Wasiirka Kalluumaysiga Oo Kulan La Qaatay guddiga Khayraadka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare.

Kulankan, ayaa guddiga lagula wadaagay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin qorshe howleedka sanadlaha ah ee Wasaraadda iyo Qorshaha Wasaaradda uga degan hagaajinta xiriika Dowlad Goboleedyada iyo warbixin ku saabsan Khayraadka Badda.

Wasaaradda kalluumeysiga ayaa qeyb ka ah Wasaaradaha looga fadhiyo inay ugu faa’iideeyaan Bulshada Nimcada ceegaagto dalkooda.

Golaha Aqalka sare oo ka dooday Xeer-hoosaadka golaha

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kalafadhiga labaad kulankiisa shanaad, kaas oo ka dhacay xarunta golaha.

Kulanka ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa sii wadidda ka doodista Xeer-hoosaadka golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Senotarrada qaar ayaa kulanka maanta toosin, sixitaan iyo siiqayn ku sameeyay qoddobadii Xeer-hoosaadka ee maanta la soo hor dhigay, iyada oo ay weli sii soconayso dooda Xeer-hoosaadka.

Xanuunnada ay Dhaxal siiyeen ayaa sabab u noqday in ay geerri ka door bidaan in mar kale Khawaarij duleysato (Warbixin)

Gumaysiga dadka shacabka ah ay ku hayeen khawaarijta inta aan laga saarin degaanka Aadan yabaal ma ahan waxa hal sheeko lagu soo koobi karo, “Wiilkaaga iyo qorigiisa nagu wareeji, si uu noogu dagaalamo kadib adigu bixi biilkiisa” Waa mid kamid ah ficilladii gurracnaa ee khawaarijta Al-shabaab ka geysteen degmadda Aadan yabaal.

Warbaahinta qaranka oo u kuur gashay xaalada dadka shacabka ee ku dhaqan degmadda Aadan Yabaal oo mudda dheer khawaariijtu ay dhibaato ku haysay ayaa la kulantay odayaasha degaanka, kuwaas oo uga warbixiyay ficillada gurracan ee khawaarijtu ku haysaeen dadka shacabka ah.

Yabaroow Cabdi Xasan oo kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dhibaato xooggan khawarijtu ay ku heysay dadka Shacabka ah, isagoo sheegay in ay khawarijtu ku amartay in wiilkiisa uu keeno soona raaciyo qorigii uu ku dagaalami lahaa kadibna uu bixiyo biilkiisa taa oo kamid ah falalka guracan oo khawaarijtu ku heysay shacabka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal

Way adag tahay in aad diido Amar nucaan oo kala ah ama ogolaatid waayo naftaadda ayaad uga baqeysaa madamaa deegaanka ay gacanta ku hayeen khawaarijta, waxa sidoo kale odayaasha degaanka shegeen in Amarkaani uu ahaa kii ugu cuslaa oo khawaarijta ay ku soo rogaan degaan Aadan Yabaal oo mudda dheer argagixisadu ay gacanta ku haysay.

“Leer caafimaad ayaa na martay markii kooxda khawaarijta laga xorreeyay degaankan oo dhib badan ay ku hayeen waana ka mahadcelineynaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee khawarijta naga dul qaaday “ ayuu yiri Yabaroow oo kamid ah dadka degaanka Aadan Yabaal

Sidoo kale dhibatooyin kale ayay dadka deagaannada Shabeellaha Dhexe ku qabeen khawaarijta ka hor inta aan laga xorreeyn degaannadaasi, balsa hadda waxa ay ku nool yihiin mid taa ka duwan oo waxaa u bidhaamay waa cusub iyo horumar.

Suladaan Daahir Axmed “Aadan Yabaal dhib xooggan ayay khawaarijtu ku heysay lacago baad ah iyo carrurteena oo si xoog ah nooga kaxaysan jireen ayan ku qabnay cidii ka hortimaadana way dili jireen, waxan diyaar u nahnay in aan la shaqeyno ciidmada dowladda iyo kuwa degaanka ee noo yimid”ayuu yiri Suldaan Daahir.

Dowladda Soomaliya ayaa dhankeeda sheegatay in degaannada laga saaray khawaarijta ay gaarsiin doonto adeegyadii bulshadda, halkaa oo deegaannada qaar ay garsiisay kuwa dhimana la gaarsiin doono

khawaariijta ayaa hadda maraya marxaladii ugu adkeed kadib markii geesiyaasha xoogga dalka iyo shacbka oo is garabsanayo ay degaanno badan sida Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose ay ka xorreyeen khawaarijta, halka hadda ciidmadu u talaabeen gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah khwaarijtu.

Shacabka Marka oo soo dhoweeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Shacabka ku nool magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa taageeray holwlgallada ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka .

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee lagaga xorreynayo guud ahaan dalka.

“Dowladda waan garab taagan nahay waana la shaqeyneynaa ,khawaarjtu dhibaato badan ayey ku haysay dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa jooga degmada Marka,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka kul nool magaalada Marka.

Shacabka ayaa si is-ku mid ah u soo dhoweeyay guulaha ciidanaka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka gaareen howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxda khawaarijta Al-shabaab, iyagoona sheegay in ay la shaqeynayaan ciidamada amniga degaanka.

Dowladda federaalka ayaa deg deg adeegyada dowladda u gaarsiineysa deegaanada laga xorreeyay Khawaarijtu,iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada.

Wasiirka waxbarashada iyo bahda warbaahinta oo isku raacay horumarinta waxbarashada dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay madaxda warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirka iyo bahda warbaahinta ayaa halkaas isku weydaarsaday xaaladda waxbarasho ee dalka iyo sida loo horumarin karo.

