Duqa Muqdisho oo furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir Ivo Dowladda hoose ee Xamar kaas oo socon doono muddo 3-Cisho ah.

Mudane ,Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxda shirkan ka qeyb-galeysa in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada, islamarkana aan la aqbali doonin Musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

Guddoomiyaha golaha Shacabka JFS oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeed, iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo, wufuudda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS, isagoo ku dhiirrageliyay in laga taxadaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan amniga.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan howlaha Xajka ee sanakan 2023

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali ayaa magaalada Jiddeh ee dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya , Dr. Tawfiq Al-Rabiah.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa qorshaha  howlaha Xajka ee Sanadka 2023-ka, iyagoo kala saxiixday heshiis ku aaddan jaanjooyada Juxeyda Soomaaliyeed.

Qodobbada ay labada mas’uul kala saxiixdeen ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya loo oggolaaday Sanadkan 11,500 (Kow iyo toban kun iyo shan boqon) oo Xujey ah iyo inaan wax shuruud ah oo ku saabsan xayiraadihii Corona Virus aan lagu xirin.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddeh, Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf), iyagoo ka qeyb galay marti qaad ballaaran oo loo sameeyay dhammaan Wasiirrada Xajka iyo arrimaha Diinta ee dunida Islaamka.

Ra’iisulwasaare Xamse oo gurigiisa Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Warfaafinta,wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo awqaafta, Safiirka safaaradda Soomaliya ee Dalka Masar iyo la taliyaha xiriirka Caalamiga ah ee Ra’iisulwasaaraha ayaa xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim uga xog warramay xaaladda guud ee dalka.

“ Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa dhankiisa soo dhaweeyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed ee hor kacayso dedaallada dib looga xoreynayo dalka kooxaha Khawaariijta ee dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa hooyo.

Caalamka oo u soo jeestay Ciribtirka Khawaarijta(Warbixin)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Nofember ee sanadkii 2022-kii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagaxiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto, waxaa kaloo walaac ka muujinaysay sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika.

Cunaqabaraynta ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan, in kastoo Dowladda Soomaaliya ay taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka, waxa uuna ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab., balse Qaraarkan ayaa lagu sheegay in uu ilaalinayo cunaqabataynta hubka ee la ansixiyay, kaas oo mamnuucaya iibinta ama wareejinta qeybaha muhiimka ah ee walxaha qarxa ee ay Al-Shabaab adeegsato, mamnuucidda soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha iyo in la xayiro safarrada iyo hantida dadka khatarta ku ah nabadda, xiriirna la leh al-Shabaab, oo ay ku jiraan maalgelinta ama fududaynta hawlaheeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaana jira Dowlado badan oo ka taageera sidii dib loogu dhisi lahaa waxaana ka mid ah Dowladda aan Walaalaha nahay ee Turkiya, iyadoo ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga  fagaaraha dagaalka.

Waxaa kale oo ka mid Dowladaha nala garab jooga dib dhiska iyo qalabeynta Ciidanka Dowladda Maraykanka, waxay dhawaan soo gaarsiisay Dalka Hub iyo saanad ciidan, waxaana kala wareegay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa munaasabadda ay ku wareejinayeen hubka, agab ciidan iyo gadiidka ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen xoojinta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ee argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ciidanta, ayna taageeradan fariin u tahay dalalka kale sida Soomaaliya ay ugu diyaar garowday ciribtirka argagixisada, laguna aamini karo hubka casriga ah, iyadoo Wasaaradda gaashandhigga mudooyinkii dambe xoojineysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Khawaarijta, ilaaiyo haddana laga xoreeyey deegano badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa jira in Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe sida uu warbaahinta u xaqiiyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta oo lagu qiyaasay tiradooda 150, oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyagoo sidoo kale goobta ku diyaariyay Gaadiid ay Qaraxyo ay ku xireen, kuwaasi oo kala ahaa Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha Qarxa ay qorshaynayeen inay soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed, waxaana dhawaan ka hadlay oo faahfaahin dheeri ka bixiyay Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Ganeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, halka ay marayaan iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Generaal Caanood ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray howlgalka, islamarkaana deegaanno badan laga saaray Argagixisada, wuxuuna shaaciyay amarro la xiriira amniga iyo sida loo xasillinayo goobaha la xorreeyay, isagoo tilmaamay in aan la aqbali doonin dad shacab ah oo isticmaalaya furumaha dagaalka, taasi oo keeni karta in cadawgu ku soo dhex dhuunto dhibna uu ka geysta, sida qaraxyadii ka dhacay degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

