Soomaaliya wax-soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda , waxayna soo saari jirtay waxyaabo badan oo kala duwan, sida sonkorta, hilibka, caanaha, qudaarta, miraha iyo waxyaabo badan oo la tiri karin. Soomaaliya waqtigaas waxay ahayd waddan aad loogu soo dalxiisi jiray, oo dhaqaalihiisa kor u socday.
Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xooggan bariga afrika. Wadamada ee Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ee dariska yihiin iyo kuwa yurub iyo aasiya.
Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaalada aan dhammaadka lahyn iyo qalqal siyaasadeed.
Run ahaantii waddan aan dowlad laheen, dhaqaalihiisa iyo ganacsiga ma socon karaan, laakiin somalia ilaaheey amarkiis ganacsiga wuu sii socday, sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, ganacsatada oo ku dadaaleen in uusan wadanka joogsan dhinaca dhaqaalaha.
Maanta Sirdoonka Mareykanka waxay soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya oo kor u socdo, waxaa wadamada kale loo diraa, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somalia laga dhoofiyaa ariga, laxda geela iyo Lo’da.
Sida ee sirdoonyaasha mareykanka ee sheegayaan, Soomaaliya ayaa bariga afrika ugu dhoofis badan dhinaca ariga , geela ama lo’da.
Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga .
2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryar yihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.
3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal
4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.
Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado iyo Miraha inta ay qaadaneeso:
Galayda 70 beri, Masagada 99 beri, Sisinta 90 beri, Mooska 199 beri, Digirta 90 beri
Yaanyada 90 beri, Babayga 99 beri, bataatiga 199 beri, Lowska 150 beri, Canbaha 6 bilod
Magacyada Miraha ka baxa dalkeenna:
Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.
Khayraadka Baddaheenna:
Wax-soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo bilaabo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.
WQ: Axmed Muuse