kasta oo aad haysatid haddii aad ka leexadid Dikriga Alle Qalbigaaga waxaa ku furmayaa walwal (warwar) waxbana kuma qancin karaan oo ciriiri ayaad dareemaysaa had iyo jeer waayo xuska Alle ayaad ka fogaatay kadibna waxaa wahel kuu noqonaya Naf iyo Shaydaan oo inta Xun jacel kuuna diidaya dulqaadka iyo sama-falka.

Dhinaca kale arrimahan foosha xun waxaa sabab u ah Baraha Bulshada ee sida khaldan loo adeegsado  oo wax lagu baahiya iyo Keebillada (Cables-ka) dalka ka hawl gala oo ay ku xiran yihiin Malaayiin Qoysas Soomaali ah iyo Dhallinyaro fara badan oo kala socda Musalsalaadyada la soo turjumay oo aan u adeegeyn danta Diinta, Dhaqanka iyo Dadka Soomaaliyeed oo lid ku ah.

Tusaale: waxaad arkaysaa nin dumaashidiis damcaya oo jaclaanaya kadibna walaalkiis mishimaya si uu u helo dumaashidiis ama u dumaalo, sidoo kale waxaad arkaysaa Rag waa weyn oo caruur intay kufsadaan kadibna dilaya iyo kuwo waalidkii dhalay Af-lagaadeenaya ……. Iwm.

Dhinaca kale waxaad Baraha Bulshadana ku arkysaa qaar ijaafeysanaya Marwo la qabo oo dhahaya nin hebel ayey la baxdaa ama ay gogol dhaaf la sameysaa amase nin hebel ayaa aweeney uusan qabin la tumayay taas oo ah Been abuur cad … iwm

Haddaba, waxaan ku talin lahaa in Mas’uuliyad wadareed la isa saaro oo Bulshada waxaa loo tabinayo aad looga fiirsado si loo badbaadiyo Diinteenna, Dhaqankeenna iyo Jiritaankeena umadnimo waayo haddii aan sidan ku sii soconno Alle ayaa nagu diridi doona Cadaab Adduun oo aad u daran, waa inaan  ku tusaale qaadannaa wixii horey ina soo maray oo aan ka Towbad keenaa.

Gunaanadka Qormadeydan waxaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta kula talinayaa inay sameyso Guddi Culumo ah oo la yiraah “Al-Nahyi Canil Munkar” oo Bulshada ka wacdiya arrimaha taagan ee u baahan in looga digo iyo inay faraan kheyrka oo Muxaadarooyin lagu qabto goobaha ay Bulshadu isugu timaado maalmaha Fasaxa ah sida Liido, Daljirka Daahsoon …… iwm oo aan lagu koobnaan Masaajiddada sidoo kale haddii aan la helin Garsoor caadil ah oo lagu kalsoonaan karo iyaduna waxey horseedi kartaa in la kala aamin baxo oo ay dadku sharciga gacantooda ku qaataan ama si khaldan looga faa’ideysto.

WQ: S.S. SHABEEL

    DHAMMAAD

 

Ra”iisulwasaare kuxigeenka oo furay Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kole Bandhiggaan waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda Midowga Afrika, turkiga iyo martisharaf kale.

Sanad kasta maanta oo kole ayaa loo asteeyay Maalinta Dalxiiska Soomaaliyeed waxaana lagu soo bandhigaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi si loo hormariyo dalxiiska.

Wasiirka Amniga XFS oo furay shirka Qorshaha shanta sanno ee Haya’adda Socdaalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa furtay shirka isku-xirka Howlaha iyo Fulinta Qorshaha shanta sano ee soo socoto kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho isla markaana ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo furay shirka ayaa sheegay in ay ku ammaanan tahay HSJ sida ay u dajineyso qorshaha fog ee horumarinta adeeg bixinta, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo ilaaliyo madaxbanaanida iyo amniga xuduudaha ay HSJ qayb wayn ka tahay fulinta howshaas islamarkaana ku dhiirigeliyay in aad looga feejignaado dadka soo galaya xuduuddaha.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ujeedada shirkan uu yahay in lasoo bandhigo guulaha iyo waxqabadka hay’addu gaartay, sidoo kalena looga hadlo qorshaha horumarinta howlaha iyo adeegyada ay hay’addu qabato.

Munaasabada waxaa sidoo kale hadalo kooban ka jeediyay mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Maareeyaha Garoonka Aadan Cabdulle.