Shirka Wasiirrada Maaliyadda DF iyo DG oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho shir u dhaxeeyey wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo muddo sadex maalin ah socday ayaa lagu gorfeeyey arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay  Soomaaliya ku taageeraan.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ka dhexeeya wasaaradaha maaliyadda heer federaal iyo dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirrada maaliyadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo oo miradhal ah, arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha Dekedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka hadallo ka jeediyey wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ayiday qodobada ka soo baxay shirka.

Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka maaliyadda dalka iyo arrimaha kale oo muhiim u ah dib u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Shirka ayaa waxa aan ka soo qeybgalin wasiirka maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka wasiirrada maaliyadda.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda FS, dowlad Goboleedyada iyo  maamulka gobolka Banaadir.

    

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay amniga deegaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ee ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa siyaasiyiinta warbixin ka dhageystay, taas oo ku aadan xaaladda deegaanka uu ku sugan yahay, iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisu taalo magalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.

    

“Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda” (Warbixin)

Waa arrin xanuun badan in aad weyso adigoo sabi ah qeyb kamid ah Waalidkaa ka oo qeyb ka qaadan lahaa koriimada iyo daryeel noloshaada intaba,waxa aan ka hadlayo waa Carruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyed kuwaa oo ay khawaarijtu dileen Abayaashood.

Sida aya rabtay khawaarijtu in nolosha carruutan ay mugddi u gasho ma aysan dhicin dowladda Soomaaliya ayaa u istaagatay in ay kafaala qaado nolosha,Caafimaadka ,waxbarasho Amni ee caruurtani oo wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu farax sanyihiin daryeelka ay ka heleen dowladooda.

Warbaahinta qaranka ayaa booqatay xarunta Barbaarinta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaa oo lagu xananeeyo in ku dhow 300 (saddex Boqol) oo ah carruurta Agoonta ciidanka Booliska soomaaliya,kuwaa oo dowaladu kafaalla qaaday in ay helaan inta Carruurta lamidka ah ay helaan sida waxbarsho,Caafimaad yo guud ahaan waxyaabaha nolosha Aas-aasiga u ah,iyagoo labaro waxbarashada Maadi iyo Diini intaba.

Ilama kasta waxa xaruntan keenna hoyooyinkood  kadib markey agoonteyeen oo Aabayashood ay dileen khawaarijta,haddaba sidii carruurtan loo keena xaruntan waxaa su’ashan weydiina sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ah maamulaha xaruntan

“Waa in la soo maraa taliyaha ciidanka Booliiska  lana xaqiijiyo qofka dhimashadiisa,codsi  Maxkamada laga soo qorto wayo waxa macquul ah in marxuumku laba xaas katagay wanu xaqiijina kadib ayaa xerada la kenaa” sidaa waxa yiri taliye Cali Gaab

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in ha’adda Booliiska sameeysay isku tashi kana dhabeeysay in koriima bilaash ah ay helaan carruurta ay ka dhintaan askarta iyo sarakiisaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxana  si ay arintaa u dhaqan gasho talisku uu sameeyay in bil walba askariga Booliiska mushaarka uu qaato looga jaro Hal doolar,lacgtaa oo kaalin weyn ka qaadata daryeelka iyo waxbarashada caruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Wax aan la kulanno oo caqabad ah ma jiraan,cidnna looma baryo caruurtaan lacagta Akoonbaa loogu shubaa lacgtaa oo bil walba gaarto14,700(Afar iyo toban kun todoba boqol oo doolar) taa ayanu wax ugu karinaa”ayuu yiri markale Cali Gaabo

Carruurta qaarkood oo anu la hadalnay aya sheegay in ay u mahadcelinayaan dowladda askarta musharkooda qeyb uga jara,waxa ayna qabaan raja ah in markey waxbarataan ay ugu adegaan dalkooda iyo dadkooda si lamid waddadii ay ku baxeen abayashood oo ahaa geysiyaal wax badan u soo qabtay dalkood.

