Xildhibaanada Haweenka BFS oo ka qeyb-galay dood-wadaag,uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska R/Wasaaraha

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb-galay dood-wadaag,uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Raisul Wasaaraha oo ku saabsaneyd dib-u_milicsiga qoondada dumarka ay ku lahaayeen hanaanakii doorasho ee 2022-kii.

Dood wadaagaasi waxaa ka hadlay, Xildhibaanada Haweenka, ee ku jira Baarlamaanka 11aad ee Golaha Shacabka iyagoo aad ugu dheeraaday marxaladihii iyo caqabadihii soo wajahay, intii ay socotay doorashadii dadbaneyd ee Dalka ka dhacday 2022.

Dhanka kale, waxaa ka hadlay, goobta, Gudiyadii FEIT iyo SEIT, ayagoo sheegay Heerarkii kale duwanaa, ay soo martay doorashadii dadbaneyd ,gaar ahaan qoondada haweenka,maadama ay qeyb ka ahayd, heshiiskii 17 September ee ilaalinta qoondada Haweenka 30%.

Qoondada haweenka ee kujira Baarlamaanka 11aad ayaa ominka ah 20% halka Baarlamaanka 10aad ay ahaayeen24%..

Wasiirka Qorsheynta XFS oo warbixin ka dhageystay hoggaanka iyo farsama-yaqaannada Mashaariicda SCRP iyo Biyoole

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta warbixin ka dhageystay hoggaanka iyo farsama-yaqaannada Mashaariicda SCRP iyo Biyoole. Hoggaanka labada dhinac ayaa Wasiirka waxay la wadaageen hannaanka ay u socdaan Mashaariicdu, howlaha horu-tebinta leh ee horyaalla sannadkan cusub ee 2023, sida, Fatahaada, dib uga soo kabashada abaaraha iyo horumarinta adeegyada Bulshada.

Sidoo kake waxaa goob-joog ka ahaa kullanka, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda, mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Ku Simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed ee Wasaaradda iyo Hoggaanka labada dhinac ee mashaariicda Biyoole iyo SCRP, waxay la wadaageen horumarka mashariicda iyo qorshaha 2023. Waxay kalo ka wada hadleen habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo iyo wadiiqooyinka ay tahay in ay maraan mashaariicda.

Ugu dambeyn, Wasiir Beenebeene ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac in ay dardargeliyaan qorshayaasha degsan ee laga sugayo in ay degdeg uga fuliyaan dhammaan maamul goboleedyada dalka.

       

GANACSIGA IYO MALABKA SHINNIDA!

Marka hore Shinnidu waa tusaale wacan oo looga dayan karo kala dambeynta, taasoo boqorka shinnida oo muuqaal ahaan ka yara weyn inta kale ayay dhammaan ku xirtaan hoggaaminta.

Haddii boqorka shinnidu ka duulo halka ay deggenaayeen ayaad arkeysaa dhammaan in ay dabagelayaan boqorka halka uu saldhigto ayey markaasi ka dhigtaan hooy ay deggaan.

waxay subax kasta shaqo iyo quudkaba u tagaan agagaarka deegaankooda, waxay shinnidu soo nuugtaa ubaxyo iyo geedo kala duwan oo xikmado iyo daawaba ku jirto, kadibna waxay ku soo laabataan hoyga boqorku joogay.

Shinnidu waxay hooy ka dhigataa ama ay degaan ka dhigataa qararka buuraha iyo geedaha, sidoo kale waxay goor walba degaan oo lagu yaqaanna halka uu joogo boqorkooda.

Ragga shinnada dhaqankeeda yaqaan ee xannaaneysta ayaa badiyaa soo qabsada boqorka shinnida, inta sanduuq ama saab loogu talagalay geliyaan biyana halkaas u dhigaan, waxaana markiiba ku soo xooma shinnidii oo idil.

Intaa kadib, waxay halkaasi ka sameystaan kabarta si ay malabka ugu shubtaan. Shinnidu marka ay malabka sameyso dadka ayaa ka faa’iideysta goobahaas ka dib markii ay uumiyaan ama qaac ku shidaan ayey ka miirtaan malab saafi ah kaasoo daawo u ah sida la sheegay 40 cudur oo aan la garan Karin oo aadanaha haleela.

Waxaa ka mid ah faa’iidooyinkiisa: Malabka wuxuu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jidhka ,qaastan hadii aad ka shaqeysid meelo jeermis badan sida jeermiska ka yimaada dadka meelaha ay yaalaan, isku day in aad joogteyso shaah lagu daray malab iyo liin maalin walba.

