𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝘀𝗮𝗿 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗠𝗼𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮

CAIRO- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

                  

Wasiirka Kalluumeysiga ee XFS oo kulan la yeeshay madaxa maareynta xuduudaha ee hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Alan Cole oo ah Madaxa Maareynta Xuduudaha ee ee hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinaca, dib u dhiska amniga badda Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa tabo suuragalinaya fulinta howlgallada lagu sugayo amniga baddeenna.

Wasiir Axmed ayaa hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC uga mahadceliyey sida saxiibtinimada leh ee ay dalkeenna uga taageeraan la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo hagaajinta amniga badeenna.

  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo goordhow gaaray magaalada Baydhabo

BAYDHABO- Guddoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wefdi ballaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Leftigareen iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalado Baydhabo ku soo dhaweeyay wefdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Safarka guddoomiyaha ee magaalado Baydhabo ayaa ku qotoma shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu horray ugu baaqay Guddoomiyaha kaas oo lagu wado inuu ka furmo Baydhabo.

       

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo kormeer ku tagay xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM

Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha ee xarunta.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhagaystay saraakiisha halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga ee qeybta weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka Khawaarijta, sugana ammaanka guud.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga  fagaaraha dagaalka.

         

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi ka shaqeynaya xariirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in xariir wada shaqeyneed oo saaxiibtinimo uu Barlamaanka Soomaaliya la yeesho barlamaanadda ee adduunka, taas oo keentay inuu magacaabo guddigaan oo ka shaqeynaya xariirka iskaashi iyo walaaltinimo ee Barlamaanka Soomaaliya iyo kan Dowladda Turkiga

 

Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa mashaariicda wasaaradda Ugbaad Nuur Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay safiirka midawga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Tiina Intelmann.

Wasiirka ayaa danjiraha midowga Yurub la wadaagay qorsheyaasha hortabinta u leh wasaaradda sida ansixinta Siyaasadda la-dagaalanka maandooriyaha, shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dayac-tirka garoomada dalka.

Danjiraha midowga Yurub ayaa balan qaaday inay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS  kala shaqaynayaan sidii tababarro xagga xirfadaha ah loo siin lahaa dhalinyarada si loo yareeyo suuqa shaqo la’aanta.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ayaa sidoo kale la wadaagay safiirka midowga Yurub wixii ay ku soo arkeen kormeer ay shalay Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan ku tageen garoomada Muqdisho ku yaala, waxayna midowga Yurub balan qaadeen inay sidii ay u taageereen dhismihii Stadium Mogadisho ay garoomada dhimmanna gacan ka gaysanayaan

Waxaa sidoo kale kulanka la isla fahmay mihiimadda kor joogtaynta wasaaradda ee dhammaan mashaariicda la xiriira dhallinyarada ee laga fulinayo waddanka gudihiisa, si loo hubiyo in dhaqaalaha loogu talo galay dhallinyarada  Soomaaliyeed uu gaaray meeshii saxda ahayd ee loogu tallo galay.

Wasiir dowlaha qorshaynta XFS oo safar ku jooga dalka Sucuudiga ayaa booqday Qunsuliyadda soomaliya ee Jiddah

Jiddah- Wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha XFS, Mudane Cabadirashid Jire oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa manta booqasho ku tegay Xarunta Qunsuliyadda Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Arabia.

Wasiirka waxa xarunta Qunsuliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda iyo Diblomaasiyiinta Somaaliyeed ee ka howlgala xarunta, kuwaas oo la wadaagay habka ay u shaqeeyaan iyo shaqooyinka kala duwan ee howlwadeennada Qunsuliyaddu u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u soo adeeg doonta.

“Waxaan idinku bogaadinayaa shaqada muuqata ee aad u haysaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sacuudiga ku nool, adeegyo badan oo la mahadiyay ayaad qabateen, waxaana idinkula dardaarmayaa in sii laba-jibbaartaan, oo aad si hufan oo sinnaan ku salleysan ugu adeegtaan bulshada ee idiin soo adeegdoonta.” Ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid Jire Qalinle oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta.

Ugu dambeyn, Wasiirk ayaa ku bogadiyay shaqaalaha Qunsuliyadda habsami u socodka shaqada Qaranka iyo adeegsiinta muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

   

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo qaabilay Danjiraha dawladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha dawladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mehmet Yilmaaz oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo dhammeytirka heshiiska TEPA ee Soomaaliya iyo Turkey si dheeli-tir ganacsi loogu sameeyo ganacsiga u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Turkey.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen dhiiri-gelinta Maalgashiga iyo siddii ganacsatada iyo Maalgashadayaasha Turkey gu ay ugu soo dhiiran lahaayeen Maalgashiga Soomaaliya iyo weli ba sidoo kale siddii isku xir loogu samayn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh wadamada caalamka.

