SANADKA 2023 WUXUU NOO YAHAY SANADKII ADEEG BIXINTA DOWLADDA (WARBIXIN)

Hanaanka Dowlad dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo soo maray heerar kala duwanaa kuwaas oo lahaa caqabadahooda ayaa marwalba ahaa mid koritaan sare samaynayey,sida hanaanka dhismaha Federaalka dhismaha Ciidanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in sidoo kale hanaanka dib u heshiisiinta Dalka door muhiim ah la siin doono iyadoo dib u heshiisiinta la gaarsiin doono heer dowlad goboleed heer degmo ilaa heer degaan taas oo saamixi doonta in dhulka Soomaaliyeed laga sameeyo dib u dhis xooggan.

madaxweynaha ayaa xusay in sanadkan la sugi doono Amniga guud ee dalka, sidoo kalena Dadweynaha soomaaliyeed la diiwaangelin doono qof walba oo Soomaaliyeed na la siin doono Aqoonsi muwaadinimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in la dhisi doono Sanadkan Komishanada Dastuuriga ah iyo Heya’addaha madaxabanaan” Sanadka cusub ee 2023 wuxuu dowladdeena u yahay Sanad adeeg iyo Sanad waxqabad,wuxuuna baal dahab ah ka geli doonaa taariikhda hayaanka ee aan ugu jiro dhismaha Dowlad casri ah oo dunida casriga ah la jaanqaadaysa,sidoo kale waa Sanadka dib u xoraynta dib u xorraynta dalka,sidoo kale waa Sanadkii hanaanka geeddi socodka daynt cafinta ee Soomaliya ka madaxbanaan lahayd daynta,sidoo kale waa Sanadkii dhamaystirka dastuurka qabyadda ah ee aan maanta haysano sidoo kale waa Sanadkii balaadhinta waxbarashadda Caruurteena” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Hanaanka gaarsiinta Adeegyadda dowladda ayaa waxa ugu muhiimsan in Dadweynaha Soomaaliyeed oo mudo dheer kooxaha khawaariijtu kala dagaalameen kaabayaasha nolosha ay dib u helaan Adeegyadda Waxbarashadda,Caafimaadka,Biyo nadiif ah, kobcinta dhaqaalahooda sida Beeraha iyo Xoollaha Nool.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda XFS ayaa dhowaan shaaciyey in Wasaaradda Waxbarashadu dadaal ugu jirto sidii dadweynaha Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh isagoo wasiirka xusay in bilaha soo socda wasaaraddu qaadanayso hawlgelinayso 3000 oo macallin oo cusub iyadoo wasaaraddu u qaadan doonto hab tartan furan ah shaqo-gelintooda si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee fursad u helin in ay helaan waxbarasho tayo leh”.

Yoolka qaadashada macallimiinta cusub oo qayb ka ah in aan mudnaan gaar ah siino gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay, macallimiinta farsamada,Macallimiinta dugsiyadda quraanka,dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo dadka ku nool deegaannada laga xorreeyey kooxaha khawaariijta” ayuu yiri  wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir wasiirka waxbarashadda XFS.

SONNA EDITORIAL

 

MUHIIMADDA WAXBARASHADA

Waxbarashadu waa hab lagu dardargeliyo, helida aqoonta, qiyamka, iyo wanaagga.

Waxay gacan ka geysataa horumarinta dad ka wanaagsan ee adduunka, Waa hab waara oo dadku ku helaan xog, xirfado, iyo anshax.

Waxa jira khad dhuuban oo u dhexeeya waxbarashada iyo Horumarka, waxaynu ka baranaa wax kasta oo aynu la kulano, laga bilaabo dhalashada ilaa dhimashadeena, taas beddelkeeda, waxaynu wax ku barannay waqti go’an oo nolosheenna ka mid ah annagoo aqoon ku qotoma.  Barashadeenu waxay ku horumartaa waayo-aragnimada shakhsi ahaaneed, taas oo aan lahayn xeerar, halka dugsiyada ama jaamacaduhu bixiyaan waxbarasho ku salaysan heerar gaar ah.

 

Heerarka waa kuwo cad oo la cabbiri karo oo laga keenay xirfadaha iyo aqoonta ay tahay in carruurtu helaan, xirfadahani waxay u diyaarinaysaa carruurta mustaqbalka ifaya, shaqada, iyo nolosha.

 

Maxay lagama maarmaan u tahay in waxbarashada?

 

In kasta oo waxbarashadu leedahay qeexitaanno kala duwan, haddana waxa jira hal shay oo la is la qiray muhiimaddeeda!  Waxaa jira sababo aan dhammaad lahayn oo ay waxbarashadu muhiim u tahay.  Waxay leedahay macnooyin iyo saamayn aan xad lahayn,waa ku waan sababaha ugu muhiimsan.

 

1 Waxay ka caawisaa inay si cad u fikirto: Waxbarashadu waxay bartaa dhalinyarada jawiga ku xeeran, waxay ku dhiirigelisaa inay aad uga fiirsadaan awoodahooda iyo ceebahooda waxayna baraysaa inay diiradda saaraan jihada saxda ah.

