BARASHADA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ka mid yahay Afarta Gobol ee ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya ee isku darsaday Bad iyo Wabi.

Waxa uuna qani ku yahay Kheyraadka Badda, Wax soo saarka Beeraha iyo Dhaqashada Xoolaha.

Waxaa intaas Gobolka Sh/Dhexe u sii dheer Ganacsiga iyo Warshadaha. Gobolku waxa uu nasiib u yeeshay inuu noqdo Gobolkii u horeeyay ee lagu beero dalaga Bariiska, lagana dhiso Warshadihii u horeeyay ee uu Dalku yeesho sida Warshada Sonkorta ee Jowhar 1962 iyo Warshada Dharka ee Balcad 1968.

Waxaa sidoo kale 1970-meeyadii laga dhisay Degmada Mahadaay Weyn Warshadii Sameynta Rasaasta iyo Hubka

Baaxada Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah 60,000 km oo isku soo wareeg ah ayaa waxaa Dagaaladii Sokeeye ka hor Gobolka ku noolaa ummad tiradoodu ay aheyd 2 milyan.

Laakiin waqtiga hadda la jooggo(2016) ayaa waxa uu Maamulka Gobolka ku qiyaasaa in tirada Shacabka ku nool Gobolka ay gaarayaan 1.5 milyan, kuwaas oo 60% ay yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley ku nool dhanka Baadiyaha.

Taariikhda Gobolka aad ayeey u fac dheer tahay, Waxyaabaha aad loogu lagu xasuusto Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah gumeysi naceybka sabab u noqday in Gobolka uu noqdo goobtii ugu horeysay ee lagu la dagaalamo Gumeystihii Talyaaniga, laguna dilo markii taariikhda Soomaaliya ugu horeysay dad shisheeye ah oo u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaas oo sanadka markuu ahaa 1875 degmada Warshiikh kaga soo duulay dhinaca Xeebta.

Sidoo kale Ciidamo gumeysi doon Itoobiyaan ah oo ku soo duulay Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sanadku markuu ahaa 1905 ay la kulmeen jab iyo halaag, ka dib markii ciidamadooda weerark ahaa lagu jabiyey dagaal ka dhacay degmada Balcad oo waqtigaas loo yaqaaan magaca TEY-TEYLEEY.

Halyeeyadii Gumeysi Diidka ee af iyo addin kula dagaalay ciidamada gumeysiga ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed (Sh. Xasan Barsane) oo isaga hogaamiye u ahaa dagaaladii lagu jebiyay gumeysigii taliyaaniga iyo kuwii gumeysi isku dayga itoobiya shekhu waxa uu abaabulay ciidan kabadan 30,000 oo fardaley ah oo uu kula dagaalamay labadi dhan ee weerarka ku soo qaaday dhulka Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), Xasan Geedi Abtow iyo qaar kale oo aan halkaan lagu soo wada koobi karin. Waxaa iyadana xusid mudan in saddex Madaxweyne iyo laba Ra’isul Wasaare oo Dalka soo maray ay u dhasheen Gobolka Sh/Dexe.

Dhaqamo Hore

Xadaaradda iyo horumarka G/Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah in ka hor Dagaalkii Labaad ee Aduunka uu Gobolku lahaa Tariin Xadiid ah oo isaga kala goosha magaalooyinka Xamar iyo Jowhar.

Dagaalada Sokeeye ka hor waxa uu Gobolku sidoo kale lahaa laba Naadi oo ka ciyaara Kooxaha Heerka Koowaad ee Dalka. Waana kooxdii Kubada Koleyga ee laga lahaa Warshada Dharka iyo Suufka ee Balcad(Somalitex) iyo kooxda kalee Kubada Cagta oo ay maalgelisay Warshada Sonkorta ee Jowhar(Snai).

Waqtigii madoobaa ee Dagaalada Sokeeye ay Dalka aafeyeen waxaa aad loogu faa’iiday Dekadihii macmalka ahaa ee Ceel-Macaan iyo Cadale iyo sidoo kale Garoomadii Dayaaradaha ee Cisaley iyo Jowhar.