   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay dhibane Deeqo Maxamed Makaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan oo ah Hooyo dhashay sedex Caruur isla markaana la xanuunsan dhaawac dhinaca Lugta ah oo markiisa horey ku bilawday Jab, isla markaana gaaray heer aan gudaha dalka waxba loogu qaban karin.

Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan ayaa baraha Bulshada soo dhigtay Muuqaal damqasho lahaa kuna saabsan in ay la il-daran tahay xanuun dhaawac oo lugta ah, isla markaana aysan awoodin in caafimaad dibadda ah ay aado maadaama aan dalka waxba loogu qaban karin. Iyadoona muuqaalkaasi ku codsatay in caawinaad loo fidiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Muuqaalkaasi ka daawaday Baraha Bulshada ayaa durbaba amray in lasoo baadi goobo hooyadaasi isla markaana xafiiskiisa loogu keeno, taasi oo suura-gelisay in maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar la keeno.

Xaal-wareysi, u-dhaga nuglaashiyo iyo Garowshiyo bini-aadannimo kadib ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) u balan qaaday Hooyo Deeqo Maxamed Makaran in uu wax ka qaban doonno xaaladeeda Caafimaad, asigoona ugu bishaareeyay in dalka dibadiisa loo diri doonno maadaama aan gudaha waxba loogu qaban karin xaaladeeda Caafimaad.

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabbeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Kooxda naxariista daran ee khawaariijta oo dhowaan laga xorreeyey gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan,Mudug iyo Galgaduud ayaa deegaannadii laga xorreeyey waxa maalin ba maalinta ka dambaysay laga ogaanayaa dhacdooyin argagax iyo yaab leh.

Warbaahinta qaranka oo booqatay qaar ka mid ah Deegaannada laga xorreeyey khawaariijta ayaa waxay kusoo ogaadeen in khawaariijtu albaabada u laabtay dhamaan goobihii ahaa guryaha alle ( Masaajidadda) iyo goobihii waxbarashadda sida Dugsiyadda quraanka lagu barto,dugsiyadda waxbarashadda maaddiga ah.

Deegaanka Masjid Cali gaduud.

Sida uu noo xaqiijiyey Sh Cali Nuur Xoogsade oo ka mid ah Culimadda booqday deegaannada laga xorreeyey khawaarijta ayaa Wakaaladda wararka SONNA u sheegay in Masaajidka deegaanka Cali gaduud oo ka mid ahaa goob soo saarta Culimo tiro badan loogana soo cilmi doonan jiray gobolada Hiiraan,Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud kuwaas oo uu halkaa wax ku bari jiray caalimka weyn ee Sh Maxamuud Cali aw xuseen kaas oo kooxda khawaariijtu ka masaafurisay deegaanka,masjidkan ayey khawaariijtu ka dhigteen goob ay ku tababaraan caruurta ay khaldeen sidoo kale qayb ka mid ah masjidka ayey ka dhigteen Bakhaar xashiishka lagu kaydiyo halka qayb kalena ay ka dhigeen goob ay ku qaadaan lacagaha baadda ah ee shacabka xoogga uga qaadan jireen.

Shacabka deegaanka masjid Cali Gaduud ayaa dib u furay masjidka iyagoo bilaabay in ay nadiifiyaan qaybaha ay dumiyeene dib u dhis ku sameeyey.

Waxay sidoo kale khawaariijtu qaarna xireen qaarna ka dhigteen gurto ay seexdaan masaajida kala ah Masjidka degmadda Aadan yabaal waxay ka dhigteen goob ay seexdeen,sidoo kale masaajida Guullane iyo masagawaay ayey gabi ahaan ba xireen.

Intaas oo keliya kuma koobna dhibaatooyinka khawaariijtu geysteen ee waxay sidoo kale xireen dhamaan dugsiyadii quraanka iyagoo macallimiintii ku khasbay in ay khasab ugu dagaalamaan khawaariijta sidoo kale khasab ku askareeyaan Ardaydii wax ka baran jiray dugsiyadda quraanka,waxay sidoo kale xireen dhamaan dugsiyadii lagu baran jiray cilmiga maaddiga taas sababtay in kumanaan caruur Soomaaliyeed ah waxbarasho la’aan ku dhacdo mudo 15 sano ah.