Waddanka Afgaanistaan oo u dabaal degay Baabuurkii koowaad ee lagu Sameeyo Gudaha Dalkaas

Waddanka Afgaanistaan ayaa u dabaal degay baabuurkii koowaad ee lagu sameeyo gudaha dalkaas kaas oo guul laga gaadhey.

Gaarigan oo ah nooca Ciyaaraha ayaa dhowaan shaaqadiisa la dhammeeyey ka dib shan sano oo hawshiisu socotay.

Waana baabuur midab ahaan madow ah oo ay gacantooda ku sameeyeen farsamo yaqaanno u dhashay dalka Afgaanistaan.

Shaqaalaha baabuurkan sameeyey ayaa la sheegay in aanay wax mushahara qaadan intii ay hawshu socotay.

Xukuumadda Daalibaan ee dalkaas ka talisa ayaa si weyn u boogaadisay kooxdii hawshan qabatay. Iyada oo baabuurkan gardaadin loogu sameeyey jidadka magaalada caasimadda ah ee Kaabul.

Baabuurkan ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqan doono bandhiga baabuurta ee gunaanadka sannadkan ka dhici doona dalka Qatar.

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogaga difaaca shacabka ayaa howlgal qorsheysan kula la wareegay deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xorreynta Ceel-bacad oo dhaca xuduuda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Jen. Caanood ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in khawaajijta oo ku soo jabay deeggaano badan, ogaana in guluf ciidan ku soo wajahan yahay inaysan ku hakan deegaanka Ceel-bacad, waxaana uu tilmaamay in ka hor ay shacabka dhibaato badan ku hayeen balse haatan laga dulqaaday.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in howlgaladdu ay si xowli ah u socdaan, lagana xorreynayo deeggaanka walba oo ay ku suggan yihiin kooxda khawaarijta

Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida oo dil toogasho ah ku xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

Maxkamadda Ciidamada sida ayaa maanta Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Urur ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kaas oo lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta.

Barkhadle oo Da’diisu tahay 53 jir ku dhashay degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa hay’adaha amnigu soo xireen 19 November sanadkii tegay.

Illaa 27 qof ayaa inta xaqiijiyay ee Diiwaan Dowladda galay ku dhintay Qaraxyo uu dhigay goobo dadweyne.

Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo ka qeyb-galay doodda tallo-wadaag oo looga hadlayay kaalinta dhalinyarada ee dowlad

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qeyb-galay doodda tallo-wadaag oo looga hadlayay kaalinta dhalinyarada ee dowlad dhiska iyo horumarinta dalka.

Doodda tallo-wadaag oo qayb ka ahayd kulanka wadatashiga dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha iyo qaybo ka mid ah ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaagay doorka dhallinyarada ee horumarka dalka iyo dowlada wanaagga.

Doodda tallo-wadaag oo ay soo agaasinray wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaraaha ee XFS ayaa waxaa ka qeyb-galayXildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka ee BJFS, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo in ka badan 200 oo dhalinyaro ah.

waxaana looga dooday kaalinta dhalinyarada ee dowlad dhiska gaar ahaan Marxaladdan kala guurka ah ee la rajaynayo in dalka la xorreeyo lagana hirgeliyo doorasho toos ah oo dadka Soomaaliyeed ay ka wada qayb-galaan.

Wasiir Maxamed Barre iyo dhammaan Xildhibaannadii doodda ka qayb-galay ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay iskaashadaan oo muujiyaan isku duubni si ay uga mira-dhaliyaan qorshaha dhalinyarada ee hogaaanka dalka iyo qorshaha guud qaranka.

Khawaarijta oo laysay xoollo ay lahaayeen dad reer guuraa ah

Beledweyne Kooxda Arxanka daran ee Khawaarijta ayaa in ka badan 300 Neef oo Ari ah ku xasuuqday deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo, taas oo ay aad ula yaabeen dadka xoolahaas iska lahaa, waxaana sababta ay sidaas u sameysay lagu sheegay isku day weerar ay qorsheysay oo laga war helay.

Qof deegaanka ah oo aan la hadalnay ayaan ka soo xiganeynaa “Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin.”

Sida ay ogaatay Warbaahinta Qaranka, kooxda ayaa qorsheyneysay in ay weerarto Ciidanka deegaanka oo ku sugnaa deegaanada u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo, waxaase ilaahay fashiliyay isku daygoodii, waana laga war helay, taas ayaa u cuntami weysay ka dibna waxaa ay si ku tala gal ah u laysay xoolihii shacabka.