 

2 Buuxinta geesinimo uu ku wajaho xaalad kasta: Waxbarashadu waxay ku baraysaa in guul-darradu aanay dhammaanayn,  waa in ay isku daydaa ilaa aad ka guulaysato ​​oo aad waligaa quusan, waxbarashadu waxay kaa saacidaysaa  go’aankaaga  ah in aad si madaxbanaan ugu noolaato adduunka oo ay la kulanto xaalad kasta si geesinimo leh.

 

3 waxbarashada waxay ku baraysaa qiyamka yo  sinnaanta  Waa lagama maarmaan in wax la barto caruurtana waxlabaro  oo qiyamka suubban iyo qaabaynta dabeecadda laga dhiso carruurta, Waxbarashada carruurnimada waxay ka caawin doontaa carruurta inay horumariyaan daacadnimo, naxariis, deeqsinimo, geesinimo, xorriyad, sinnaan, iyo ixtiraam.  Waxay dejisaa habdhaqan wanaagsan waxayna ku kordhisaa edeb.  Sidokale Waxbarashadu waxay caruurta baraysaa karaamada iyo sinnaanta aduunka iyagoo meesha ka saaraya farqiga u dhexeeya dabaqadaha bulshada.  Waxayna dhalin doontaa fursado siman meel kasta oo adduunka ah.

 

4 waxbarashadu waxay dunida ka dhigaysaa meel wanagsan  oo lagu noolaado: Carruurta maanta waa kuwa adduunka qaabayn doona berrito.  Barbaarinta ubadku kaliya maaha inay sugaan noloshooda gaarka ah balse waxay si wada jir ah uga qaybqaataan horumarinta qaran iyo aduunka la isku halayn karo.  Waxay dhalin kartaa hareerayn wanaagsan oo ay dadku ku kala saari karaan xaqa iyo baadilka, waxayna ogaan karaan muhiimadda codbixinta, u hoggaansanaanta sharciyada, iyo dhimista dembiyada.

 

5 waxbarashadu waxay leedahay faa’iidooyin aan la soo koobi karin!  Waxay u taagan tahay xayndaab noo dhexeeya annaga iyo waddooyinkaas khaldan ee ina baraya waayo-aragnimada xun, Markaa waxbarashadu waa inay ahaataa mid bilaash ah si qof walba looga faa’iidaysto oo uu uga qayb qaato dhismaha adduun wanaagsan.

 

WQ Cumar Maxamed Cumar

RISAQAAGA RABBAA QORAYE HA KA RADIN MEEL BAAS.

Erayga “Risaq) isir ahaan wuxuu ka soo jeedaa afka carbeed, nuxurkiisuna waa deeq jaad walba leh oo Eebbe inoogu talo-galay inaynu ku noolaanno intaanu arad joogno sida wixii aan cuni lahayn, carruurtaan dhali lahayn,halkii aynu ifka kaga dhaqnaan lahayn, iyo guud ahaan dhib iyo dheef wixii dharaar walba ina soo mari lahaa.

Intaas iyo kuwo aynaan koobi karinba kolkaanu afartan beri uurka hooyo ku jirnay baa laynoo qoray oo addoon Illaahay oo gef ka dhowrsooni dhigane aan weligii baaliyoobin baalkiisa inoogu xarriiqay.

In kastoo noole kasta Illaahay wax badan ku galaday haddana Dadku aad buu ugu roonaaday oo uunka kale way ka ayaan badanyihiin, maxaa yeelay garaad iyo dhug ay wax ku weelleeyaan baa la siiyay, tubo iyo tillaabooyin haddii raacaan ay barwaaqo iyo beyddi ku mutaysan doonaanna waa loo jideeyay.

Sida ku cad dhaxal tiraabeed suubanihii “NNKH” inaga soo gaadhay cabsida iyo talo-saarashada Alle ayaa kamida waxyaabaha keena in qofka risaqa loo kordhiyo, qur’aankana waxaa muush ka ah aayado tilmaamaya in ciddii Eebbe ka baqda meel aanay ka filayn wax laga siin doono.

Meeris gabay ah oo Abwaan Soomaaliyeed lahaa baa wuxuu ahaa” Rabbi dhowrsanaantuu nimcada soo dhex mariyaa” oo uu ula jeeday ciddii illaahay ku xidhani ay mar walba barwaaqo iyo baraare ku noolaan doonto, wax kastana ay si fudud ku helayso.

Haddaba haddii aad ogtahay in cantuugo biyo ahba Allaha ka dhigee intaad nooshahay wixii aad dhuunta marin lahayd ay qoranyihiin, orod iyo dadaalna aan lagu helin wax aan Eebbe kuugu talo-galin ma daw baad u leedahay inaad dadka muslimka ah dhacdo oo xoolohooda boob iyo baad ku qaadato.

Maankii fayoobi weydiintaan wuxuu kaga war-celinayaa maya maxaa yeelay Illaahay cidna ma qadin oo waxaad maalin kasta jadiiman lahayd waad helaysaa, tubaba iyo siyaabaha rabbi Arsaaqda kuugu kordhinayona waa laguu qeexay oo inaad wax yaroo qof kale gacantiisa ku jira hunguriyayso waa laga habboonyahay.