Degmooyinka Gobolka

Jowhar

Jiliyaale

Balcad

Mahadaay Weyn

Cadale

Warshiikh

Raage Ceele

Ruun Nirgood

Aadan Yabaal

WQ: Garyaqaan Burhaan Macallin Xasan

 

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyadii ay Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in Masar ay Soomaaliya ka ballan qaadday garab istaag dhan walba ah, isagoo tilmaamay inuu iskaashiga iyo wax wada qabsida labada dal uu ka horeeyay xornimadii Soomaaliya.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Masar ay ugu deeqi doonto waxbarasho bilaash ah oo loo fidinayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo labada dalba ay isdhaafsan doonaan cilmi barisyo ay samaynayaan quburo ka kala socota labada dal.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Masar, Dr. Nevin Al-Kilani  ayaa dhankeeda sheegtay in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah ay labada dhinac isku dhaafsan doonaan ka qaybgalka xafladaha fanka ee labada dal oo ay ka mid yihiin masraxa, sheeko-xariirooyinka iyo bandhigyada  hiddaha  iyo masraxa carruurta.

Dr. Nevin waxay intaas ku dartay in  labada dhinac ay isweydaarsan doonaan bandhig faneedka, farshaxannada hiddaha iyo dhaqanka ah, iyo sidoo kale booqashooyin ay isdhaafsandoonaan  kooxaha fanka ee dhinacyada masraxa, muusiga, heesaha iyo fanka hiddaha iyo dhaqanka iyo ka qaybgalka fagaarayaasha, shirarka iyo siminaarrada la xiriira dhaqanka iyo aqoonta ee ay wada qabtaan labada dal.

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeysay in ay jiri doonaan booqashooyin ay is weydaarsanayaan kooxaha ka shaqeeya arrimaha Aflaamta iyo ka qaybgalka xafladaha ee labada dal ay sameeyaan.

Sida ku cad heshiiskan  is-afgaradka ah, dhinaca Masar waxay soo dhawaynaysaa marti-qaadka dhinaca Soomaaliya ee ka qaybgalka bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Qaahira, oo la qabto bisha January ee sannad kasta, iyo “ Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Carruurta oo la qabto bisha June, sannad kasta iyo sidoo kale Bandhigga  buugaagta Alexandria oo la qabto bisha August ee sannad kasta.

heshiiskaan waxay  labada dhinac is dhaafsan doonaan toddobaadyo dhaqameed ay ku jiraan dhammaan howlaha dhaqanka ee labada waddan si ay u faafiyaan dhaqankooda.

Dr. Nevin Al-Kilani waxa ay sharraxday in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah, labada dhinac ay dhiirigelinayaan in suugaanta af-soomaaliga loo turjumo oo Carabi laga dhigo lana daabaco, iyadoo loo sii marinayo xarunta qaran ee turjumaada wasaaradda dhaqanka Masar.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada tirsan Ururka jaamacadda Carabta ayaa leh xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, waxanay Qaahira safka hore kaga jirtaa waddamada dowladaha sida weyn u garab istaaga Soomaaliya.

BARASHADA DHISMA-AFEEDKA (QEYBTII 3 -AAD)

Qeybtii 2-AAD ee qormada waxaanu kaga soo hadalnay magac uyaalada, anigoo u kala saarnay dhowr jaad oo aanu aynu hal laanoo kamid ah faahfaahinay, imminkana waxaynu ka hadli doonnaa xubnaha kale ee aynu soo guud marnay balse aynaan is dul-taagin.

MAGAC UYAAL LAHAANSHO: sida nuxurkiisaba laga dheehan karo erayga lahaansho wuxuu u taaganyahay wax uu qof leeyahay ama loo tiiriyay wax kale noole iyo ma noole midkay doonaanba ha ahaadeene, waana qurubyo gaagaaban oo inta badan magaca gadaal sida kayga, kaaga, kiisa, keeda, keena, kiina, iyo kooda.

haddaanu eegno tusaalayaasha soo socda, waxaanu arki karnaa in qodobkii raaci oo lagu ladhay lahaanshaha magac kasta xagga dambe looga daray: dhar+kayga: dharkayga, dal+kaaga: dalkaaga, guri+giisa: gurigiisa, qoys+keeda: qoyskeeda, carruur+teena: carruurteena, xoolo+hiina: xoolihiina, beero+hooda: beerohooda.