“Waxaa mamnuuc ah in marka goobta lagu dagaalamay la qabto oo amniga la xaqiijiyo, in shacabka iyo gawaarida ka yimaada gobollada kale ay soo maraan goobahaas, taasi  oo bixin karto sirta ciidanka, waana in ciidanku ay sameystaan Aagag aan dadka shacabka ah ka soo ag dhawaan Karin, lana sugu amniga degaannada cadawga laga xorreeyo “Ayuu yiri Afhayeenku, wuxuuna ugu dambeyntii ciidamada faray in ay foojignaan dheeri ah galaan si ay uga nabad galaan dhagarta cadowga, maadama Khawaarijta la wiiqay awood iyo fikir ahaan intaba.

Maalmahaan dambe gobolka Mudug ayaa waxaa ka socday qaban qaabo ku aadan xoreynta deegaanada Khawaarijtu kaga Sugan tahay Gobolkaasi iyo guud ahaan Galmudug, waxaana la gudagalay wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee loo bixiyay Khawaarijta, waxaana jira in Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Qaranka ee Danab,Gorgor iyo xooggaga deegaanka ay ku wajahan yihiin Deegaannada Bacaadweyn,Camaaro, Shabeelow iyo kuwa kale oo Khawaarijtu ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen Maalmihii la soo dhaafay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku suganaa Degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wajahan yihiin degaanada Camaara, Bacaadweyn, Qayacad, ee gobolka Mudug si looga xoreeyo maleeshiyaadka khawaarijta, waxaana jira in Maalmahaan dambe gobolka Mudug ay ka socdaan qaban qaabo ku aadan xoreynta deegaanada Khawaarijtu kaga Sugan tahay Gobolkaasi iyo guud ahaan Galmudug.

Guntii iyo gabagabdii waxaan la dafari kareyn in Guulo wax ku ool ah laga gaaray howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee sida hufan uga socday dalka gaar ahaan Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana muuqda in dhawaan laga soo jeesan doono Deegaanadaasi, loona sii gudbo dhulka koonfurta Soomaaliya,iyadoo la kaashanaayo saaxiibada Soomaaliya .

Waa diyaariyay C/laahi Ruush

Shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho shirka Banbaxa Gobolka Banaadir oo ujeeddadiisu tahay isbarasho iyo in la isku keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka si loo hormariyo, dib-u- habayna loogu sameeyo qaab dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlayaa inuu maamulka Gobolka Banaadir yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed oo ku saleysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyada bulshada Magaalada Muqdisho.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO-FAAY QEYBTA 24AAD

Habarta sida badan kama xarig xirtaan, cabsi weynna kama qabaan, inkastoo markay canaanato amarkeeda u hoggaansamaan. Kalgacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabaan iyo sida joogtada ah ee ay ugu ag dhow yihiin, ayaa malaha dabooshay cabsidii ay ka qabi lahaayeen. Marka odaygu maqan yahay qofka keliya ee ay ka cabsadaan waa Injineer Axmed, oo curadka reerka ah.

