Wasiir Fiqi oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Xoghayaha fulinta IGAD

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xoghayaha fulinta Urur gobaleedka IGAD Dr’ Workneh Gebeyehu.

Ujeedka safraka ee Dr. Workneh  Gebeyahu Xog-ahayaha Urur gobaleedka IGAD, ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta, xoojinta Amaanka Gobolka, wax ka qabashada xaaladaha kala duwan ee uu wajahyo gobalka, sida isbeddelka Cimillada, sugnaanta cuntada, nabadda, Awood-siinta Haweenka iyo dhalinyaradda oo door wannaagsan ku leh geeddiga horumarineed ee bulshada geeska Afrika.

Boliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay nin lagu soo eedeeyay dil

Ciidanka Boliiska gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane CabdiCasiis Cismaan Maxamed (Sadaam) oo loo haysto inuu ceego ku dilay Marxuumad Maa’iddo Maxamed Axmed.

Ciidanka ka howlgala Saladhigga Boliiska degmada Warta-Nabadda oo soo qabtay eedeeysanaha ayaa sheegay in Cabdi Casiis Cismaan iyo Marxuumad Maa’iddo oo 17  jir ahayd uu ka dhaxeeyay haasaawo kadibna uu soo kala dhex galay muran dhaliyay gacan ka hadal.

Ra’iisul wasaare Xamse oo booqasho ugu tagay qoyska AUN Ugaas Cabdullaahi Fara-Cade si uu ula qeybsado xanuunka geerida

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulamo muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha oo Beijing kusoo dhamaaday

Beijing- Mas’uuliyiin iyo xubno sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan wadanka Shiinaha u joogay shirar iyo aqoon isweydaarsi la xiriira isbedelka iyo sida dowladahu u sameyn karaan horumar ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Beijing.

Kulamadan gaar gaarka ah oo u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa barbar socday aqoon kororsi la xiriira sida dalalka soo koraya wax uga baran lahaayeen jidka Shiinaha u soo maray horumarka ay ka gaareen dhinacyada dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyadda.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya waxaa hogaaminayey Agaasime xigeenka Madaxtooyada Qaranka mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan iyadoo ay xubno ka yihiin La-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee arimaha Dastuurka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud iyo xubno kale

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa xiriirkoodu haatan gaaray meeshii ugu sareysay, taas oo sii xoojisay safarkii taariikhiga ahaa ee uu Madaxweynaha JFS todobaadkii hore ku tegay Beijing.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in horumarinta adeegyada caafimaadka ay ka mid tahay qorshaha xukuumadda

-Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in horumarinta adeegyada caafimaadka ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka dalka ka dib kormeer uu maanta ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday qaybta dhaqidda kelyaha oo uu yaallo qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta, taas oo fududeeysay baahiyaha bulshada ka haystay sifeyn kelyaha.

Adeegyada danta guud ee lacag la’aanta ayaa wax weyn ka taraya baahiyaha bulshada danta yar ka haysatay xaaladaha halista ee ay ka mid tahay sifeynta kelyaha iyo ka warqabkooda.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo qalab ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, ayaa qalab koronto oo lagu tababarayo maxaabiista ku jirta jeelasha ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe.

Agaasimaha waaxda Arrimaha Asluubta Wasaaradda Cadaaladda , Maxamuud İsaaq Xasan ayaa munaasabadda wareejinta qalabka ka sheegay in ay muhiimad ballaaran u leedahay maxaabiista in lagu tababaro xirfado ay noloshooda ku horumariyaan oo ay ku shaqeystaan marka ay bulshada ku laabtaan.

Wuxuuna caddeeyay Agaasimuhu in qalabkaan uu qeyb ka yahay qalab lagu barayo maxaabiista xirfadaha biyo gelinta, dhismaha guryaha iyo korontada.

Tababarrada maxaabiista oo qeyb ka ah mashruuca JJCP qeybtiisa horumarinta xabsiyada iyo maxaabiista ayaa horudhac u ah tababarro laga fulin doonaa Xabsiga dhaxe, xabsiga MPCC ee KM7, Xabsiga Baydhabo, Xabsiga Beledweyne, Xabsiga Garowe iyo kan Bosaaso.

Xogahyaha taliska guud ee Asluubta, Gaashaanle Maxamed Siciid Cabdullaahi iyo Agaasimaha xarunta Farsamada ee Xabsiga dhexe, Cabdulle Xasan Nuur oo qalabka la wareegay ayaa Wasaaradda uga mahad-celiyay dedaallada horumarinta xirfadaha maxaabiista, waxayna codsadeen in la joogteeyo si loogu faa’iideeyo maxaabiista.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka , ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta, taas oo fududeeysay.

Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad ee muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.

Munaasabad daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid iyo madaxa xafiiska Afrika ee hay’adda Boqor Salmaan Relief Center mudane Yaziid Xamuud.

      

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo tababar u qabtay qaar ka mid ah Suxufiyiinta dalka

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee (GWS) oo kaashanaya Xafiiska UNSOM ayaa maantay muqdisho ku qabtay tababar ku saabsan kor u qaadidda aqoonta iyo xirfada wariyaasha Soomaaliyeed.

Waxaa ka faa’iidaysan doona 35 wariye oo ka kala socda xarumaha Warbaahinta dalka, waxaana uu socon doonaa muddo 3 maalmood ah.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta Qaranka Md Maxamed Shiil Xasan ayaa sheegay in ahmiyada ballaaran uu tababarkan u leeyahay bahda Saxaafadda.

Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Md.  C/llaahi Xayir, waxaana uu hoosta ka xariiqay Ahmyada uu Golahaan u leeyahay Dalka, isagoo Wariyaasha ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay degaanka Jannaay Cabdalla

Kismaayo- Ciidanka Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa soo af-jaray koox Khawaarij ah oo doonaysay in ay dhibaateeyaan dadka deegaanka.

Ciidanka ayaa weli wada baacsiga firxadka Khawaarijta soo dulaan tagtay, sida ay saraakiisha howlgalka hoggaamineysa u sheegeen warbaahinta Qaranka.

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa indhowaalaba howlgallo baaxad leh oo lagu ciribtiraya khawaarijta ka waday degaanno badan oo hoos taga Jubbaland.

Wasaaradda Awqaafta XFS oo Beledweyne ka billowday wacyi gelin ka dhan ah khawaarijta

Beledweyne- Culimaa’udiin kasocday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimah Diinta ee XFS ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne waxay u qabateen kulan ku saabsan ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka.

Sheekh Axmed Nuur Cabdulaahi oo ka mid ahaa Culimaa’udiinka halkaasi ka hadashay ayaa sheegay Khawaarijtu in ay yihiin dad aan xeerin walaalnimo ehelnimo iyo sokeeye toona, bulshaduna aysan u kala soocneyn.

Wuxuu sheegay in aysan Diintu ahayn mid dadka farta in guryo laqarxiyo, dad aan waxba galabsan oo maata ah la laayo, in dhiig Muslim ladaadiyo iyo in Ummad la argagaix geliyo toona, basle waa mid naseexa iyo naxariis, isagoo si weyn u dul istaagay dhibaatada ay leeyihiin ficilladaasi iyo waxa ka dhalan doona maalinta qiyaamaha.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS ayaa in dhowaalaba ka wadday gobollada dalka wacyi gelinno ku aaddan sidii bulshada looga waanin lahaa fikirta xagjirnimada gacan ka hadalka wat aiyo ficillada khawaarijta.