Xusuusnow Malabka wuxuu dhisaa difaaca jirka, hadii aad caruur aad leedahay ka ilaali cunuga ka yar hal sano in aad siiso malab, waayo dheefshiidkiisa ayaa qatar geli kara xanuunana waa laga qaadi karaa.

Sida la sheego badiyaaba malabka waxaa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan waxba u dhibeyn beerka,runta waxey tahay malabka in uu la dagaalamo neefta Urta ee afka ka soo baxda taasi micnaheedu ma’aha in aad joojiso cadayga maalin walba waa waajib taasi.

Cudurrada ku dhaca afka iyo dhuunta iyo hadii aad leedahay neeftaa urta, ama waxa loo yaqaan af urka waxaa la sheegaa in haddii la isticmaalo ama la isku dart xoogaa malab ah iyo qarfaha shaaha si aad ula dagaalanto neeftaa xun.

Waxaa kaloo jira tira badan oo faa’iido ah ee uu leeyahay malabka kuwana waa qeyb yar oo ka mid ah marka ulajeedada maaha in aad wax badan ka qaadato malabka waayo sun ayuu kugu noqon karaa hadii aad xadi badan isticmaasho.

balse keliya sirta malabka uu ku qarsoon yahay, ruuxa farta uun daraa malabka ee muudsadaa wuxuu ka helayaa faa’iido weyn oo uu kaga badbaado cudur u qarsoonaa, malabka iyo shaqada shinnidu kitaabka alle ayaa ka hadlay, ha moogaan oo goor walba agtaada ha yaallo.

DALKA JOURNAL

GANACSI MA KA SOCON KARAA MEEL AAN AMNI AHAYN?

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaase ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood ookala ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Ariga, haddii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin: – Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Ratti kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yar yar yihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

Dalagyada Soomaalidu beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

Miraha inta ee qaadaneeso

Galayda 70 beri

Masagada 99 beri

Sisinta 90 beri

Mooska 199 beri

Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri

Babayga 99 beri

bataatiga 199 beri

Lowska 150 beri

Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Badda

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

WQ: Ibraahim Warsame Xuseen

 

 

WARGEYSKA DALKA WAA WEHELKAAGA

Marxaladdii Ka Dib Burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.

Xiligan Waxay Saxaafadda Soomaaliyeed Ku begantay Waqti aan dowlad Dhexe oo Xooggan aysan dalka Ka jirin, waxay Ku soo Beegantay Qaran Bur-buray iyo Bulsho bahalowday oo aan kala gaar qaadaneynin,eed joogto ah oo la Xirrirta  Qoraalladooda oo markasta macamiishu ay Dhaliilsanyihin

Dhinaca Kale, waxay la soo Kulmeen Xilli saxaafaddu uu soo gaaray farsamo Casri Ah ee Adeegsiga saxaafadda taasoo ay nasiib Ugu yeesheen inay Si Fudud uga faa’iideystaan Farsamda Casriga ee Saxaafadda.

Howlaha Saxaafaddu, wa Arrimo ubaahan xeelad iyo xirfad Aqoon saxaafadeed, si la isaga ilaaliyo Waxkasta oo waxyeeleyn kara Hbasocdkii saxaafadda .

Dhaliishu ma reebana balse, dhib abuurista ayaa ka daran Dhaliil yar oo laga indho qabsan kara, oo si kama Ama aqoon darro ku Dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa  Muhiim ah in Saxaaddu Ka Shaqeyso horumarinta danaha guud ee Dalka iyo Bulshada, oo dan Shaqsi gaar ah ka leexin danihii guud ee dalkaaga iyo Dadkaaga.

Warbaahinta waxaa ugu facweyn Wargeysyada  iyaga oo ahaa Isha kaliya oo laga xigan jiray xogaha iyo waxa  caalamka ku shaacsan.

Soomaaliya waxaa ay qeyb ka aheyd  wadamada uu saameynta xooggan ay ku la haayeen Wargeysyada waxaana aqrisan jiray dad badan oo Soomaaliyeed.

Inta aysan Soomaaliya xoriyadda qaadan waxaa soo bixi jiray Wargeysyo ku qoran afaf qalaad waxaa ayna dadka ula imaan jireen dadka wax yaqaanno si loogu aqriyo dadka aan garaneyn afafka qalaad.

Taariikhda ay soo mareen Wargeysyada Soomaaliyeed waa mid xasuus iyo dib u gocosho leh, Wargeysyada ayaa qiimo ku dhex lahaa bulshada wax aqriso.

