Maxkamadda Ciidamada oo dhageysatay dacwadda Sarkaal Ciidan oo loo haysto Qaraxyo Argagixisanimo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  ayaa maanta dhageysatay dacwadda loo heyso Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkan ayaa wajahaya eedo la xiriira qaraxyo dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah ku dhinteen, kuwaasi oo dhacay magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo bandhigay in ninkan uu ku biiray Khawaarijta Al-shabaab, isla markaasna uu fududeeyay qaraxyo lagu laayay dad aan waxba galabsan, kana dhacay magaalada Muqdisho sannadkii 2019.

Xeer ilaalinta ayaa xustay in Kabtan Shariif uu ku biiray Khawaarijta, ka dib markii laga qaaday Xilkii uu ka hayay Ciidamada Xoogg dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida darajada 1-aad, Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, isaga oo sheegay in ay Maxkamadda go’aan ka soo saari doonto.

Madaxweynaha Puntlanad oo xarriga ka jiray wado muhiim u ah isku socodka bulshada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa halkaasi waxaa uu xariga ka jaray  Wadada Xarfo-Buurtinle, oo si dhameystiran oo Laami ah loo dhisay, Maamulka oo kaashanaysa  Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa suurtagelisay Wadada waxaana Qeybta farsamada dhismaha fuliyay Shirkadda wadaniga ah ee Isxilqaan.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda  Waddooyinka Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobollada Nugaal iyo Mudug, Gudoomiyaha Degmada Garoowe.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda caafimaadka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Yusuf  Cabdulle iyo Agaasimihii hore ee Wasaradda Dr Cabadi Naasir Mukhtar Ibrahim ayaa maanta xilka la kala wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka.

Munaasabad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Dr Maryan Maxamed Xuseen, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Maxamed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Bankigga dhaxe xubno ka socoday hanti dhowrka Qaran iyo Madax kale oo ka socotey hey’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaaddka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu  kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda caafimaadka Dr Cabdi Naasir Mukhtar Ibrahim iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ahmed Yuusuf Cabdulle.

Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliintii kale ee kasoo qeyb gashay ayaa la soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya howlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyadoona la bogaadiyey howlihii uu soo qabtey Agaasimihii hore ee Wasaaradda sidoo kale waxay si diiran loo soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyadoona loogu soo jeediyey Agaasimaha cusub dardaaran ku aadan howlaha horyaala ee loo igmaday.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗼𝗾𝗱𝗮𝘆 𝘅𝗲𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗝𝗲𝗻𝗲𝗿𝗮𝗮𝗹 𝗚𝗼𝗼𝗿𝗱𝗮𝗻

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in cadawga Khawaariijta muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha  kooban ee ay kaga hareen ay dalka, isla markaana uu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay, qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaarijta, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii la qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

Duqa Muqdisho oo daah-furay Qorshahaha waxbarashada gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha waxbarashada gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada gobolka, Xoghayaha guud ee gobolka iyo Marti Sharaf kale ayaa goobjoog ahaa munaasabadda.

Agaasimaha waxbarashada gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur ayaa ka warbixiyay Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee Sanadaha soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada iyo hay’addaha deeq bixiyaasha ah in ay maamulka gobolka ku garab istaagaan horumarinta waxbarashada.

                

Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS oo guddoon cusub doortay

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow  ka dib doorasho ka dhacday xarunta golaha Aqalka sare.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka guddigan ayaa loo doortay Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag, halka Senator Saciid Cabdi Xuseen loo doortay Xoghayaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS.

Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada 1-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag

Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah goballada Hiiraan,Shabeellaha dhexe,Shabeellaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu khawaarijta ku gaaray dagaalo ka dhacay labada gobal ee Hirshabeelle, markii ay is wajaheen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo kuwa ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo Khawaariij ah Lixdii bilood ee u dambeysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Qaranka ayadoo isla howlgalladaasi sidoo kale lagu dhaawacay in kumaan kun oo Maleeshiyaad ah.

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in qaar ka mid ah maleeshiyada oo ay soo gaareen dhaawacyo cul culus ay Khawaarijtu si arxan la’aan ah ay u dhamaystireen.

Dad goob joogayaal aha ayaa inoo dheegay in dhaawacyo badan oo ay dhammaystireen ka dibna ay ka gaari waayeen inay aasaan, ayagoo ka baqdin qaba in ciidamada Qaranku ay ku soo gaaraan ay dantu ku qasabtay inay Qaraxyo ku baabi’iyaan si aanan loo arag jabkooda.

Marka laga soo tago howlgallada tooska ah ee ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jabiyeen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab waxaa sidoo kale Khawaarijta lagu beegsaday dhul howd ah oo ay naadir la ahayd in loogu tagi karo.

Ilo wareedyada aan helnay waxa ay xaqiijiyeen in Maleeshiyada Khawaarijta markii laga laayey maleeshiyaadkii u dhashay deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ay labadaasi gobol keeneen maleeshiyaad aan deegaanka kala aqoon kuwaasi oo  kasoo kala jeeda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Tiradan dhimashada ah ee khawaarijta Al-Shabaab loo geystay bilihii ugu dambeeyey ayaa ka dhigan in kooxda uusoo gaaray jabkii ugu weeynaa ee abid soo gaara intii ay xoogga ku heysteen gobollo ka mid ah koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya .

Kadib duleyn ay dhowr iyo toban sano ku hayeen dadkeennu kooxda Khawaarijta ah hada waxa ay ku jirtaa dhammaadka maalmihii ugu dambeeyey ee jiritaankooda ayadoo gacantooda laga bixiyey deegaanno iyo magaallooyin ka badan 50 , meelaha ay hada ku harsan yihiinna waxa ay ku joogaan wel wel tiiyoo ay usii dheer tahay kala shaki xooggan oo ka dhex jira horjoogayaasha ugu sareeya Khawaarijta Al-Shabaab.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa ku yaboohay lacago la siinayo ciddii soo sheegta xogta Macallin Ayman iyo dhagar qabayaal kale, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale. Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu  maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Waa Nin Ceynkee ah Macalin Ayman?  waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya, waxaana Ayman  mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020-kii Bishii Noofambar ee 2008, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah, waxaana uu weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020-kii, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka, waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika, iyadoo Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay Urur argagixiso oo  caalami ah.

SONNA Editorial

Hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka oo gurmad gaarsiisay qoysas dan yar ah

Hay’adda maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa ku dhawaad 300 oo qoys oo dad danyar ah waxay gargaar ugu qeybisay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo go’doon ku jirta.

Gargaarkaan ayaa horay dowladda Imaaraadka Carabta waxay ugu deeqday dadka abaaruhu sameynta ku yesheen, wuxuuna iskugu jiraa qeybaha kala duwan ee raahinka.

Dadka Gargaarkaan ka faa’iideystay ayaa wajahayey maalmihii danbe xaalado adag oo dhanka nolasha ah, iyadoo intaas waxaa u dheer in degmada Diinsoor ay tahay mid go’doon ah.

    

XARAGO DIINTA IYO DHAQANKABA KA HOR IMAANEYSA

Diinta islaamka ma diidayso in uu insaanka xarragoodo, kama hor imaanayso in uu aadanaha is qurxiyo, is nadiifiyo oo uu muuqaal iyo aragti soo jiidasho leh uu yeesho.

Alle ayaa Qur’aankiisa ku sheegay wuxuuna yiri “KHUDUU SIINATAKUM CINDA KULLI MASJIDIN.” Hase yeeshee, markii xaragadu iyo is qurxinta xadkii ay lahayd la dhaafiyo oo la kala garan waayo waxa dhar xirashada quman ay tahay iyo waxa kale oo aan ku habboonayn in la gashado iyo in lagu xaragoodo, waxaa la noqonayaa waxa runta ah ee la yahay waxaana loo wada ekaanayaa wax kale oo aan wanaagsanayn.

Tusaalle: Haddii adiga oo gabar ah aad gashato Sarwaal iyo shaar kugu dheggan oo jirkaagu ka muuqanayo, shaki kuma jiro in aad u ekaanayso wax aan lab ahayn, Dhaddigna aan ahayn oo meel dhexe ah oo dadka aragtidooda jahwareerineysa isla markaana ku mashquulisa kala bixinta waxa runta ah oo aad tahay, sidaasna aad ku mutaysato qiimo dhac wayn ugu dambaynta iyadoo ay kuu horseedi karto inta shahwaddo ay ka tan badisay ee uu shaydaanku duufsaday kugu xad-gudbaan oo meeshaasi uu ka dhasho danbi aad adigu sabab u tahay.