Magac uyaalka caynkan ihi kol kol buu madax-bannaane noqdaa oo eray ama qurub ka horeeya la xadhiidha qoraal ahaan gaar isku taagaa sida waxaan  leeyahay geel, waxaad leedahay doon, wuxuu leeyahay dukaan, waxay leedahay aqal wanaagsan, waxay leeyihiin dhaqaalo, waxaan leenahay dhul cosob ah, waxaad leedihiin gaadiid, iwm.

MAGAC UYAAL WEYDIIMEED: waa mid kamida jaadadka magac uyaalka ee madax-bannaan ama iskii isku taagi kara asagoon wax kale ku tiirsanayn, waxaana inta badan loo adeegsadaa weydiin ahaan sida kee(lab)?, tee(dhadig),  tuma(dhadig)?, kuwee(wadar lab iyo dhadigba noqan karta)?, kuma(lab), iwm.

MAGAC UYAAL TILMAAMEED: waa magac uyaal ka hadla wax lays tusayo ama laysku tilmaamayo, waxaana loo adeegsadaa qurubyada kala ah: kan, kaas, kii, kuwaan, kuwaas, kuwii, tan, taas, tii,  iwm.

MAGAC UYAAL NOQAD: waa magac uyaal muujinaya in yeelaha falka iyo layeeluba ay isku midyihiin, mana badna waa qurubka”IS” tusaale: cali baa is ammaanay, shukri baa is qurxisay, ninku asagaa is diley, wuu is illoobay iwm.

Inkastoo aan laysku raacsanayn waxaa jira magac uyaallo aan qeexnayn oo lab iyo dhedig waxay ku saabsanyihiin aan la garanayn, balse u noqda magac ka la soo xusay ama la  sheegi doono tusaale: dhammaantood, qaar, guud ahaan, iwm.

Lasoco qeybta xegta

WQ: Abwaan Hareeri

QURBAJOOGTA OO GACAN WEYN KA GEYSTAY DIB U SOO KABASHADA DHAQAALAHA DALKA

Soomaalidu lagacaha ay dibedda dadka u jira ka helaan , ma u baahan yihiin in ay mashaariic shaqo abuur ka sameystaan? Dabcan haa way u baahan yihiin.

Nolosha dad badan oo ku nool dalka waxay ku tiirsan tahay lacago xawilaad ah oo ay ka helaan qaraabadooda ku nool dibeda oo ku soo taageera laakiin waxay dad waxaa la dhaliilaa qaabka dadka loo soo diro ay u isticmaalaan .

Faadumo Faarax Wehliye waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho waxay qabtaa in aaney  jirin wax kale oo ay u isticmaali laheyd lacagtaa oo ah in ay nolosheeda ku dabarto iyadoo sheegtay in lacagta la so diraba ay iska yar tahay.

“ Marka horeba waxa laguu soo dirayo kama badna inta u dhaxeysa afka iyo gacanta oo iyadaaba iska yar” ayey tiri Faadumo.

Marka laga hadlayo dadka soo dira lacagahaa ee dibedda ku nool iyaga laftooda waxay qabaan in ay culeys ku tahay laakiin Maxamed Cabdi Cali oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in dadka gudaha ku nool ay tahay in ay fikir la yimaadaan oo aaney isku tiirin lacagahaa alse ay sameeyaan qorsheyaal kale .

Cismaan Yuusuf wuxuu ka mid yahay dadka ku tirrsan lacagahaa wuxuu qabaa in wax weyn lacagaahasi ay tareen dadka gudaha ku nool laakiin ay fiican tahay in dadka dibedda ku nool intii mar walba ay wax soo diri  lahaayeen ay ka fiican tahay in hal mar lacag kuusan oo waxtar leh ay soo diraan si ay u anfici karto looguna sameyn karo mashruuc fiican.

“Meesha bil walba qoyska loo soo dirayo boqol ama labo boqol oo Doolar waxaa ka wanaagsanaan laheyd in mar si isku duub ah loo siiyo lacag ay qoysku ka sameysan karaan mashruuc yar oo ganacsi oo isku deberaan” ayuuna yiri

Dadka lacagahaa hela laftooda ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan fikrad waxtar leh iska na dhaafaan wax raadiska joogtada ah wuxuuna  Axmed Xuseeen Xasan oo hadda ka tirsan ganacsatada yar yare e suuqyada Muqdisho uu sheegay in uu shaqo abuurka ganacsi ee uu hadda heysto uu ka yimid walaalkii oo dibedda ku nool oo uu hal mar weydiistay in uu u maalgeliyo mashruucan ganacsi ee uu heysto.