“ 196-1970 dalka waxaa ka soo bixi jiray afar Wargeys oo shisheeye ay leeyihiin, waxaa ayna ku soo bixi jireen afafka Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa mid la dhihi jiray Somali News”.

Teknoloojiyadda uu caalamku ku tallaabsaday Soomaaliya waxaa ay uga dhigantahay mid yareysan aqriska Wargeysyada waxaana dad aan faro badneyn ay weli ku faro adeygayaan aqriska Wargeysyada.

Maxay yihiin wargeysyada ugu muhiimsan adduunka?

Maanta waxaan la kulmi doonaa wargeysyada ugu muhiimsan adduunka. Aynu ku bilowno sheegista The New York Times, wargeys maalinle ah oo lagu daabaco magaalada New York, oo laga qaybiyo Maraykanka iyo dalal kale oo badan. Waxaa xusid mudan in joornaalka la aas aasay sanadkii 1851. Waxaa loo arkaa inuu yahay wargeys aan qiimo lahayn oo ka jira dalka Mareykanka.

The Guardian-ka waa wargeys Ingariis ah oo la daabacay Isniinta ilaa Sabtida iyadoo loo eegayo qaabka Berlin. Wargeysku waxaa la aasaasay 1821 wuxuuna saldhigiisu yahay magaalada London. Tifaftirayaasha wargeyskan ayaa inta badan u janjeera dhanka bidix. Sida xaqiiqda xiisaha leh, waxaan kuu sheegeynaa inay tahay wargeyska kaliya ee Ingiriiska ee heer qaran ee daabaca midab ahaan.

El Daily Mail waa wargeys Ingriis ah, oo loo arko inuu yahay tabloid. Waxaad xiiseyn doontaa inaad ogaato inay tahay wargeyska labaad ee loogu akhriska badan yahay Ingiriiska, marka laga soo tago The Sun. Wargeyska waxaa la aasaasay 1896.

The Wall Street Journal waa wargeys maalinle ah oo maaliyadeed oo ka soo baxa dalka Mareykanka, oo la aasaasay sanadkii 1889. Xaruntiisuna waa magaalada New York oo u janjeera waa muxaafid.

Washington Post ayaa waa wargeys Mareykan ah, oo loo arko inuu yahay wargeyska ugu weyn uguna da’da weyn Washington DC. Wuxuu caan ku yahay warbixintiisa Aqalka Cad, Koongaraska, iyo dhinacyada kale ee dowladda Mareykanka.

Maalintii Dadka waa wargeys ka tirsan xisbiga shuuciga xukuma ee Shiinaha, oo lagu daabaco aduunka oo dhan. Marka lagu daro luqaddiisa ugu weyn ee Shiinaha, waxay leedahay daabacado Ingiriis, Jabaan, Faransiis, Isbaanish, Ruush, Carabi, iyo Kuuriya. Wargeysku wuxuu bixiyaa macluumaad toos ah oo ku saabsan siyaasadaha iyo aragtida Xisbiga.

WD: Cabdisalaan M. Yaasiin

 

ANSHAX XUMADA KA SOCATA BARAHA BULSHADA

Maalmahan waxaa baraha ay bulshadu ku wada xadhiidhto si xoog leh uga socda dagaal guracan oo dhaqan iyo diin bi’is ah, una dhexeeya hablo iyo wiilal dadka mareegahaa adeegsada kamid ah.

Dhallinyaro wax ma garato ah malahaygana jafaliile”Sheydaan” hagayo ayaa u soo tafa-xaytay falal aad u xun xun oo carruur iyo cirrooleba amakaag iyo af kala qaad ku noqday, wadaad iyo waranlena ay isku si u inkireen oo qaadan waa iyo qayayaab noqday.

Dhaqankeenii suubaana oo awalba dhibaatooyin tira beel ah iyo dhaawacyo cul culus la dhutinayay ayaa dhabarka laga jabiyay, xabaalna lagu aasay oo axankiisii ceeb iyo cayaayir lagula kala carraabay.

Facshar iyo foolxumo aan waqood la arag ayaa jaadad kala duwan ee jinni qaadka “internet” loo garan ogyahay sidii gubato xagaa ugu faafay oo ka gees ka gees dal weynaha soomaaliyeed iyo aradka intiisa kaleba is qabsaday.

Damiirkii ayaa dhintay markaa baa gabdho iyo gabanoba sarriigtii ka tagtay kolkaa baa sidii xoolihii maryo iyo milgoba layska tuuray oo cawro wixii la qarin jiray dibadda la keenay, laguna xifaaltamay.

