Duqa Muqdisho oo daah-furay Qorshahaha waxbarashada gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha waxbarashada gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada gobolka, Xoghayaha guud ee gobolka iyo Marti Sharaf kale ayaa goobjoog ahaa munaasabadda.

Agaasimaha waxbarashada gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur ayaa ka warbixiyay Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee Sanadaha soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada iyo hay’addaha deeq bixiyaasha ah in ay maamulka gobolka ku garab istaagaan horumarinta waxbarashada.

                

Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS oo guddoon cusub doortay

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow  ka dib doorasho ka dhacday xarunta golaha Aqalka sare.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka guddigan ayaa loo doortay Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag, halka Senator Saciid Cabdi Xuseen loo doortay Xoghayaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS.

Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada 1-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag

Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah goballada Hiiraan,Shabeellaha dhexe,Shabeellaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu khawaarijta ku gaaray dagaalo ka dhacay labada gobal ee Hirshabeelle, markii ay is wajaheen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo kuwa ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo Khawaariij ah Lixdii bilood ee u dambeysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Qaranka ayadoo isla howlgalladaasi sidoo kale lagu dhaawacay in kumaan kun oo Maleeshiyaad ah.

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in qaar ka mid ah maleeshiyada oo ay soo gaareen dhaawacyo cul culus ay Khawaarijtu si arxan la’aan ah ay u dhamaystireen.

Dad goob joogayaal aha ayaa inoo dheegay in dhaawacyo badan oo ay dhammaystireen ka dibna ay ka gaari waayeen inay aasaan, ayagoo ka baqdin qaba in ciidamada Qaranku ay ku soo gaaraan ay dantu ku qasabtay inay Qaraxyo ku baabi’iyaan si aanan loo arag jabkooda.

Marka laga soo tago howlgallada tooska ah ee ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jabiyeen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab waxaa sidoo kale Khawaarijta lagu beegsaday dhul howd ah oo ay naadir la ahayd in loogu tagi karo.

Ilo wareedyada aan helnay waxa ay xaqiijiyeen in Maleeshiyada Khawaarijta markii laga laayey maleeshiyaadkii u dhashay deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ay labadaasi gobol keeneen maleeshiyaad aan deegaanka kala aqoon kuwaasi oo  kasoo kala jeeda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Tiradan dhimashada ah ee khawaarijta Al-Shabaab loo geystay bilihii ugu dambeeyey ayaa ka dhigan in kooxda uusoo gaaray jabkii ugu weeynaa ee abid soo gaara intii ay xoogga ku heysteen gobollo ka mid ah koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya .

Kadib duleyn ay dhowr iyo toban sano ku hayeen dadkeennu kooxda Khawaarijta ah hada waxa ay ku jirtaa dhammaadka maalmihii ugu dambeeyey ee jiritaankooda ayadoo gacantooda laga bixiyey deegaanno iyo magaallooyin ka badan 50 , meelaha ay hada ku harsan yihiinna waxa ay ku joogaan wel wel tiiyoo ay usii dheer tahay kala shaki xooggan oo ka dhex jira horjoogayaasha ugu sareeya Khawaarijta Al-Shabaab.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa ku yaboohay lacago la siinayo ciddii soo sheegta xogta Macallin Ayman iyo dhagar qabayaal kale, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale. Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu  maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Waa Nin Ceynkee ah Macalin Ayman?  waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya, waxaana Ayman  mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020-kii Bishii Noofambar ee 2008, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah, waxaana uu weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020-kii, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka, waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika, iyadoo Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay Urur argagixiso oo  caalami ah.

SONNA Editorial

Hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka oo gurmad gaarsiisay qoysas dan yar ah

Hay’adda maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa ku dhawaad 300 oo qoys oo dad danyar ah waxay gargaar ugu qeybisay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo go’doon ku jirta.

Gargaarkaan ayaa horay dowladda Imaaraadka Carabta waxay ugu deeqday dadka abaaruhu sameynta ku yesheen, wuxuuna iskugu jiraa qeybaha kala duwan ee raahinka.

Dadka Gargaarkaan ka faa’iideystay ayaa wajahayey maalmihii danbe xaalado adag oo dhanka nolasha ah, iyadoo intaas waxaa u dheer in degmada Diinsoor ay tahay mid go’doon ah.

    

XARAGO DIINTA IYO DHAQANKABA KA HOR IMAANEYSA

Diinta islaamka ma diidayso in uu insaanka xarragoodo, kama hor imaanayso in uu aadanaha is qurxiyo, is nadiifiyo oo uu muuqaal iyo aragti soo jiidasho leh uu yeesho.