W/Q: Mohamed Shiil

 

DHAQAALAHA DALKA SOOMAALIYA

Dadka Soomaaliyeed waxaa inta badan lagu qayaasaa tiro ahaan 18-milyon balse tirakoob sax oo lahaayo ma jirto balse waa qiyaas ahaan  bulshadaas baxaada leh hormaro kala duwan ayey ka sameeyey dhanka dhaqaalaha dalka.

Dalka Soomaaliya oo ah dalka baaxadaas leh ayey waa  bulshadii Soomaaliyeed waxa ay  yihiin dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan, Beerashada  iyo Xoolaha nool marka loo eego dadka ku nool geeska africa.

Dalkeena marba marka kasii danbeyso waxaa kobcaayo dhaqaalaha taasi oo aad ka dheehan kartid isbadalka xoogga leh ee ku yimid dalka tobankiisano ee u danbeeyey.

Kobacaas kala duwan ee dhaqaalaheen ayaa ku yimid dadaal badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ay sameeyeen sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin waa weyn oo aysan u adkeesan karin bulshooyinka caalamka kale.

Hadaba dhibaatooyinka ayaa ahaa in dalka uu ku jiray dowladd la aan oo ay dowladdii burburtay dagaalo kala duwan dalka ka dhacay oo kumanaan bulsho aan waxbo galabsan ku dhinteen qaarna dhaawac meen iyo qaarka kalena ay dagaalada ku reebtay dhibaatooyin ma hadho ah balse bulshada Soomaaliyeed waxaas oo dhib ah waa ay u soo adkeysteen waana ay guuleysteen.

Dabcan marka aad eekto Soomaaliya waxaa kuu muuqanaayo hormarada kala duwan ee dalka ka jiro iyo dhaqaalaha xawliga ah ee sii kobcaayo uu dalkeena sameenaayo taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka oo isbadalo xoogleh ay ku socdaan.

Sidoo kale dhaqaalaha Soomalida kuma eko Soomaaliya oo kaliya balse xuduudka ayuu katilaabay waxa aad arkeysaa ganacsatada Soomalida ah ee dhaqaalaha xoogga leh ee ku haysta wadamada kala duwan sida kenya waa dal aan daris nahay hadan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maal galin xoog leh ku sameeyey suuqa islii oo ay soomaalida ay ku badan tahay dhaqalihiina waa u kobcay.

Sidoo kale waxaa jira wadama kale sida South Africa, Turkiga Ruwanda Jabuuti iyo wadama kale oo dhaqaalaha Soomaaliya yaalo marba marka kasii danbeysana uu sii kobcaayo.

Dancan dadka Soomaaliyeed waa dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan oo dhaqaala sameen kara balse waxa ay u baahan yihiin dowladd xoogleh oo difaaci karta nolasha bulshada Soomaaliyeed iyo maalkooda sidoo kalena dowladdu ay ku xirta wadamada ganacsi wadaaga ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed waxqti kasta waxa ay sameen karaan dhaqaalo xoog leh oo kobciya dalkeena haddii ay helaan xasilooni amni, dowladd difaacda Hadda kobacaas waa uu sii laba jibaarmi haddii uu helo inta aan kor ku soo xusnay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

ADEEGGA E-BESA MUNAASABAD LAGU DAAH-FURAYAY OO MUQDISHO KA DHACDAY

Maalinba maalinta ka dambeysa ayaa dalkeennu wuxuu qaadayaa tallaabo horumar leh taasoo ku aaddan Munasabad aad looga soo shaqeeyay  oo lagu daah-furaay adeeg cusub oo lagu magacaabo E-BESA oo ay soo kordhisay IBS bank ayaa lagu qabtay magaladda muqdisho.