Ayadoo laga shidaal qaadanayo dulucda maahmaahdii ahayd”calafkaa kuma seegee si xun ha u raadin” waxaa quman in layska daayo cunidda boolida iyo xadidda hantida dad weynaha, sidoo kale qolada dhaca iyo dilka shacabka meheradda ka dhigatay ee moobeelada iyo Aalaba kale sida maalin lahaa u bulshada uga qaataahi waa inay xumaantaa ka waantoobaan.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

QISO DIINI AH OO MUDAN CIBRO QAADASHO

Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga/walaasheyda muslimka ahow.

Qisadaan waa qiso diini ah oo ku dhacday wiil muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiisa, ka dibna Allah ( S.W.T ) ku soo hanuuniyey riyo cajiib ah.

Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday waxyaabaha uu Allaah SWT amray, wuxuuna kusiijeeday waxyaabaha uu Allah naga reebay.

Habeen habeenada kamid ah ayaa Allah S.W.T khayr ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo mugdi kudhex sugan, hadana uu usoo laabtay hanuun.

Qisadan waxaa ka sheekeeyay wiilka ay qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.

Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaan tagay furaashkaya/joodariga sida caadada ii aheyd si aan useexdo, markii aan tegey meeshii aan seexan lahaa ayaa waxaan dareemay wax bini aadam u raad eg oo misna igu soo dhawanaya.

Waxaan Allah ka magan galay sheydaan dhagartiisa waana iska seexday, waxan hurdadii ku arkay shey iidhaw oo hadana aad uyar oo misna samada kasoo dhacaya dhulkana kusoo socda waan yaabay… Waxaan cadayn waayay/sifeeyn kari waayey sheyga waxa uu yahay.

Waxaan arkay sheygii yaraa o isku badelay “NAAR WEYN “subxaanallah. Oo igu sohobanaysa.

Waan fariistay anigoo walbahaarsan misna raadinaayo shaqsi aan ukaashado masiibadaan, meel aanan arki karin ayay iiga dhawaaqeen waxayna igu yiraahdeen. ” Tani waa saacadii qiyaamaha bilaawgeedii, maalinta qiyaamana weydhacday.

Tana waxay ka mid tahay calaamadihii ugu horeeyay” waan argagaxay!!Waxaan xasuustay wax walboo acmaal ah ee aan hormarsaday, haday wanaagsanaan lehed iyo haday xumaan leheed.

Waxaan bilaabay qoomamayn midii iigu darnayd, waxaa isoo foodsaaray cabsi iyo walbahaar.

Waxaan isweydiiyay ” inteed howsha ka bilawda? “sideen kubadbaadi karaa?” waxaan maqlay mid dhawaaqaayo oo leh ” Maanta ma ahan maalin ay qomamayn wax tareyso waana lagaa abaal marin doonaa waxa aad qabatay.. Xagee baad kusugnaan jirtay xiliyada salaadaha? Maxaad aheyd mid qabta marka ay kuuyimaadaan amarada allaah? Ma eheyd nin wanaaga qaato xumaantana isaga taga? waxaad aheyd mid hilmamay Rabigiisa waxad wakhtiyadaada kulumisay CIYAAR & HEESO maantana waxaad imaan adiga oo ilmeynaayo kadib markaad aragtay cadaab kaaga ” Waxaa sii siyaaday shalaygeyga kadib markan maqlay mid iigu yeeraya cadaabka adag.

Waan ilmeeyay illa ay ilmadu iga idlaatay/dhamaatay. Laakiin waxba imay tarin isla daqiiqadaa ayaan katoosay hurdadii waxaan eegay nafsadayda. Way rumeysan weyday riyadaan. Waxaa iga soboday neef weyn waxaa iso wajahday cabsi horleh mana kasuulin in aan baqayo.

Nafsadayda ayaa waxaan ku iri ” wallaahi baan kudhaartee kani

waa digitaan kaaga imadaayday dhanka Allah s.w.t maalinta la isa soo saari doonana waa lama huraan, maxaad Allah ucaasin ayaan isweydiyay. Miyadan aheyn mid dhex dabaasho wax uu Allaah xarimay? Su,aalo farabadan ayaan kusoo degdegay maskaxdayda umana helin ilaa hal jawaab oo qura, taasoo aheyd Allaah ulaabasho si maalinka weyn uga badbaado.

Waxaa baryay waagii waxaana lagaaray salaadii subax waan tukaday nafsadaydana waxay darentay Raaxo iyo wanaag Subaxdaas, waan soo baxay waxaan koray gaarigayga waxaan egay gudihiisa waxaaba kabuuxo canjelado HEESO ah waan kasaaray dhamaantood waxaana kutuuray melaha qashinka lagu tuuro, waxaan raadiyey canjelado islaami ah oo wax tar iileh.