“Siddeed Agoon ah ayaan heystaa oo mid kamid ah ayaa  halkaan ku jiro kuwa kalana in aan keno oo wax la ii baraan rajeynaa  wana u mahadcelinayaa dowladda iyo Abbo Cali oo ah Maamulaha xarunta”waaxa sidaa yiri mid kamid ah walidiinta caruurtood ay ku jiraan xarunta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Intaasi caruur ah hal mar abayashood lama dilin midba meel ayuu Alle ku oofsaday Aabihiis,intooda badan waxa uu Alle ku sababay gacanta kooxada arxanka daran ee khawaarijta ah hada waxa loo soo jeeystay dowlad soomaaliya hadafka kowaad u ah dabar gooynta khawaarijta Agoonteeysay caruurtaan iyo kuwa kale oo fara badan..

Caruurtaani oo qarkood aad u yar yar ayaan u kuurgalnay sida ay u helaan adegayda ay u baahanyihiin iyo xananeyntooda waxana waxa kaweydiinay hooyo Xaawo Ayaanle oo kmaid ah walidiinta ay xaruntani u xil saaratay Caruurtani  daryeelkooda

“Qaar wey xanuun sanayan habeenkii kuwa wey sasayaan oo iska baxayaan waxas oo dhan waa in ad u tagnaata sidii ad uga caawin lahayd oo booskii waalidnimo u buuxin lahayd wana ku dadaalnaa” ayay tiri hooyo Xaawo

Xarunta Barmaarinta Agoonta carruurta ciidanka Booliiska soomaaliyeed oo ku taal Degmada Wadajir waxa ay furantahy mudda shan sanadood ah ,waxasa xusid mudan in gobolada dalkeenna uu ka howlgallo ciidanka Booliska soomaaliyed aysan xarummo  ku lahayn balsa mustaqbalka dhaw la rajeynayo in xaruma laga furo deganadasi

Dil ka dhacay machad ku yaalla Jarmalka

Wiil 17 sano jir ah oo looga shakisan yahay in uu Toori ku dilay Macllinkiisa ayaa la qabtay, kaasi oo la sheegay inuu kaligii ku jiray fasalka marka uu dhacay dilka.

Dilka ayaa ka dhacay Machadka farsamada gacanta ee Ebbenbüren, oo ku yaalla galbeedka dalkaasi Jarmalka, sida uu sheegay Booliska dalkaas.

Sarakiisha Booliska ayaa sheegay in wiilka dhalinyarada ah ee looga shakisan yahay dilka, uu markii mindi ku dhuftay macallinkiisa u yeeray kooxaha gurmadka deg dega ah, markii ay ciidamada booliska u yimaadeen ay isla goobta ka soo qabteen, isaga oo aan sameynin wax iska caabbin ah.

Ciidanka Booliska Jarmalka, gaar ahaan kuwooda ka howl gala Munster, ayaa sheegay in dhawaan warbaahinta ay la wadaagi doonaan natiijada baaritaanka ardaygan lagu tuhunsanyahay inuu geystay dilka macallinkiisa.

Dowladda Masar oo Soomaaliya siineysa deeq Waxbarasho oo joogto ah

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah oo gaaraysa 450, isaga oo uga mahad celiyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed.

“Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar”, ayuu yiri Wasiirku.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale.

Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan.

Kulan gaar ah oo uu mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir la qaatay wasiirka waxbarashada Masar, Dr. Ridaa Xijaazi, ayuu wasiirku uga mahad celiyay kaalmada waxbarasho ee ay Masar siiso Soomaaliya, gaar ahaan macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Wasiir Xijaazi ayaa sheegay inay sannadkan kordhinayaan macallimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan Dawlad Goboleedyada, sidoo kalana ay ka qaybqaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo daahfuray Shir sanadeedka garsoorka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shir-sanadeedka Garsoorka Dalka 2023-ka, oo sanadkii shanaad oo xiriir ah ka dhacaya Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayaa federaaleynta Garsoorka iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen garsoorka maamul goboleedyada iyo kan Federaalka, kaas oo hirgelintiisu ay soo jiitamaysay muddo dheer.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray sal u dhigidda garsoorka dalka, taas oo sababtay in ay bulshadu u caddaalad raadsadaan meel ka baxsan nidaamka dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay dhaqanka ah hor istaagga sharciga ee ay sameeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, wuxuuna ku boorriyay cid kasta oo loo adeegsado awood inuu dacwoodo kana gun gaaro una dhinto toosinta sharciga si loo helo caddaalad loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha Qaranka ugu mahad celiyay inuu dardar geliyo shir lagu gorfeynayo garsoorka oo ah baahi isku xiran si ay bulshadu u hesho caddaalad.