Haddaba, waxaa ka soo qeyb galay xafladda furitaanka adeegga cusub madax kala duwan oo ugu horeeyay Ra’iisul wasare Xamsa Cabdi Barre, Gadoomiyaha gobalka banadir ,gadoomiyaha bankiga dhaxe ee soomaliya, xildhibaanno, Wasiirro iyo marti Sharaf kale oo ka socotay madaxda Bankiyada kale ee ka shaqeeya dalka ayaa sharaxay adeega cusub ay iska kaashadeen IBS bank  iyo shirkadda somlink’’ .

waa hanaan maaliyadeed oo casri ah oo kuu fududeynaya lacag dirista telefoonka waxaadna ku isticmaali karta mobile kaaga goor kasta’’ adeegan ayaana noqonaya mid lagu diri karo shilling soomaaliga iyo lacagaha qalaad taaso dadka ka soo qeyb galay xafladda ay ku tilmameen ilaalinta shilling soomaaliga iyo dib u-soo celinta qiyaamka lacagta dalkeena.

sidoo kale gadoomiyaha  ayaana carabka ku dhuftay inay fursad u tahay dhalinta soomaliyeed shaqo abuurna ay ka heli doonaan adeega oo  bankiga soo kordhiyaay ‘’ hiigsigeena sanadka kowaad  in labaatan  kun shaqo abuur ah sameyno –sanadaha xiga waxaa hiigsi noo ah boqol  kun inan shaqo abuur   u sameyno oo ah  dhalinyaro soomaaliyeed.’’

Sido kale waxaa goobta  ka hadlay mudane ra’isulwasare Xamze Cabdi Barre ayaa oo ku bogaadiyey bankiga IBS bank hormarka ay dalka kuso kordhiyeen

QURBAJOOGTA OO GACAN WEYN KA GEYSTAY DIB U SOO KABASHADA DHAQAALAHA DALKA

Soomaalidu lagacaha ay dibedda dadka u jira ka helaan , ma u baahan yihiin in ay mashaariic shaqo abuur ka sameystaan? Dabcan haa way u baahan yihiin.

Nolosha dad badan oo ku nool dalka waxay ku tiirsan tahay lacago xawilaad ah oo ay ka helaan qaraabadooda ku nool dibeda oo ku soo taageera laakiin waxay dad waxaa la dhaliilaa qaabka dadka loo soo diro ay u isticmaalaan .

Faadumo Faarax Wehliye waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho waxay qabtaa in aaney jirin wax kale oo ay u isticmaali laheyd lacagtaa oo ah in ay nolosheeda ku dabarto iyadoo sheegtay in lacagta la so diraba ay iska yar tahay.

“ Marka horeba waxa laguu soo dirayo kama badna inta u dhaxeysa afka iyo gacanta oo iyadaaba iska yar” ayey tiri Faadumo.

Marka laga hadlayo dadka soo dira lacagahaa ee dibedda ku nool iyaga laftooda waxay qabaan in ay culeys ku tahay laakiin Maxamed Cabdi Cali oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in dadka gudaha ku nool ay tahay in ay fikir la yimaadaan oo aaney isku tiirin lacagahaa alse ay sameeyaan qorsheyaal kale.

Cismaan Yuusuf wuxuu ka mid yahay dadka ku tirrsan lacagahaa wuxuu qabaa in wax weyn lacagaahasi ay tareen dadka gudaha ku nool laakiin ay fiican tahay in dadka dibedda ku nool intii mar walba ay wax soo diri lahaayeen ay ka fiican tahay in hal mar lacag kuusan oo waxtar leh ay soo diraan si ay u anfici karto looguna sameyn karo mashruuc fiican.

“Meesha bil walba qoyska loo soo dirayo boqol ama labo boqol oo Doolar waxaa ka wanaagsanaan laheyd in mar si isku duub ah loo siiyo lacag ay qoysku ka sameysan karaan mashruuc yar oo ganacsi oo isku deberaan” ayuuna yiri Dadka lacagahaa hela laftooda ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan fikrad waxtar leh iska na dhaafaan wax raadiska joogtada ah wuxuuna Axmed Xuseeen Xasan oo hadda ka tirsan ganacsatada yar yare e suuqyada Muqdisho uu sheegay in uu shaqo abuurka ganacsi ee uu hadda heysto uu ka yimid walaalkii oo dibedda ku nool oo uu hal mar weydiistay in uu u maalgeliyo mashruucan ganacsi ee uu heysto.