Alle ayaa Qur’aankiisa ku sheegay wuxuuna yiri “KHUDUU SIINATAKUM CINDA KULLI MASJIDIN.” Hase yeeshee, markii xaragadu iyo is qurxinta xadkii ay lahayd la dhaafiyo oo la kala garan waayo waxa dhar xirashada quman ay tahay iyo waxa kale oo aan ku habboonayn in la gashado iyo in lagu xaragoodo, waxaa la noqonayaa waxa runta ah ee la yahay waxaana loo wada ekaanayaa wax kale oo aan wanaagsanayn.

Tusaalle: Haddii adiga oo gabar ah aad gashato Sarwaal iyo shaar kugu dheggan oo jirkaagu ka muuqanayo, shaki kuma jiro in aad u ekaanayso wax aan lab ahayn, Dhaddigna aan ahayn oo meel dhexe ah oo dadka aragtidooda jahwareerineysa isla markaana ku mashquulisa kala bixinta waxa runta ah oo aad tahay, sidaasna aad ku mutaysato qiimo dhac wayn ugu dambaynta iyadoo ay kuu horseedi karto inta shahwaddo ay ka tan badisay ee uu shaydaanku duufsaday kugu xad-gudbaan oo meeshaasi uu ka dhasho danbi aad adigu sabab u tahay.

Sida la wada ogsoon yahay xaragadu waa wax laga wada siman yahay marka Islaam la yahay, macnaha Muslimiin iyo gaalo, waana wax la isaga wada daydo marka ay tahay wax aan ka hor imaanayn dhaqanka dadkaasi ay leeyihiin iyo diinta ay haystaan, in kastoo Dadka haysta Diinta islaamka ay leeyihiin dhar xirasho la jaan qaadaya diintooda islaamka ah oo aad u qurux badan ahna mid dhawrsoon.

Ujeedka dharku waa asturnaanta gabadha muslimadda ah taas oo ay ku raali galinayso Rabbigeeda iyo wiilka gayaankeeda ah.

Ragguna sidoo kale waxaa loo jideeyay Dhar asturan lagu tukan karo oo ka reebban Xariir iyo dhar muujinaya cawradooda sida baryahan ay u bateen dhallin Soomaaliyeed ee Daba-gaabka dhagtay dhar kuwaas oo ka tagay tabiskii inoo ahaa Diinta iyo Dhaqan intaba.

Haddaba qormadaan kagama hadlayo waxa uu kala yahay dharka dumarka iyo kan ragga Soomaaliyeed ay xirtaan, laakiin waxaan rabaa in aan kaga hadlo ku dayshada indhaha la’ oo dhallinteena maanta qaar ka mid ah ay samaynayaan, gaar ahaan dhinaca dhar xirashada.

Anigu qof ahaan waan aaminsanahay in la isaga daydo wanaagga mar haddii Aadami la yahay wax kasta oo manafacaad leh, sida Aqoonta guud ee nolosha insaan kasta lagama maarmaanka u ah, laakiin waxay marnaba nafsadayda aysan ogolaan karin ku dayashada indho la’aanta ah ee ay ku kacayaan qaar ka mid ah dhallinyaradeen.

Waxaan ayaamahaan faras magaalaha (Bartamaha) Muqdisho ku soo badanaya dhallinyaro fara badan oo ku labisan Saraawiisha dabagaabka ah oo aan ku qumanayn shaqsiga islaamka ah ee la rabay in isaga ay ku daydaan dadka kale ee ka habaabay jidka Alle ee xishoodku ka dhintay ee wada muruxsan, kaligay ayaan is waydiiyey dhallinta soo baxaysa maxay mar kasta ugu daydaan una soo minguuriyaan dhallinta kale ee aan muslimka ahayn ee ku nool Qaaraadaha kale ee aan haysan Diinta Islaamka dadkooda? Maxaa ku qasbaya in iyaga oo muslimiin ah ay daba joog u noqdaan dhallinyaro iyaga la da’ah oo gaalo ah?

halkii ay iyagu ahaan lahaayeen Xiddigo (STARS) lagu daydo oo dadka aan islaamka ahayn tusiya wadooyinka toosan ee dhar xirashada qumman, timo xiirashada wacan, iyo dhamaan akhlaaqda toosan oo dhan.

Waa ayaan darro in maanta oo la marayo Qarniga 21_aad lagu shubto dhallinteen kuna fanaan labis xirashadiisa ay ceeb u arkaan dadkii ay ka soo minguuriyeen caruurtooda, isla markaana ku raali ahaadaan iyaga xiran dharkaas iyo dadka ay la agmarmarayaan ee wada Muslimka ah.