Xaaladaa ayaan kusugnaa maalin kastana waxan ahaa mid kusii dhawanayo wadada hanuunka. Badanaa tiro dad ah oo kulunsan dhaldhalaalkan dunida ee beenta ah oo badana inta ay hilmaamsiisay maalin aan lahilmaami karin, maalinkaa oo uu shaqsigu ka cararayo walaalkiis, hooyadiis iyo aabihiis, xaaskiisa iyo caruurtiisa, waa maalin maalka iyo caruurtuba aanay waxba taraynin ilaa ruux Allah ula taga qalbi wanaagsan iyo camal suuban mooyaane.Allow tubta toosan nagu hanuuni, khaatumaduna noo hajaaji.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

DUGSI 70 SANO QUR’AAN-KA KARIIMKA LAGU BARAN JIRAY OO KHAWAARIJTA XIRTAY (WARBIXIN)

Khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab ee ku soo duushay dalkeena balse haatan uu dabar go’a ku socdo kadib 15 sano oo dalkeena iyo dadkeena ay ku hayeen dhaqan ka baxsan kan islaamka iyo kan dadka Soomaliyeed ayaa deeggaanaddii laga saaray waxaa lagu arkay arrimo ka baxsan diinteena suuban oo ay ku dhaqaaqeen.

Waxaa ay xireen dugsiyaddii Qur’aan-ka kariimka lagu baran jiray, Iskuuladdii iyo goobihii caafimaadka ee loogu adeegi jiray dadka. Bulsho waxbarsho la’aan ah, adeeg caafimaad heysan, la marin habaabiyay oo la go’doonshay ayaa loogu tagay deeggaanaddi laga dulqaaday cadowga arxanka daran ee khawaarijta.

Argagixisada deeggaanaddii ay in muddo gacanta ku hayeen kagama tagin wax yar oo horumar ah, iyadoo dadka deeggaanadaasi ku nool ay intaas u dhereed in ay ka qadaan baad joogto ah ciddii ka hortimaadana la dilo ama la xiro.

Khawaarijta waxa ay kala dagalantay wax kasta oo horumar ah, iyadoo cadeen u ah inay bulshadda ku nool deeggaanadda ku jira gacantooda inay u diideen waxbarasho dhan walba ah. Waxaa ay xireen xarummo lagu barto qur’aanka Kariimka iyo tacliinta kale oo shaqeynaayay in ka badan 70 sano sida laga soo xigtay dadka ku dhaqan deeggaanaddi lagu jabiyay cadowga. Waxa ayna uga dan leeyihiin inay indha ka ridaan bulshadda si ay uga dhaadhiciyaan fikradaha qaldan iyo ka been abuurashada diinteenna Suubaan.

Macalin Abuukar calasoow oo ku nool deegaanka Guulane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dugsi qur’aan furna in ka badan 70 sano oo ay wax ku baran jireen ardayda deegaanno badan oo ka tirsan shabeellaha dhexe inay khawarijtu xireen.

“Cadowgu waxaa ay xireen xaruntii iyo dugsigii ay cilmiga diinta ka soo doonaan jireen sanado badan bulshadda deegeenno badan, taasina waxaa ay ku tusineysa sida ay ula dirireen horumarka iyo waxbarshadda marba haddii ay xireen goobihii waxbarashadda”. ayuu yiri Macalin Abuukar.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhankiisa  sheegay in uu la yaabay dhaqan xumada iyo arxan darada ay ku dhaqmayeen Khawaarijta ee aanan meelna ka soo galin diinteena suuban uu ku soo arkay degmada Aadan Yabaal iyo deeggaannadii kale laga sifeeyay cadowga  khawaarijta alshabaab.

WQ: SONNA

CIRIB XUMADA DULMIGA

Marka hore waa maxay Dulmi?

Dulmigu waxa ay culimada ku qeexeen shay kasto oo aan booskiisii xaqa ahaa aan la dhigin, ama shay kasto oo aan booskiisii sharciga ahaa aan la waafajinin.

Shay kasto oo laga saaro ama la waafajiyo halkii uu xaqqa u lahaa waxa uu noqonayaa caddalad, shaykasto oo laga kormariyo ama laga hoos mariyo booskiisa xaqqa ah waxa uu noqonayaa Dulmi.

Aayaadka Qur’aanka kariimka ee ka hadlaayo cadaaladda dhamaan waxay reebayaan Dulmiya, waxaad halkaas ka ogaanaysaa in ay iska soo horjeedaan Dulmiga iyo Cadaaladda.

Culimada waxay noo sheegeen in dulmiga loo qaybiyo sidax qab oo kala ah 1- Ruux naftiisa dulmiya oo naftiisa ku hogaamiyo shirki o Alle ku caasiyo, ‘’Allah SWT waxa uu leeyahay Gaalnimada waa Dulmi wayn’’ Dulmiga koobaad ee la reebay waa in lagu xad gidbo xuquuqda Allah SWT.

Qatbta 2- waa Ruuxa uu naftiisa kulmiyo macaasi, Ruuxaan waxa uu dulmiyey naftiisa oo waxa uu ka tagay qayb ka mid ah waajibaadkii uu Rabbi faray waxa uuna ku dhacay qayb ka mid ah waxa uu Rabbi ka xarimay.

Qaybta 3-aad ee dulmigu, waa qofku oo dadka kale Dulmiyo oo xuquuqdooda ku xad gudbo Nabigeenna Maxamed NNK waxa uu yiri’’ Qofka walaalkiis dulmi ka galay cafis ha waydiisto, Allah SWT adoomankiisa waa uu u dambi dhaafaa balse haddii aad adoon kale aad dulmisay waxaa waajib kugu ah in aad cafis waydiisato adoonkaas.

