Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.
Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.

Waxa sidoo kale shirkaan ka qeybgalaya Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA 9-AAD EE GOLAHA SHACABKA OO LA HOR KEENAY LABA HINDISE SHARCIYEED

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 9-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer-Hoosaadka Anshaxa iyo Xasaannadda Mudaneyaasha Golaha Shacabka Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa xildhibaannada u sharaxay xaadiridda fadhiyada Golaha, iyadoo uu sheegay in muhiim ay tahay isla-markaana Mudaneyaasha Golaha la doonaayo inay ka shaqeeyaan sharuucda muhiimka u ah dalka.

Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka Golaha ayaa tilmaamay in laga soo shaqeeyo hindise sharciyeedyada loo qeybiyay Golaha lana soo xaadiro fadhiyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

61 xubnood oo ka tirsan Khawaariijta ayaa lagu dilay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ilaa iyo 61 xubnood oo katirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta oo lagu qiyaasay 150, oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid Qaraxyo ay ku xireen kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen beero dhexdooda.

Laba gaari oo ahaa Homey iyo Noah ay ku xireen waxyaabaha Qarxa oo ay qorshaynayeen inay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka.

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojiganyihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Aqalka Sare oo markale sii wada maanta ka doodisata xeer hoosaadka Golaha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Abdi Hashi Abdullahi oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoominaya kalfadhiga labaad kulankiisa 6aad oo maanta ka Furmay xarunta golaha

Ajandaha kulanka Goalha ayaa ah Sii Wadida Ka Doodista Xeer hoosaadka Golaha aqalka Sare,kulanka oo socda ayaa xildhibaannadu waxa ay dood adag ka leyihiin Qodobada uu ka kooban yahay xeer hoosaadka golaha.

 

Baraziil :Taageerayaasha madaxweynihii hore oo weerarary goobo muhiim ah iyo boliiska oo qabtay tiro boqolaal ah

Booliiska Dalka Braasiil ayaa xabsiga dhiogay  in ka badan 300 oo qof,kadib markii taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi ay rabshado ka sameeyeen dhismayaasha baarlamaanka, madaxtooyada iyo maxkamada sare ee dalkaasi.

Boliiska ayaa sheegay in ay dib u soo celiyeen gacan ku heynta xarumaha muhiimka ah ee ay weerareen kumanaan ruux oo diidan inay aqbaleen guul-darradii doorashada looga adkaaday Jair Bolsonaro madaxweynihii hore.

Rabshadahaan oo socday muddo sadex saacadood ah ayaa la tilmaamay in ay la mid yihiin duulaankii Capitol-ka ee ka dhacay dalka Mareykanka,kaasoo taageerayaasha Donald Trumo ay ku diidanaayeen in ay ku burburiyaan dpprashooyinkii uu ku soo baxay Joe Biden.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarka Axaddii, laakiin kuwa soo duulay ayaa ka tagay raad burbur ah oo soo gaaray madaxtooyada iyo dhismayaal kale.

Kacdoonkaan ayaa muujinaya  kala fogaanshaha ba’an ee weli dalka ka jira maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay Madaxweynihii bidix Luiz Inacio Lula da Silva, kaasoo si dirqi ah uga adkaaday Bolsonaro doorashadii Oktoobar.

Shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweynaha cusub, wuxuu ku eedeeyay Bolsonaro inuu dhiirigelinayo rabshadaha ay wadaan kuwa uu ku tilmaamay “Fashiistayaasha xagjirka ah,” wuxuuna akhriyay wareegto cusub oo loogu talagalay dowladda federaalka inay gacanta ku dhigto ammaanka Brasilia.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka doodayo hindise sharciyeedka hey’adda sirdoonka Qaranka&kan aqoonsiga diiwaan gelinta dadweynaha.

Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS oo kulan ku leh xarunta golaha ayaa loo qeybiyay labba hindise sharciyeed kuwaas oo kala ah hindise sharciyeedka hey’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha.

Golaha Wasiirada XFS ayaa dhawaan Meel mariyay Labadaan Hindise Sharciyeed oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Wasaarradda Amniga.

 

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda ayaa kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Barre iyo masuuliyiinta wasaaradda ee la socday oo ay weheliyaan Injineero indho indhayn ku samaynaya sida loo horumarin karo garoomada ayaa booqdeen  Muqdisho Stadium,  Injineer Yiriisow, iyo Wiish.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimayn guud iyo sidii loo dayactiri lahaa garoomada iyadoo qorshaha horumarinta xukuumadda ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ugu jiraan horumarinta garoomada dalka.

bilaha hore ee sanadkan ayaa la filayaa in la qabto tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda kolayga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo booqday xarunta Ergada Joogtada DFS ee OIC

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo howla shaqo u joogay dalka Sacuudi Carabiya ayaa halkaas ku booqday  Ergada Joogtada Dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhida Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Magaalada Jidda,

Wasiir Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Ergayga Joogtada DFS u fadhiya OIC Dr. Ibraahim Adem Muuse, Diblomaasiyiinta iyo Hawl wadeenadda Ergada OIC.

Ergayga Joogtada ayaa si faahfaahsan Wasiirka uga warbixiyay xogta iyo shaqada Ergada OIC ay qabato,  isagoo usoo bandhigay Hanaanka howlaha xafiiska Ergada iyo wada shaqeynta dhow ee la leedahay Ergooyinka dhigooda ah iyo Xaruunta dhexe ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiiru Dowlaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo sidda hagar la’aanta ah ee Diblomaasiyiinta Ergada OIC ugu Adeegayaan Dalka Kuna bogaadiyay in ay sii laba jibaaraan shaqada Qaranka Soomaaliyeed ay u hayaan.

 

Sarakiisha ciidanka xoogga dalka oo dhawaan soo afjari doonno howlgallada ka socoda gobolada Galgaduud iyo Mudug

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sii siqaya furumo hor leh oo ay kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Mudug si ay uga xoreeyaan degmooyinka ay gacanta ku hayaan khawaarijta Alshabaab.

Weerarada ka dhanka ah argagixisada oo socday muddo afar bilood ah, oo ay bilaabeen ciidamada XDS iyo dadka deegaanka ayaa laga gaaray guulo la taaban karo, iyadoo argagixisadu ay soo gaartay khasaare aad u badan.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa khawaarijta ka xorreeyay degaanno dhowr ah,iyaga oo bur bur marayo khawaarijta oo muda dheer dhibaato ku hayay dadka shacabka

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Mareykanka kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidamada Danab

Wasiirka Gaashandhigga JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidanka Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta hubkaas iyo agab ciidan iyo gadiidka kuwareejiyay wasiirka asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka kooxda Khawaarijta ee argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.

Wasaaradda Gaashandhigga JFS ayaa muddooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyadoo kooxda hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.