Taliyaha xoogga dalka oo la kulmay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Souefmo elamine.

Generaal Odawaa iyo Amb. Souefmo elamine ayaa ka wada hadlay howlgalka socda ee ka dhanka Khawaarijta, guulaha laga gaaray iyo wada shaqeynta xooggan ee ka dhaxeeyso ciidamada qaranka iyo kuwa ATMIS.

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada ATMIS. Peter Omola, kaas oo dhankiisa tilmaamay in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xorreeyay deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud.

FADLAN HA TAAGEERIN COLAAD SOKEEYE

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab iyo dagaal midna laguma deg dego waayo soomaalidu waxay ogtahay ama ay waayo arag u tahay dhibaatada colaadda sokeeye .

Qof weyn oo miyirka iyo maankaba qaba kuma taliyo colaad sokeeye sababtoo ah wuxuu og yahay waxa ka dhalan kara .

Laga soo bilaabo 1980kii Dalka soomaaliya Waxaa ka jiray colaad sokeeye waxaana ku farxi jiray dadka qaarkood oo dano gaar ah leh iyagoo qaladayey shacabka.

Waxaa kale oo aan ognahay in colka iyo abaarata ay yihiin labo shey oo aan la mahadin .

Adduunyada marka dhibaato dhacdo dadka wanaagsani way ka hortagaan dhibaatadaas wayna ka xumaadaan laakiin dadka leh danaha gaarka ah wey si huriyaan oo baasiin ayey ku shubaan .

Haddii aan isweydiino su’aal jawaab ayey u baahan tahay siiba dadka waxgaradka ah .

Marka la dhiso maamul ama dowlad dadku ma wada noqdo madaxweyne , wasiir iyo xildhibaan xubno qaas ah ayaa qorigu ugu dhacaa ka dibna Waxaa la siiyaa taageero iyo wada shaqeyn.

Mar haddii bulshadu sidaas tahay oo aysan dadka oo dhan xilka wada qabaneyn Waxaa wanaagsan in dusha laga ilaaliyo sharciga si loo helo wada shaqeyn iyo kalsooni iyadoo laga foggaanayo qabyaalad, nin jecleysi, saaxiibo iyo xisbiyo gaar ah kalsoono ayaa dhaceysa marka sidaa loo wada shaqeeyo, marka qofku qaldamana gacanta ayaa tartiib loo qaban karaa si walaalnimo ah .

Mudanuhu markaas wuxuu oganayaa in dadka gacanta soo qabtay ay yihiin dad aad u jecel.

Wax toosin ayaa la doonayaa ee lama doonayo colaad hurin, duullaan iyo adeegsi qabiil.

Haddii ay dhacdo qabyaalad , colaad beenah oo nin dan lihi hor boodayo Waxaa loo baahan in runta loo sheego isagana .

Nin ka cabsaday ujeedka dhabta ah guul ma keeno ee ha noqon mid marqaati ka ah dhibaatooyinka oo aan gacan ka geysan Karin ee noqo qof ka diga dhibaatooyinka la abuurayo.

Soomaalidu waa isku beel ee yeysan kula tagin caadifadda jufo yar oo gaar ah..ka fogow wax kasta oo keeni kara taariikh xumadaada

WQ: Abwaan Gabayre

 

CADOWGAAGA LA DUUL, CIIL IYO CEEB AYAA LAGA DHAXLAA

Duullaanku ma aha mid hubeysan oo keliya ee wuu badan yahay qaabka loola duulo cadowga iyo sokeeyahaba laakiin, tani waxay jawaab ka bixineysaa markaad cadowgaada la duusho calaamadaha dambe ee kuu soo bixi doona .

Marka aad cadowgaada la maleegto hagardaamo siyaasadeed oo aad ku lug guyneyso horumarka dalkaada iyo dadkaaga si aad ahna isugu dhabar jabiso adigoo daacad isaga dhigaya cadowgii aad la duuleysay halgankaagii hanti iyo maskax wixii kaa baxay ee aad ku garab istaagatay waxay dhammaantood soo baxayaan khasaare cadowgaaguna wuu ku ogyahay in aad tahay mid caado qaate ah oo aan dadnimo laheyn in aad tahay waayo wuxuu arkayaa sida doqonimada leh ee aad ula adeegeyso.

Dhan kastaba waxaa la garanayaa ama la ogyahay nin qiyaamay ciiddiisa iyo calankiisa, bulshada uu ka soo jeeday iyo dadkiisii in uusan laheyn wax dadnimo ah oo ku jirta .

Haddi aad tahay qof jira toosi afkaarta ummadaada iyo bulshada aad ka soo jeeddo deji oo horumar dhan walba ahna gaarsii laakiin haddii aad tahay qof aad u liita oo adeega cadowgiisa oo aad xambaarasan tahay wax bulshada lagu dhibaateeyo ama aad tahay mid daneyste ah oo huriya colaadaha dehxdooda ah dadka bar uun baa hari doona , biyo garay noqon maayaan waxaana aakhirka la soo bandhigi doonaa taariikhdaada xun.

Dhaxalka taariikhda aad reebeysa ma aha mid kaa farxineysa waxaana weliba dhibaato ah in aad adoo ben u sheegaya horumar ugu baaqdo dadka  waxaana weliba qofkaas lagu yaqaanaa ku adeegashada qabyaaladda ,iska horkeenka iyo kala fogeynta bulshada dhexdeeda.

Qaabka tababarada kala duwan ee ay qaataan tabcaneyaasha shisheeye waa mid ku shaqeeya dano qaas ah oo uu u fuliyo shisheeyaha ah cadowga ummadda , wuxuuna luggooyaa dhallinyarada soo koreysa iyo dadka qeybo badan oo ka mid ah.

Markaad hdageysato bulshada dhexdeeda iyagoo koox koox ah ayey doodayaan baraha bulshada iyagoo halkaas shucaac iyo buuq ka fura , ammaan been ah iyo  wax aan been aheyn kuma qoraan.

Sidaan  ognahay dadka soomaalidu waa isku dan ,waa diin , waa isku dal laakiin maandooriyaha qabyaaladda ayaa kolba lagu daraa biyaha ay cabbayaan waxaadna subax walba u imaaneysaa suuqyada ay la fadhiyaan qabyaalad oo ah tan ugu qatarsan maandooriyeyaasha.

Waxay qaxwo iyo sheeko dheer ku bixiyaan kala aarsi iyo taariikho been iyo taageero ay hayaan midka u shaqeeya cadowga naftooda iyo maalkooda.

Soomaalida ayaa ku mahmahda geed baa yiri godinyahay  ima goyseene gabalkey baa kugu daaban, soomaaliduna maanta haddaan gabalkeed u shaqeyneyn cadowga meel fiican bay gaari laheyn laakiin in badan baa u shaqeeya cadowgeeda taasna dhaxalkeedu waa ciil iyo ceeb.

W/Q: Abwaan Gabayre

NOLOSHA WAXAY U BAAHAN TAHAY JIHEYN

qof kasta wuxuu leeyahay meel uu ku jiheysan iyo qorshe uu ku taamayo oo haddii qofku yahay mid qorshe la’aan ah wuxuu noqdaa mid gebi dhacleeya oo aan jiho toosan laheyn.

jiheynta nolosha waxay ku timaadaa qorshe iyo yool qofku leeyahay oo u cabbiran uuna isku dayayo in uu gaaro taas macnaheedu ma aha in qofka haddii uu gaari waayo yoolkii uu lahaa in uu qalbi jabo.

ogow guul keliya lama filan karo oo waxaa daba socota guul darro iyo mararka qaar caqabado kaa hor istaagi kara in aad gaarto yoonkaadii.

waxaa la yiraahdaa “meeshii rajo jirto ,waddo ayaa jirta “ oo ah haddii aad adigu han leedahay mar walba waxaad heleysaa albaab kuu furma oo aad ku socon karto laakiin rajo la’aan in aad meel la fariisato oo is hiifto waxba ma soo kordhin karto.