‘’Ilaahay SWT xadiisul qudsi ayaa waxuu ku leeyahay dadow dulmiga aan ka mamnuucay nafsadayda adinkana waan idinka mamnuucay ee dhaxdiina ha is dulminina’’

Cirib xumada Dulmiga waxaa tusaale inoogu filan dhacdooyinka dunida ka dhacay ee u baahan in lagu cibro qaato, halkaan waxaan idinku soo gudbinayaa sheeko u baahan in lagu cibro qaato.

Nin oday ah oo indhool ah ayaa waxaa ka xeeyey wiilkiisa xilli ay reerka guuraayen, wiilkaas oo ay wiilashii kale ee odayga ay kula dardaarmeen in uu soo kaxeeyo odayga iyagane ay sii rari doonaan reerka.

wilkii markii uu kaxeeyey odaygii ee uu geeyey meel duur ah ayaa waxa uu dulmiyey odaygii waxaa uuna sameeyey in uu odayga fariisiyey geed cidlo kuna yiri aabo halkaan sii fadhi reerkii ayaa raadinayaaye, ka dibna halkii a yuu kaga dhaqaaqay.

wiilkii markuu u tagay walaalihii soo ka xay ku yiri odaga waxaa uu walaalihiis u sheegay in uu odaygii maqan yahay oo uu san arkin, odaygiina waxa uu ku geeriyooday halkii oo ugu dhaqaaqay wilkii.

Mudo ka dib maxaa dhacay wiilkii ayaa guursaday waxuuna dhalay ciyaal, kadib waa yeel ayuu noqday waxuuna beelay indhaha kadib xilli ay reerka guurayeen ayaa waxaa ka xeeyey mid ka mid ah wiilashiisa.

markii la maraayo halkii uu ugu dhaqaaqay aabihiis ayaa wiilkii waxa uu ku yiri aabow reerkii ayaa noo sahminayaaye geedkaan sii fariiso, oday oo xasuusan in uu horay u dulmiyey aabihiis ayaa waxa uu ku yiri wiilkii geedkaan magaciis, wiilkii waxa uu u sheegay magaca geedka, odaygii ayaa yiri is ka bax waxaan ogahay in Aadan soo laabanaynine.

Walaalayaal aan ka digtonaana oo aan iska ilaalino dulmiga wax aan khasaaro ahayn kama faa’idaynee.

WQ: CUMAR MAXAMED CUMAR

XISAABI XIL MA LEH HADDAAN LA XUMEYNIN (QAYBTII 2-AAD)

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaan kuu dhiibay ii dhiib dhabiil rag ma dhaafto mana ahan wax ceeb ah, laakiin waa xanuun iyo murug badan tahay markii ay hor yimadiin imtixaan iyo xisaabo  hore oo aadan iska fileyn in lagu weydiinayo maalin maalmaha ka mid ah, waana mid loo baahan yahay in dadku xisaabtamaan.

Sidoo kale, Shirkadaha leysku darsado iyo xisaabaha la isku aaminay wax la iska weydiiyo meesha ay wax marayaan si halkaas ay horay uga sii socdaan danahii la isku aaminay ee adduunyada taas oo dadka qaar ay u moodayaan xujo iyo daandaansi laakiin waa dariiqa keliya ee lagu heli karo in dadku is aaminaan.

Hantida way lumeysa  haddii aan  la xisaabtamin oo xisaabta ayaa wax lagu saxaa goortaasna waxaa ka dhasha is aamin faa,iido sii kororta, haddaba ogaada xisaabtanku waxbuu hagaajiyaa.

Eeg isla xisaabtanku waxba ma xumeeyo waxaana ku shaqeysta shirkadaha waa weyn ee dunida iyo dowladaha oo iska ilaalinaya hanti boobka iyo musuqmaasuqa waxayna dhacdaa sannadkiiba halmar, sannadahan kama dhicin dalkeenna xisaabi xilmaleh mana jiro dad loo soo xiray, haddey ahaan lahayd mas,uul sare iyo mid hoose, waayaabe dalkeenan ma caddaaladbaa ma waxaa la waayey dad  hantidii qaranka lunsaday mase dadkii la xasaabtami lahaa ayaa Meesha ka maqan,

mase  waa qaataye qaado ayaa lagu macneyn karaa xaalkeenna?.

Haddaba, dalkeennu wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo isla xisaabtan dhab ah oo sannad iyo bil iyo maalin intaba, waayo dalka markii uu sidaan oo kale uu ka soo kabsanayo burbur iyo dagaallo sokeeye iyo Virusyadii caalamiga ahaa waxaa loo baahan yahay in aan cidna lagu cafin waxay qaadatay oo sharci darro ahaa.

Adduunku weligiisba way ka jireen dad tuuga ah oo booba hantida dalka iyo kuwo daacad ugu shaqeeya.

Haddaba, talo ahaan waxaa haboonaan lahayd in dib loo soo celiyaa barnaamijkii xisaabi xil maleh ee dalka gudahiisa ka dhici jiray sannadkiiba halmar oo dadna lagu amaani jiray dadna lagu ciqaabi jiray.

taasoo sida badan lala xisaabtami jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha dalka oo dhan iyadoo dad badan oo iska fududeysta xoolaha dadweynaha  ku mutesan jireen xabsi iyo ganaax adag, qaar kalana ay heli jireen abaalmarin, dallacaad derejo billado sharafeed iyo shaqo wanaag, sidoo kalena laysku abaal marin jiray  wax qabadka iyo wixii kale ee uu xaq u yeesho.

