SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTA-1AAD)

Xusuus:-
Buugan Sheekada ahi waxaa qoray M. X. Cismaan, iyadoo uu qeyb ka ahaa buugani waxyaalihii ay qabatay hayaddii Akademiyadii Cilmaga Fanka iyo Suugaanta ee Dawladii Soomaaliya. Waxaana buugan lagu daabacay Wakaaladii Madbacada Qaranka 1983. Xuquuqda waxay u dhowran tahay qoraha.

ARAR

Waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaado, waa ma dhacdo in si isku mid ah dhammaan dadku u wada noolaado, ha yeeshee waxaa iyana jirta in fiiro loo yeeshaana ay tahay arrin lama huraan ah in loo qiro loona ogaado qof kastiba kaalinta uu bulshada kaga jiro xagga wax qabadka iyo xag wax qabisba. Arrintani maaha mid loo dhasho ama la iska dhaxlo ee waa mid ku xiran hadba qofku siduu wax u qabanayo.
Qofku waxa uu qabanayo waa in loo ogaado, laguna xaq mariyaa. Haddii taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana aha dulmigaasi mid Ioo baahan yahay.
Adeegto (BOOYEESO) waa qiso ku saabsan gabar markii hore ahayd reer baadiye, markii xigayna magaalo soo gashay. Qisadu waa nolosha gabadhaa, mar kastaba way dulmaneyd aan ahayn markii ugu dambaysay ama qaybtii dambe ee nolosheeda taasoo cid alla baxshay, nin ay mahadisaynà haleeshay ugu dambayn.
Waa mid aynu wada og nahay nolosha gabar raja ah oo baadiye ari aayadeed madax ugu tahay raacda, waxaynu kaloo ogsoon nahay qofka adeegto, Booyeeso ama jaariyad la yiraahdaana sida ay u nooshahay, midda kaloon sida fiican u wada naqaannaa waa dhaqammada xun ee aynu Ieenahay ee la xiriira dhanka guurka ama waxa lagu magacaabo is-gayidda. Dhammaan tilmaamahan waxaad ka heli doontaa qisadan. Waa mid jirta in dhaqan xumada dad rabey faraha kaga guban doono,siday u filayeenna ay noqon weydo.

*****