Fiiri adiga oo gashan Sarwaal Dabagaab ah oo qaab tolliinkiisa xitaa uu qaldan yahay oo aan soo gaarayn jilbahaaga, isla markaana maraya bartamaha magaalada gurigaagana uusan meeshaasi ka dhawayn haddii La adimo mid ka mid ah salaadaha faralka ah maxaad samayn lahayd? Waan ogahay in aad muslim tahay lagaana doonayo gudashada salaaddaas waajibka kugu ah ee waqtigeedu soo galay, Ma waxaad soo aadaysaa gurigii aad saaka ka soo tagtay si aad u soo xirato dhar quman oo aad salaadda lagaaga aqbalayo, mise waad iska sii joogaysaa meeshaas adiga oo arkay in salaaddii waqtigeedii la sii dhaafayo oo ay qeyrkaa guteen waajibkii lagu lahaa?.

Waxaa dhacda qaar dhahayo walaalow haddii gurigiinu meelan ka dhaw yahay igu caawi Macawiis aan Salaadda isaga saaro ama ku tukado bal maxaa galiyay tuugsi isagoo heli kara dhar saxan muxuuse ka ogyahay macawiista cidda iska leh, miyuusan ogeyn dharka la wada xirto in laga qaado cudurrada Maqaarka gala?!!

Dhaqanka Soomaalida kamaba mid ah in la xirto sarwaal dabagaab ah oo jilbahaaga ka koreeya, waana qalad in aad wejiga umadda iyo aragooda aad la hortimaado waxaas qaabka daran.

Fiiri mar kale adiga oo Waxaas baas xiran oo magaalada bartameeda maraya ayaa waxaa kaa horyimid Dhaqtarkaaga, macalinkaaga ama labadaada waalid ama dad aad xidid tihiin, ma waxaad kala hor imaanaysaa labiskaas qaawanida ah ee laga yaqyaqsoonaya adiga oo heli kara mid ka duwan oo aragtidiisa laga wada raali noqon lahaa.

Ugu dambayn Dabagaabku iyo xirashadiisaba waa ku ceeb ruuxa sharafta leh ee Soomaaliyeed ee Muslimka ah, mana ka mid aha dharka dhaqanka iyo Diinta Islaamka ku habboon xirashadiisa mar haddii uu Qaawanaan u dhaw yahay.

Haddaba waxaan kula talin lahaa Culumada, Macallimiinta, Waalidiinta iyo Hay’adaha u xilsaaran ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka inay Wacygalin ballaaran ka sameeyaan dhaqankan silloon intuusan faafin uusan guri walba galin.

WQ: C/risaaq Absuge

 

JAAMACADDAHEENU MA YIHIIN KUWO SOO SAARA AQOON YAHAN ISKU FILAN OO QAYB KA AH HORUMARKA DHAQAN-DHAQAALE EE BULSHO MISE WAA ….???

Haddaba maxaa lagu xallin karaa dhibaatooyinka haysta Jaamacadaha iyo dhallinta Soomaaliyeed?

Barashada dhabta ah waa inay ahaataa mid ku salaysan fahamka ama barashada nolosha dhabta ah taasoo ku dhiiri galinaysa ardada inay ahaadaan hal-abuuroyaal leh wax soosaaris ama curin ay lawadaagi karaan dunida. Sababtoo ah noocan waxbarasho kuma salaysna xifdin aragtiyo oo kaliya (Memorising theory) balse waa mid si xoogan ugu salaysan barasho ficil la socdo. macnuhu waa in qiimaynta ardayga sal looga dhigaa hanashada xirfado iyo inuu hanto karti uu ku soo bandhigi karo fikrado cusub wax ku ool ah.

Aragtidan cusub waxay ardayga jaamiciga ah siinaysaa fursad ah barasho iyo inuu dabaqo wixii uu bartay oo xiriir xoogan la leh bii`ada uu ku nool yahay, halkii uu waqtiga ugu dhumi lahaa inuu fasal iska fadhiyo oo ku mashquulo wax xifdin, memorisign theory. si arintaan u miro dhasho waa in barashada laga dhigaa mid shaqsi, macnuhu waa in arday walba labaro waxa uu xiisaynayo oo uu himada u hayo, laguna salaynayo awoodiisa, kartidiisa iyo hamigiisa isaga u gaarka ah.

Ma qiyaasi karanaa dhibka ay la kulmi karaan ardaydu marka iyagoo xambaarsan xiiso iyo hami sare ay galaan waxbarashada sare isagoon lakulmin welwel iyo walaac ku saabsan kuliyadii ay dooran lahaayeen iyo fursadaha shaqo ee horttaala marka ay dhameeyaan waxbarsahdaas.

Xalku waxa uu ku jiraa in lagu dhiiri galiyo ardayda inay ahaadaan kuwa wax xaliya (problem solving) waana halka nolosho ka abuuranto. tusaale ardaygii waxaa haysa shaqo la`aan waa dhib taagan, aqoontu waa inay siisaa qaabkii iyo habki iuu shaqo ku abuuran lahaa. Awoodna u leh inay bulshadooda u abuuri karan shaqooyin, ay ku hagaajiyaan noloshooda. khabiirka ayaa ugu baaqay jaamacada Africa inay wax ka badalaaan habdhaqanka ah inay in hawshoodu tahay oo kaliya inay ardayda imtixaanaan, cbuundana siiyaan, isagoo sii raaciyey in hanaan ka waxbarasho ee jaamacdaha Africa uu dhimanayo una baahan yahay in lasaxo oo lagu sameeyo dib u eegis.

 

Isku xirnaanshaha ardada iyo jaamacada.

Runtii waxbarashada saxda ahi kaliya kuma eka in jaamacadu ardayga siiso tacliin iyo inay ilaaliso waxa uu xiisaynayo balse waa in jaamacadu ardayga siisaa aqoon ka tarjumaysa xaqiijinta riyadiisa mustaqbalka ee dhanka lahaanshaha xirfado iyo siduu ku heli lahaa shaqada uu xiisaynayo una gaari lahaa nolol wanaagsan (Batter life), waxabrashada dhabta ahi waa in ardayga labaro waxa uu xiisaynayo ee uu danaynayo ee maahan tan lagu qasbayo.

Ardayda oo lasiiyo si dhab ah aqoonta uu xiisaynayo waxa u beeqaamaya waqti iyo lacag. Waayo tacliinta oo lagu saleeyo waxa uu xiisanayo ardaygu fahmina karo, waxay badbaadinaysana mustaqbalkiisa dambe, sidaa awgeen yoolka jaamacadu waa inay ahaataa soosaarista jiil aqoon yahanka oo isku fialn bulshadana wax ku ool u ah, een culays ku ahayn bulshada ama khatar ku ahayn dalkiisa.

Waayahandambe jaamacadaha ayaa ku fashilmay inay ahaadaan kuwa isku xiraya aqoonta iyo baahida shaqo ee suuqa, taasoo ardayga siinaysa inuu ku hubaysnaato xirfado iyo aqoon kaladuwan sidoo kale inuu lahaado fikrado tayo leh oo waxtar uleh hormarkiisa, deegaanka iyo bulshadiisaba. Sidoo kale waxay kor u qaadaysaa qiimaha iyo tayada tacliinta oo u rogaysa aradayga jaamiciga ahi inuu ahasdo kii bulshadiisa shaqo u abuuri alahaa halkii uu ahaan lahaa shaqo raajiciye. Jaamacadaha ayaa iska indho tiraya inay aqoonsadaan kala duwanaanshaha ardayda dhanka garaadka, dhugta iyo jirkiisa, waxayna dhaqan galiyaan waxbarasho ay soominguuriyeen oo laga yaabo qaarkood inaanu ka tarjumayn baahiya bulshada ama laga yaabo in laga guuray cilmigaas oo ay soo baxeen qaabab ka casrisan kuwa ay isticmaalaan jaamacadaha dalka oo inatooda badan kufahsilmeen inay soo saaraan bulsho isku filan oo leh hal abuur ay ku hour mari karto dhan kasta noloshooda. Waana in jaamacaduhu ku saleeyaan cilmiga ay bixinayaan inuu ayahay mid u faa idaynaya dalka iyo bulshada kana tarjumaayo baahiyahooda dhan walba, lana socdaan cilmiga cusub iyo joogtaynta dib u eegista manaahijtooda. Oo ay ka fogaadaan waxa loo yaqaan (Copy paste).

Waalidiintuna waa inay ogaadaan inay dhalaan macdan ceeriin ah, ayna xil iska saaraan sidii ay dawr ugu yeelan lahaayeen waxa loo barayo ubadkooda iyo sida aqoontaasi u tahay mid ka tarjumaysa maarayta baahiyahiisa shaqo iyo tan horumarinta dalkiisa iyo bulshadiisa.