Siiba intii uu dibedda ka soo laabtay, isagoo nin weyn noqday, wuxuu la yeeshay haybad gaar ah. Jaamac Dhegey, neecowdii macaanayd iyo shaahii udgoonaa ee afadiisu u keentay markay madaxa dajiyeen, ayuu wax soo gocday. Markaasuu saacaddi eegay. Weli waa maalin weyn. Afartii galabnimo daqiiqado yar bay dhaaftay. Ma dhawa saacaddii uu is diyaarin lahaa. Shanta iyo barka ayuu soo marayaa saaxiibkii Cawaale, sidii uu saaka taleefoonka ugu sheegay.

Jaamac waxaa ku kulmay maskaxdiisa oo teleefoonkii Cawaale ku soo dhacay iyo indhihiisa oo ku dhacay afadiisa Cambaro, oo intay meel shan tallaabo u jirta darin yar ku fariisatay, harqad qabyo u ahayd dabaac ku tolaysa.

Laan ubax ah oo maro buluug ah qalin qori ku dul sawiran bay dun dhowr midab ah la raacaysay. Iyadoo hawsheedii ku sii jeedda, ayuu ka il buuxsaday: diriceeda dhulka daadsan iyo jirkeeda sida qaab darrada ah u cayilay ee cadba dhinac u fuuray. Wuxuu milicsaday dhabannadeedii uu waa arki jiray iyagoo dhalaalaya. Cimriyow ba’! Waa kuwaas duuduubka yeeshay xirribihii cukanaan jiray.

Waa kuwaas harwashka dhigay camankii cuddoonaan jiray. Isagoo il naxariis leh ku eegaya ee sidii qof uu waa aqoon jiray, sanooyinkaanse arag, kor iyo hoos ku jeedaalinaya, ayaa wax ku soo dhaceen. Markaasuu isu qoslay.

Haddana intuu is qabtay buu wajigeeda isha qac ku siiyey. Wuxuu ka baqay in ay qosolkiisa dareentay. Ma jeclayn in ay ku soo jeesato. Markuu hubsaday in ay hawsheeda ku maqan tahay ayuu kursigii dib ugu dhacadiidsaday.

Masaakiin Cambaro! Allow cuqubadeeda iga du! Tolow maxay fali lahayd, hadday og tahay waxa aan caawa samayn doonno aniga iyo Cawaale! Maxay oran lahayd hadday saaka taleefoonkii Cawaale dhankeeda ka qabsato, ee maqlayso, markii uu lahaa, “Caawa fadhigu waa aniga!” Hadday dhegta u dhigayso markii uu kala shaandhaynayey liiska naagaha guryahooda lagu qayilo, ee igala tashanayey tii loo xilsaari lahaa barnaamijka caawa! Cambarooy Allow ha ku cadaabin! Cawaale marka uu hadhow ii yimaado, farxad iyo qalbi furan bay ku soo dhaweyn doontaa, sidaadii. Waad u qoslaysaa, isaguna kuu soo qoslayaa, kula kaftamayaa. isaga kaa dhigayaa gacalkaa same-jecle ah.

Afow yeelkaa, uurow Allaa ku og! Kala fogaa qosolkaaga iyo kiisu! Aniga waad iga shaki qabtaa, isagase kama shaki qabtid. Aniga maqnaantayda iyo soo daahiddayda uun baad aragtay, iyo xanta dumarka qaarkood kuu keenaan. Laakiinse ma ogid macallinka jidkaas cusub ii horseeday in uu yahay Cawaale iyo saaxiibbadiisa kale ee lacagta leh, adiguna hantidooda iyo magac dheeridooda awgeed, markaad aragtaba xushmad weyn baad ku soo dhawaysaa, kuna faantaa in ay ninkaaga saaxiib la yihiin ikhyaartaas haybadda leh! Laakiinse waxba ma aha Cambarooy, maxaa ka micne ah.

Cawaale waxba ma bi’in. Wanaagna kulama necba. Marka uu meelaha qaarkood i gaynayo, waxyaalaha qaarkoodna ii horseedayo, kama aha Cambaro ku xad gudub. Waxay ka tahay saaxiibkaa Jaamac raalli geli.