Waxaa jiray waqti lagula xisaabtamo qof waliba wixii uu bulshada u qabtay iyo wixii dhib iyo hagardaamo uu geystay dalka iyo dadka waxaana waajib ah in qof waliba in uu dalka xaqiisa ka helo,haddii uu dembi ka galayna lagu ciqaabo, waana isla xisabtanka ugu fiican, waayo markii uu qabiil ku xisaabtami lahaa waxaa ka wanaagsan inuu ku xisaabtamo qarannimo iyo wax qabad derejadana aysan bixin xildhibaanno ay isku beel yahiin iyo odoyaashiisu.

Sideedaba xilalka iyo derajooyinka waa in lagu muteestaa aqoon, shaqo wanaag geesinimo, howlgarnimo, daacadnimo, waayo aragnimo ay waddaniyad ku dheehan tahay.

waxaa habboon in xukuumadahu ay wax ka ogaadaan Hay’adahooda ciddii horumar sameysay iyo kuwa maamul xumada ku sifooba, kuwa la dulmiyay oo xaqdarrada iyo dhibaatada sheeganaya iyo kuwa haloo yeelada ku daaqaya hantida dadweynaha.

waxaa loo baahan yahay in loo dhabba galo xaalkoodu sida ayadoo lala gelayo isla xisaabtan dhab ah waxaa sidoo kale habboon in dib loo soo celiyo isla xisaabtanka sannadkiiba halmar hadiiba aan la heleynin sannadkiiba laba mar

WQ: Abwaan Gabayre

SOO LAABASHADA CIIDANKA ILAALADA QARANKU WAA DHAMAADKA KOOXDA KHAWAARIIJTA (WARBIXIN)

In ay diyaar yihiin Ciidanka ilaallada qaranka Gaaska koowaad ee Duufaan maka dhigan tahay dhammaadka khawaariijta naf la caariga ah?

Ka dib 15-kii bisha may sannaddii 2022 guushii dib u doorashadda madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud,waxa guud ahaan dalka Soomaaliya ka curtay halgan nafhurnimo ah kaas oo dib loogu soo celinayo sharafkii,qiyamkii, karaammaddii dalka iyo dowladnimadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuummadiisa ayaa iclaamiyey dagaal saddex jiho ah kaas oo lagu qaadayo kooxaha khariban ee khawaariijta,jihooyinka laga weeraray khawaariijta ayaa kala ah dhaqaalaha,Fikirka iyo in lagu ekeeyo goobaha ay joogaan weeraro toos ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed oo ugu horeeyeen kooxaha gobanimo u dirirka macawisleey ayaa gobolladii,degmooyinkii iyo deegaannadii ugu badnaa ka sifeeyey kooxaha khawaariijta.

Ciidanka ilaaladda qaranka Gaaska koowaad ee Duufaan oo tababar heerkiisu sarreeyo ku soo qaatay Dalka Eritrea ayaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay,iyagoo qayb ka noqonaya dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaariijta,soo guryo galka Ciidanka ilaaladda qaranka ayaa ka dhigan in markan si dhab ah loo dabar jarayo kooxaha khawaariijta oo weli ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah goboladda iyo degmooyinka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina,Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga, Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud.

Heerka tababar ee Ciidanka.

Ciidanka ilaaladda qaranka ayaa qaba nooc kasta oo tababar ciidan ah kuwaas oo adkaysi iyo dhabar adayg u leh marxalladaha adag kaas oo ay ku wajihi karaan caddowga iyo khawaariijta dhibaataysay shacabka Soomaaliyeed,tan ayaa ka dhigan in gabi ahaan ba laga tirtiri doono kooxaha khawaariijta dhulka Soomaaliyeed.

khuburadda ku xeeldheer Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku sifeeyey soo guryo noqoshadda Ciidanka ilaaladda qaranka in ay ka dhigan tahay dhamaadka kooxaha khawaariijta sidoo kaleba si buuxda loo suggo amniga guud ee qaranka taas oo dadweynaha Soomaaliyeed iyo dowladda ba uga dhigan guul qaran.

Isbeddel dhaqaale.

Dhamaadka kooxaha khawaariijta ka dib waxa dib waxa isbeddel bulsho iyo mid dhaqaale ba ka curran doonaa Soomaliya taas oo ay dib u hawlgeli doonaan ganacsiyadda isaga gudba goboladda iyo degmooyinka kuwaas oo hore kooxda khawaariijtu u kala go’doomisay.

waxa sidoo kale adeegyadda dowladdu gaari doonaan goboladii iyo degmooyinkii mudada dheer ay go’doomisay kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay, falashadda beeraha iyo dhaqmaha xoollaha nool ayaa sidoo kale qayb ka noqon doona dhismaha kaabayasha nolosha ee unkami doona dhammaadka khawaariijta.

Isu socodka Gobolladda.