culuunta saykolojigu waxay qabtaa in rajo xumada ay ka dhalato welwelka kaas oo si fudud u burburin kara han kasta oo qofku lahaa.

waxaa la yiraahdaa welwelku wuxuu qofka u cunaa sida aboorka iyadoo aboorkaas yare e aan tamarta weyn laheyn dumin karo geed baxayey in ka badan 200 sano markaa ma aha in nolosha uu soo gabagabeeyo welwelka astaanta rajo beelka ah.

nolosha waxay leedahay dariiqyo badan oo midka kugu adkaada aad mid kale uga leexan karto waxaana loola jeedaa in qofku karti u yeesho caqabadaha soo wajahaya oo qaarkood noloshiisa xididada u siibi karaan.

nolosha ka fiiri kuwa kaa liita ee ha ka fiirin kuwa kaa tunka roon tusaale ahaan adiga waxaad leedahay itaalkaagii iyo lixdaada lixaad oo kuu dhan laakin bal ka warran curyaanka baaskiilka lagu riixo ee subax walba kaa soo horbaxa adigoo shaqadaada u ordaya hadana laga yaabo in uu kaa farxadda badan yahay.

dib ma u eegtaa kuwa dariiqyada daadsan ee aan maalintaa heli karin xabbad rooti iyo koob shaah halka laga yaabo in aad adigu ka soo quraacatay ama ka qadeysay maqaayadda ugu shidan magaalada hadana laga yaabo in aad adigu weli nolosha ka cabaneyso.

ku jihee noloshaada dhinaca farxadda oo is bar in aad dhoolacadeyso una dhoollacaddeyso oo soo dhaweyso kuwa kaa liita .

noloshaada ku dhis in aad mar walba sameysato qorshe nololeed aan ka badbadis aheyn macnaha in waxa aad heli karto isku filleysiiso oo aadan ka dayrin xaaladaada dhabta.

noloshu kuma dhisna cabasho aad ka cabato xaaladda aad ku jirto taas waxaad ka heleysaa oo keliya in lagugu wiirsado oo gadaashaada ay ka yimaadaan hadalo aadan jecleysan doonin oo ku han jabinaya.

hiigso hankaaga oo marna ha ka lumin wadada aad jeexatay kuna dhiirro in aad ka dhabeyso hiigsigaada iyo waxa aad dooneyso in aad gaarto tusaale ahaan haddii aad hiigsaneyso in aad ka jibba keento  waxbarashadaada yaaney kaa hanjabin hnqaltaagga dahallinayro laga yaabo in aad saaxiibo tihiin oo tagay qurbaha oo kula soo wadaagaya sawiro ay ku galeen meelo qurxoon oo ka mid ah dalalka ay tageen.

ogow wax kasta oo dhalaala dahab maaha waxaa laga yaabaa dhallintaa nolosha ay kuu sawirayaan in aaney ku jirin iyagu oo ay dhalanteed tahay adigana lagaaga weecinayo hammiggaada.

si kasta ha ahaatee noloshaada ku astee jihadii aad u qorsheysay raacna wadadadii dahabiga aheyd ee aad u sameysay.

WQ: Mohamed Shiil

 

3-WAXYAABOOD OO LIIBAAN ADDUUN IYO MID AAKHIROBA HORSEEDA

Guud ahaan aadanaha aradka ku dhaqani wuxuu jeclyahay oo had iyo goor  ku taamaa barwaaqo ifka ah oo raaxo iyo hodantinimo gun-dhig u u yihiin, iyo janno aakhiro oo uu si fudud u galo kolka banka qiyaamo uunka Eebbe la kala sooco oo qolo meeshii loo qorsheeyay loo dareeriyo.