WQ: Mohamed Shiil

RISAQAAGA RABBAA QORAYE HA KA RADIN MEEL BAAS

Erayga “Risaq) isir ahaan wuxuu ka soo jeedaa afka carbeed, nuxurkiisuna waa deeq jaad walba leh oo Eebbe inoogu talo-galay inaynu ku noolaanno intaanu arad joogno sida wixii aan cuni lahayn, carruurtaan dhali lahayn,halkii aynu ifka kaga dhaqnaan lahayn, iyo guud ahaan dhib iyo dheef wixii dharaar walba ina soo mari lahaa.

Intaas iyo kuwo aynaan koobi karinba kolkaanu afartan beri uurka hooyo ku jirnay baa laynoo qoray oo addoon Illaahay oo gef ka dhowrsooni dhigane aan weligii baaliyoobin baalkiisa inoogu xarriiqay.

In kastoo noole kasta Illaahay wax badan ku galaday haddana Dadku aad buu ugu roonaaday oo uunka kale way ka ayaan badanyihiin, maxaa yeelay garaad iyo dhug ay wax ku weelleeyaan baa la siiyay, tubo iyo tillaabooyin haddii raacaan ay barwaaqo iyo beyddi ku mutaysan doonaanna waa loo jideeyay.

Sida ku cad dhaxal tiraabeed suubanihii “NNKH” inaga soo gaadhay cabsida iyo talo-saarashada Alle ayaa kamida waxyaabaha keena in qofka risaqa loo kordhiyo, qur’aankana waxaa muush ka ah aayado tilmaamaya in ciddii Eebbe ka baqda meel aanay ka filayn wax laga siin doono.

Meeris gabay ah oo Abwaan Soomaaliyeed lahaa baa wuxuu ahaa” Rabbi dhowrsanaantuu nimcada soo dhex mariyaa” oo uu ula jeeday ciddii illaahay ku xidhani ay mar walba barwaaqo iyo baraare ku noolaan doonto, wax kastana ay si fudud ku helayso.

Haddaba haddii aad ogtahay in cantuugo biyo ahba Allaha ka dhigee intaad nooshahay wixii aad dhuunta marin lahayd ay qoranyihiin, orod iyo dadaalna aan lagu helin wax aan Eebbe kuugu talo-galin ma daw baad u leedahay inaad dadka muslimka ah dhacdo oo xoolohooda boob iyo baad ku qaadato.

Maankii fayoobi weydiintaan wuxuu kaga war-celinayaa maya maxaa yeelay Illaahay cidna ma qadin oo waxaad maalin kasta jadiiman lahayd waad helaysaa, tubaba iyo siyaabaha rabbi Arsaaqda kuugu kordhinayona waa laguu qeexay oo inaad wax yaroo qof kale gacantiisa ku jira hunguriyayso waa laga habboonyahay.

Ayadoo laga shidaal qaadanayo dulucda maahmaahdii ahayd”calafkaa kuma seegee si xun ha u raadin” waxaa quman in layska daayo cunidda boolida iyo xadidda hantida dad weynaha, sidoo kale qolada dhaca iyo dilka shacabka meheradda ka dhigatay ee moobeelada iyo Aalaba kale sida maalin lahaa u bulshada uga qaataahi waa inay xumaantaa ka waantoobaan.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

XISAABI XIL MALEH HADDAAN LA XUMEYNIN

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaan kuu dhiibay ii dhiib dhabiil rag ma dhaafto mana ahan wax ceeb ah, laakiin waa xanuun iyo murug badan tahay markii ay hor yimadiin imtixaan iyo xisaabo  hore oo aadan iska fileyn in lagu weydiinayo maalin maalmaha ka mid ah, waana mid loo baahan yahay in dadku xisaabtamaan.

Sidoo kale, Shirkadaha leysku darsado iyo xisaabaha la isku aaminay wax la iska weydiiyo meesha ay wax marayaan si halkaas ay horay uga sii socdaan danahii la isku aaminay ee adduunyada taas oo dadka qaar ay u moodayaan xujo iyo daandaansi laakiin waa dariiqa keliya ee lagu heli karo in dadku is aaminaan.

Hantida way lumeysa  haddii aan  la xisaabtamin oo xisaabta ayaa wax lagu saxaa goortaasna waxaa ka dhasha is aamin faa,iido sii kororta, haddaba ogaada xisaabtanku waxbuu hagaajiyaa.