D”hammaanteena waa in aan dhexda u guntanaa in la helo garsoor dhammeystiran “ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Shirkan oo socon doono laba Cisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caddaaladda, wasiirka arrimaha gudaha XFS, Gudddoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, xeer ilaaliyaha Qaranka , garsoorayaasha maamul goboleedyada, maxkamadda gobolka Banaadir, Ururka qareennada Soomaaliyeed, xubna ka socda labada gole ee baarlamaanka , Bulshada rayidka, garsoorayaasha maxkamadaha dalka iyo qaar ka mid ah hoggaanka saraakiisha ciidamada dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo maalintii labaad galay.
Madasha uu shirkan ka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo la xariira horumarin Caasimadda, sida Amniga, Nadaafada, Cadaaladda, Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Sports-ka, la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo qodoba kale oo ku saabsan in sida ugu haboon loo xaliyo caqabadaha kala duwan ee jira

Shir sanadeedka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shir-sanadeedka Garsoorka Dalka 2023-ka, oo sanadkii shanaad oo xiriir ah ka dhacaya Muqdisho

Shirkan ayaa looga hadlayaa federaaleynta Garsoorka iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen garsoorka maamul goboleedyada iyo kan Federaalka, kaas oo hirgelintiisu ay soo jiitamaysay muddo dheer.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray sal u dhigidda garsoorka dalka, taas oo sababtay in ay bulshadu u caddaalad raadsadaan meel ka baxsan nidaamka dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay dhaqanka ah hor istaagga sharciga ee ay sameeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, wuxuuna ku boorriyay cid kasta oo loo adeegsado awood inuu dacwoodo kana gun gaaro una dhinto toosinta sharciga si loo helo caddaalad loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha Qaranka ugu mahad celiyay inuu dardar geliyo shir lagu gorfeynayo garsoorka oo ah baahi isku xiran si ay bulshadu u hesho caddaalad.

D”hammaanteena waa in aan dhexda u guntanaa in la helo garsoor dhammeystiran “ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Shirkan oo socon doono laba Cisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caddaaladda, wasiirka arrimaha gudaha XFS, Gudddoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, xeer ilaaliyaha Qaranka , garsoorayaasha maamul goboleedyada, maxkamadda gobolka Banaadir, Ururka qareennada Soomaaliyeed, xubna ka socda labada gole ee baarlamaanka , Bulshada rayidka,  garsoorayaasha maxkamadaha dalka iyo qaar ka mid ah hoggaanka saraakiisha ciidamada dalka.

Weerar mindi loo addegsaday oo ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taalla Paris

Ilo-wareedyo ka tirsan Boliska Faransiiska ayaa sheegay in tiro dad ah ay dhaawacyo fudud soo gaareen maanta oo Arbaca ah, kadib markii uu Nin Toorey watay uu weerar ka geystay Saldhigga Gare du Nord, ee magaalada Paris, halkaasi oo sida la sheegay ay dadka ku badan yihiin.

Booliska Faransiiska ayaa sheegay inay ku guleeysteen in gacanta ay ku soo dhigaan ninka weerarka ka geystay xarunta tareenada Gare de Nord ee caasimadda Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarka, balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah.

 

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay dib u dhiska goobihii laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane, Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Maraykanku ay gacan uga gaysan lahayd dib u dhiska goobaha danta guud ee magaalooyinka laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in si deg-deg ah daraasadda dib u dhiska loogu sameeyo xarunmaha maamulka Degmooyinka, Xarumaha Saldhigyada Booliska, Xarumaha Maxkamda Degmooyinka, Xarumahaa Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, Ceelasha biyaha ee xooluhu ka cabbaan iyo ugu dambayntii dib u dhiska Waddooyinka isku xira degmooyinka la xoreeyey.