“Waa la rabaa  roob baa lagu waayay” waa hor loo yidhiye nolosha caynkaas ah in si dhib la’aan ah loo haleelaahi way adag tahay oo kasab iyo dadaal baa ka horreeya, hayeeshee waxaa jira waxyaabo horseedi kara oo haddii la sameeyo guul kasta fure u noqan kara, waxaana ka mid ah:

1) ducada waalidka: labada ku dhashay oo aad u dhega-nuglaato, baarrina u noqataahi waxay kamid tahay waxyaabaha aakhiro iyo adduunba aayatiinka wacan laga dhaxlo, barakada iyo hodanimadana horseeda.

2) Dhowrsanaan: inaad ka fogaato wax kastoo ay shareecadu kaa reebtay, waajibaadka lagu farayna aad ku dadaasho waxaa laga helaa faa’iidooyin adduun iyo kuwo aakhiro oo ay jannada iyo raalli ahaanta Alle kamid yihiin.

3) sadaqada: sama-falka iyo deeqsinimada waxaa laga helaa wax-tar adduun oo lagu bullaalo, iyo ajar faro badan oo miisaanka xasanaadka kordhiya.

Haddaba si aanu aayatiin iyo nolol feecan u helno waxaa inala gudboon inaanu seddaxdaa arrin xoogga saarno oo aad ugu dadaal, Eebbihii ina uumayna talo saaranno.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lata-liyaha sare ee ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay Kacdoonka Haweenka Muqdisho ee ciribtirka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, kaasi oo lagu soo afjarayo Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa magaalada caasimadda.

Mudane Xamse ayaa sheegay in doorka haweenka Soomaaliyeed ee sugidda amniga caasimadda uu yahay mid muhiim ah, maadaama dumarku ay lafdhabar u yihiin bulshada. Waxa uu sheegay in gabdhaha iyo haweenka ku dhaqan gobolka Banaadir ay ku filan yihiin soo qabashada Khawaariijta fara ku tiriska ah ee ku dhuumanaya shacabka dhexdiisa.

          

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS oo gaaray dalka Sacuudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada Mudane Eng. Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Lataliye Sare Mudane Maxamed Kheyrow Aadan ayaa gaaray magaalada Jedeh ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa mudo todobaad ah.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jideh kusoo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Qunsuliyada Soomaaliya ee Jideh Boqortooyada Sacuudi Carabiya Qunsul Macruuf iyo saraakiil sar sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Ciidamada Amniga Beledwayne oo qabtay dhagar qabe aasayay Walxaha-qarxaha

Beledwayne -Hay’addaha Ammaanka Beledweyne ayaa maanta gacanta ku soo dhigay,  dhagar qabe waxyabaha Qarxa ku asayay wadad xiririsa magaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Amniga ayaa ku guulleystay in gacanta lagu soo dhigo ninka oo qalabka qarxa galinayay wadada marta deegaanka Bacda ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan.

Dhagar qabaha ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Taliska Booliiska magaalada Beledwayne, halkaasi oo uu ku wajahayo baaritaano dheeri ah.

Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga ficilada guracan ee Khawaarijta oo lagu jabiyay dagaalka, lagana qabsaday deegaanno badan.

   

Maxkamadda Ciidamada oo dhageysatay dacwadda Sarkaal Ciidan oo loo haysto Qaraxyo Argagixisanimo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  ayaa maanta dhageysatay dacwadda loo heyso Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkan ayaa wajahaya eedo la xiriira qaraxyo dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah ku dhinteen, kuwaasi oo dhacay magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo bandhigay in ninkan uu ku biiray Khawaarijta Al-shabaab, isla markaasna uu fududeeyay qaraxyo lagu laayay dad aan waxba galabsan, kana dhacay magaalada Muqdisho sannadkii 2019.

Xeer ilaalinta ayaa xustay in Kabtan Shariif uu ku biiray Khawaarijta, ka dib markii laga qaaday Xilkii uu ka hayay Ciidamada Xoogg dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida darajada 1-aad, Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, isaga oo sheegay in ay Maxkamadda go’aan ka soo saari doonto.