Ayadoo aan wax lays-kula hadhin ayaa muuqaallo qaaqaawan oo far iyo foodba aan jidhka xubinina ka dadnayn, si ku talo-gal ahna loo duubay la wareejinayaa oo rag iyo dumar qoloba qolada kale ka faafinaysaa, dadweynuhuna cid ka dhiidhisa daaye maba dhibsanayaan oo tartan ciyaareedkii ayaaba la wada daawanayaaa.

Aabbeyaal badan ayaa  indhahooda oo shan ah lagu tusay gabdhahoodii oo sidii cunug dadab ah aan oogadooda calal qurihina ku xirnayn, oo ay kumanaani daawanayso, fagaare walbana cawradeeda mutuxan iyo ceebteeda lagu hadal-hayo.

Hooyooyin ku faani jirey inay wiilashoodu dhug iyo dhiifoonaan dhiggood kaga fooreen ayaa ku dhaygag iyo indha-diraandir la suuxi gaadhay kolkii ay baraha bulshada ku arkeen inamadoodii oo sidii ay u dhasheen ah, dumar aanay wax ka dhexaynna  cawradooda hadiyad ahaan ugu diraya.

Saaqidiinta falfal xumidana ku howlan ka sukow waxaa jira kuwo kale oo buun buunin baahin ugu kaalmayna, oo anshax darrada iyo anafada ay wadaan ku sii dhiiri-gelinaya.

Dhibaatada baaxadda weyn iyo halista ay falalkani nolosha dadweynaha iyo dhaqanka u geysteen markii laga tago , waxay seero-dhaaf iyo burburin ku yihiin mid kamida tiirarka waaweyn oo diinteena udub-dheex u ah.

Mar waa qiyaano oo sir la faafiyay iyo sumcad dil qofeed ayaa lagu kacay, marna waa amaanadii oo si u la kac ah loogu ciyaaray, fadeexo iyo ceebaynna loo adeegsaday oo ruux muslim ah jiritaankiisii sharaftiisiiba lagu baabi’iyay.

Shareecadu waxay ilaalisaa nafta,  maal, iyo milgaha”cisiga iyo cirdiga” dadka islaamka ah, ku xad-gubka 3-daa qodobna waxaa lagu mutaystaa caro Alle iyo cinqaab adag if aakhiro mid ahaan lagula kulmo.

Intaa oo waxyeello ah waxaa ka sii daran halista kale oo ka iman karta haddii aan si wadajir ah loogu gunta oo joojinta fuxshigan socda meel looga soo wada jeesan, dhaqanka iyo diinta sii iilanayana la badbaadin.

Waxyaaba ay falalkan guracani keeni karaan waxaa kamid ah dil, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in qof dhan muuqaallo uu hayo dartood loo khaarajiyo ayadoo laga qabayo inuu faafiyo ama uu dano  kale oo qalloocan u adeegsado.

Sidoo kale waxaa suurta-gal ah in waalidka gabadhiisa ama wiilkiisoo  qaawan baraha bulshada ku arkaahi uu xanaaq isla madax maro oo uu ilmaha gowraco ama ciddii wax ka duubtay kurka ka jaro oo talo faro ka haaddo, nabad iyo nasiinona ay geed dheer fuulaan.

Haddaba si falal-xumadan loo joojiyo waxaa dowlad iyo dadweyneba inala gudboon inaanu fadhiga ka kacno oo da’yar iyo duqayba u guntanno sidii aanu arrintan wax uga qaban lahayn, wadaadada iyo wax-garadkuna ay sidii xumaantan looga dhiidhin lahaa u tafa-xaytaan.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

HALISTA QANIINYADA KANEECADA DHIDDIG!!

Qaniinyada kaneecada dheddig ee loo yaqaano anaface oo sababta viroska plasmodia oo dhaliya malleriya ama duumada ayaa weli qubarada cilmiga caafimaad ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago mallaariyada.

Waxa la ogaaday in kaneecada qabatintay dawooyinkii hore sida suntan DDT, Bifbaafta, insectside iyo famakiin.

Inkasto Qaaradda Yurub si weyn looga ciribtiray in ay Taranto kaneecada, waxa dhinac kale Qaaradda Afrika ayey si baahsan uga jirtaa, kaneecadu oo ka dhalata biyo fariinsiga ayaa loo baahan yahay in la buufiyoo islamarkaana la dayactiro harooyinka, webiyada, balliyada.

Ururka Cafimaadka Adduunka(oms/who) ayaa daraasad ku ogaatay in kaneecadu qabatintay kaniinkii kallorakuwiinta, sidaa daraadeed kaniinka dabargoynta ayaa ah mid ilaa iyo hadda la isticmaalo, haddii si wacan oo talada dhaqtarka loo qaato badanaa waa lagu caafimaadaa.

