Mid kamid ah khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Buulo-burde January 13, 2023

Cabdi Xasan Qooreey oo ka mid ahaa kooxaha khawaa ayaa isu soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo ciidamada dowladda,isla markaana uu qeyb ka noqdo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta.

Dhinaca kale,Guddoomiyaha Degmada Bulo-burdeXasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo laabta fikirka khawaarijta uu xaq u leeyahay in la soo dhoweeyo

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in laga faa’ideydto fursadaha ay dowladdu ugu yaboohday dadka doonaya in ay ka soo baxaan khawaarujta

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo booqday cisbitaalka Degmada Balcad

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Siraaji Sheikh Isaxaaq Cabdulle iyo xubno kale ayaa kormeer howled ku tagay xarunta Cisbitaalka Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigaan oo ka joobnaa labada gole ee Hirshabeele,waxaa halkaasi ku soo dhoerryay Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo ka warbixiyay xaaladda degmada iyo adeegyada ka jira cisbitaalka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka Hirshabeelle iyo xubnihii kale ee booqday cisbitaalka,waxa ay ka warameen muhiimadda xaruntaasi iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto baahiyaha guue ee ka jirta cisbitaalka.

Madaxdaasi waxa ay u mahad celiyeen Hey;adda SYS,waxayna dhinacooda sheegeen in maamul ahaan ay wax badan u qaban doonaan bulshada degmadaasi.

Ciidanka Puntland oo dilay madaxii hawlgallada Daacish ee Gobolka Bari

Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ciidamada maamulkaasi ay dileen Abu-Albara Al Amani oo ahaa madaxii hawlgallada Daacish ee gobolka Bari iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa kooxdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaadeen saldhiga degmada Balidhidin ee gobolka Bari.

Booliska Puntland ayaa sheegay in ninkaasi uu ka soo jeedo gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxayna intaa ku dareen in Abu Albara Al Amani uu dad badan oo Itoobiyaan ah ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish.

Bishii July 2021 ayaa Abu Albara loo magacaabay madaxa hawlgallada Daacish, kaddib markii la dilay madaxii hore ee hawlgallada kooxdaas Abuu Waliid Al-muhaajir ,kadib markii uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu xusay qoraalka Booliska Puntland.

weerarka ay Daacish ku qaadday saldhiga degmada Balidhidin waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh “ Argagixisada Al-Shabaab waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed iyagiina waa diideen”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Alshabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna.

“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

          

Madaxweyne Xasan Sheekh ” Khawaarijta Waa Kalluun biyahii ay ka gureen, Kalluuna haddii ay biyaha ka guraan waa dhimasho “

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kumanaan shacab ah kala qeyb-galay banaanbaxa Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta ee ka dhacay garoonka Eng. Yariisow ayaa jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro argagixisada & guulaha laga gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Khawaarijta ay yihiin Kalluun biyahii ka dhamaaday oo ay marayaan heer gabo-gabo ah, isaggoo ugu baaqay dadka ku nool gobolka Banaadir inay ka qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtiriyo Argagixisada, ayna kasoo saaraan guryahooda.

” Dadka gobalka Banaadir ku nooloow Khawaarijta dharkiina ka hurgufta, kasoo saara guriyihiina, si dhexdiina aysan ugu dhuuman, Waa Kalluun biyahii ay ka gureen, Kalluuna haddii ay biyaha ka guraan waa dhimasho, way dhinteen Al Shabaab. ”

ayuu yiri Madaxweynaha JFS.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigi doonto Akoono iyo xisaabaad lacagaha loogu kala diri jiray Khawaarijta, islamarkaana lala xisaabtami doono Bankiyo ku leh arrintaasi, talaabana laga qaadi doono.
” Dowladda Soomaaliya waxay soo bandhigi doontaa Akoono iyo xisaabaad lacagaha loogu kala diri jiray Khawaarijta, bangiyo badan oo ku lug lehna dowladdu way la xisaabtameysaa, tallaabo ayeyna ka qaadi doontaa. ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Howlaha guud XFS oo kulan la qaatay Danjire Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo kulan gaar ah la qaatay Danjire Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André ayaa kala hadlay kaalinta uu Mareykanku ka qaadan karo in deegaanada laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab laga fuliyo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo meelaha qaar oo looga baahan yahay gargaar bini’aadannimo.

Wasiirka Waxbarshada XFS oo Heshiis waxbarasho la saxiixday dhigiisa dalka Masar.

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid ahaa wafdigii RW Xamse Cabdi Barre ee booqashada rasmiga ah ku tagay dalka Masar, ayaa heshiis iskaashiga waxbarashada ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Dalka Masar, Dr. Ayman Caashuur.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa yiri “Anigoo ka mid ahaa wafdigii RW Xamse Cabdi Barre ee booqashada rasmiga ah ku tagay dalka Masar, waxa aan heshiis iskaashi waxbarashada ah la saxiixday Wasiirka Tacliinta Sare ee Dalka Masar, Dr. Ayman Caashuur”.

Dowladda Masar waxa ay kamidtahay dowladdaha saaxiibka la’ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona qeexo waxbarasho iyo taakullo Ka geesata dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kumanaan shacab ah kala qeyb-galaya banaanbaxa Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb-galaya banaanbaxa Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta ee hadda ka socda garoonka Eng. Yariisow.

Goobta banaanbaxa uu ka socda waxaa ku sugan kumanaan Shacab ahoo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka go’an tahay dagaalka Khawaarijta, islamarkaana doonaya inay ka qeyb qaataan kacdoonka looga soo horjeedo Argagixisada.

Shirka golaha wasiiradda oo warbixin looga dhageystay wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedyo kala duwan

Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Brazil oo iska kaashanaya baaritaanka weerarkii baarlamaanka Brazil

WASHINGTON/BRASILIA – Kaaliyayaasha sharci-dejiyayaasha Maraykanka ee ka tirsan guddidii baadhaysay weerarkii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka ayaa wadahadal hor-dhac ah la yeeshay baarlamaanka dalka Brazil, iyaga oo doonaya in la iska kaashado, baadhitaan lagu sameeyo, mudaharaadayaashii qabsaday aqalka baarlamaanka ee Brazil. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay laba qof oo arrintan si dhow ula socday.

Mudaharaadayaashaas ayaa ugu baaqayey milateriga dalkaas inay inqilaab ku sameeyaan madaxweynaha Brazil.

Bennie Thompson oo ka tirsan aqalka wakiillada ee Maraykanka oo guddoomiye ka ahaa guddidii dhowaan la kala diray ee baadhaysay dhacdadii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka sannadkii 2021, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha Congresska ee xafiiskoodu uu ku hawlan yahay wadahadalada lala sameeyey baarlamaanka Brazil.

Guddoomiyaha aqalka Senateka ee dalka Brazil Rodrigo Pacheco ayaa isaga laftiisu wuxuu fikradda ah in macluumaadka la isweydaarsado kala hadlay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka ee ku sugan dalka Brazil, sida laga soo xigtay qof saddexaad oo arrintan xogogaal u ah.

Wararka laga helay Pacheco ayaa sheegaya in sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Brazil Douglas Koneff, inuu soo dhoweeyey aragtida ah in la wadaago macluumaadka.

Xafiiska Pacheco iyo safaaradda Maraykanka, midna kama jawaabin warkan.