Ka farxi. Isna markiisa ha kaa farxiyo. Waxaad uga baahatana ha kuu fuliyo. Aniga qudhaydu ma jecli inaan xuquuqdaada ku xad gudbo. Wax aan kaa bi’iyey ma jiraan. Waxba iskama baddelin gacaladii aan kuu qabay iyo qiimihii aad iigu fadhiday. Ha ka cabsan inaan iraahdo Cambaro gabowdaye iska fur, oo gabar yar ku soo baddelo. Markaas ma wax baan dhimay intii aan sidaas yeeli lahaa haddaan habeen habeen gabdhaha yar yar isaga fool baxsado. Maya. Maya. Wax aan kuu dhimay ma jiraan.

Cawdi billayso saaxiib. Asaaggay dhawr naagood bay qabaan, haddana ka qarraafaan. Caqli haddaad leedahay fasax sharci ah baad ii siin lahayd fool baxsiga. Iguma kallifteen suuq madow. Dembiga kale uun baa ii darane adigu waxba iguma sheegan kartid. Dembiga aakhiro Alla ha naga dhaafo. Allow noo dambi dhaaf. Ilaahow tooba. Ilaahow tooba!” Markii fekerkiisu halkaas maraayey buu madaxa hoos u rogtay, wajigiisiina is baddalay. Wuxuu xusuustay in uu joogo waqtigii uu casarka tukan jiray.

Waxaa maskaxdiisa isku hardiyey xusuustii salaadda ee hadda ku soo dhacday iyo tii macsida ee hore ugu jirtay. Wuxuu is yiri, Sidee salaad kuugu ansaxaysaa adigoo weli niyadda ku haysta dambiga weyn ee aad caawa ku kici doontid? Sidee ugu bareeri kartaa in aad Ilaah is hortaagtid, ee naftaada iyo carruurtaadaba khayr uga baridid, adigoo ku tala jira in aad caawa amarkiisii jabisid? Ma been baad u sheegi kartaa sida aad Cambaro beenta ugu sheegi doontid, ee marka aad baxayso u oran doontid: Caawa shir dheer baa la iga wacay, waana ku soo daahi doonaa? Maya. Maya. Iska dhaaf salaaddaas. Ha isku luggoyn lagaa aqbali mayee. Iska raaxayso nafta ha cadaabine. Ka faa’iidayso waqtiga kuu soo maray. Laakiin taasi sow aakhiro-waa ma aha? Ma adigoo maanta da’daas ah baad fisqi u go’doomaysaa, ee cimrigaaga dhammaaday ceeb ku sagootinaysaa.

Ee adduun iyo aakhiraba isku ceebeynaysaa! Aaway magacaagii iyo haybaddaadii lagugu wada qaddarin jiray? Allaylehe waa ba’day. Kala fogaa sida dadku kuu qabo iyo sida aad tahay. Allow tooba. Allow tooba. Allow tooba! Baabi’i barnaamijka caawa. Cawaale iyo barnaamijkiisuba badda ha galeen. Oo caawa haddaad baabi’isid ma ku sii wadaysaa. Haah. Maya. Go’aankaasi waa kii aad hore u fulin kari wayday. Waa laba daran mid dooro. Islaantaan cimriga ah ag fadhigeeda, ama hablaha curdanka ah iyo cadaab aakhiro. Raaxa la’aan ama aakhiro la’aan. Maxaan yeelaa? Maxaan yeelaa? Ma ogi.

Ma ogi. Ma ogi! Bes. Bes. Bes. Waan tooba keenayaa, Cawaale iyo barnaamijkiisa bul Alla ha siiyo! Bakeerigii shaaha ahaa barki oo uu isla hadalkii ku illaaway, ayuu intuu hal mar qab ka siiyey, xabbad sigaar ah la soo baxay.