Eeg isla xisaabtanku waxba ma xumeeyo waxaana ku shaqeysta shirkadaha waa weyn ee dunida iyo dowladaha oo iska ilaalinaya hanti boobka iyo musuqmaasuqa waxayna dhacdaa sannadkiiba halmar, sannadahan kama dhicin dalkeenna xisaabi xilmaleh mana jiro dad loo soo xiray, haddey ahaan lahayd mas,uul sare iyo mid hoose, waayaabe dalkeenan ma caddaaladbaa ma waxaa la waayey dad  hantidii qaranka lunsaday mase dadkii la xasaabtami lahaa ayaa Meesha ka maqan,

mase  waa qaataye qaado ayaa lagu macneyn karaa xaalkeenna?.

Haddaba, dalkeennu wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo isla xisaabtan dhab ah oo sannad iyo bil iyo maalin intaba, waayo dalka markii uu sidaan oo kale uu ka soo kabsanayo burbur iyo dagaallo sokeeye iyo Virusyadii caalamiga ahaa waxaa loo baahan yahay in aan cidna lagu cafin waxay qaadatay oo sharci darro ahaa.

Adduunku weligiisba way ka jireen dad tuuga ah oo booba hantida dalka iyo kuwo daacad ugu shaqeeya.

Haddaba, talo ahaan waxaa haboonaan lahayd in dib loo soo celiyaa barnaamijkii xisaabi xil maleh ee dalka gudahiisa ka dhici jiray sannadkiiba halmar oo dadna lagu amaani jiray dadna lagu ciqaabi jiray.

taasoo sida badan lala xisaabtami jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha dalka oo dhan iyadoo dad badan oo iska fududeysta xoolaha dadweynaha  ku mutesan jireen xabsi iyo ganaax adag, qaar kalana ay heli jireen abaalmarin, dallacaad derejo billado sharafeed iyo shaqo wanaag, sidoo kalena laysku abaal marin jiray  wax qabadka iyo wixii kale ee uu xaq u yeesho.

Waxaa jiray waqti lagula xisaabtamo qof waliba wixii uu bulshada u qabtay iyo wixii dhib iyo hagardaamo uu geystay dalka iyo dadka waxaana waajib ah in qof waliba in uu dalka xaqiisa ka helo,haddii uu dembi ka galayna lagu ciqaabo, waana isla xisabtanka ugu fiican, waayo markii uu qabiil ku xisaabtami lahaa waxaa ka wanaagsan inuu ku xisaabtamo qarannimo iyo wax qabad derejadana aysan bixin xildhibaanno ay isku beel yahiin iyo odoyaashiisu.

Sideedaba xilalka iyo derajooyinka waa in lagu muteestaa aqoon, shaqo wanaag geesinimo, howlgarnimo, daacadnimo, waayo aragnimo ay waddaniyad ku dheehan tahay.

waxaa habboon in xukuumadahu ay wax ka ogaadaan Hay’adahooda ciddii horumar sameysay iyo kuwa maamul xumada ku sifooba, kuwa la dulmiyay oo xaqdarrada iyo dhibaatada sheeganaya iyo kuwa haloo yeelada ku daaqaya hantida dadweynaha.

waxaa loo baahan yahay in loo dhabba galo xaalkoodu sida ayadoo lala gelayo isla xisaabtan dhab ah waxaa sidoo kale habboon in dib loo soo celiyo isla xisaabtanka sannadkiiba halmar hadiiba aan la heleynin sannadkiiba laba mar

WQ: Abwaan Gabayre

 

 

Wasiirka Caafimaadka ee XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday hey’adda MSF

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa xafiiska Ku qaabiley Wefdi ka socday Hey’adda MSF.

Wefdiga ka socdey MSF ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo kaalinka ay ku leeyihiin horumarinta qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Xubnaha ka socday Hey’adda MSF ayaa sidoo kale xusay in ay gacan ka geysan doonaan Barnaamijyada lagu horumarinayo Caafimaadka maadaama Bulshadeenu u baahan tahay adeeg Caafimaad oo buuxa si loo hello barnaamijka xalka waara ee qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isla gartay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiska iskaashiga iyo sidoo kale in la xoojiyo adeegyada laga fulinaya deegaanada ay baahida Caafimaad ka jirto, iyo in loo gudbo meelaha ay adag tahay in lagaarsiiyo  taageerada Barnaamijyada Caafimaad ee luugu talagaley dadka qaba baahiyaha Caafimaad.