Soomaaliya iyo Itoobiya oo iskaashi ka yeelanaya horumarinta Duulimaadka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Itoobiya ,waxaa ay wada-hadallo la xiriira horumarinta Duulimaadyada, iskaashiga iyo Khibrad wadaaga la qaadanaya mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka Dalka Itoobiya.

“ Itoobiya waa mid ka mid ah waddamada gobolka ee aan la leenahay iskaashiga horumarinta dhinacyada Duulimaadka iyo khibrad wadaaga.. waxaana hadda u tagnay Addis Ababa si aan u dhammeystirno is-afgaradka dhinacyadaa la xiriira.” Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sidaa sheegtay.

Socdaalkan waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , Mudane Axmed Macallin iyo Maareeye ku-xigeenka Hay’adda , Mudane Saciid Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. André oo ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo dhammeystirka qorshaha ku biiritaanka Ururka Mareykanka u qaabilsan awoodsiinta iyo taageerista Ganacsiyada iyo Maalgashadeyaasha Afrika oo codsigiisa uu hore u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamoud.

Ururkan, ayaa dawladda Mareykanku ugu talo-gashay siddii loo kobcin lahaa fursadaha ganacsi ee Afrika iyo abuurista xiriir ganacsi oo laba geesood ah oo dhex mara Mareykanka iyo wadamada Afrika, waxaana ay tani innoo fududeyn doontaa in wax-soo-saarka Soomaaliya si toos ah looggu dhoofin doono dalka Mareykanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa safiirka iyo dawladda Mareykanka ba uga mahad-celiyey taageeraddooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarinta ganacsiyada gaarka ah ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

La wadaag cid kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka isagoo warbixin la xiriirta xaaladda barakaca dalka iyo qorsheyaasha Hay’adda u deggan ka dhageystay mas’uuliyiin ay hoggaamineyso guddoomiyahooda Aamina Saciid.

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu Hay’adda ku adkeeyey in howlaha hortabintu leh ay noqdaan sidii looga jawaabi lahaa baahida ilaa 2.97 milyan oo barakacyaal Soomaali ah isaga oo intaa raaciyey in Wasaaraddu ahmiyad gaar ah siineyso wax kaqabashada xaaladda Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Shirka kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa u kuurgalay habka diiwaangelinta Baracayaasha isaga oo booqday goobaha ay ka socoto diiwaangelintoodu.

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo Wasiirka Arrimaha Dibadda faray wax ka qabashada cabashada Muwaadiniin Soomaaliyeed ee Safarada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa intii uu maanta ku guda jiray safarkiisa waxa uu dayaaradda dhexdeeda kula kulmay, mid midna uu ula sheekeystay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee rakaabka ka tirsanaa.

Xubno ka mid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay ayaa waxay uga xog warrameen dhibaatooyin ka heysta dhinaca Socdaalka dalalka ay ka yimaadaan, taasi oo Mudane Xamse uu faray Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abshir Cumar Huruse oo qayb ka ahaa wafdigiisa inuu xal deg deg ah u helo cabashooyinkaasi.

Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka Oo La Horkeenay Labo Sharci Oo Muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, ayaa looga hadlayey hindise sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID).

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID) oo ay xukuumadu soo gudbisay,.

Sidoo kale guddiga waxay isla garteen in lageeyo Golaha, sidoo kale guddiga ayaa si qota-dheer uga dooday hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo ilaalinta kooramka xildhibaannada.

Ciidamada DF oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ayaa maanta kooxda Khawaarijtu kala wareegay deegaanka jilib Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Degaankan ayaa muhiim u ahaa kooxda argagaxisida, halkaas oo muddo badan ay shacabka ku dhibaateyn jireen kana soo abaabuli jireen falalka gurracan ee ay dadka rayidka ah u geystaan.

Howlgalka ayaa sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha maamulka magaalada Marka Cusmaan Muuse Maxmed iyo saraakiil ciidan.

Guddoonka cusub ee guddiga dib-u-eegista dastuurka oo maanta shiray

Guddoomiyaha guddig dib-u-eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Xuseen Iidow ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii koowaad ee guddiga.

Guddiga Dastuurka Baarlamaanka labadiisa Aqal oo shalay doortay guddoonka guddigaas ayaa maanta iska xog-waraystay shaqada guddiga iyo howlaha hortebinta u leh.

Sidoo kale, xubnihii hore ee guddiga iyo howlwadeenada ayaa warbixin ka siiyay guddiga cusub shaqooyinkii laga soo qabtay dastuurka dalka iyo halka ay wax marayaan.

IOM iyo World Bank oo mashaariic ka fulinaya gobolka Banaadir

Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda IOM oo uu Hoggaaminayay Mr. Bradley David.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo IOM, gaar ahaan mashaariicda IOM iyo World Bank ay ka fulinayaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Kaxda, Garasbaley iyo Dayniile.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adda IOM ayaa isla qaatay in la dardar geliyo hawlaha dib u dajinta iyo taageerada Barakacayaasha ku nool degmooyinkaas, iyo in la abuuro jawi wada shaqeyn isla markaana la joogteeyo qeybaha farsamada ee fulinta mashaariicdaas.

Wasiirka Arr. Gudaha XFS Oo Kormeeray Xarunta Hay’adda Qaxootiga Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, isagoo warbixin la xiriirta xaaladda Barakaca dalka iyo qorsheyaasha Hay’adda u deggan ka dhageystay mas’uuliyiin ay hoggaamineyso guddoomiyahooda Aamina Saciid.

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu Hay’adda ku adkeeyey in howlaha hortabintu leh ay noqdaan sidii looga jawaabi lahaa baahida ilaa 2.97 milyan oo barakacyaal Soomaali ah isaga oo intaa raaciyey in Wasaaraddu ahmiyad gaar ah siineyso wax kaqabashada xaaladda Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Shirka kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa u kuurgalay habka diiwaangelinta Baracayaasha isaga oo booqday goobaha ay ka socoto diiwaangelintoodu.

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Kulan La Qaatay guddiga Khayraadka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare.

Kulankan, ayaa guddiga lagula wadaagay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin qorshe howleedka sanadlaha ah ee Wasaraadda iyo Qorshaha Wasaaradda uga degan hagaajinta xiriika Dowlad Goboleedyada iyo warbixin ku saabsan Khayraadka Badda.

Wasaaradda kalluumeysiga ayaa qeyb ka ah Wasaaradaha looga fadhiyo inay ugu faa’iideeyaan Bulshada Nimcada ceegaagto dalkooda.