Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay Marina Walter

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) oo ay hoggaaminayso Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo waftigaan ayaa ka wada hadlay horumarrada Soomaaliya ka sameysay sannadihii la soo dhaafay dhinacyada dawlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasilinta degaannada la ga xoreeyey argaggixisada, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Guddiga joogtada ee golaha shacabka oo looga dooday ajendayaasha kulamada golaha todobaadka soo socda

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay kulanka Guddiga joogtada ah oo dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka oo ahaa Ajendeynta kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxa ay xubnaha guddiga isla falanelqeeyeen ajendayaasha Golaha ee kulamadda dhici doona todobaadka soo socda.

Sidoo kale kulanka ayaa warbixino looga dhageystay guddoomiyayaasha qaar ka mid ah guddiyada Golaha Shacabka oo ka warbixiyay guddi walba Hindise Sharciyeedyada uu gacanta ku hayo iyo sidoo kale marxaladaha ay marayaan.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa xubnaha guddiga joogtada iyo guud ahaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadisay howsha ay Qaranka u hayaan iyada oo kula dardaarantay dardargelinta shuruucda golaha hortaala inta ka dhiman kalfadhiga shanaad ee Golaha.

Warbixinta Todobaadlaha ah ee dowladda Soomaaliya

Muqdisho, Khamiis, 10-ka October 2024

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara wadahadal kula leh Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki oo ay ka wadahadlayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulanka  Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socda magaalada Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar  heerkiisu sareeyo u soo xiray ilaa iyo 350 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee Dowladdii Milateriga.

5-Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka uga warbixiyay shirka Gilaha Wadatashiga Qaranka iyo guulaha laga gaarey. Waxaana uu xusay in shirka looga dooday ajendayaal muhiim ah, sida dardar gelinta la dagaallanka khawaariijta, xoreynta dalka, dib-u-heshiisiinta, iyo arrimaha doorashooyinka.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka Badmaal, oo diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta kalluumeysiga ee guud ahaan dalka.

7-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025-ka.

8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

9-Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo tabashooyin kale oo ay qabeen.

10-Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa daahfurey deeq waxbarasho oo gudaha dalka oo ay siineyso 250 arday ee kaalimaha hore ka galey imtixaanka dugsiyada sare.

11-Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga 1-aad ee daraasadda naqshadeynta Biyo Mareenada magaalada Muqdisho.

12-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum

13-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

14-Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa 100 arday oo ka kala socda Sudan, Yemen iyo Suuriya.

15-Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la kulmay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka

16-Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Muqdisho ku qabarey kulan wadatashi oo looga hadlayey dardargelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025-2029.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u soo xiray tababar la xariiro diblomaasiyada 12 safiir iyo 21 sarkaal oo ka shaqeeya arrimaha diblomaasiyada.

18-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo cambaareeyay soo gelinta hubkaa sharcidarda ah ee ka imaanaya Ethiopia, isagoo xusay in dowladdu ay tallaabooyin adag qaadayso si Iooga hortago arrimahan oo loo ilaaliyo madaxbanaanidda Soomaaliya.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa  faahfaahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIŞ, isagoo xusay in Ciimada XDS ay kala wareegeen ciidamada ATMIŞ in ka badan 27 goobood.

20-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Minneapolis ugu qeyb galay shir sanadeedka Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida Mareykanka.

21-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay 24 dhalinyaro ah oo qalqal ku hayay shacabka iyo amniga magaalada Muqdisho.

22-Wasiiru Dowlaha Gaashandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Bariga Africa Paul Kahuria Njema, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga gobolka iyo halista argagixisada.

23-Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay bahda caafimaadka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

24-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta ayaa kulamo la yeeshay Xildhibaan Ilhaan Cumar, La-Taliye Sare Xamsa Warfa aiyo Naadiya Maxamed oo ah Duqa magaalada St, Luis Park ee gobolka Minnesota.

25-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa kulan la qaatey Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

26-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa, Paul Kahuria Njema oo ay ka wadahadleen amniga gobolka, khatarta argagixisada iyo arrimo kale.

27-Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay La-Taliyaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Flannery Robert.

28-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan

Cabdulaahi ayaa kormeeray Xarunta Laanta Dhexe ee llaalinta Canshuuraha Booliiska Soomaaliyeed.

29-Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku dhowaad 60 xubnood oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al Shabab ku dilay hawlgalo ka dhacay gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Dhexe.

30-Ciidamada Qalabka Sida ayaa hawlgalo ka fuliyay degmada Ceel-dheer ee Gobalka Galguduud, iyagoo halkaas ku dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

    

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa fulinta Barnaamijyo horumarineed oo wax ka qabanaya dhinacyada shaqo abuurka, caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taasi oo hortabin u leh Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda hoose ee Xamar.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya oo kulan 3 geesood ah uga socdo Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dalalka Masar Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerk ayaa waxaa uga socda magaalada Asmara shir saddex geesood ah.

Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaa shirkooda waxay uga arinsanayaan xaaladda Gobolka iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas.

 

Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi oo Gaaray Magaalada Asmara

Asmara: Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, iyo wafdigiisa ayaa maanta gaaray magaalada Asmara, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Isaias Afwerki, waxaana si diiran lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Wafdiga Madaxweyne el-Sisi ayaa waxaaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Masar, Agaasimaha Madaxtooyada, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Labada mas’uul ayaa gelinka dambe ee maanta ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa xigi doona shir madaxeed saddex geesood ah oo dhexmari doona Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,. Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.

Shirkan ayaa diiradda saaraya xoojinta xiriirka saddexda dal iyo arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Xildhibaan Sadad Maxamed Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kulan la qaatay Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayso Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha ee Dawladaha Carabta (RBAS) ee Hay’adda UNDP.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira geeddi socodka Soomaaliya ee Dowlad dhiska, arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta, Federaalaynta iyo arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha JFS iyo dhigiisa Ereteriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Asmara: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Asmara kulan kula qaatay dhigiisa Ereteriya, Isaias Afwerki, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ereteriya, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, labada madaxweyne waxay xuseen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Ereteriya ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Ereteriya ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo gaaray Magaalada Seattle

Seattle: Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Seattle, Gobolka Washington ee dalka Maraykanka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee SeaTac ku soo dhaqweeyey qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Washington oo si weyn ugu diyaar garoobay soo dhoweynta Wasiir Al-Cadaala iyo wafdigiisa oo qeyb uu ka ahaa xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington DC ee Mudane Abuukar Goley.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle Marwo Sahra Faarax oo in ka badan 30 sano u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas iyo xubno kale oo hormuudka Jaaliyadda ah ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga wasiirka.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington uga mahadceliyey soo dhaweynta wafdigiisa safarka shaqo ku jooga dalka Mareykanka, isagoo ka balan qaaday inuu waqti iyo kulamo la qaadan doono, warbixina uu ka siin doono xaaladda dalka.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay dhigiisa Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Dowladda Imaaraadka Carabta mudane Saqr Ghobash.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa kaga mahad celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u sameeyay iyo qaabilaada kulanka maanta ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.