Sida la wada ogsoon yahay xaragadu waa wax laga wada siman yahay marka Islaam la yahay, macnaha Muslimiin iyo gaalo, waana wax la isaga wada daydo marka ay tahay wax aan ka hor imaanayn dhaqanka dadkaasi ay leeyihiin iyo diinta ay haystaan, in kastoo Dadka haysta Diinta islaamka ay leeyihiin dhar xirasho la jaan qaadaya diintooda islaamka ah oo aad u qurux badan ahna mid dhawrsoon.

Ujeedka dharku waa asturnaanta gabadha muslimadda ah taas oo ay ku raali galinayso Rabbigeeda iyo wiilka gayaankeeda ah.

Ragguna sidoo kale waxaa loo jideeyay Dhar asturan lagu tukan karo oo ka reebban Xariir iyo dhar muujinaya cawradooda sida baryahan ay u bateen dhallin Soomaaliyeed ee Daba-gaabka dhagtay dhar kuwaas oo ka tagay tabiskii inoo ahaa Diinta iyo Dhaqan intaba.

Haddaba qormadaan kagama hadlayo waxa uu kala yahay dharka dumarka iyo kan ragga Soomaaliyeed ay xirtaan, laakiin waxaan rabaa in aan kaga hadlo ku dayshada indhaha la’ oo dhallinteena maanta qaar ka mid ah ay samaynayaan, gaar ahaan dhinaca dhar xirashada.

Anigu qof ahaan waan aaminsanahay in la isaga daydo wanaagga mar haddii Aadami la yahay wax kasta oo manafacaad leh, sida Aqoonta guud ee nolosha insaan kasta lagama maarmaanka u ah, laakiin waxay marnaba nafsadayda aysan ogolaan karin ku dayashada indho la’aanta ah ee ay ku kacayaan qaar ka mid ah dhallinyaradeen.

Waxaan ayaamahaan faras magaalaha (Bartamaha) Muqdisho ku soo badanaya dhallinyaro fara badan oo ku labisan Saraawiisha dabagaabka ah oo aan ku qumanayn shaqsiga islaamka ah ee la rabay in isaga ay ku daydaan dadka kale ee ka habaabay jidka Alle ee xishoodku ka dhintay ee wada muruxsan, kaligay ayaan is waydiiyey dhallinta soo baxaysa maxay mar kasta ugu daydaan una soo minguuriyaan dhallinta kale ee aan muslimka ahayn ee ku nool Qaaraadaha kale ee aan haysan Diinta Islaamka dadkooda? Maxaa ku qasbaya in iyaga oo muslimiin ah ay daba joog u noqdaan dhallinyaro iyaga la da’ah oo gaalo ah?

halkii ay iyagu ahaan lahaayeen Xiddigo (STARS) lagu daydo oo dadka aan islaamka ahayn tusiya wadooyinka toosan ee dhar xirashada qumman, timo xiirashada wacan, iyo dhamaan akhlaaqda toosan oo dhan.

Waa ayaan darro in maanta oo la marayo Qarniga 21_aad lagu shubto dhallinteen kuna fanaan labis xirashadiisa ay ceeb u arkaan dadkii ay ka soo minguuriyeen caruurtooda, isla markaana ku raali ahaadaan iyaga xiran dharkaas iyo dadka ay la agmarmarayaan ee wada Muslimka ah.

Fiiri adiga oo gashan Sarwaal Dabagaab ah oo qaab tolliinkiisa xitaa uu qaldan yahay oo aan soo gaarayn jilbahaaga, isla markaana maraya bartamaha magaalada gurigaagana uusan meeshaasi ka dhawayn haddii La adimo mid ka mid ah salaadaha faralka ah maxaad samayn lahayd? Waan ogahay in aad muslim tahay lagaana doonayo gudashada salaaddaas waajibka kugu ah ee waqtigeedu soo galay, Ma waxaad soo aadaysaa gurigii aad saaka ka soo tagtay si aad u soo xirato dhar quman oo aad salaadda lagaaga aqbalayo, mise waad iska sii joogaysaa meeshaas adiga oo arkay in salaaddii waqtigeedii la sii dhaafayo oo ay qeyrkaa guteen waajibkii lagu lahaa?.

Waxaa dhacda qaar dhahayo walaalow haddii gurigiinu meelan ka dhaw yahay igu caawi Macawiis aan Salaadda isaga saaro ama ku tukado bal maxaa galiyay tuugsi isagoo heli kara dhar saxan muxuuse ka ogyahay macawiista cidda iska leh, miyuusan ogeyn dharka la wada xirto in laga qaado cudurrada Maqaarka gala?!!

Dhaqanka Soomaalida kamaba mid ah in la xirto sarwaal dabagaab ah oo jilbahaaga ka koreeya, waana qalad in aad wejiga umadda iyo aragooda aad la hortimaado waxaas qaabka daran.

Fiiri mar kale adiga oo Waxaas baas xiran oo magaalada bartameeda maraya ayaa waxaa kaa horyimid Dhaqtarkaaga, macalinkaaga ama labadaada waalid ama dad aad xidid tihiin, ma waxaad kala hor imaanaysaa labiskaas qaawanida ah ee laga yaqyaqsoonaya adiga oo heli kara mid ka duwan oo aragtidiisa laga wada raali noqon lahaa.

Ugu dambayn Dabagaabku iyo xirashadiisaba waa ku ceeb ruuxa sharafta leh ee Soomaaliyeed ee Muslimka ah, mana ka mid aha dharka dhaqanka iyo Diinta Islaamka ku habboon xirashadiisa mar haddii uu Qaawanaan u dhaw yahay.

Haddaba waxaan kula talin lahaa Culumada, Macallimiinta, Waalidiinta iyo Hay’adaha u xilsaaran ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka inay Wacygalin ballaaran ka sameeyaan dhaqankan silloon intuusan faafin uusan guri walba galin.

WQ: C/risaaq Absuge

 

JAAMACADDAHEENU MA YIHIIN KUWO SOO SAARA AQOON YAHAN ISKU FILAN OO QAYB KA AH HORUMARKA DHAQAN-DHAQAALE EE BULSHO MISE WAA ….???

Haddaba maxaa lagu xallin karaa dhibaatooyinka haysta Jaamacadaha iyo dhallinta Soomaaliyeed?

Barashada dhabta ah waa inay ahaataa mid ku salaysan fahamka ama barashada nolosha dhabta ah taasoo ku dhiiri galinaysa ardada inay ahaadaan hal-abuuroyaal leh wax soosaaris ama curin ay lawadaagi karaan dunida. Sababtoo ah noocan waxbarasho kuma salaysna xifdin aragtiyo oo kaliya (Memorising theory) balse waa mid si xoogan ugu salaysan barasho ficil la socdo. macnuhu waa in qiimaynta ardayga sal looga dhigaa hanashada xirfado iyo inuu hanto karti uu ku soo bandhigi karo fikrado cusub wax ku ool ah.

Aragtidan cusub waxay ardayga jaamiciga ah siinaysaa fursad ah barasho iyo inuu dabaqo wixii uu bartay oo xiriir xoogan la leh bii`ada uu ku nool yahay, halkii uu waqtiga ugu dhumi lahaa inuu fasal iska fadhiyo oo ku mashquulo wax xifdin, memorisign theory. si arintaan u miro dhasho waa in barashada laga dhigaa mid shaqsi, macnuhu waa in arday walba labaro waxa uu xiisaynayo oo uu himada u hayo, laguna salaynayo awoodiisa, kartidiisa iyo hamigiisa isaga u gaarka ah.

Ma qiyaasi karanaa dhibka ay la kulmi karaan ardaydu marka iyagoo xambaarsan xiiso iyo hami sare ay galaan waxbarashada sare isagoon lakulmin welwel iyo walaac ku saabsan kuliyadii ay dooran lahaayeen iyo fursadaha shaqo ee horttaala marka ay dhameeyaan waxbarsahdaas.

Xalku waxa uu ku jiraa in lagu dhiiri galiyo ardayda inay ahaadaan kuwa wax xaliya (problem solving) waana halka nolosho ka abuuranto. tusaale ardaygii waxaa haysa shaqo la`aan waa dhib taagan, aqoontu waa inay siisaa qaabkii iyo habki iuu shaqo ku abuuran lahaa. Awoodna u leh inay bulshadooda u abuuri karan shaqooyin, ay ku hagaajiyaan noloshooda. khabiirka ayaa ugu baaqay jaamacada Africa inay wax ka badalaaan habdhaqanka ah inay in hawshoodu tahay oo kaliya inay ardayda imtixaanaan, cbuundana siiyaan, isagoo sii raaciyey in hanaan ka waxbarasho ee jaamacdaha Africa uu dhimanayo una baahan yahay in lasaxo oo lagu sameeyo dib u eegis.

 

Isku xirnaanshaha ardada iyo jaamacada.

Runtii waxbarashada saxda ahi kaliya kuma eka in jaamacadu ardayga siiso tacliin iyo inay ilaaliso waxa uu xiisaynayo balse waa in jaamacadu ardayga siisaa aqoon ka tarjumaysa xaqiijinta riyadiisa mustaqbalka ee dhanka lahaanshaha xirfado iyo siduu ku heli lahaa shaqada uu xiisaynayo una gaari lahaa nolol wanaagsan (Batter life), waxabrashada dhabta ahi waa in ardayga labaro waxa uu xiisaynayo ee uu danaynayo ee maahan tan lagu qasbayo.

Ardayda oo lasiiyo si dhab ah aqoonta uu xiisaynayo waxa u beeqaamaya waqti iyo lacag. Waayo tacliinta oo lagu saleeyo waxa uu xiisanayo ardaygu fahmina karo, waxay badbaadinaysana mustaqbalkiisa dambe, sidaa awgeen yoolka jaamacadu waa inay ahaataa soosaarista jiil aqoon yahanka oo isku fialn bulshadana wax ku ool u ah, een culays ku ahayn bulshada ama khatar ku ahayn dalkiisa.

Waayahandambe jaamacadaha ayaa ku fashilmay inay ahaadaan kuwa isku xiraya aqoonta iyo baahida shaqo ee suuqa, taasoo ardayga siinaysa inuu ku hubaysnaato xirfado iyo aqoon kaladuwan sidoo kale inuu lahaado fikrado tayo leh oo waxtar uleh hormarkiisa, deegaanka iyo bulshadiisaba. Sidoo kale waxay kor u qaadaysaa qiimaha iyo tayada tacliinta oo u rogaysa aradayga jaamiciga ahi inuu ahasdo kii bulshadiisa shaqo u abuuri alahaa halkii uu ahaan lahaa shaqo raajiciye. Jaamacadaha ayaa iska indho tiraya inay aqoonsadaan kala duwanaanshaha ardayda dhanka garaadka, dhugta iyo jirkiisa, waxayna dhaqan galiyaan waxbarasho ay soominguuriyeen oo laga yaabo qaarkood inaanu ka tarjumayn baahiya bulshada ama laga yaabo in laga guuray cilmigaas oo ay soo baxeen qaabab ka casrisan kuwa ay isticmaalaan jaamacadaha dalka oo inatooda badan kufahsilmeen inay soo saaraan bulsho isku filan oo leh hal abuur ay ku hour mari karto dhan kasta noloshooda. Waana in jaamacaduhu ku saleeyaan cilmiga ay bixinayaan inuu ayahay mid u faa idaynaya dalka iyo bulshada kana tarjumaayo baahiyahooda dhan walba, lana socdaan cilmiga cusub iyo joogtaynta dib u eegista manaahijtooda. Oo ay ka fogaadaan waxa loo yaqaan (Copy paste).

Waalidiintuna waa inay ogaadaan inay dhalaan macdan ceeriin ah, ayna xil iska saaraan sidii ay dawr ugu yeelan lahaayeen waxa loo barayo ubadkooda iyo sida aqoontaasi u tahay mid ka tarjumaysa maarayta baahiyahiisa shaqo iyo tan horumarinta dalkiisa iyo bulshadiisa.

Ugu dambayn waa qasab in dawladu furto indhaheeda, soona noolayso oo ay qaadato dawkeeda kaga aadan toosinta, korjoogtaynta iyo inay marwalba qiimayn ku samayso jaamacadahaas, si aan dalka iyo jiilkiisaba looga dayicin waqtiga iyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan talcliinta ubadkooda xili ay la daalaaa dhacayaan duruufo adag.

 

 

Qore

Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan)

First counsellor

Somali emabassy

Khartoum – Sudan