Dhididkii neecowdu ka qallajisay, ayaa korkiisa dib u qooyey, shukumaankii buu isku tirtiray. In dhawaydba isla hadalkaasi cudur buu ku ahaa. Wuxuu noqday laba nin oo muuqaalka mid qura ka ah, muran joogto ahi ka dhex taagan yahay. Waa mid nolosha cusub ee uu sannadahaan dambe billaabay ku fara baxsanaya iyo mid uga digaaya. Inkastoo da’diisu lixdan sano sii haabanayso, haddana waxaad mooddaa in uu intaas aad uga yar yahay. Wuxuu dareemayaa firfircooni iyo xoog dhalanyarannimo oo la yaab leh. Dareenkaasi wuxuu ku sii kordhay sanooyinkaan dambe, intii uu ladnaanta is biday. Noloshiisii hore dhibaatooyin fara badan buu soo maray. Labaatankii sano ee dunida ugu horraysay, laba mooyee intii kale miyi buu ku soo dhammaystay. Wuxuu ahaan jiray geel jire kibir badan oo aflagaaddada iyo dagaalku ka soo horreeyo. Cidna kama haybaysan jirin. Wiilasha ficiisa ah ee ay geelleyda isla ahaayeen way ka cabsan jireen. Kuwa ka yaryarna amar kulul buu siin jiray. Hadday ka diidaanna waa garaaci jiray.

Mid sidaas ugu ciil qabay, ayaa habeen isagoo golaha jiifa, ee geela cawaysinkiisa la sugaayo, wuxuu damcay in uu faas madaxa ku kala jeexo. Mid arkayey baa intuu ku soo orday ka balfiyey. Markaasuu faaskii oo dalambaabi ahi dhegta uga dhacay ee dacal gooyey, hoostana ka daqray. Sidaas ayaa loogu bixiyey Jaamac Dhegey. Noloshii miyigu markay ku adkaatay, ayuu magaalo u soo qaxay, isagoo siddeed-iyo-toban jir ah. Wuxuu soo maray nolol is-korisnimo oo aad u qallafsan: darbi-seexad, jar-iska-tuur, xammaal, iyo wixi la mid ah.

Ka dib ganacsi iyo shaqo dawladeed buu midba mar isku dayi jiray, inta badanse wuxuu ahaa shaqaale dawladeed, inkastoo uu weligii niyadda ka jeclaa inuu beec-mushtar noqdo ee shaqaalannimada uga baxo. Dhawr sano ka hor, ayuu gaaray inuu agaasime guud ka noqdo mashruucii uu ka shaqaynayey. Waa muddadaas inta uu bilaabay noloshaan cusub.

Sida dhaqaalihiisu isu baddalay, ayuu dhaqankiisuna isu baddelay. Isbaddelka xagga dhaqanka ah waxaa u hor kacay saaxiibbo nooc cusub ah oo uu muddadaas yeeshay, danahooduna isku xirmeen. Dhallinyarannimadiisii reero tumasho ma ahayn. Awooddiisuna umaba oggolayn. Intii uu xaaska noqdayna wuxuu halgan adag ugu jiray sidii uu carruurtiisa ku korsan lahaa. Hadda uun bay carruurtii koreen, qaarkood ka feer shaqeeyeen, dhaqaalihiisuna ka batay baahidii nolol-maalmeedda qoyska. Markaasay ku furantay dariishaddan cusubi. Muddo aan saddex ilbiriqsi dhammayn, aya

la soco qeybta xigta

WQ: MAXAMED DAAHIR AFRAH

 

SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTA-1AAD)

Xusuus:-
Buugan Sheekada ahi waxaa qoray M. X. Cismaan, iyadoo uu qeyb ka ahaa buugani waxyaalihii ay qabatay hayaddii Akademiyadii Cilmaga Fanka iyo Suugaanta ee Dawladii Soomaaliya. Waxaana buugan lagu daabacay Wakaaladii Madbacada Qaranka 1983. Xuquuqda waxay u dhowran tahay qoraha.

