TIXANAHA SHEEKADA MAANO-FAAY QEYBTA 24AAD

Habarta sida badan kama xarig xirtaan, cabsi weynna kama qabaan, inkastoo markay canaanato amarkeeda u hoggaansamaan. Kalgacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabaan iyo sida joogtada ah ee ay ugu ag dhow yihiin, ayaa malaha dabooshay cabsidii ay ka qabi lahaayeen. Marka odaygu maqan yahay qofka keliya ee ay ka cabsadaan waa Injineer Axmed, oo curadka reerka ah.

Siiba intii uu dibedda ka soo laabtay, isagoo nin weyn noqday, wuxuu la yeeshay haybad gaar ah. Jaamac Dhegey, neecowdii macaanayd iyo shaahii udgoonaa ee afadiisu u keentay markay madaxa dajiyeen, ayuu wax soo gocday. Markaasuu saacaddi eegay. Weli waa maalin weyn. Afartii galabnimo daqiiqado yar bay dhaaftay. Ma dhawa saacaddii uu is diyaarin lahaa. Shanta iyo barka ayuu soo marayaa saaxiibkii Cawaale, sidii uu saaka taleefoonka ugu sheegay.

Jaamac waxaa ku kulmay maskaxdiisa oo teleefoonkii Cawaale ku soo dhacay iyo indhihiisa oo ku dhacay afadiisa Cambaro, oo intay meel shan tallaabo u jirta darin yar ku fariisatay, harqad qabyo u ahayd dabaac ku tolaysa.

Laan ubax ah oo maro buluug ah qalin qori ku dul sawiran bay dun dhowr midab ah la raacaysay. Iyadoo hawsheedii ku sii jeedda, ayuu ka il buuxsaday: diriceeda dhulka daadsan iyo jirkeeda sida qaab darrada ah u cayilay ee cadba dhinac u fuuray. Wuxuu milicsaday dhabannadeedii uu waa arki jiray iyagoo dhalaalaya. Cimriyow ba’! Waa kuwaas duuduubka yeeshay xirribihii cukanaan jiray.

Waa kuwaas harwashka dhigay camankii cuddoonaan jiray. Isagoo il naxariis leh ku eegaya ee sidii qof uu waa aqoon jiray, sanooyinkaanse arag, kor iyo hoos ku jeedaalinaya, ayaa wax ku soo dhaceen. Markaasuu isu qoslay.

Haddana intuu is qabtay buu wajigeeda isha qac ku siiyey. Wuxuu ka baqay in ay qosolkiisa dareentay. Ma jeclayn in ay ku soo jeesato. Markuu hubsaday in ay hawsheeda ku maqan tahay ayuu kursigii dib ugu dhacadiidsaday.

Masaakiin Cambaro! Allow cuqubadeeda iga du! Tolow maxay fali lahayd, hadday og tahay waxa aan caawa samayn doonno aniga iyo Cawaale! Maxay oran lahayd hadday saaka taleefoonkii Cawaale dhankeeda ka qabsato, ee maqlayso, markii uu lahaa, “Caawa fadhigu waa aniga!” Hadday dhegta u dhigayso markii uu kala shaandhaynayey liiska naagaha guryahooda lagu qayilo, ee igala tashanayey tii loo xilsaari lahaa barnaamijka caawa! Cambarooy Allow ha ku cadaabin! Cawaale marka uu hadhow ii yimaado, farxad iyo qalbi furan bay ku soo dhaweyn doontaa, sidaadii. Waad u qoslaysaa, isaguna kuu soo qoslayaa, kula kaftamayaa. isaga kaa dhigayaa gacalkaa same-jecle ah.