Ugu dambayn waa qasab in dawladu furto indhaheeda, soona noolayso oo ay qaadato dawkeeda kaga aadan toosinta, korjoogtaynta iyo inay marwalba qiimayn ku samayso jaamacadahaas, si aan dalka iyo jiilkiisaba looga dayicin waqtiga iyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan talcliinta ubadkooda xili ay la daalaaa dhacayaan duruufo adag.

 

 

Qore

Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan)

First counsellor

Somali emabassy

Khartoum – Sudan

 

BARASHADA DHISMA-AFEEDKA.

af walboo aradka guudkiisa laga hadlaahi wuxuu leeyahay xeerar, astaamo, iyo hab-dhismeed u gaar ah oo adeegsigiisa udub-dhaxaad u ah.

Si lamida kuwa la ayniga ah Af-soomaaligu wuxuu leeyahay hannaan lagu magacaabo dhisma-afeed”Naxwe” oo loola jeedo tiirarka iyo qotomada uu hadalku ka koobanyahay, waxayna 3 qeybood oo kala ah: codad, qeybaha hadalka, iyo sameynta weedhaha.

1) codad: waa sida ay dhawaqyadu ku unkanmaan ama ku samaysmaan, iskuna raac raacaan ama isugu xirmaan, eray kasta oo lagu dhawaaqayo wuxuu ka kooban yahay xubno la yidhaahdo “Alamo” oo mid walba gaar loo akhriyo markii la hikaadinayo.

Tusaale: erayga dha-llin-ya-ro= dhallinyaro dhawaaqiisu wuxuu ka koobanyahay 4 alan ama xubnood oo la isugu geeyay, ka dibna yeeshay nuxur la garan karo.

2) QEYBAHA HADALKA: waa laamaha ay isir ahaan u kala baxaan weedhaha iyo hawraaraha af-soomaaligu markii la abla-ablaynayo, waana 11 qeybood oo kala ah: magac, magac uyaal, fal, fal-kaab, xadhiidhiye, meeleeye, tilmaame, sifo, yaab, qodob, iyo qurub.

Seddaxda ugu dambeysa”yaab, qodob, iyo qurub” kol kolna waa laga reebaa oo 8  baa lagu soo koobaa, mar marna waa lagu daraa oo 11 bay ku noqdaan, sidoo kale yeele”faacil” iyo la yeele”mafcuul” ayaa gooraha qaar tiradan 11-ka ah la raaciyaa.

Yeele iyo la yeele isir ahaan waxay ka soo jeedaan magac ama magac uyaal, waana labada jado oo ay weedhaha ku soo galaan maxaa yeelay markasta oo midkood hawraar dhammaystiran lagu soo hadal qaado ciddii wax samaysay ayuu noqayaa oo  yeele ah ama wuxuu noqanayaa kii wax lagu sameeyay oo la yeele ah, sidaa tirada qeybaha hadalka si  toos ah loogu dari karo.

Qormadan iyo kuwa xigaba waxaanu haddii Eebbe yidhaahdo mid mid ugu faaqidi doonnaa 11-ka qeybood ee hadalku ka koobanyahay, waxaana ugu horreysiinaynaa magaca iyo jaadadkiisa.

MAGAC: waa eray tilmaama ama baadi-sooc lagu garto u ah qof, goob, iyo walax, wuxuuna u kala baxaa 2 qeybood oo kala ah: magac guud, iyo magac gaar ah, mar kalena waxaa loo kala saaraa magac muuqda”caad-yaal” iyo magac qarsoon “cilanaad”, magaca muuqaadaahi wuxuu u sii kala qeybsamaa tirsame iyo ma-tirsame, halka magaca aan uu u kala bixi karo wadaroobe iyo ma-wadaroobe.

MAGAC GUUD: waa magac la wada leeyahay  oo ka dhexeeya dhammaan inta isku jaad ah oo uu summadda u yahay tusaale Hooyo, wiil, magaalo, geed, dugaag, ugaar,cudur, dhaqan iwm.

MAGAC GAAR AH: waa magac  gooni u ah walax, goob, ama koox gaar ah tusaale: muqdisho, hargeysa, galool,qansax, koorre, iwm.

Fg: magaca guud lakabyo ama heer kala sarreeya wuu yeelan karaa tusaale “dad” markii la yidhaahdo waa magac guud oo ay dhammaan aadanuhu wada yeeliyiin, balse la dhaho “soomaali” wuxuu magac guud u yahay oo ka dhexeeyaa bulshada soomaaliyeed, sidoo kale “dugaag” wuxuu magac guud u yahay duur-joogta iyo dab-joogtaba, hayeeshee haddii la yidhaahdo “waraabe” waxaa wadaaga dhurwaaga oo idil oo mid gaar u lihi ma jiro.