Wasiirka ayaa ka codsaday warbaahinta in ay kala shaqeeyaan sidii waxbarshada bilaashka ah ee Dowladda si daah-furan oo tayeysan loogu baahin lahaa.

Ugu dambeyntii, Wasiirka iyo bahda warbaahinta ayaa isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii ummadda Soomaaliyeed oo idil loo gaar siin laahaa waxbarasho bilaash ah.

Ra’iisal wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar.

Wafdiga uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxa ay wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo xukuumadda cusub Israa’iil oo ka dhacay Tel Aviv

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo ka ashtakoonaya qorshaha xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo la tilmaamay I uu halis ku yahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.

Dibad-baxayaasha isugu soo baxay magaalada Tel Aviv ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Dimuqraadiyadda oo khatar ku jirta” iyo “Wadajir ka dhan ah faashistaha iyo midab-takoorka”.

Dibadbaxaasi waxaa hogaaminayay garabka bidix iyo xubno Falastiiniyiin ah oo ka tirsan baarlamaanka Israel, Knesset.

Dadkaasi ayaa dhaleeceeyay Wasiirka Cadaaladda Yariv Levin, kaas oo soo bandhigay wax ka bedelka muddada dheer ee dowladda iyo nidaamka garsoorka ee looga golleeyahay in lagu wiiqo Maxkamadda Sare ee dalka.

Guulo wax ku ool ah oo laga gaaray howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Ganeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, halka ay marayaan iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Generaal Caadood ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray howlgalka, islamarkaana deegaano badan laga saaray argagixisada, wuxuuna shaaciyay amarro la xiriira amniga iyo sida loo xasillinayo goobaha la xorreeyay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in aan la aqbali doonin dad shacab ah oo isticmaalaya furumaha dagaalka, taa oo keeni karta in cadawgu ku soo dhex dhuunto dhibna uu ka geysto sida qaraxyadii ka dhacay degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

“Waxaa mamnuuc ah in marka goobta lagu dagaalamay la qabto oo amniga la xaqiijiyo, in shacabka iyo gawaarida ka yimaada gobollada kale ay soo maraan goobahaas, taa oo bixin karto sirta ciidanka waa in ciidanku ay sameystaan aagag aan dadka shacabka ah ka soo agdhawaan Karin, lana sugo amniga degaannada cadawga laga xorreeyo “Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii ciidamada faray in ay foojignaan dheeri ah galaan si ay uga nabad galaan dhagarta cadowga, maadama Khawaarijta la wiiqay awood iyo fikir ahaan intaba.

 

Taliyaha xoogga dalka oo la kulmay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Souefmo elamine.

Generaal Odawaa iyo Amb. Souefmo elamine ayaa ka wada hadlay howlgalka socda ee ka dhanka Khawaarijta, guulaha laga gaaray iyo wada shaqeynta xooggan ee ka dhaxeeyso ciidamada qaranka iyo kuwa ATMIS.

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada ATMIS. Peter Omola, kaas oo dhankiisa tilmaamay in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xorreeyay deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud.

FADLAN HA TAAGEERIN COLAAD SOKEEYE

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab iyo dagaal midna laguma deg dego waayo soomaalidu waxay ogtahay ama ay waayo arag u tahay dhibaatada colaadda sokeeye .

Qof weyn oo miyirka iyo maankaba qaba kuma taliyo colaad sokeeye sababtoo ah wuxuu og yahay waxa ka dhalan kara .

Laga soo bilaabo 1980kii Dalka soomaaliya Waxaa ka jiray colaad sokeeye waxaana ku farxi jiray dadka qaarkood oo dano gaar ah leh iyagoo qaladayey shacabka.

Waxaa kale oo aan ognahay in colka iyo abaarata ay yihiin labo shey oo aan la mahadin .

Adduunyada marka dhibaato dhacdo dadka wanaagsani way ka hortagaan dhibaatadaas wayna ka xumaadaan laakiin dadka leh danaha gaarka ah wey si huriyaan oo baasiin ayey ku shubaan .

Haddii aan isweydiino su’aal jawaab ayey u baahan tahay siiba dadka waxgaradka ah .

Marka la dhiso maamul ama dowlad dadku ma wada noqdo madaxweyne , wasiir iyo xildhibaan xubno qaas ah ayaa qorigu ugu dhacaa ka dibna Waxaa la siiyaa taageero iyo wada shaqeyn.

Mar haddii bulshadu sidaas tahay oo aysan dadka oo dhan xilka wada qabaneyn Waxaa wanaagsan in dusha laga ilaaliyo sharciga si loo helo wada shaqeyn iyo kalsooni iyadoo laga foggaanayo qabyaalad, nin jecleysi, saaxiibo iyo xisbiyo gaar ah kalsoono ayaa dhaceysa marka sidaa loo wada shaqeeyo, marka qofku qaldamana gacanta ayaa tartiib loo qaban karaa si walaalnimo ah .

Mudanuhu markaas wuxuu oganayaa in dadka gacanta soo qabtay ay yihiin dad aad u jecel.

Wax toosin ayaa la doonayaa ee lama doonayo colaad hurin, duullaan iyo adeegsi qabiil.

Haddii ay dhacdo qabyaalad , colaad beenah oo nin dan lihi hor boodayo Waxaa loo baahan in runta loo sheego isagana .

Nin ka cabsaday ujeedka dhabta ah guul ma keeno ee ha noqon mid marqaati ka ah dhibaatooyinka oo aan gacan ka geysan Karin ee noqo qof ka diga dhibaatooyinka la abuurayo.

Soomaalidu waa isku beel ee yeysan kula tagin caadifadda jufo yar oo gaar ah..ka fogow wax kasta oo keeni kara taariikh xumadaada

WQ: Abwaan Gabayre