Afow yeelkaa, uurow Allaa ku og! Kala fogaa qosolkaaga iyo kiisu! Aniga waad iga shaki qabtaa, isagase kama shaki qabtid. Aniga maqnaantayda iyo soo daahiddayda uun baad aragtay, iyo xanta dumarka qaarkood kuu keenaan. Laakiinse ma ogid macallinka jidkaas cusub ii horseeday in uu yahay Cawaale iyo saaxiibbadiisa kale ee lacagta leh, adiguna hantidooda iyo magac dheeridooda awgeed, markaad aragtaba xushmad weyn baad ku soo dhawaysaa, kuna faantaa in ay ninkaaga saaxiib la yihiin ikhyaartaas haybadda leh! Laakiinse waxba ma aha Cambarooy, maxaa ka micne ah.

Cawaale waxba ma bi’in. Wanaagna kulama necba. Marka uu meelaha qaarkood i gaynayo, waxyaalaha qaarkoodna ii horseedayo, kama aha Cambaro ku xad gudub. Waxay ka tahay saaxiibkaa Jaamac raalli geli.

Ka farxi. Isna markiisa ha kaa farxiyo. Waxaad uga baahatana ha kuu fuliyo. Aniga qudhaydu ma jecli inaan xuquuqdaada ku xad gudbo. Wax aan kaa bi’iyey ma jiraan. Waxba iskama baddelin gacaladii aan kuu qabay iyo qiimihii aad iigu fadhiday. Ha ka cabsan inaan iraahdo Cambaro gabowdaye iska fur, oo gabar yar ku soo baddelo. Markaas ma wax baan dhimay intii aan sidaas yeeli lahaa haddaan habeen habeen gabdhaha yar yar isaga fool baxsado. Maya. Maya. Wax aan kuu dhimay ma jiraan.

Cawdi billayso saaxiib. Asaaggay dhawr naagood bay qabaan, haddana ka qarraafaan. Caqli haddaad leedahay fasax sharci ah baad ii siin lahayd fool baxsiga. Iguma kallifteen suuq madow. Dembiga kale uun baa ii darane adigu waxba iguma sheegan kartid. Dembiga aakhiro Alla ha naga dhaafo. Allow noo dambi dhaaf. Ilaahow tooba. Ilaahow tooba!” Markii fekerkiisu halkaas maraayey buu madaxa hoos u rogtay, wajigiisiina is baddalay. Wuxuu xusuustay in uu joogo waqtigii uu casarka tukan jiray.

Waxaa maskaxdiisa isku hardiyey xusuustii salaadda ee hadda ku soo dhacday iyo tii macsida ee hore ugu jirtay. Wuxuu is yiri, Sidee salaad kuugu ansaxaysaa adigoo weli niyadda ku haysta dambiga weyn ee aad caawa ku kici doontid? Sidee ugu bareeri kartaa in aad Ilaah is hortaagtid, ee naftaada iyo carruurtaadaba khayr uga baridid, adigoo ku tala jira in aad caawa amarkiisii jabisid? Ma been baad u sheegi kartaa sida aad Cambaro beenta ugu sheegi doontid, ee marka aad baxayso u oran doontid: Caawa shir dheer baa la iga wacay, waana ku soo daahi doonaa? Maya. Maya. Iska dhaaf salaaddaas. Ha isku luggoyn lagaa aqbali mayee. Iska raaxayso nafta ha cadaabine. Ka faa’iidayso waqtiga kuu soo maray. Laakiin taasi sow aakhiro-waa ma aha? Ma adigoo maanta da’daas ah baad fisqi u go’doomaysaa, ee cimrigaaga dhammaaday ceeb ku sagootinaysaa.

Ee adduun iyo aakhiraba isku ceebeynaysaa! Aaway magacaagii iyo haybaddaadii lagugu wada qaddarin jiray? Allaylehe waa ba’day. Kala fogaa sida dadku kuu qabo iyo sida aad tahay. Allow tooba. Allow tooba. Allow tooba! Baabi’i barnaamijka caawa. Cawaale iyo barnaamijkiisuba badda ha galeen. Oo caawa haddaad baabi’isid ma ku sii wadaysaa. Haah. Maya. Go’aankaasi waa kii aad hore u fulin kari wayday. Waa laba daran mid dooro. Islaantaan cimriga ah ag fadhigeeda, ama hablaha curdanka ah iyo cadaab aakhiro. Raaxa la’aan ama aakhiro la’aan. Maxaan yeelaa? Maxaan yeelaa? Ma ogi.