 

Halkaa waxaa kaaga muuqata inuu magaca guud u kala bixi karo: mid aad u baahsan iyo mid aan aad u baahsanayn ,balse la wada yeelay oo aan cid gaar ah tilmaamayn.

ASTAAMAHA MAGACA: magacyadu waxay leeyihiin summado saddex ah oo qeybaha kaloo hadalka looga garto, waxayna kala yihiin cayn, qodob, iyo wadaroobid.

1-CEYN: waxaa loola jeedaa in dhawaaqa magucu uu labnimo iyo dhedignimo midkood ku tusiyo, tusaale magaca “nabad” hab-dhaca dhawaaqiisa waxaa laga dhadhansan karaa dhedignimo, halka “jaceylna” ay labnimo ka muuqato.

2-QODOB: waa alan labo xaraf ka kooban oo magaca gadaal ka raaca, kana dhiga mid laysla garanayo ama la wada ogyahay, waxayna ka koobanyihiin 7 aodob oo kala ah (ka, ga, ha, sha, ta, da, iyo A), tusaale: “wiil” haddii lagu daro  qodob wiil+ka wuxuu noqanayaa wiilka, dhiil×sha= dhiisha, guri+ga= guriga, magaalo+da= magaalada.

3-WADAROOBID:  Astaamaha magaca lagu garto waxaa ka mida inuu wadar noqan karo tusaale magaalo=magaalooyin, degmo=degmooyin, guri=guryo, doon= doomo iwm.

La soco qeybta xegta.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

QEYBTII 3-AAD EE QORMADII BARASHADA DHIRTA

Qeybta 2-aad ee qormada waxaynu ka soo hadalnay dhirta dhaadheer ee aan qodaxda lahayn, qeybtanna waxayna ku faaffaahin doonaa kuwa loo yaqaan “geed-gaabka”.

1) JALEEFAN: waa Geed gaab qodax leh oo cadaadka la bah ah, xabag cad oo la cunona leh.

2)JEERIN: waa Geed gaab qodxa qarqaroofan leh oo miro mooska u eg oo iniintooda la cuno iyo xabag macaan leh.

3) GUMAR: waa Geed gaab mayrax, xabag, iyo miro leh oo dhirta daawada ah kamid ah.

4) DHIRINDHIR: waa Geed quwaax raxanreebka la bah ah oo leh qodxo dhaadheer oo dhumuc leh, iyo dheecaan sida koollada dhegdheg u leh.

5) RAXANREEB: waa Geed quwaax gaaban oo leh qodxo dhaadheer oo xooggan, xanjo, iyo diir cad.

6) DHIIGTAAR: waa Geed gaab laan laan u baxa oo ula wax lagu dhisto laga goosto, qodxihiisuna ay kurtummo leeyihiin.

9) SALEEMAC:waa geed gaab leh caleemo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodxo yaryar

10) Adaahi/Haan-dhurwaa: waa Geed gaab sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryaroo dhuudhuuban leh

11) Mareer: waa Geed aan qodxa lahayn oo miro cas-cas oo macaan, iyo caleemo yaryar iyo ulo toos toosan leh oo uu geelu aad u jecelyahay.

12) Deelaal: waa Geed mareerka u eg balse caleemo waa caleemo waaweyn oo dhulka deexda u dhaw ka baxa.

13) Caday: waa Geed abaareed laamihiisa ama xididkiisa ilkaha lagu cadaydo, oo leh miro yaryar oo gudguduudan , aadna u macaan oo la cuno.

14) Jinow: waa Geed quwaax dheer oo cufan, caleemo dhanaan oo la cunona leh.

15) Deeqlay: waa Geed aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh.

WQ: Abwaan Hareeri

 

MUQDISHO OO AAD LOOGA DAAWADAY KOOBKA ADDUUNKA

magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waa magaalo kulmiso 3ilaa iyo 4- Milyon oo qof oo siyaabo kala duwan ugu nool Caasimada magaalada Muqdisho.

Intabadan dadka waxdarsa ama kuwa tirakoobka sameeya ayaa intabadan waxa ay isku raaceen in dhalinyarada ay yihiin boqolkiiba todobaatan iyo shan taasi oo Ka dhigan in ay u badan yihiin bulshada Soomaliyeed dhalinyaro taasina waxaad Ku dareemeysaa magaalada Muqdisho marka aad eegto dadka intabadan waxa ay u badan yihiin dhalinyaro waxbarsho aada, kuwa shaqataga iyo kuwa askarta Ka tirsan.