Sannad kasta ayaa la sheegaa in cudurka mallaariyada ay u dhintaan in ka badan malaayin qof. Khatarta Cudurka Duumada ayaa looga gashaaman kara in la qalajiyo meelaha ay biyuhu fariistaan.

Haddaba, Istacmaal maro kaneeco ama sansiyiire, Iska dabool weelasha biyaha lagu keedsado. Marka aad isku aragtid murqo xanuun, xumad darran, Af qaraar iyo xubnoxanuun si dhaqso ah ula xiriir dhaqtarka kugu dhow.

Ogow inta ay la egtahay heerka nooca duumada hal karoojo 2karoojo 3karoojo, taaso ku sahleysa daweynta cudurka. Mar kasta raac talada dhaqtarka taqasuska u leh ee ku xeel dheeraaday daaweynta cudurka duumada.

iska jir oo ha ku gadsoomin kuwa shilin doonka ah ee ku dhahaya waan daadshay wax walba, sida taqtarka sheegta daaweynta cudurrada guud.

ka ilaali ciyaalka qaniinyada kaneecada goorta la gaaro seexashadooda oo sariirta ugu xir maro kaneeco gurigana kasoo buufi, kana soo xir kaneecada si aysan mar kale hoos uga xaluulan.

Marka ay da’ayaan roobabka, markii la gaaro maqribyadii guriga waa inaad ku soo uumisaa ama ku qaacisaa sheyga loo yaqaanno qori qundaha si ay uga soo cararto kaneecada uumigaas faraha badan, intaas ka dib soo buufi oo xir.

Ogoow: ka hortagga ayaa ka fiican Daaweynta cudurka.

WQ: (Fanax)

Cali Jeyte ” Carruurta la qalday ee khawaarijtu waxay ku dhimanayaan been,”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, guulaha la taaban karo ee laga gaaray iyo marin habaabinta dhalinyarada ay Khawaarijtu qaladay.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in deegaano badan laga saaray Khawaarijta oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in goobaha fara ku tiriska ee hadda ay ku harsan yihiinna lagu wajahan yahay.

Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa qiray in waxa ay ku dhimanayaan carrtuurta la qalday ee Khawaarijta u dagaalama ay been u sheegeen, kuwii soo dirayna ay dan gaar ah ka leeyihiin.

“Carruurta ay qaldeen khawaarijtu waxay ku dhimanayaan been, aaway kuwii soo diray ee jannadda u sheegay,  Shayaadiintu wey ogyihiin waxay sheegayaan oo dhan in ay been tahay, ilmaha yar yar ee xaafadaha laga soo uruuriyey ee aan diinta wax ka aqoon ee beeraha iska falanaya ama geella ilaalin jiray quraafaad ay u sheegeen ayey ku dhimanayaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Mr. Jeyte ayaa tilmaamay in horjoogayaasha Khawaarijta ay yihiin beenaalayaal meesha u joogo dan gaar ah, carruurtoodana u ogoleyn in ay dagaalamaan, kuna nool yihiin dibadaha, waxna ku baranayaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Odayaasha dhaqanka KG kala hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira kulamadii kala duwanaa ee uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha amniga Koofur Galbeed ayaa maanta la kulmay golaha malaaqyada dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo midda bulshada.

Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa guddoomiyaha golaha shacabka uga mahadceliyey sida uu waqtiga badan ugu bixinayo sidii bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadan ay heshiis nabadeed u wada qaadan lahaayeen, iyagoo adkeeyey in ay hormuud ka noqon doonaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen markale inay kulan looga hadlaayo gogol nabadeed oo dan u ah dadka reer Koonfur Galbeed, muhiimna ay tahay in laga wada heshiiyo madmadowga ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada.

          

MSF oo Hirshabeelle kala shaqeyneysa horumarinta adeegyada caafimaadka

Wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Khaliif, wasiir dowlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyey wafdi ka socday hay’adda dhakhaatiirta aan Xuduuda lehayn ee (MSF), shirna kula qaatay xarunta wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa qiimeyn iyo kormeer ku tagay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar, ayagoo u kuur galay xaaladda bukaanada iyo guud ahaan shaqada ka socota isbitaalka, sidoo kale, wafdiga ayaa booqday xarumo ay degan yihiin dad barakacayaal ah.

Shirka ay qaateen mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo wafdiga Hay’adda MSF ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee ay wasaaradda siiso bulshada Hirshabeelle.