Ma ogi. Ma ogi! Bes. Bes. Bes. Waan tooba keenayaa, Cawaale iyo barnaamijkiisa bul Alla ha siiyo! Bakeerigii shaaha ahaa barki oo uu isla hadalkii ku illaaway, ayuu intuu hal mar qab ka siiyey, xabbad sigaar ah la soo baxay.

Dhididkii neecowdu ka qallajisay, ayaa korkiisa dib u qooyey, shukumaankii buu isku tirtiray. In dhawaydba isla hadalkaasi cudur buu ku ahaa. Wuxuu noqday laba nin oo muuqaalka mid qura ka ah, muran joogto ahi ka dhex taagan yahay. Waa mid nolosha cusub ee uu sannadahaan dambe billaabay ku fara baxsanaya iyo mid uga digaaya. Inkastoo da’diisu lixdan sano sii haabanayso, haddana waxaad mooddaa in uu intaas aad uga yar yahay. Wuxuu dareemayaa firfircooni iyo xoog dhalanyarannimo oo la yaab leh. Dareenkaasi wuxuu ku sii kordhay sanooyinkaan dambe, intii uu ladnaanta is biday. Noloshiisii hore dhibaatooyin fara badan buu soo maray. Labaatankii sano ee dunida ugu horraysay, laba mooyee intii kale miyi buu ku soo dhammaystay. Wuxuu ahaan jiray geel jire kibir badan oo aflagaaddada iyo dagaalku ka soo horreeyo. Cidna kama haybaysan jirin. Wiilasha ficiisa ah ee ay geelleyda isla ahaayeen way ka cabsan jireen. Kuwa ka yaryarna amar kulul buu siin jiray. Hadday ka diidaanna waa garaaci jiray.

Mid sidaas ugu ciil qabay, ayaa habeen isagoo golaha jiifa, ee geela cawaysinkiisa la sugaayo, wuxuu damcay in uu faas madaxa ku kala jeexo. Mid arkayey baa intuu ku soo orday ka balfiyey. Markaasuu faaskii oo dalambaabi ahi dhegta uga dhacay ee dacal gooyey, hoostana ka daqray. Sidaas ayaa loogu bixiyey Jaamac Dhegey. Noloshii miyigu markay ku adkaatay, ayuu magaalo u soo qaxay, isagoo siddeed-iyo-toban jir ah. Wuxuu soo maray nolol is-korisnimo oo aad u qallafsan: darbi-seexad, jar-iska-tuur, xammaal, iyo wixi la mid ah.

Ka dib ganacsi iyo shaqo dawladeed buu midba mar isku dayi jiray, inta badanse wuxuu ahaa shaqaale dawladeed, inkastoo uu weligii niyadda ka jeclaa inuu beec-mushtar noqdo ee shaqaalannimada uga baxo. Dhawr sano ka hor, ayuu gaaray inuu agaasime guud ka noqdo mashruucii uu ka shaqaynayey. Waa muddadaas inta uu bilaabay noloshaan cusub.

Sida dhaqaalihiisu isu baddalay, ayuu dhaqankiisuna isu baddelay. Isbaddelka xagga dhaqanka ah waxaa u hor kacay saaxiibbo nooc cusub ah oo uu muddadaas yeeshay, danahooduna isku xirmeen. Dhallinyarannimadiisii reero tumasho ma ahayn. Awooddiisuna umaba oggolayn. Intii uu xaaska noqdayna wuxuu halgan adag ugu jiray sidii uu carruurtiisa ku korsan lahaa. Hadda uun bay carruurtii koreen, qaarkood ka feer shaqeeyeen, dhaqaalihiisuna ka batay baahidii nolol-maalmeedda qoyska. Markaasay ku furantay dariishaddan cusubi. Muddo aan saddex ilbiriqsi dhammayn, aya

la soco qeybta xigta

WQ: MAXAMED DAAHIR AFRAH