Shacabka wisil oo soo dhoweeyey dagaalka khawaarijta alshabaab

Bulshada ku dhaqan Magaalada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay in wajigii 2 ee dagaalka Khawaarijta Al Shabaab dowladda Soomaaliyeed ka bilowdo Koonfurta Gobolka mudug

Qaar ka tirsan bulshada iyo maamulka ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegay inay tani ka dhigan tahay guul iyo wadajir usoo hoyatay Dalka

Magaalada Wisil ayaa mid ahayd meelihii bulshadu sanado ka hor u istaageen iska dulqaadista Khawaarijta arxanka daran ee Al shabaab

Ra’iisulwasaare Xamse oo kulamo layeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Qaahira:-(Wargeyska dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay dib ugu soo laabtaan waddankooda oo nabad ah, si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Mudane Xamse ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna uu xubnaha Jaaliyadda warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka iyo barnaamijka ay waddo Xukuumadda DanQaran oo ay ugu horreyso dib u xoreynta dalka.

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa sheegay in ay wax badan ka qabatay dowladda Federaalku arrimaha abaaraha, isagoo tilmaamay in laga hortagay macaluul ka dhacda dalka markii ay dadaal badan ku bixisay dowladdu taakuleynta dadka ay saamaynta ku yeelatay abaarta.

Mudane, Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sidoo kale ka hadlay ka xoreynta khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyadoo dagaal xoogganna la gashay dowladda oo kaashanayso shacabkeeda taasoo sababtay in lagaaro guulo la taaban karo.

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo markale maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoo Qorshuhu yahay in madasha uu daah furo Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa Sanadkan lagu lafa guri doonaa mawduucyo ay ka mid yihiin Federaaleynta Garsoorka dalka, kaas oo hadda u dhisan qaabka dowlad dhexe, waxaana ka qeyb galaya guud ahaan Bahda Garsoorka dalka, Heer federaal, heer dowlad goboleed iyo Madax kale oo lagu casuumay.

 

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho+Sawirro

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Sayniska ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr. Maxamed Ayman Cashuur.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada sayniska iyo waxbarashada ee la xiriira Jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay horumarka weyn ee ay Masar xiligan ka samaysay dhinacyada arrimaha bulshada, gaar ahaan qeybaha tacliinta sare iyo tayeynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, isagoo ka mahadceliyay dadaalka Masar ay ugu jirto taageerada Jaamacadaha Soomaaliya tayeynta iyo horumarinta awoodda jiilashada soo koraya si ay ugu adeegaan dalkooda.

Safiir Ilyaas ayaa sheegay in labada Wasiir ay isku afgarteen in la kordhiyo Isdhaafsiga wafuudda ee dhinacyada Cilmiga iyo waxbarashada, sidoo kalena la isku dhaafsado booqashooyin kala duwan oo ay isugu imaanayaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta tacliinta sare ee labada dal, iyadoo lays weydaarsanayo khubaro kala duwan ee dhinacyada Sayniska, Farsamada iyo Maamulka ka dhexeeya xarumaha tacliinta sare Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhista.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya is-dhaafsiga manhajka iyo barnaamijyada tacliinta iyo in ardayda Soomaaliyeed ay wax ka bartaan Jaamacadaha dalka Masar, waxa uuna rajo ka muujinayaa in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho si loo diyaariyo jiilal Soomaaliyeed oo awood u leh in uu wajaho caqabadaha jira.

Ciidamada Badda Maraykanka oo Gacanta ku dhigay Dooni sidday Hub

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda Maraykanka ayaa sheegay inay qabteen Dooni nooca Kalluumeysiga oo lagu soo raray Kumanaan Hubka Fudud ee loo yaqaanno AK47.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3 Markab Dagaal oo ay Ciiddanka badda Maraykanka lahaayeen ay bishan 7-dii qabteen Doonidaasi oo ka timid dalka Iran, kuna wajahnayd dalka Yemen.

Doonida la qabtay oo ay la socdeen Lix qof oo u dhashay dalka Yamen ayaa waxay sidday 2,116 xabbo oo Qoryaha AK 47 ka ah.

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka waxay kaloo sheegeen in Doonidaasi lagu qabtay Marin ay inta badan adeegsadaan Shixnadaha sharci-darada ee u socda Kooxda Xuutiyiinta ee Yamen

Taliyaha Taliska Dhexe ee Mariniska Maraykanka, Admiral Brad Cooper ayaa tilmaamay in Shixnadda Hubka ee la qabtay ay qeyb ka tahay hawlaha socda ee ay Iiraan ku abuurayso deganaanshaha Gobolka.

Bilowgii bishii December ee sanadkii hore ee 2022-kii, waxay Ciiddanka Maraykanka sheegeen inay qabteen Dooni tahriibinaysay in ka badan 50 tan oo isugu jiray Hub, Rasaas iyo qeybo kamid ah walxaha qarxa.

 

Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya horumarinta duulista hawada

Addis Ababa- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Fardowso Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii adeegga hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay, kaas oo la dhaqan geliyey 3-dii December 1988-dii.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaanqaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

“Heshiiskan 1988-dii ayaa horay loo saxiixay, maadaama 35-sano ay ka soo wareegatay, waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigan la joogo.” ayey tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xil. Fardowso, iyadoo intaa ku dartay  in heshiiskan uu horumarinayo iskaashiga iyo khibrad wadaagga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada labada dowladood.

    

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta

Abu Dhabi- Taliyaha ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.

Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bishan Jannaayo ayaa looga hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna taliyaha Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay dowladda Federaalka Soomaaliya  ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.

Sidoo kale, taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay xoghayaha guud ee golaha wasiirada arrimaha gudaha carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya wasiirka arrimaha gudaha Masar sarreeye gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee culuumta amniga Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

    

Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)

Hiiraan- Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan.

Horjooge C/kariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey usoo noqday horjoogihii Maleeshiyada Khawaarijta ee degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Moqo Kori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay abaare 9:00kii fiidnimo lagu qaarijiyey deegaanka Buq Aqable oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Qaarijinta Horjoogahan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda kaasi oo ku aadanaa in lasii daayo Odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan taasi oo Horjooge Ina Qoor Madoobe ay la qabeen Maleeshiyaad gaaraya 50meeyo oo ku heyb ah.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Khawaarijta dhexdooda ee Buq Aqable ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la qaarijiyey isaga oo toogtay ilaa Afar Maleeshiyo ah oo is hortaagay in uu la baxo Odayaasha oo isla gacanta Khawaarijta ku jiray taasi oo uu kala kulmay ka biyo diidid xoog leh.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey sidoo kale iyana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijta Xalay ay iska dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan.

Weli deegaanka Buq Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee uu hogaaminayey Horjoogihii la qaarijiyey ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) kuwaasi oo weli isku aruursanaya deegaanka ay Al-Shabaab dhexdooda ku dagaalameen ee Buq Aqable ayadoo Horjoogayaashii baxshay amarka qaarijinta ayaguna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada kuwaasi oo heysta maleeshiyaad u daacad ah.

Dagaalkan ayaanan aheyn dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara Khawaarijta dhexdooda oo lagu qaarijiyo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Khawaarijta ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen Tobbon ruux.

Geesta kalena Khilaafkan ayaa kusoo biiray khilaaf aad u weyn oo waayahan kooxda ka dhex taagnaa ayadoo khilaafyadaasi dhammaantood ay sabab u yihiin jabka kooxda Khawaarijta ka gaaray howlgallada bilihii ugu dambeeyey ka socday gobollada Dalka kuwaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu geystay jab xooggan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta XFS oo la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudi Carabiya.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jedeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al- Rabiicah.

Wasiir Sh. Mukhtaar ayaa inta lagu guda jiray kulanka diirada saaray muhiimada tayaynta adeega Xujeyda guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay duruufaha ugaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusay in sanadkan ay Dowladda Soomaaliya rabto sare uqaadida tayada adeega Xajka, Xujeyda Soomaaliyeedna loogu adeego si lamid ah Xujeyda Dowladdaha kale ee Caalamka, kana codsaday Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya in ay arrintaas ku garab siiyaan.

Dhanka kale, Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa balanqaaday in ay tixgelin gaar ah siin doonaan duruufaha ugaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in sanadkan adeegyada Xujeyda xilli hore la bilaabi doono si looga baaqsado caqabadaha ka dhasha dib udhaca dhanka waqtiga.

Wasiir Dr. Towfiiq ayaa sidoo kale xusay in tirada xujeyda guud ahaan caalamka dib loogu celiyay sidii ay ahaayeen ka hor inta uusan caalamka ka dilaacin cudurka safmarka Karoonaha ( COVID19), lana qaaday xadidaada xaga da’da ah ee Xujeyda horey loogu soo rogay.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa kala saxiixday heshiiska Fulinta Adeega Xujeyda Soomaaliyeed sanadka 1444H/2023 oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ra’iisulwasaare Xamse oo booqday Machadka Cilmibaarista Caafimaadka Xoolaha ee dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa saaka lagu soo dhaweeyay Machadka Cilmibaarista Caafimaadka Xoolaha ee dalka Masar.

Iyada oo laga duulayo xaqiijinta hiigsiga isku filnaansho dhaqaale ee Xukuumadda #DanQaran ayaa Ra’iisul Wasaaruhu booqday Machadkan isaga oo dhiirigelinaya inay iskaashi la yeeshaan hey’adaha u igman faya-dhawrka caafimaadka xoolaha ee dalkeena.

Machadkan (AHRI) oo la aasaasay sanadkii 1904 ayaa waxa uu heer caalami ah kaga jiraa adeegyada iyo daraasaadka la xiriira faya-dhawrka xoolaha.