Wararka Caalamka Ruushka oo taliye cusub u magacaabay ciidamada ka jooga Ukraine

Madaxda Ruushka ayaa u magacaabay General Valery Gerasimov inuu hogaamiyo dadaalada dagaalka ee ka dhanka ah Ukraine,kadib kolkii xilkaasi laga qaaday Sergei Surovikin, seddex bilood ka dib markii loo xilsaaray inuu kormeero waxa Moscow ay ugu yeertay “howlgal militari ee lagu qaaday Ukraine.

Kooxda Wagner ayaa sheegtay in ay qabsadeen dhammaan magaalada Soledar ee dhacda bariga, waxayna dileen ilaa 500 oo askari oo Ukraine ah kadib dagaal culus,hasa yeeshee Ukraine ayaa beenisay in magaalada ay gacanta u gashay Ruusjka, waxayna sheegtay in dagaalku uu sii socdo.

Guddoomiyaha Donetsk Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in la daadgureeyo 559 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah ,kuwaas oo ku haray Soledar dagaalka socda awgeed.

Wasaaradda Caafimaadka ee XFS oo ka digtay isticmaalka labo daawo oo sharoobo ah

war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee XFS ayaa lagu sheegay inay wasaaraddu heshay digniino caalami oo la xariira dhibaatada Labo daawo oo sharoobo ah oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Hoose ka akhri warbixinta ka soo baxday wasaaradda Caafimaadka:

Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada XFS  gaar ahaan qeybteeda maareynta daawada ayaa waxay heshay Digniino Caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto  shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Wasaaradda Caafimaadka ma xaqiijin karto in Dawooyinkaas Dalka Yaalaan, laakiin ayadoo laga duulayo masuuliyada Wasaaradda ka saaran ilaalinta badqabka Caafimaad ee Muwaadiniinta Dadkeena  waxay ogeysiinaysaa qodobada hoose.

  1. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.
  2. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
  3. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka.

Fadlan Fariintaa la wadaag oo gaarsii bulshada inteeda kale si’aan u hubino badqabka Dadkeena.

FG:

Fadlan halka hoose ka akhriso Faahfaahinta Macluumadka aan helnay.

 

Shacabka Muqdisho iyo madaxda dalka oo maanta ka qeyb-galaya Daah-furka kacdoonka Muqdisho

Shacabka ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa saaka u diyaar garoobaya ka qeyb galka daahfurka kacdoonka Muqdisho ee lagaga soo horjeedo kooxda caadeesatay dhiiga dadka ee Khawaatijta Al shabaab oo maanta ka dhici doona garoonka Eng. Yariisow ee Dagmada Cabdicasiis.

Isu soo baxaan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah, maamulka gobolka Banaadir  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Caasimada, iyadoona dadka reer Muqdisho ay ku muujin doonaan dareenkooda caasimad nabad iyo baahida ay u qabaan in Khawaatijta laga xorreeyo dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka jeedin doono khudbado ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhanka ah ah Al-Shabaab iyo sida looga adkaan karo, iyadoo dowladdu ay soo bandhi doonto muhiimada ay leedahay in loo midoobo kooxda khawaarijta ee ka been sheegta diinteenna Suuban si loo cirib-tiro.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka ayaa guud ahaan dalka ka wada dagaalo iyo kacdoono ka dhan ah khawaarijta ee dalka looga xorreyno kooxda dhiig-miiratada ah, Iyadoo gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo guuleystay oo khawaarijta looga xorreeyay magaalooyin badan bilihii la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Berri iyo xubno kale oo muhoom ah ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee fadhiheedu yahayy magaalada Qaahira ee Dalka MAsar.

Booqashadaan oo la xiriirtay u kuur-galidda xaaladda iyo habsami-u-socodka howlaha safaaradda,waxa ay halkaasi warbixin kaga dhageysteen danjire Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar iyo shaqaalaha safaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadlay soo dhoweynta kadib ayaa howlwadeennada safaaradda uga mahadceliyay dadaalka iyo waajibaadka qaran ee ay u hayaan dadka iyo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadaasi ku wehlinaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Absher Cumar, iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo kulan la qaatay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann.

Wasiir Ismaaciil iyo safiirka ayaa kawada hadlay qodobo ay ka mid yihiin dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Midowga Yurub ee mashaariicda dhismaha ee ay waddo wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS.