SoDMA iyo hay’adda Daryeelka Hooyada oo yeeshay heshiis ku aaddan ka wada shaqaynta arrimaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu heshiis is afgarad ah kula saxiixday guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Hooyada iyo dhallaanka (AMUCUBO) Cabdullaahi Afrax.

U jeedka heshiiskaan ayaa ah in labada hay’adood iska kaashadaan sidii ay ugu wada-shaqeyn lahayeen u gargaaridda bulshada Soomaaliyeed, in ay ka saaciddo ka SoDMA ahaan helista agabka caafimaad ee gurmadka deg-degga ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed, madaama ay hay’adaan si gaar ah uga shaqeyso arrimaha cafimaadka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u mahad-celiyay Hay’adda AMUCUBO, isagoo xusay in agabyada ay soo garsiiyeen iyo kuwa ay soo wadaan ay ugu shaqeeynayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna ka shaqeen doonaan in qalabyada gurmadka deg-degga ah la gaarsiiyo deegaannada fogfog ee dalka.

Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo $20,000 ku wareejiyay qoys ay waxyeello culus kasoo gaadhay qaraxii Liido

Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ayaa deeq lacageed oo gaareysa 20,000 oo dollar waxa ay ku wareejiyeen, Maxamuud Cali Daboole oo Saddex Wiil oo uu dhalay ay waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay weerarkii argagaxisadu ka fulisay Xeebta Liida billowgii bishii hore.

Dhallinyarada oo ahaa aqoonyahanno uu waalidkood ku dadaalay, midkood, ayaa ku geeriyooday weerarka, halka Cabdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ku kala jira da’aadda 20 iyo ilaa 18 sano ay dhaawacyo daran soo gaareen, guddiga ayaana u ballan qaaday adeeg caadimaad oo dibadda ah.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Mahamuud Moallim Abdulle, iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban Culimo, Ganacsato iyo haweenka Qaranka, waxaana ay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag.

Maxkamadda sare oo maanta u fariisaneysa dhageysiga 2-aad ee dacwadda Eedeysane Sayid Cali

Maxkamadda sare ee JFS ayaa maanta u fariisaneysa dhageysiga 2-aad ee dacwadda Eedeysane Sayid Cali Macallim Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa Luul Sheekh Cabdicasiis bilowgii Sannadkaan, isla markaana ay u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray dabkaasi.

Dacwadaan ayaa soo martay Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir iyo sido kale Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Banaadir, waxaana ay kusoo rideen xukun dil Toogasho oo ah qisaasta marxuumad Luul Cabdicasiis oo aheyd xaaskiisa.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maxkamad horgeeyay mas’uul lagu eedeeyay Xadgudub iyo Anshax Xumo

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay Ertugrul Karafiyeli oo ah Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori, ahna muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Eedaysanaha ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo ku tagrifal awoodeed oo uu kula kacay shaqaale Soomaali ah oo ka tirsan shirkadda Favori.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa ku dooday in ficillada mas’uulkan ay si cad uga hor imaanayaan xeerarka shaqada ee dalka iyo hab-dhaqanka suuban.

“Maxkamadda, markii ay ku qanacday caddeymaha hordhaca ah ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa amartay in eedaysanaha lagu hayo xabsi ku meel gaar ah,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay khuburro sharci oo Dalka Suudan ka socda

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Professor Axmed Ismaaciil iyo Professor Maxamed Al faatix oo ah khuburro sharci oo ka yimid dalka Suudaan.

Wasiir Hassan Mo’allin oo ay wehliyaan Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka iyo howl-wadeenno ka tirsan qeybaha Sharciyada iyo Garsoorka iyo khuburrada ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray is-dhaafsiga waaya-aragnimada arrimaha sharicga iyo Garsoorka ee Suudaan iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo soo dhaweeyay aqoonyahannada ayaa uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen, waxuuna dalka Suudaan u rajeeyay dib-u-kabasho dhammeystiran.

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xiriir walaaltinimo qota dheer oo soo jireen ah, sidoo kale Suudaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageeray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen.

 

Xoghayaha golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika

Johanesburg: Xoghayaha guud ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka mid ah Golaha fulinta ee xoghayaaasha Baarlamaanka Pan-Afrika iyo xoghayaha guud ee golaha aqalka sare mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa magaaladda Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika oo maanta halkaasi.ka furmay.

Shirka waxaa looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadaha dhalinyaradda qaaradda Afrika iyo sidii qarnigan 21-aad muhiimad gaar ah loo siin lahaa horumarka Qaaradda.

   

Madaxda wasaaradda warfaafinta oo warbixin siisay guddiga adeega bulshada aqalka sare

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka ee aqalka sare, oo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa xafiiskooda maanta kulan kula yeeshay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo la socday.

kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Sanatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed ( Dufle ) ayey xubnaha guddigu wasiirka iyo xubnaha la socday wax ka waydiiyeen shaqada guud ee wasaaradda, shuruucda dhaqan-galka ah ee ay Wasaaraddu ku shaqeyso, xaquuqda shaqaalaha Wasaaradda, hannaanka ay u mareen dhismaha golaha warbaahinta, qorshaha wasaaradda uga degsan ka wacyi-galinta bulshada ee kooxaha xagjirka ah, hormarinta dhaqanka iyo suugaanta, iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa, kuwaas oo ay mid mid uga jawaabeen Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle oo kulanka soo xiray ayaa ku booriyay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta shaqada ay Qaranka u hayan, isagoo sheegay in ay joogtayn doonaan kulama isla xisaabtanka ah islamarkaana ay kormeer ku imaan doonaan Wasaaradda, si loo dardar geliyo waajib gudashada shaqada Qaranka.

      

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.

Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib u eegista Dastuurka KMG ah, shuruucda Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyuhe Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Aqalka Sare BJFS uu u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo is afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo sheegtay inuusan hakad ku iman duullimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo

War ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inaysan jirin isbeddal ku yimid duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbeddel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba:.

Warka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa imanaya kadib markii saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in uu hakad ku yimid duullimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Masar oo billad sharaf guddoonsiiyay Wasiirkii hore ee Awqaafta C/qaadir Baqdaaddi

Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaaddi”  ayaa  ka qeyb galay xuska sanad guurada dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta Masar, lagunna qabtay magaaladda Qaahira ee dalka Masar.

Muanaasabadaan, waxaa ka soo qeyb galay, madaxweynaha dowladda Masar C/fataasi Al-siisii.

Madaxweyne  Al-siisii ayaa intii ay socotay munaasabadda waxaa uu billad sharaf heerka koobaad ee  Culuumta iyo funuunta guddoonsiiyay Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaaddi” taas oo uu ku muteystay kaalintiisa uu ku lahaa faafinta fikirka Islaamka iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arrimaha diinta, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaaddi” ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhawaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Masar, Professor Dr. Usaama Al-Sayed Al-Azhari, si uu ugu qayb galo xuska sanad guurada dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta Masar.