Dhamaadka kooxaha khawaariijta ka dib Waxa furmi doona isu socodka gobolada iyo degmooyinka dalka taas oo hore khawaariijtu u kala goysay,isku soo wada xoori dhamamaan filashooyinka ayaa ina tusinaya in tani ka dhigan tahay dhammmaadkii kooxaha khawaariijta.

WQ: SONNA

DAGAAL KA DHEX QARXAY KHAWAARIJTA WAA CALAAMADDA BURBURKOODA (WARBIXIN)

Calaamaddaha lagu garto Kooxi marka ay burubureyso ama ku jabto dagaal ayaa waxaa ka mid ah:- Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaanta ugu waaweyn, waxaana hadda laga warinayaa inay Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay dhammaan qodobadaasi ay ay isku haystaan, waxaana ka hadlay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamed Biixi Tahliil, wuxuuna sheegay in Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta ay hadda soo food saartay cabsi, wel-wel, Argagax, murunno xoog leh, is eedeyn, kala dambeyn la’aan iyo qaar kaloo badan, taasi waxa ugu wacan jabka ay kala kulmeen Jiidaha Dagaalka oo looga awood roonaaday.

Taliyaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay goob fagaar ah ee uu kula hadlayay Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaaarijta ee ka socota dalka,isagoo sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallaadasi lana sii laba jibbaari doono dagaalka lagula jiro khawaarijta,wuxuuna tilmaamay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea qeyb ka ahaa, dhawaan soo gaareen dalka, ayna qeyb ka noqon doonaan howlgallada socda, si khawaarijta looga ciribtiro guud ahaan dalka.

”Ciidankii tababarka ku maqnaa Xooggiisu dalka ayuu soo gaaray, dagaalka Khawaarijta ayuu ka qeyb galayaa waxaa la soo baray si cadawga loola dagaalamo wayna idinla howlgalaayaan dhawaan,” ayuu yiri taliye Biixi, isagoo hadalkiisa sii watana  ayaa sidoo kale ciidamada kula dar-daarmay in ay wanaajiyaan hab-dhaqankooda iyo tan bulshada, qof walbana lagu abaal marin doono sida ay uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga ciribtirayo  khawaarijta Al-shabaab.

Dagaal u dhexeeya kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka baxsaday deegaanka Dabagalo oo doonayey inay isu dhiibaan ciidanka dowladda ayay maleeshiyo kale ku dagaalameen agagaarka magaalada Camaara ee gobolka Mudug, Dagaalka oo socday ilaa iyo hal saac ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7-ka tirsan maleeshiyada, iyadoo Qof goob jooge ah uu SONNA u sheegay inuu arkay maleeshiyada qaar ka mid ah oo la soo xirxiray, iyaga oo gaari saran, taasina waxay noqoneysaa calaamad weyn oo muujinaysa sida kooxdan argagixisada ah ay ugu jabtay dagaalada ka dhanka ah, islamarkaana  aysana sii jiri doonin.

Kooxada khawaarjita ayaa hadda mareysa meeshii ugu dambeysay bur-burkooda kadib markii, dhexdooda katafatay, taas oo muujineyso dhammaadka kooxdan, waxaana la soo warinayaa in uu dagaal dhex maray Maleshiyaadka ka wada tirsan Kooxda argagixisada ah eek u sugan Deegaanno hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan, iskuna dhiibaan Ciidamada Soomaaliya, si ay naftooda ugala fakadaan, maadamaa la isku yimid oo meel lagu fakado aan la arkeyn.

Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jabhadda ka dagaalama Deegaanada Xarardheere ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray, iyadoo Ruux ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda SONNA uu u sheegay inuu arkay maleeshiyaad ku geeriyooday dagaalka, kuwa ku dhaawacmay dagaalka iyo maleeshiyaad la qabtay oo la isku xir xiray laguna tuurayo Gawaari Dagaal.

Ku dhowaad 10-ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta dhexdooda oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana Ilo xog ogaal ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dagaalka markii uu dhacay ka dib in Khawaarijtu amaro cusub ay ku soo rogeen maleeshiya iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ah ee jooga magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug, amaradaasna waxaa ka mid ah:-

  1. In Gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan khawaarijta aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe. Ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto oo lala aado dhanka Ciidanka Dowladdu ku sugan yihiin.

2.In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo Khawaarij ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, iyagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan, maadaama qaar laga shakisan yahay ay ku jiraan.

Wararka ka immaanaya Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalkaan uu dareen ka dhex abuuray magaalada, madaama Horjoogayaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dagaalamay ay labaduba ka soo jeedaan deegaan ahaan gobalka Mudug, waxaana jirta tan iyo markii ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ay u kaceen inay iska dulqaadaan Khawaarijta dooxatada iyo dhiig miiratada ah, lagana saaray in ka badan 50 magaalo ayaa wuxuu wal-wal iyo walaac xooggan soo wajahay horjoogayaasha khawaarijta ah.