Dalka Qadar waxaa kafurmay oo si dardar ah oga socdo koobka Adduunka waana markii ugu horeysay oo dal carab ah lagu qabto koobka Adduunka.

Dhacdooyinkan waaweeyn ayaa laga diiwaan galiyey koobka Adduunka mudada uu kasocday dalka Qadar dad soo islaamay, xulkii ugu horeeyey ee africa u soo gudba wareegga Semi-finalka ayaga oo reebay xulal waaweyn sida Spain, Portugal iyo xulal kale.

Haddaba haddii aan sheekada u soo dhaadhacno magaalada Muqdisho waxaa Ka jira goobo waaweeyn oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed iskugu yimaadaan daawashada  koobka Adduunka oo maraaya wareegyadii u danbeeyey .

Dhalinyaradan ayaa intabadan marka ay isku yimaadaan waxa ay sameeyaan sawaxan, xamaasad abuuris taasi oo goobta laga daawanaayo koobka Adduunka jawigeedu uu isku badalo jawwi banooni oo qofkasta xamaasad ayaa galeyso taasi oo ugu danbeyn Ku qasbeysa in uu habeen walba Ku yimaado goobta uuna daawado koobka Adduunka.

Dhalinyarada daawadata Koobka Adduunka ayaa ah wiilal iyo gabdho waxaana ay kala taageeraan sodon iyo labada xul ee dheeleysa koobka Adduunka, qofkastana waxa uu bilaabayaa in uu Ka sheekeeyo xulka uu taageero, ciyaaryahanada u ciyaara, tababaraha wata xulka iyo in xulka uu yahay mid awood badan.

Isku soo wadaduuboo Muqdisho dhalinyarada ayey u shidan tahay oo galab iyo habeenba ay iskugu tagaan shaahadaha waaweyn ee Ku yaala goobaha lagu caweeyo halkaas oo ay kadaawadaan koobka Adduunka oo gabagaba Ku dhow.

Koobka Adduunka waa koobka ugu shacbiyada badan marka laga soo tago koobabka laga dheelo horyaalada kala duwan ee ku yaala qaaradaha Yurub, latiin Ameeriko iyo Africa waxaana koobka Adduunka la qabtaa afartii sano mar waxaana kasoo qeyb galo xulul waaweyn oo kasoo gudba guruubyada isreeb reebka loogu soo gudbo koobka Adduunka taasi ayaa Ka dhigtay you in koobka Adduunka uu noqdo koobka ugu shacabiyada badan .

Koobka Adduunka waxaa soo maray ciyaartooy waa weyn sida Bayle, Maaradoona, Ronaldinho, Ronaldo weyne, kaka, iyo hadda ay ciyaarayaan ciyaaryahano haysta xidigga ugu wanaagsan Adduunka sida Messi oo heesta 7 Balan di`oor halka uu Cr Ronaldo uu haysto 5 Balan di`oor iyo sidoo kale waxaa jira ciyaaryahano kala haysta xidiga Adduunka ugu wanaagsan oo hadda ka ceyaara koobka Adduunka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

MAXAA SABABA SHAQO LA’AANTA QEYBTII (2-AAD)

Sidaas awgeed waa muhiim in leys waydiiyo waxa sababa shaqa la’aanta haysata dhallinyarada soomaaliyeed.
qodobada la taaban karo ee sababa shaqo la’anta heysta dhaliyarada.
1. Qorshe laa’anta dawlada iyo haayadaha shaqada.
2. Ka Maqnaanshaha doorka dowladeed ee abuurista fursado shaqo.
3. Fursadaha ganacsig oo yar.
4. shirkado waaweyn oo shaqo abuur sameeya oo aad iyo aad u yar.
5. Heerka wax soosaarka dalka oo aad uhooseye.
6. isku day la’aan shaqo abuur.
7. Maalgashi la’aan shisheeye.
8. Kaalmaha iyo deeqaha calamiga ah oo aan gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa.
9. Musuq-maasuqa iyo caddaaladda darrada.
10. Qaybinta shaqooyinka oo aan loo marin nidaam sax ah.
11. Xaaladaha amniga oo aan fiicnayn meelaha qaar.
12. mulkiilayaasha ganacsiga gaarka ah oo ka fikira dantooda oo keliya.
13. majiro sharciyo udajisan dawlada oo kala saara shaqaalaha iyo looshaqeeyaha
14. heerka aqoonta ee loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha oo aan is dhaamin.
15. Ka maqnaashaha hay’ado tacliin iyo tayo sare leh (tayada waxbarashada oo liidta).
16. Kalsooni la’aan iyo waaya-aragnimo la ‘aan hayasta dhalinyarada jamacadaha soo baxday.
17. Dhalinyarada intooda badani ma malaha xirfadaha shaqada ay
Ubaahanyihiin.
18. Dhalinyaradu badankeedu maaha kuwo leh fikarado shaqo lagu abuuri karo

Waa maxay xalka shaqo la’aantu? :
Tayayn lagu sameeyo waxbarashada dalka oo laga saaro qaabkan ganacsi ee ay noqotay, dibna loo eegaa manaahiijta dalka taala.
Waa in iskuulada manaahiijta ajaanibka ah dalka laga joojiyaa, ama wax laga badalaa, si dhalinta iyo caruurta loo baro dhaqanka dalka iyo dadka.
Waa in la furaa iskuulo Technical ah, oo lagu baranayo aqoon xirfadaysan.
Waa in dhamaan la joojiyaa macalimiinta ajaanibka ah ee dhiga dhamaan qaybaha kala duwan ee heerarka waxbarasho, laguna badalaa macalimiin dalka u dhalatay, garanaysana cilmiga ay dhigayaan, (ileen lama waayine).
Dhalinta waa inay isku taxalujiyaan inay bartaan dadka ajaanibka ah ee dalka joogaa waxay qabtaan nooc kastaba ha ahaatee, kuna dadaala inay ka jibo keenaan waxay bartaan.
In ay dhalintu iska daayaan kibirka, caajiska iyo isla waynida oo ay ka soo bilaabaan xaga hoose iyo shaqooyinka adag, si ay khibrad iyo aqoon u faa’iidaan.
In laga bilaabo dawladu ay joojisaa qaabka foosha xun ee shaqaalaysiinta ku salaysan qabyaalada iyo oday keenka, oo la arkaa dawlada oo imtixaano u qaadaysa boos kasta oo banana ha waynaado ama ha yaraadee. (Caaqil (Jaahil) siduu Aqoonyahan u Hor-galaa!!!)
Waa in dawladu kordhisaa misaaniyada cidhib tirka shaqo la’aanta, dajisaana qorshayaal dhaqaale kordhineed oo lagu abuurayo shaqooyin badan.
Waa in dawladu samaysa muddo kooban oo qofku bilaash ugu shaqaynayo xarumaha dawlada ama ganacsiyada gaarka ah si uga faa’iido khibrad, (Civil Service).
Waa in wasaarada shaqadu diiwaan galin ku samaysaa ajaanibka dalka jooga, oo ay samaysaa kormeerayaal shaqaale, dalkana ka saartaa ajaanibka shaqadooda dhalinta dalka joogtaa qaban karto, sida macalimiinta.
Waa in ganacsadayaashu maal-gashi u sameeyaan dhalinta kuwaasoo amaahinaya lacag ay ku bilaabaan ganacsiyo gaar ah oo yar yar.

Waxa aan kula talinayaa dhamaan dhalinta aan wali shaqo helin, waxbarashadu ma dhamaato, sidoo kalena shaqadu ma dhamaato, ee qofka ayaa dhamaada, waa in aanad joojin waxbarashada oo aad wax u akhrisataan, nooc kastaba ha ahaadee, iskuna daydaa inaad ku shaqayso lacag la’aan bilawga si aad u fahanto nooca shaqada iyo deegaanka ku xeeran.
Sidoo kale waa inaad ka shaqaysaan arrimaha bulshada ee baahida badani inoo hayso, lana soo celiyaa ururadii dhalinyarada ee ku shaqayn jiray lacag la’aanta iyo niyad wanaaga.
Hadii dawlada iyo ganacsatada dalka joogtaa ay eegtaan sanad kasta dhalinta faraha badan ee soo qalin jabinaysa, ee aan loo hayn shaqooyin, dalkeena waxa ka dhici doona kacdoon dhalinyaro shaqo raadis ah, sidaa aawadeed waa in immikaba dawlada, ganacsatada, iyo aqoonyahanadu masuuliyad iska saaraan dhalintan shaqo la’aantu hayso.
Qofina qof kale kama nasiib badna ee wuu ka diyaar garaw fiican yahay, markay fursadu timaadona waxa soo if baxa diyaar garawgiisii iyo dadaalkiisii ka dibna wuu ka faa’iidaystaa.

WQ: Cabdisalaan sidiiq