Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag

Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay qaybo ka mid ah goballada Hiiraan,Shabeellaha dhexe,Shabeellaha Hoose, Mudug iyo Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu khawaarijta ku gaaray dagaalo ka dhacay labada gobal ee Hirshabeelle, markii ay is wajaheen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo kuwa ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo Khawaariij ah Lixdii bilood ee u dambeysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Qaranka ayadoo isla howlgalladaasi sidoo kale lagu dhaawacay in kumaan kun oo Maleeshiyaad ah.

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in qaar ka mid ah maleeshiyada oo ay soo gaareen dhaawacyo cul culus ay Khawaarijtu si arxan la’aan ah ay u dhamaystireen.

Dad goob joogayaal aha ayaa inoo dheegay in dhaawacyo badan oo ay dhammaystireen ka dibna ay ka gaari waayeen inay aasaan, ayagoo ka baqdin qaba in ciidamada Qaranku ay ku soo gaaraan ay dantu ku qasabtay inay Qaraxyo ku baabi’iyaan si aanan loo arag jabkooda.

Marka laga soo tago howlgallada tooska ah ee ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jabiyeen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab waxaa sidoo kale Khawaarijta lagu beegsaday dhul howd ah oo ay naadir la ahayd in loogu tagi karo.

Ilo wareedyada aan helnay waxa ay xaqiijiyeen in Maleeshiyada Khawaarijta markii laga laayey maleeshiyaadkii u dhashay deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ay labadaasi gobol keeneen maleeshiyaad aan deegaanka kala aqoon kuwaasi oo  kasoo kala jeeda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Tiradan dhimashada ah ee khawaarijta Al-Shabaab loo geystay bilihii ugu dambeeyey ayaa ka dhigan in kooxda uusoo gaaray jabkii ugu weeynaa ee abid soo gaara intii ay xoogga ku heysteen gobollo ka mid ah koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya .

Kadib duleyn ay dhowr iyo toban sano ku hayeen dadkeennu kooxda Khawaarijta ah hada waxa ay ku jirtaa dhammaadka maalmihii ugu dambeeyey ee jiritaankooda ayadoo gacantooda laga bixiyey deegaanno iyo magaallooyin ka badan 50 , meelaha ay hada ku harsan yihiinna waxa ay ku joogaan wel wel tiiyoo ay usii dheer tahay kala shaki xooggan oo ka dhex jira horjoogayaasha ugu sareeya Khawaarijta Al-Shabaab.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa ku yaboohay lacago la siinayo ciddii soo sheegta xogta Macallin Ayman iyo dhagar qabayaal kale, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale. Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu  maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Waa Nin Ceynkee ah Macalin Ayman?  waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya, waxaana Ayman  mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020-kii Bishii Noofambar ee 2008, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah, waxaana uu weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020-kii, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka, waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika, iyadoo Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay Urur argagixiso oo  caalami ah.

SONNA Editorial