Guddoomiyaha golaha shacabka oo saxiixay buugga tacsida ee Ugaas Faracadde

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo booqday hoyga ay taalo gogosha tacsida ee Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa saxiixay buugga tacsida Ugaaska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska, iyo ehellada Marxuumka waxa uuna Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo,eheladiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo furay shirka erey bixinta Tiknoolajiyadda Af-Soomaaliga

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka erey bixinta Tiknoolajiyadda Af-Soomaaliga oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta XFS.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiiro ka tirsan XFS, wasiirada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada , Bulshada Rayidka, xubno ka socda Akadeemiyadda, bahda Jaamacadaha,  shirkadaha Tiknoolajiyadda iyo marti sharaf kale.

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay degaanka Baraag Cali gaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howgallo qorshaysan ka wada degaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa saaka la wareegay degaanka Baraag Cali gaduud oo ku dhawaad 50 km galbeed kaga beegan degmada Xarar-dheere, iyagoo ku baacsanaya dhulka miyiga hoos taga degaanka Jawle.

Saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa kusoo waramaya in howlgalkani uu qeyb ka yahay qorshaha Galmudug looga saarayo khawaarijta arxanka daran.

IGAD oo mar kale sheegtay in ay ka go’an tahay dhowrista madax bannaanida Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa markale caddeeyay sida ay IGAD uga go’an tahay dhowrista madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in IGAD ay ahayd ururkii ugu horreeyay ee ku baaqa in hoggaamiyeyaasha dowladaha ay ilaaliyaan madax bannaanida dalka Soomaaliya.

Hadalka Gebeyehu ayaa imanaya ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u caddeeyay hadafka guud ee IGAD kaga aaddan gobolka , gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada,horumarka mandiqadda iyo sidii xasillooni loogu wada noolaan lahaa.

Ururka IGAD ayaa marar badan ku celceliyay in la dhowro madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kastoo ay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ku xad gudubtay wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka mid noqotay hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA)

Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), sida lagu go’aamiyay shirkii guud ee 68-aad ee Hey’adda oo todobaadkan ka dhacay magaalada Vienna ee dalka Austria.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS C/rizaaq Maxamed Cumar ayaa lagu yiri “In aan ka mid noqono IAEA waa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Dowladda Federaalku uga go’an tahay qaadashada kaalin firfircoon oo dhanka iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabadda, horumarinta iyo sayniska”.

Tallaabadan cusub ayaa waxa ay suurta-gelinaysaa inaan ka faa’iideysano khibradaha iyo aqoonta ay leedahay hay’adda IAEA, si aan uga kaashanno hormarinta adeegyada tamarta iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.

Hay’adda SoDMA oo kaalmo u dirtay degmada Balcad oo fatahaadi saamaysay

Hay’adda maareynta Musiiboyinka ayaa caawa gaadiid sida shixnado gargaar ah u dirtay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, oo tuuloyin hoostaga uu fatahaad qasaaro sababtay uu ka geystay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md.Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa gargaarkaan oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan 5,000 oo qoys waxaa uu ku wareejiyay Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug).

In ka badan 13,000 oo qoys ayaa ku barakacay fatahaada, sidoo kale waxa uu baabi’iyay 10-kun oo hectar oo beero ah, kuwaas oo la filayay in ay sanadkaan ka soo go’aan dalagyo kala duwan.

Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in deegaano kale oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada hoose uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, malamaha soo socdana gargaar la gaarsiin doono. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xoghayaha IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghaya guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.

   

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo qaabilay madaxa UNICEF

Wasiirka wsaaradda tamarta iyo khyeraad ka Biyaha XFS Xildhibaan Cabdullahi Bidhan ayaa kulan labba geesood ah xafiiskiisa kula yeeshay madaxa hayadda (UNICEF) Marwo Wafaa Saciid.

Wasiirka tamarta iyo madaxa hay’adda UNICEF ayaa ka wada hadlay arimaha mudnaanta u leh horumarinta khayraadka biyaha, qorshaha Qaran ee la dagaalanka saamaynta abaarahu ku yeeshaan reer guuraaga iyo sidii loo xoojin lahaa u adkeysiga dadka ee saamaynta ka dhalata hubanti la’aanta cimilada.

Madaxa hay’adda (UNICEF) Marwo Wafaa Saeed ayaa Bogaadisay shaqada Wasaaraddu hayso, iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda tamarta XFS.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Kheyraadka XFS Xildhibaan Cabdullahi Bidhan ayaa muujiyay dadaalada ay Wasaaraddu ku bixineyso in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Hayadda UNICEF, si wax looga qabto caqabadaha la xiriira Biyaha.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Madaxwaynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaaray Guriga General Gaafow oo ay taalo tacsida AUN Ugaaska beesha murusade ayaa saxiixay Buugga tacsida Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara-cade.

Madaxwaynaha ayaa u tacsiiyay ehelka, Qoys, Qaraabada iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed geerida ku timid ugaas Abdullahi, waxaana uubAllah uga baryay in Janatul Firdowsa ka waraabiyo Ugaaska

 

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay dowladda

Maslax Maxamed Aadan oo magaca afgarashadiisu yahay Yoonis , 26 jir ku dhashay Buur-xakaba ayaa isku so dhiibay Ciidanka deegaanka ee sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Maslax ayaa Khawaarijta ka tirsanaa laba lano iyo bar si gaar ah waxa uu ka mid ahaa qeybta Jabhadda, waxa uuna uga biiray degmada Buur-xakaba ee Gobolka Baay.

Maslax ayaa muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay deegaanka Baraag hurdaaye oo Xarardhere u jira 25KM.