Haddaba su’aasha ayaa ah maxaa keenay inay dhexdooda uu dagaal gacan ka hadal uu dhexmaro Kooxda Khaaarihta ah?, su’aashaasi jawaabteeda ayaa ah mid fudud oo si sahlan loo heli karo jawaabteeda, waxayna tahay in Maleeshiyaadka Kooxda iyo Horjoogayaashoodaba ay ku jabeen Dagaalkii dhinacyada badnaa ee ka koobnaa mid dhinaca Militariga ama Ciidan oo aad looga itaal roonaaday, mid dhinaca Dhaqaalaha ahaa oo laga soo xirxiray meelihii ay lacagaha ka abuuri jireen ama u soo mari jirtay iyo midka Fikirka ama wacyigalinta ku aadan maxay diintu ka qabtaa Kooxda, taasi oo lagu sheegay inay tahay ama loogu yeero magaca Khawaarij, ayaa waaxaa soo wajahay, islamarkaana uu ka soo muuqdo calaamadaha marka ay Kooxi burburayso, taasi oo ah  Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaamaha ugu waaweyn.

Waxaa kaloo muuqda in ay kaga soo dhammaaneyso joogitaankooda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, maadaama horey looga saaray Maamulka Hieshabeelle, hadana lagu guda jiro dib u xoreynta Deegaanada ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug oo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo food saaray cabsi weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay kala shakiyaan, kilaafna soo kala dhexgalo, leysna aamini waayo, waxaana jirta in aysan kala amar qaadan, waxayna markaasi keyneysaa in la kala dhuunto, arrimahaasi ayaa muujinaya koox burburkeed.

Waxaa diyaariyay C/laahi Ruush

WAXTARKA AY LEEDAHEY QUDAARTA CAGAARAN.

Maqaalkaan waxaan uga hadli doonaa oo ku faahfaahin doonaa faa’idooyinka iyo waxtarka ay inoo leedahay qudaarta qaar, waxaana ka mid ah:-

1) Sare ee Antioxidants Waxyaabaha ugu wanaagsan ee waxtarka wanaagsan waa, waxay ka buuxaan sunta ka hortageyaasha ah! Haa! Khudaarta cagaaran waxay hodan ku yihiin fiitamiin A – waxay u fiican yihiin dhisida difaaca jirka ee dabiiciga ah, fiitamiin C maqaarka caafimaadka qaba iyo lafaha iyo fitamiin K si ay jirkaaga uga caawiso inuu dhakhso u bogsado markii loo baahdo. Ka sokow fiitamiinadan, khudaarta cagaaran ee quruxda badan ayaa sidoo kale hodan ku ah potassium iyo iron.

2) Waxaa ka buuxa Macdanta Khudaarta cagaaran, gaar ahaan isbinaajka, waxaa lagu yaqaanaa inay ku badan tahay magnesium. Magnesium waa macdan lagama maarmaan u ah joogteynta caafimaadka muruqyada, iyo sidoo kale sameynta lafaha – waxay ka caawineysaa nuugista kalsiyum.

3) Ilaha dabiiciga ah ee Fiber Cagaarka cagaarka ahi waa il macaan oo laga helo fiber dabiici ah, caawisa dheef shiidka iyo gaabinta heerka uu jirkaagu uqabo sonkorta. Tani waxay ka hortageysaa kor u kaca kacsan ee gulukoosta dhiigga.

4) Waxay wanaajisaa dheef-shiid kiimikaadkaaga Sida caleenta, cagaarka cagaaran ee burbursan ayaa ku badan bir iyo fiber, waxay si dabiici ah u wanaajinayaan dheef-shiid kiimikaadkayada waxayna ku sii hayaan wax soo saarka unugyada dhiigaaga casaanka heer caafimaad leh. Markaa saxankaaga kor u qaad!

5) Waxay kaa dhigeysaa inaad dareento mid aad u sii dheer Maaddaama ay ku badan tahay xayrta fiber-ka, cagaarka ayaa ah xalka ugufiican ee calool-xumaanta. Inta badan ee aad wax cuntid, waxay u badan tahay inaad la kulanto junk-ka koobka!

6) Wuxuu Ilaaliyaa Indhahaaga Sida hore loo soo sheegay, Lutein iyo zeaxanthin, midabka dhirta ee laga helo khudaarta cagaaran ee cagaarka ah ayaa la sheegay inay saameyn waxtar leh ku leeyihiin heerarka midabka indhahaaga markay cunayaan ugu yaraan 10mg maalintii.

7) Ilaalinta qoraxda Hadda ha iska tuurin muraayadda qorraxdaada – weli dhihi mayno ‘veg cagaarkaaga’ waa bedel! Si kastaba ha noqotee, waxaa la sheegaa inay kordhineyso difaaca jir ahaaneed ee jirkaaga waxyeelada qorraxda iyo xitaa dayactirka, Thanks to your vitamin khudradda cagaaran, folic acid iyo beta-carotene.

  1. Siin Naftaada Khudaarta cagaaran ee cagaarka ahi waa isha weyn ee folate, tanina waxay gacan ka geysaneysaa wax soo saarka serotonin, waxaad ka heli kartaa niyaddaada kor u qaad!

9) Waxay kuu ilaalinaysaa Biyo la’aan Ugu dambeyntiina, khudradda cagaaran waxay kujiraan biyo fara badan, taas oo macnaheedu yahay ku darista saxankaaga waxay kaa caawineysaa inaad biyo qaboojiso, joogtaynta maqaarkaaga caafimaad iyo timahaaga.

WQ: Cabdisalaan Sidiiq