Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay siyaasadda habraaca Qaran ee Warbaahinta iyo arrimo kale

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay kulan isugu yimid, ayaa lagu ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee Warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada.

Hay’adda NCRI oo daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta Bulshada barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNHCRsom.

Dadkaan oo gaara 4,000 (afar kun oo qoys) oo dhammaantood laga diiwaangalinaayo degmada Dayniile ayaa u jeedku yahay in la helo xog-aruurin iyo diiwaangalin dhab ah oo loogu adeego bulshada barakacayaasha ah ee ku nool Caasimadda, ka hortagga leexinta gargaarka, iyo xaqiijinta in qoysaska barakacay ay helaan taageerada iyo xalalka waara.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Hay’adda Mudane Cabdullahi Aadan Cabdi oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNHCR oo daah-furka diiwaangalintan barakacayaasha ka hadlay ayaa sheegay in Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) iyo UNHCR ay ka go’antahay in dhammaan Barakacayaasha ku nool dalka loo helo diiwaan sax ah,taas oo fududeyn doonta maareynta iyo ka jawaabidda dhibaatooyinka iyo Baahiyaha ay qabaan.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Sh Cumar Maxamed Mahad-alle iyo qaar ka mid ah xubnaha Maamulkiisa oo goobjoog u ahaa daahfurka diiwaangalinta ayaa ka Mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ku socoto howsha, waxaana ay ballan-qaadeen in ay gacan buuxda ka geysan doonaan Barnaamijkan diiwaangalinta Barakacayaasha degmada.

Shirka Golaha wasiirrada oo lagu ansixiyey safiirro cusub, loogana hadlay qodobo kale

Golaha wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid ayaa ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada.

        

Wasiir Fiqi oo ka qayb galay daah-furka golaha safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa galabta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay tiro safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta oo u jooga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu si kal iyo laab ah uga mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, Madaxa Wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, dadaalkiisa ku aaddan daah-furka golahan, taas oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka u dhexeeya safaaradaha Carabta ee Soomaaliya iyo xiriirka guud ee Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda midnimada Carabta, isagoo tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda joogtada ah iyo sida ay ugu dheggan tahay taageerada Soomaaliya xilliyadii adkaa, taas oo ka muuqata go’aamadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirarka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan xadgudubyadii Itoobiya ay ka geysatay midnimada iyo xasilloonida dhulka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in rajooyinka Soomaaliya ay dhaafsiisan yihiin xiriirka diblomaasiyadeed, balse ay raadinayaan inay xoojiyaan isku-dhafka Carabta si loo gaaro midnimo Carbeed.       

Maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho oo shir caalami ah uga qaybgalay Faransiiska

Maamulka Dekadda Muqdisho oo uu matalayo maareeye ku xigeenka Dekadda Dr Cali Xaaji Maxamed ayaa magaalo xeebeedka Le Havre ee waddanaka Faransiiska uga qayb galay shir ay kasoo qayb galeen xubno ka kala socda Maamuladda dekaddaha wadamo dhowr ah.

Shirkaan oo ay sooqaban qaabisay hay’ada Qaramadda Qidoobay u qaabilsan baddaha ee loo soogaabiyo (IMO), qodabada kulanka looga hadlay waxaa ka mid ah: kaalinta dekaddu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha wadamada, maamul wanaaga, amniga dekaddah, tiknoolajiga.

Sidookale shirka ayaa inta uu socday waxaa hareer socday tababaro sare oo kor loogu qaadayo xirfadda kasoo qeeygalayaasha, shirka waxaa lagu qabtay.

  

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika iyo Badda cas ee UK

R’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika iyo Badda cas ee Boqortooyada Britain, Alison Blackburne, oo ay weheliyeen Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee halista ku haya gobolka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu xasilinayo gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qaababka cusub ee lagu xoojin karo xiriirka Soomaaliya iyo Britain.

Ergeyga Gaarka ah iyo Danjiraha ayaa dhankooda ku adkeeyay sida ay dowladooda uga go’an tahay in ay taageeraan Soomaaliya, iyagoo ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga iyo xasilinta.

 

Maamulka gobolka Banaadir oo daah-furay barnaamijka nidaaminta dhulka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Nidaaminta Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar iyadoo la adeegsanaayo Teknolojiyadda Casriga ah, si loogu gudbo dhibaatooyinka lagala kulmo Dokumentiyada warqadaha ah ee dhaliya is-qab qabsiga dhulalka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Nidaamkaan lagu casriyeenayo Dhulka ee adeegsiga Teknolojiyadda uu door ka qaadan doonno yareynta is qab-qabsiga ka dhasha dhinacyada dhulalka iyo in guryaha ku yaala caasimadda ay helaan adrees lagu garto, taasi oo fududeyneysa la macaamilka dunnida horumartay.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Dastuurka XFS, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, bahda Garsoorka, Midowga Bangiyadda, Culuma’udiin, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga Lacag dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay muhiimada labada hindise sharciyeed ay u leeyihiin Qaranka Soomaaliyeed iyo xoojinta dowladnimada.

“Sharcigan waxa uu muhiim u yahay xoojinta hanaankeena maaliyadda si uu ugu xirmo hanaanka maaliyadda caalamka, in Golaha Shacabka dib loogu soo celiyo waxaa sababay caqabado ka yimaaday dhaqangalkiisa oo u baahday in wax ka bedel lagu sameeyo, wuxuu muhiim u yahay horumarinta dhaqaale ee dalkeena sidaas darteed waxaan golaha sharafta leh ka codsanaya in ay noo ansixiyaan marka ay ka gutaan waajibaadkooda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay labadan hindise sharciyeed ee maanta la horkeenay, iyagoo talooyinkooda ku biiriyay, sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in hindise sharciyeedyadan ay muhiim yihiin maadaama ay kor u qaadayaan hanaanka maaliyadda ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labadan hindise sharciyeed lagu wareejiyay guddiga Maaliyadda Golaha Shabka si ay usoo diyaariyaan akhrinta labaad, dibna Golaha Shacabka ugu soo celiyaan.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Alromaith.

Duqa Muqdisho iyo Danjire Alromaith ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii la isaga kaashan lahaa Qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka Labada Caasimadood.

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro doonaysay in ay u tahriibaan Yurub

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro doonayay in ay ka tahriibaan dalka Tunisia, halkaas oo ay doonayeen in ay ka galaan Waddamada reer Yurub.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Danjire Cabdiwahaab Macallin Maxamed ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku bixisay dedaal dheer soo celinta muwaaddiniintan, iyadoo la kaashanaysa Safaaradda Aljeris iyo hay’adda IOM.

Dhallinyaradan oo ka kooban laba wiil iyo gabar ayaa ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Tunisia, waxanay Safaaradda Aljeris ee Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda IOM ku guuleysatay in ay ku soo wareejiyaan Safaaradda Soomaaliya ee Aljeris.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeria ayaa ugu dambayn maanta kasoo dejisay dhallin yaradan garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ka mahad celiyay dedaalka dheer ee ay dowladdu ku bixisay in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Danjire Cabdiwahaab Macallin Maxamed ayaa sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibedda XFS, hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo waaliddiinta dhashay dhallin yarada ugu mahad celiyay dedaalka weyn ee ay muujiyeen.