ARAR

Waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaado, waa ma dhacdo in si isku mid ah dhammaan dadku u wada noolaado, ha yeeshee waxaa iyana jirta in fiiro loo yeeshaana ay tahay arrin lama huraan ah in loo qiro loona ogaado qof kastiba kaalinta uu bulshada kaga jiro xagga wax qabadka iyo xag wax qabisba. Arrintani maaha mid loo dhasho ama la iska dhaxlo ee waa mid ku xiran hadba qofku siduu wax u qabanayo.
Qofku waxa uu qabanayo waa in loo ogaado, laguna xaq mariyaa. Haddii taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana aha dulmigaasi mid Ioo baahan yahay.
Adeegto (BOOYEESO) waa qiso ku saabsan gabar markii hore ahayd reer baadiye, markii xigayna magaalo soo gashay. Qisadu waa nolosha gabadhaa, mar kastaba way dulmaneyd aan ahayn markii ugu dambaysay ama qaybtii dambe ee nolosheeda taasoo cid alla baxshay, nin ay mahadisaynà haleeshay ugu dambayn.
Waa mid aynu wada og nahay nolosha gabar raja ah oo baadiye ari aayadeed madax ugu tahay raacda, waxaynu kaloo ogsoon nahay qofka adeegto, Booyeeso ama jaariyad la yiraahdaana sida ay u nooshahay, midda kaloon sida fiican u wada naqaannaa waa dhaqammada xun ee aynu Ieenahay ee la xiriira dhanka guurka ama waxa lagu magacaabo is-gayidda. Dhammaan tilmaamahan waxaad ka heli doontaa qisadan. Waa mid jirta in dhaqan xumada dad rabey faraha kaga guban doono,siday u filayeenna ay noqon weydo.

*****

 

SHEEKADII NINKII CIRKA WEYNAA

Beri baa nin safar ah u soo hoyday reer meel baadiye ah deggan. Reerkii ayaa sidii dhaqanka wanaagsan ee suuban ee soomaalidii hore ahaa, u sameeyay ninkii martisoor.

Ninkii waxaa loo keenay gogol uu ku nasto, marka uu seexanayana uu ku seexdo. Reerkii ayaa si ay ninkan safarka ah u sooraan ka soo soocay xoolihii ay dhaqanayeen neef dheyla ah oo buuran.

Hilibkii neefka oo dhan ayeey reerkii sifiican u karsheen dabadeedna u keeneen ninkii martida ahaa. Waxaa kale oo loo keenay caano badan oo dambar leh, oo markaa la soo lisay.

Markii cuntada loo keenay ayaa ninkii martida loo ahaa wuxuu doonay faraxal. Intii uu faraxalka ku maqnaa ayuu ninkii martida ahaa cunay wixii hilib iyo soor ahaa, oo kaddibna caanihii isaga dejiyay. Markii uu ninkii martida loo ahaa faraxalkii keenay ayuu arkay raashiinkii oo eber ah.

Sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd soomaalida, waxba ma uusan oran ninkii oo wuu iska aamusay. Ninkii martida loo ahaa intuu fadhiistay ayuu weeydiyay ninkii safarka ahaa meesha uu u socdo. Ninkii safarka ahaa ayaa yiri, waxaan u socdaa magaalada oo waxaan rabaa inaan takhtar u tago.

Ninkii martida loo ahaa ayaa yiri, miyaad xanuunsan tahay. Ninkii safark ahaa ayaa ku warceliyey oo yiri, waxaa iga xiran cuntada oo daawaan doonanayaa. Ninkii baa intuu yaabay, wuxuu ku yiri ninkii martida ahaa ee safarka u socday, waxaan kaa codsanayaa inaadan marka cuntada laguu soo furo aadan isoo marin.

Ninkii martida loo ahaa wuxuu is yiri, ninkan neefkii iyo soortii cunay, caanihii aad ogeydna cabay, marka raashiinka loo soo furo, toloow muxuu cuni doonaa.

Xigasho:Web-Dhugasho.Com

SIDEE KHAWAARIJTU U DILEEN SHAHIID HIBAAD CALI DASAR? (WARBIXIN)

Halgamaa Hibaad Cali Dasar ayaa shihiiday isaga oo kor yeelaya sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo qiimaha Diinteenna Suubban, wuxuuna halganka ka dhanka ah Khawaarijta u istaagay ka dib markii Khaawrijtu ay dadka deggan deegaanka Guulane guryahooda uga kireeyeen Lacag badan oo aysan  awoodin.

Alle ha u naxariisto Hibaad Cali Dasar oo ahaa hoggaamiyihii dad iska abaabulay degaanno hoos yimaadda degmooyinka Cadale iyo Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bilaabayna dagaalka ka dhanka ah kooxda naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaal ay Khawaarijta kula galeen deegaanka Guulane bishii October 1,2018, kaas oo Kooxda looga dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan.

Dad badan oo isugu yimid deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada hoos yimaado, ayaa xusay halgankii guuleystay ee furaha ay u ahaayeen shihiid Hibaad iyo halyeey Nuur Cali Jumbur, kuwaas oo taariikhda ka galay baal dahab ah.

Maxamuud Taakoow wuxuu ka mid yahay saaxiibada Hibaad Cali Dasar, sidoo kale, aqoon durugsan u leh Nuur Cali Jumbur, wuxuuna ka warramay taariikhda labadan halyeey sida uu ku bilowday go’aankan loo aayay ee Hibaad & Jumbur.

“ Mucawiisley waxaan aas-aasnay 2014, dagaalkana waxaan bilownay 2016-kii, waxayna ku shihiideen meel la yiraahdo Buur-dacar, raggii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay dagaalka xaq u dirirka ah ayey kow ka ahaayeen,” ayuu yiri Mr. Taakoow.

Arxaan-laawayaasha ayaa Qoorta ka jaray ka dibna madaxiisa ayay ku soo wareejiyeen magaalooyin badan si ay dadka ugu cabsi galiyaan, warbaahinta qaranka ayaa dul istaagtay ceelkii Khawaarintu ku rideen Hibaad Cali Dasar Aabihii halganka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo dhowaan ka hadlay munaasabad loogu duceynayay shihiid Hibaad Cali Dasar iyo shuhado kale ayaa sheegay in halgamaa Hibaad uu shihiiday isagoo kor yeelaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suubban iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta.

“Runtii Waxay meel sare kaga qoran yihiin halganka jihaadka ah ee ummadeennu kula jirto khawaarijta oo muddo kooban gudahood aan dalka kaga xoreyn doono innaga oo kaa shanayna shacabkeenna sharafta leh,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Hibaad Cali Dasar oo hoggaaminayey ciidamada dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la geeriyooday haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur, labadan muwaadin iyo kuwo kale oo badan waxay naftooda iyo maalkooda u hureen difaaca dadka, dalka iyo Diinteenna Suubban oo ay si qaldan u fasireen Khawaarijtu.

Alle ha u naxariistee, Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo sabab u ahaa in ay dadka deegaanka hubka qaataan lana dagaalamaan Khawaarijta ayaa hadda waxaa mira-dhal noqday ujeedka halgankoodii, waxayna dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ku dhiiradeen in ay dagaalamaan oo ay deegaano badan ka saaraan argagixisada.

Waxaa isbeddel dhanka nolosha ah laga dareemayaa deegaanadii halganka uu ku bilowday ee gobolka Shabeellaha dhexe, sidoo kale, waxaa rumowday riyadii uu la god galay halgamaa Hibaad Cali Dasar iyo muwaadiniintii kale ee ka bar bar dagaalamayay, iyadoo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al-shabaab ka tir-tiraan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanka Guulane, oo ah halka uu halganka ka bilaabay shihiid Hibaad Cali Dasar, waxay 50 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, maanta waxaa laga darreemaya nabad iyo in dib ay u soo laabatay horumarka iyo noloshii bulshada.

SONNA EDITORIAL